AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Fatwada Firqooyinka Buugta Xiriirin
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa
jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada,
Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste taageer "ahlusunnah wal jamaacah". Taageeradaada waxaa loo adeegsandoonaa "arrimaha dacwada" oo kaliya. Mahadsanid.

  1. FATWO KU SAABSAN KHAWAARIJTA AL-SHABAAB EE GOBALADA JUBBA DAGAALKA KA WADA
    Bismillaahi, wal-xamdu lillahi, walaa cudwaana illaa caladdaalimiin. Intaa kadib, walaalayaal waxaa maalmahanba dagaal qaraar ku dhexmarayay goballada koofureed ee dalka Soomaaliya, xoogagga Ahlusunnah wal Jamaacah iyo Khawaarijta al-Shabaab, dhallinyaro badan ayaa su'aalo inaga soo waydiisay xaaladda halkaas ka aloosan, gaar ahaan xukunka sharciga ah ee uu leeyahay qofkii ay qabtaan xoogagga Ahlusunnah, ee ay ku caddaato si shaki la'aan ah in uu ictiqaadsanyahay caqiidada fasahaadsan ee wahhaabiyada, ahaana ama uu yahay qof taageersanaa kooxdaas fallaagada ah. Qofkaas ma la dilayaa? dilkiisu ma bannaanyahay, ma xaq baa mise maya? Mise waa la tacsiirayaa?

    Su'aalahaas ayaa maalmahan dhallinyaro badan i soo waydiisay, marka aniga oo aan hadalka dheerayn ayaan jeclaystay in aan si kooban uga jawaabo su'aashaas, maadaama aan hadda ka hor ku ballaarshay daraasaadka kooxahaas wahhaabiyada iyo xukunkooda webkan.

    Marka waxaan leeyahay, bisinka Ilaahay ka dib, xukunka sharciga ah ee ku wajahan ninkii khawaarijta al-shabaab taageersan ee la qabto ama siyaasad ahaan ha u taageersanaado ama caqiido ahaan ha u taageersanaadee, xukunkiisu waa dil, dhiiggiisuna muxtaram ma aha ee waa mahduur, maxaa yeelay kooxdaas kufrigooda shaki kuma jiro sidii aan hadda ka hor u caddeeyay. Shareecada Islaamku waxay caddaysay in qofka qaadicu-dariiqa ah, haddii uu dadka dilo, oo cabsiiyo, oo xoolaha boobo, la dilayo oo la deldelayo, maydkiisana haadda loo warayo.

    Khawaarijta iyo qaadicu-dariiqu, aad bay u kala fogyihiin, qaadicu dariiqu waxaa laga yaabaa in uu muslim yahay, sidaa ay tahay looma cudur daarin, ee culumadu waxay isku raacsanyihiin in la dilayo. Al-shabaab xaalkoodu intaas wuu ka sii fogyahay, qaadicu-dariiqnimo iyo kufri ayay kulmiyeen, sidaa darteed, waxaan ugu jawaabayaa dhallinyarada su'aasha isoo waydiiyay in qofkii la qabto ee ay ku caddaato in uu taageersanyahay ama taageersanaan jiray al-shabaab xukunkiisa sharciga ah uu dil iyo deldelaad yahay, aanna lagu duugayn qabuuraha muslimiinta maydkiisa.

    Tacsiirta aad sheegteen, horta waxaa la tacsiiraa dambiyada yaryar ee dambiyada sida dilka iyo qaadicu-dariiq dadka dilay lama tacsiiro. Marka wax tacsiir la yiraahdo ma jiraan, ninkii khawaarijtaas ka mid ah ama raacsan ama taageersan ama ku caqiido ah xukunkiisu waa dil toogasho ah iyo deldelid. Wallaahu waliyo at-tawfiiq. Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed. Taariikh: - Saturday, 30/4/2011. at 20:43:24 (CDT)


  2. Jawaab: Dambi intee la eg baa ku jira haddii aanan guurkayga raalli ku ahayn?
    Assalaamu calaykum: Walaal Zihaam, wax dambi ah kuma jiraan haddii aadan guurkaaga raalli ku ahayn, waxaadna xaq u leedahay in aad furriin waydiisato haddii aad haysato xujo sharci ah oo shareecadu aqoonsantahay.

    Haddii aad guursatay markii hore sow raalli kama ahayn? Haddii aad ka ahaydna maxaa hadda isbedelay? haddii ay wax isbedeleenna maxay yihiin? ma wax sharcigu aqoonsanyahay oo sabab ah baa mise waa wax kale? Haddii sharcigu aqoonsanyahay furriin baad waydiisanaysaa xaq baadna u leedahay.

    Haddii aadan markii horeba guurka ka raalli ahayn, ee lagugu khasbay, dabadeedna aadan ku qancin qofkii lagugu khasbayna xaq baad u leedahay in aad furriin waydiisato.

    Haddii aad su'aashaada ka waddo, in aan guursado ayaan raalli ka ahayn! taas culumadu waxay ka dhaheen in guurku saddex xaaladood leeyahay: Mid waajib ah, oo ah haddii qofku guurka u baahdo uuna awoodo. Iyo Mid sunno ah oo ah haddii qofku aaanuu u baahnayn guur laakiin uu awoodo. Iyo Mid makruuh ah oo ah haddii qofku uusan awoodin una baahnayn.

    Marka waxaan rejaynayaa in aad marka soo socda su'aasha si faahfaahsan u soo qorto si aan jawaab fiican uga bixino.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, March 27, 2007 at 20:43:24 (CDT)
  3. Su'aal: Dambi intee la eg baa ku jira haddii aanan guurkayga raalli ku ahayn?
    asalaamu aleykum, wallaalayaal waxaan rabaa in la iiga jahil bixiyo danbi in tee leg baa ku jira hadii aanan guurkeyga raali ku ahayn
    zihaam <safiyacad>
    - Tuesday, March 27, 2007 at 20:35:56 (CDT)
  4. Jawaab:Qof Ahlusunno isku sheegaya oo aanan sunnada raacayn muxuu yahay?
    Assalaamu calaykum: Walaal, marka hore waxaad ogaataa in surwaalka dheeraysashadiisa iyo gaabsigiisu aanay wax xiriir ah la lahayn magaca ahlusunnah wal jamaacah.

    Sida aad ogtahay dharka gaabsigiisa iyo dheereysigiisu waa arrin ku xiran hadba qofka dookhiisa wax xiriir ahna lama laha magaca ahlusunnah.

    Kooxda Itixaadka ama wahhaabiyada ayaa waxay ku andacootaa in surwaalka gaabsigiisu calaamad u yahay ahlusunnada, taasina waa been ay taariikhda ka sheegayaan iyo diinka intaba, mana jirto meel ay kutubada cilmiga ku qoranyihiin waxaasi.

    Intaas kadib, qofku haddii uu ahlusunno sheeganayo waa in uu ku camal falo sunnada nabiga nnk, macnaha waa in uu ahaado qof muslim ah oo toosan oo caqiidadiisu saxantahay kuna camalfalaya shareecada Islaamka Sunnadii nabigana nnk dhowraya.

    Arrinkaasna waxaa laga ogaan karaa kutubta culumada Islaamku qoreen. Marka ahlusunnah waa magac loo yaqaan dadka haysta caqiidadii ay salafka ka soo weriyeen culumada Islaamku siiba Imaam Ashcari iyo Imaam Maaturiidi iyo culumada afarta mad-habadood ee Islaamka sida Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Imaam Axmad.

    Mad-habtaas ayaa loo yaqaan mad-habta ahlusunnah wal-jamaacah sida Imaam az-Zabiidi ku sheegay kitaabkiisa Itxaaf sadat al-Muttaqiin.

    Marka kooxo habowsan ayaa maalmahan dambe soo baxay oo sheeganaya in ay ahlusunno yihiin, runtiina aanan ahayn ahlusunno, ee doonaya in ay dadka ku khayaamaan magacaas si dadku u soo raaco mad-habtooda habowsan, kooxahaas waxaa ugu caansan kooxda Wahhaabiyada iyo Ittixaadka soomaalida iyo Ikhwaanka iwm.

    Marka intii Muslim ah waxaa ku waajib ah in ay ka fogaadaan kooxahaas iyo fikirkooda habowsan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, March 27, 2007 at 20:33:34 (CDT)
  5. Su'aal: Qof Ahlusunno isku sheegaya oo aanan sunnada raacayn muxuu yahay?
    Assalaamu Calaykum shiikh waxaan ku waydiinayaa su'aal ah: maxay diintu ka qabtaa in aan isku tilmaamo ahlu sunnah wal jamaaca oo aan surwaalka dheereeysto, oo aanan raacin sunnada nagigeena naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee?
    axmed khayr <khayre30>
    - Tuesday, March 27, 2007 at 20:22:45 (CDT)
  6. Jawaab: Haddii Imaam Cali kufrin diiday khawaarijta, maxaa adinku u kufrinaysaan wahhaabiyada?
    Assalaamu calaykum: Walaal Maxamad, waan ogahay in qowlkaas laga soo weriyay Imaam Cali allaha ka raalli noqdee. Laakiin annagu kooxaha aad sheegtay oo dhan kufri kuma xukumin. Waxaan dhahnay wahhaabiyada aaminsan tashbiiha iyo tajsiimka waa kufaar. Ikhwaanka iyo kooxaha kale ee aad sheegtay sida tabliiqa annagu ma aanan kufrin, mana dhihin waa gaalo.

    Sikastaba ha ahaatee, kooxda Ikhwaanka qaar ka mid ah ayaa jira oo raacsan caqiidada wahhaabiyada, marka kuwaasi ayaga ayay ku xukun yihiin, sidoo kale tabliiqa qaar raacsan wahhaabiyada ayaa jira oo caqiidada wahhaabiyada haysta, ayaguna wahhaabiyada ayay ku xukun yihiinn.

    Kufriga Wahhaabiyada maxaa keenaya?
    Waxaa kufriga kooxdan keenaya dhowr qodob:
    1. In ay ummadda Islaamka ah oo dhan kufrinayaan, taasina sida culumadu caddaysay waa kufri. Waxaan ka soo naqliyay ijmaaca culumada muslimiinta al-Qaadii Cayyaad, oo ku caddeeyay kitaabkiisa "ash-shifaa" wuxuu yiri: "waxaa culumadi si ijmaac ah u dheheen in la kufrinayo qofkii yiraahda eray uu ku doonayo in uu umadda ku kufriyo ama uu ka wado in ay lunsantahay, waxaana taas la mid ah qofkii fala fal ay muslimiintu -macnaha culumada muslimiinta- guud ahaan u arkaan in uu yahay fal aan qof aan kaafir ahayn ka soo fulayn".

    Marka walaal, waad ogtahay in Ibn Cabdulwahhaab oo ah ninkii keenay wahhaabiyada uu yiri: 600 oo sano wax diinta fahmay oo aan aniga ahayn ma jiraan, macnaha muslimiintii noolayd qarnigii 4aad ilaa qarnigii 11aad ee hijriyada kufaar bay ahaayeen ayuu ka wadaa!! Nacuudu billaahi.

    Marka ardaydiisa maanta joogta dhammaantood sidaas ayay aaminsanyihiin. Taa daaye waxayba aaminsanyihiin in ummadda muslimka ah oo maanta joogta intaan wahhaabiyada ahayn ay kufaar yihiin, marka qofkii sidaas aaminsan si ijmaac ah ayay culumadu u kufriyeen.

    2. Midda labaad, horey ayaan dhowr jeer u sheegay, wahhaabiyadu waa laba nooc, qaar waa madaxdooda difaaca mad-habtooda lunsan, oo aaminsan waxyaabo kufri ah sida tashbiiha iyo tajsiimka iyo kufrinta umadda islaamka iwm, marka kuwaas kufrigooda shaki kuma jiro, waana kuwaas kuwa aan u jeedno kolka aan leenahay wahhaabiyadu waa kufaar.

    Kooxda kale waa caamadooda, waana dad aanan wax ogayn oo iska daba socda wahaabiyada oo u malaynaya in ay mad-hab toosan oo Islaam ah tahay. Kooxdan dambe waa loo digayaa, in kasta oo aanan kufriga jahli loogu cudurdaarayn, hadana waxaa loo eegayaa asalkoodii maadaama ay markii hore ahaayeen muslimiin xaalkoodu waa sidii nin riddoobay, marka horey laga kufrin maayo ee waa loo digayaa oo la ogaysiinayaa in waxaasi kufri yihiin. Waxaaba laga yaabaa in aanay usuusha kooxda aqoon ama aanay aaminsanayn waxa madaxda kooxdaasi aaminsantahay. Waa sidii muctasilada, dad badan ayaa sheegan jiray in ay muctasilo yihiin laakiin runtii ma ahayn kuwo aaminsan usuusha kooxdaas, marka kuwaas la kufrin maayo ilaa laga hubsado waxa ay ictiqaadsanyihiin.

    Khayr baan kuu rejaynayaa. - Tuesday, March 06, 2007 at 19:33:00 (CST)
  7. Su'aal: Haddii Imaam Cali kufrin diiday khawaarijta, maxaa adinku u kufrinaysaan wahhaabiyada?
    asalaamu caleykum walaal waxaan ku weydiinayaa hadii cali (r.c) la weeydiiyay khawaarijdu ma gaalaa? kuna jawaabay maya, waa walaalaheen nagu xad dhaafay.

    maxaa keenay inaad tiraah did adigu salafiinta iyo wahaabida ama akhwaanida ama tabliqiinta waa gaalo? Anigu waxaan rabaa un inaan wax maslixiyo. Wasalaamu caleykum
    mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, March 06, 2007 at 19:33:00 (CST)
  8. Jawaab: Naagta imaamka ah quraanka kor ma u akhrin kartaa?
    Assalaamu calaykum: walaal ayaan, naagta codkeedu cowro ma aha, ama quraan ha akhriso ama hadal caadi ah ha ahaado ama salaad ha ku jirto ama yaanay ku jirin, intaba naagtu waxay xaq u leedahay in ay codkeeda ama kor u qaaddo ama hoos u dhigto hadba sida danteeda iyo maslaxadeedu ku jirto.

    Marka wax daliil ah looma hayo in naagta codkeedu cowro yahay, sidaa darteed, haweenayda waxaa u bannaan in ay codkeeda kor u qaaddo ama hoos u dhigto. Asaxaabta ayaa Caa'isha allaha ka raalli noqdee ka dhegaysan jiray xaddiiska, codkeedana kor ayay u qaadi jirtay markii ay doonto, marka taasi waxay caddaynaysaa in aanan haweenka codkoodu cowro ahayn.

    Marka walaal, haddii aad jamaaco salaad ku tukanaysaan gabadha imaamka ah quraanka iyo takbiirta iwm kor ayay u akhrinaysaa haddii salaaddu jahri tahay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, March 08, 2007 at 20:20:59 (CST)
  9. Su'aal: Naagta imaamka ah quraanka kor ma u akhrin kartaa?
    Sheik salaada jamaacada ee naagaha isku xirtaan naagta imaamka ah codka ma koray u qaadaysaa mise hoos ayey u aqrinaysaa quraanka.
    ayaan <ayaan>
    - Thursday, March 08, 2007 at 20:13:48 (CST)
  10. Su'aal: Tawxiidku muxuu yahay? Wahhaabiyada iyo Ahlusunnada sidee loo kala yaqaan? Imisa towxiid ayaa jirta ma saddex baa mise way ka badanyihiin?
    Assalaamu calaykum: walaal haddii aan su'aalahaaga ka jawaabno waxaan leenahay:

    1. Towxiidku waa mid kaliya sida diinta Islaamka ku cad oo Nabigu nnk inoo sheegay, bidcada towxiidka saddexlaha ahna wahhaabiyada ayaa nasaarada ka baawsatay.
    Marka walaal towxiidka Ilaahay soo dejiyay ee Nabigu nnk uu ummadda baray waa mid kaliya oo ah in aad Ilaahay jiritaankiisa qirato, Nabiga Muxamad ah risaaladiisana actiraafto waxaana nabigu ku soo koobay (Laa Ilaaha Illa laahu, Muxamaddun Rasuulullaahi).

    Marka walaal sida xaddiiska saxiixa ah ku cad ashahaatinku waa kaas, towxiidkuna waa kaas, mid kalena ma jiro, ninkii saddex towxiid la yimaada waxaan leenahay nasaarada diinteeda waaye taasi ee Islaam shaqo kuma laha.

    2. Wahhaabiyo iyo Ahlusunno waa sidi kutub iyo kolay, kutub iyo kolayna isuma eka walaal.
    Wahhaabiyo walaal waxaa aasaasay maxamad bin cabdulwahhaab mar hadda saddex boqol oo sano qiyaastii laga joogo, waana mad-hab aanan islaamka meelna ka soo gelin, diinta Nasaarada iyo midda Yahuudda ayay ka farcantay ee islaamka kama farcamin, kutubta taariikhda ayayna ku caddahay taasi. Ahlusunno waa umadda Islaamka ah oo dhan intaan shiicada ahayn, ee haysata sunnadii Nabigu nnk ka tegay, marka dhammaan muslimiintu waa ahlusunno, inta aan shiicada ahayn, iyo kooxaha lunsan ee sida wahhaabiyada iyo qaadiyaaniyada iyo duruusta iwm. Marka walaal meesha wax isu eg ma yaallaan kutub iyo kolayna isuma eka, sida soomaaliduba ku maahmaahdo.

    3. Wahhaabiyada sharteeda ka digtoonaada.
    Dhow jeer ayaan muslimiinta uga digay kooxdaas fallaagada ah, ee kufriga ku fogaatay, kitaabka Ilaahay waynaayee iyo sunnada nabigiisa nnk ayay been ka sheegaan oo ku gabbadaan, culumada ahlusunnada oo dhan way isku raacsanyihiin in wahhaabiyadu aanay ahlusunno ahayn, oo ay khufaar mulxidiin ah yihiin, marka qofka caamada ah ee muslimka ah waxaa ku waajib ah in uu cilmiga ka qaato culumada lagu kalsoon yahay ee mujtahidiinta ah.

    Ilaahay ayaa Quraankiisa ku caddeeyay in qofka looga baahanyahay in uu horta cilmiga iyo aqoonsiga Ilaah la yimaado, taasina waa caqiidada, kadibna istoosiyo, taasina waa shareecada.

    Kolka caqiidada iyo shareecada xaggee laga qaadanayaa? kitaabka ayaa inoo caddeeyay iyo xaddiiska Nabiga nnk, waxaa laga qaadanayaa ahlul cilmiga lagu kalsoonyahay, marka uma bannaana qofka caamada ah in uu yiraahdo (wadaaddadii qolo walba qolada kale ayaa khaldan bay leedahay, asiga oo doonaya in uu taas qiil ka dhigto oo diinta sidaas uga tago!!).

    Qofka caamada ah waxaa la faray in uu ahlulcilmiga dhegaysto, ilaahay caqli buu siiyay dadka sikasta oo ay caamo u yihiin, wixii toosan way arki karaan, nin reer miyi ah baa yiri: waligay ma arag wax nabigu faray oo caqligu diidayo, ama wax nabigu diiday oo caqligu farayo, marka qofka caamada ah ahlucilmiga ayuu raacayaa, kuwa uu yaqaan oo uu ku kalsoonyahay oo uu ogyahay in ay dad cilmiga soo bartay oo ku dadaalay yihiin.

    Lama ogola in la iska daba kaco qof kasta oo madaxa cimaamad ku duubta ama gadh joqof ah la baxa ama surwaalka gaabsada, waxyaabahaasina markii horaba diinka calaamad uma ahayn ee wahaabiyada ayaa bidcadaas keentay, dabadeedna dadkii caamada ahaa kufri ku hoggaanshay.

    Ugu dambaystii walaal waxaan rejaynayaa adiga iyo kuwa kula midka ah ee su'aashan in ay wax ka ogaadaan rabay in intaasi ku fillaan doonto, haddii aad faahfaahin u baahataan webkan ahlusunnah waxaa ku jira qoraallo badan oo ku saabsan taariikhda iyo caqiidada wahhaabiyada.
    Sh. Hersi Aw Mohamed <Hersi@2garre.com>
    - Monday, February 05, 2007 at 00:00:47 (CST)
  11. Su'aal: Tawxiidku muxuu yahay? Wahhaabiyada iyo Ahlusunnada sidee loo kala yaqaan? Imisa towxiid ayaa jirta ma saddex baa mise way ka badanyihiin?

    Assalaamu calaykum wr. wbr. Culimada Mashaa'ikh waad slmntihiin sida kor ku xusan. Sln. Ka dib. Waxaan rabaa inaad iga shaafisaan Arrimo dhowr ah.. Midda koowaad 3dexda Towxiid ee wahaabiyadu qabaan... ma yar yihiin 00 tiradii la rabey miyey ka yareeyeeen sida salaada taraawiixda 23ka ahayd 00 11ka ah... Mise waaa badanyihiin... Imisase Towxiid ayaa laga rabaa qofka muslimka ah Tiradooda Saxda ahna waa imisa... Tan labaadna waxaan maqaaalada ka akhristey in culumadiiba midna AHLU-SUNNA yahay midna Wahaabiya yahay Qofka caadiga ah 00 aan waxba aqoon oo caamada ah sidee k u kala saari karaaa...... Illaa midba midka kalaa qaldan ayuu leeyahay annaga kee raacnaa.... Tan 3aadnna.. waa midda Ah Towxiidka Isaga waa maxay Aniga ma fahmin..... ma arrin ka baxsan shanta binul islaam miyaa... iisoo jawaaba Waad mahadsantihiin.... Assalaamu calaykum wr. wbr. Culimada Mashaa'ikh waad slmntihiin sida kor ku xusan. Sln. Ka dib. Waxaan rabaa inaad iga shaafisaan Arrimo dhowr ah.. Midda koowaad 3dexda Towxiid ee wahaabiyadu qabaan... ma yar yihiin 00 tiradii la rabey miyey ka yareeyeeen sida salaada taraawiixda 23ka ahayd 00 11ka ah... Mise waaa badanyihiin... Imisase Towxiid ayaa laga rabaa qofka muslimka ah Tiradooda Saxda ahna waa imisa... Tan labaadna waxaan maqaaalada ka akhristey in culumadiiba midna AHLU-SUNNA yahay midna Wahaabiya yahay Qofka caadiga ah 00 aan waxba aqoon oo caamada ah sidee k u kala saari karaaa...... Illaa midba midka kalaa qaldan ayuu leeyahay annaga kee raacnaa.... Tan 3aadnna.. waa midda Ah Towxiidka Isaga waa maxay Aniga ma fahmin..... ma arrin ka baxsan shanta binul islaam miyaa... iisoo jawaaba Waad mahadsantihiin....
    aroosow <aroosow>
    - Sunday, February 04, 2007 at 23:36:43 (CST)


  12. Jawaab: Ma gaalaa, ciddii gaalada kaashata?
    Assalaamu calaykum: Walaal, gaalada in la kaashado waxba kuma jabna, in lala mucaamaloodana waxba kuma jabna, Quraanka ayaana taas inoo caddeeyay oo ina faray in aan si fiican wax ula qabsano gaalada haddii ay yihiin kuwa aanan cadaw inoo ahayn.

    Dowlada badan iyo madax badan oo muslimiin ah ayaa gaalada kaashaday, kutubta taariikhda ayaana caddaynaysa.

    Dowladda Soomaaliya ma gaalaa?
    Walaal, madaxda dowladda soomaaliya ee maanta jirta gaalo ma aha, gaalana laguma tilmaami karo dadkaas muslimiinta ah, laakiin waxa gaalo ku tilmaamaya waa kooxda wahhaabiyada ee isku sheegta maxaakiimta ee dalka laga cayrshay, sababtuna waa in ay siyaasad uga jeedaan ee diin ugama jeedaan.

    Cajaaibka wahhaabiyada!
    Bal akhristow xusuuso, dowladda sacuudiga oo ah meesha wahhaabiyada laga maamulo oo laga quudsho oo laga fidsho ayaa Maraykan kaashanaysa, nimankaas soomaalida ah ee Ethiopia kaashanayana waa gaalo ayaa la leeyahay, marka wahhaabiyo waxaa la quman in ay ayagu isku tilmaamaan gaalnimo, maxaa yeelay ayaga ayaa Maraykan kaashanaya oo caalamka Islaamka oo dhan ku soo hoggaanshay ciidanka Maraykanka.

    Afqaanistaan, Ciraaq, Pakistaan iyo meelo kale oo badan dhammaan waxaa maraykanka ku soo hoggaanshay wahhaabiyada sacuudiga, marka miyaanay ayagu gaalo ahayn?! Maxaa masaakiintaas soomaalida ah sida madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iyo Wasiirradiisa u halgama sidii ay dalka u hagaajin lahaayeen loo leeyahay waa gaalo?!

    Madaxda Dowladda Soomaaliay waa mujaahidiin
    Taa daaye, waxaa hubaal ah in nimanka madaxda ka ah dowladda soomaaliya maanta howsha ay hayaan ay jihaad run ah tahay, Ilaahay ayaana taas ka markhaati ah, daliilna waxaa u ah in ay guulaysteen oo Ilaahay garab galay, maantana gacantooda ayaa arrinku ku jiraa waxaana laga sugayaa in ay waddanka hagaajiyaan, marka annaga waxaa inala gudboon in aan u ducayno oo taageerno oo u mahadcelino, maxaayeelay 16 sano ayaa dalku dowlad la'aan yahay.

    Marka walaalayaal, waxaan dhammaan idin leeyahay, ha ku kedsoomina dacaayadda wahhaabiyada ee raqiista ah ee doqonimada iyo nacasnimada iyo dabadhilifnimada ku salaysan.

    Wahhaabiyadu waa kufaar dhuuni raac ah, oo aan diin iyo iimaan toona lahayn, horey ayaan u fatwooday oo u caddeeyay in aanan salaad lagu daba tukan karin oo xoolaha ay gowracaan aan la cunikarin, gabdhaheennana aanay gayn, maxaa yeelay way ka xunyihiin Yahuudda iyo Nasaarada.

    Marka halaga digtoonaado dadkaas, ninkii ku tilmaama madaxda soomaalida ee maanta joogta gaalnimo asiga ayaa gaal ah, waxaana daliil ah:

    1. In madaxdaas dhammaantood, ashahaadanayaan, oo tukanayaan, oo ixtiraamayaan dhammaan sharciga Islaamka iyo caadooyinka muslimiinta, haddii xataa aanay ku dhaqmayn.

    2. In ay ummadda Islaamka ah ee Soomaaliya ku nool u hayaan howl iyo xil aad u wayn oo laga sugayo in ay badbaadshaan dhiigga dadka iyo sharafta iyo karaamada ummadda Islaamka ah ee dhulkaas ku nool.

    3. In Dhowrista iyo badbaadinta nafta iyo maalka iyo sharafta iyo karaamada iyo dhulka muslimiintu ay jihaadka ka mid tahay, sidaa darteedna ay madaxdaasi mujaahidiin yiihiin.

    4. In dadka madaxdaasi la dagaalayaan ay yihiin dad kufaar ah oo Yahuud iyo nasaare ka sii kufri badan, kuwaas oo ah wahhaabiyada isku sheegtay Maxaakiimta, qofkii gaalada la dagaalayana waa mujaahid sida sharciga Islaamka ku cad.

    5. In nimankaas madaxda ah ay yihiin dad ay soo doorteen (ahlul-caqdi wal-xilliga) ummadda soomaaliyeed, doorashadaasina si caddaalad ah u dhacday, taasna soomaali oo dhan ay ogtahay, sidaa darteed, ma bannaana waana faasiqnimo in laga baxo daacada dowladda maanta soomaaliya ka dhalatay.

    Gabagabo
    hadaba waxaan jawaabtayda ku soo koobayaa, in ay bannaantahay in la kaashado gaalada haddii taas muslimiinta maslaxo ugu jirto. In madaxda soomaalia ee maanta joogta ay yihiin dad musliim ah. In madaxdaas howsha ay hayaan maanta ay tahay qayba jihaadka ka mid ah, oo ay sidaa darteed mujaahidiin yihiin. iyo In nimankaas si caddaalad ah loo soo doortay, oo ahlul caqdigu si ijmaac ah u doortay, sidaa darteedna aanay bannaanayn in amarkooda laga baxo. In qofkii amarkooda ka baxa uu faasiq yahay, ayna bannaantahay in la ciqaabo, haddii uu dad dilo ama xoolo dhacana xukunkiisu xukunkii xiraabada noqonayo, oo la dilayo haddii uusan toobad keenin.

    Wallaahu waliyu attowfiiq.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 01, 2007 at 17:54:09 (CST)
  13. Su'aal: Ma gaalaa, ciddii gaalada kaashata?
    a/c ma ma gaalaa cidii kaashata ama gargaar waydiisato cidaan muslim ahayn sida kuwa kumagacaaban dowlada somalia.
    maxamed <maxamed>
    - Thursday, February 01, 2007 at 17:29:02 (CST)
  14. Jawaab: Nabi maxamed c.s.w.s imisa xaas ayuu yeeshay magacyadoodna maxay ahaayeen?
    Assalaamu calaykum, Walaal nabigu naagihii uu guursaday tiradooda culumadu way isku khilaafeen, qaar 11 ayay sheegeen qaarna 15 qaarna 18, laakiin sida muctamidka ah waa in uu nabigu guursaday kow iyo toban, waxayna kala ahaayeen sidan:

    Laba ka mid ah waxay geeryoodeen intii Nabigu nnk noolaa, waana Khadiijo iyo Saynab. Kow iyo tobanka magacyadoodiina waa kuwan:

    Khadiijo, Sawdo, Caa'isho, Xafsa, Ummu Salama, Ummu Xabiibah, Saynab bintu Jaxsh, Saynab bint Khusaymah, Juwayriyyah, Maymuunah iyo Safiyo.

    Qaar kalena waxay sheegeen, Saynab bint Cumays, Khawlah bit Xakiim, (Camrata, iyo ash-shanbaa' labadan lama aqal gelin.

    Kuwa addoomaha ahaana waxay kala ahaayeen: Rayxaana iyo Maariyah.

    Wallaahu aclam.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 01, 2007 at 17:27:03 (CST)
  15. Su'aal: Nabi maxamed c.s.w.s imisa xaas ayuu yeeshay magacyadoodna maxay ahaayeen?
    A/C Nabi maxamed c.s.w.s imisa xaas ayuu yeeshay magacyadoodna maxay ahaayeen?
    mohamed <kaasim1>
    - Thursday, February 01, 2007 at 17:14:28 (CST)
  16. Jawaab: Xaaskaygii ayaa nin u tegay aniga oo maqan markaas bay rintay, marka cunugga ma anigaa leh
    Assalaamu calaykum; Walaal naagtaadu wixii ay dhasho waa carruurtaada ama nin kale ha u tago ama yuusan u tegin.

    Waxaa kula gudboonayd in aad iska furto naagta markii ay kuu sheegtay in ay ninkale u galmootay, laakiin maadaama aad iska dhaaftay oo aad naagtii sidaa ku haysatay, hadda lama joogo goor arrinkaas la daba qabto, sidaa darteed, waxaan kugula talinayaa in aad naagtaada iyo cunuggaaga hasysatid, ayaduna sharci ahaan waa haweenaysaadii, cunugguna waa cunuggaagii.

    Intaa kadib, naagta waani oo ilaahay haka cabsato, hana ka toobadkeento falkaas xun ee ka dhacay, xaalkeedana ha asturto oo yaanay qof kale u sheegin adiguna sidoo kale.

    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, February 01, 2007 at 17:05:25 (CST)
  17. Su'aal: Xaaskaygii ayaa nin u tegay aniga oo maqan markaas bay rintay, marka cunugga ma anigaa leh
    A/c waxaa jirta xaaskeygi in uu nin anoo maqan utagay dabadeedna ay ii sheegtay markaa ka dibna ay uur yeelatay marka cunugaas muxuu noqon karaa ana naagtii ma, aan furin oo ilaa iyo hada waan yaabanahay si aan wax yeelo.
    mohamed <kaasim1>
    - Thursday, February 01, 2007 at 16:50:33 (CST)
  18. Jawaab: Gabar la kufsaday ilmaha ay dhasho wacal miyaa?
    Assalaamu calaykum; walaal gabarta haddii uu kufsado nin aanay si sharci ah ugu mehersanayn cunugga ay dhasho waa wacal, wuxuuna qaadanayaa xunka carruurta safaaxa ku dhalata.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 20, 2007 at 23:37:39 (CST)
  19. Su'aal: Gabar la kufsaday ilmaha ay dhasho wacal miyaa?
    Mahdsanid dr. xirsi waxaan doonayaa in aan weeydiyo; gabar la kufsaday ilmahay dhasho ma wecel baa?
    cali ibraahim xasan <aibrahim10>
    - Saturday, January 20, 2007 at 23:33:56 (CST)
  20. Jawaab: Soonka kafaarada ah ma la isku xejinayaa, sadaqadase howlaha khayriga ah ma lagu bixin karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal soonka kafaarada ah ee saddexda maalmood ah haddii aad isku xejiso iyo haddii aadan isku xejin intaba waa ansaxayaa. Soonka in la isku xejiyo waajib tahay wuu jiraa laakiin midkan ma aha.

    Tan labaad, saddaqada waxaa la siinayaa dadka Eebbe ku sheegay kitaabkiisa ee ah siddeedda jaad ee caanka ah sida masaakiinta, fuqarada, dadka qaamaysan iyo inta kale ee la sheegay.

    Ma bannaana walaal in saddaqada kafaarada ah ama sekada ama wixii la mid ah ee lagu cibaadaysanayo lagu baxsho falalka khayriga ah sida dhismaha masaajidda iyo iskuullada iwm.

    Qofkii doonaya in uu masjidka dhisiddiisa ama khidmadiisa wax ku sidaqaysto way bannaantahay laakiin saddaqo caadi ah ayuu la baxayaa ee sekada ka dhiibi maayo, sidoo kale sadaqada kafaarada ka dhiibi maayo, haddii uu ka dhiibana kafaaradiisii ma gudmin, sekadiisiina ma bixin, waana in uu mar labaad baxsho.

    Way jiraan wadaaddada qaar banneeyay in saddaqada kafaarada iyo sekada iwm lagu bixin karo falalka khayriga ah, laakiin anigu waxaan qabaa in ay khaldanyihiin.

    Marka walaal, haddii aad kafaaro ama seko iwm bixinayso waa in aad siiso dadkii Ilaahay xoolahaas ugu talagalay ee uu Quraankiisa ku sheegay ee ahaa siddeedda jaad ee la wada ogyahay.

    Haddii aad doonayso in aad kaalmayso masaajid ama madaraso islaami ah ama mawlac ama falkasta oo muslimiintu ku anfacaadayaan waad yeeli kartaa waana ku mahadsantahay, laakiin xoolo adigu aad leedahay oo sadaqo caadiya ah ayaad la baxaysaa.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, January 17, 2007 at 23:46:10 (CST)
  21. Su'aal: Soonka kafaarada ah ma la isku xejinayaa, sadaqadase howlaha khayriga ah ma lagu bixin karaa?
    As/c wr wbr: Walaal waxan rabaa in aad iiga soo jawaabto su'aashaan hoos ku qoran: walalyaal waxad horey uga sojawaabteen su aal eheeyd qofkii dharta ee dhaartii kaso bixi waaya waxaa uu samenayaa si uu alle uga danbidhaafo: 1. waa in uu qudiyaa 10 masakiin ah ama uu sadaqeyaa dhar dhaahir ah oo uu qofka kutukankaro ama in uu 3 maalmood soomo, hadaba qofkii soomi lahaa bilmatal 3 maalmood ma in uu iskuxejiya maa mise wuxuu sameynkaraa in uu ukala dhexeeysiiyo malin: iskumid miyaa sadaqada alle in aan masjidka kubixiho halkii aan masakiin kasiin lahaa si masjidka kiradiisa logudaro ama dayactirkiisa:alle ha idiin danbidhaafo walalyaal
    guuleed <bilaal257>
    - Wednesday, January 17, 2007 at 23:37:15 (CST)
  22. Jawaab: Waxaan rabaa duco ku saabsan guurka.
    asalaamu calaykum: Duco gaar ah oo arooska loo akhristo ma jirto, laakiin waxaa jira ducooyinka xaajada loo akhristo iyo qaar kale oo nabiga nnk laga dhaxlay.

    Tusaale ahaan waxaa la soo weriyay in uu yiri: (Ilaahow waxaan ku waydiisanaynaa khayrka oo dhan, kiisa dhaw iyo kiisa dheer intaba. Intii aan ogahay iyo inaanan ogaynba. Waxaanna kaa magan gelayaa sharta oo dhan, mid dhaw iyo mid dheerba. Inaan ohgahay iyo intaanan ogaynba. Waxaan ku waydiisanayaa jannada iyo wixii inoo dhawaynaya ee qowl iyo ficil ah. Waxaan ku waydiisanayaa waxa ugu khayrka badan wixii Nabigaaga Muxamad ku waydiistay. Waxaan ku waydiisanayaa wixii aad ii xugmisay in aad caaqibadiisa hanuun ka dhigtid. (waxaa soo weriyay Imaam axmad).

    Walaal waxaa kale oo jira ducooyin badan oo ujeeddooyin kaladuwan loo adeegsado, haddii aad carabiga akhrinkarto ii soo sheeg cinwaankaaga si aan kuugu soo diro buug yar oo ducooyin ah inshaa allaah.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 14, 2007 at 07:22:08 (CST)
  23. Su'aal: Waxaan rabaa duco ku saabsan guurka.
    asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu,. sheekh su'aashayda waxaa weeye " Waxan ahay gabar aan wali guursan rabtana in ay guursato markaa waxan rabaa duco ku saabsan guurka oon aqristo" in aad ii sheegtaan hadii ay jirto.
    faduma <faduma888>
    - Sunday, January 14, 2007 at 06:20:38 (CST)
  24. Jawaab: Maxay wadaaddadu u midoobi waayeen?
    Assalaamu calaykum: Walaal, sunnada Ilaahay uu khalqigiisa la doonay ayaa ahayd in la helo gaalo iyo muslim, iyo kuwa toosan iyo kuwa khaldan, marka macquul ma aha in dadka diinta sheeganaya oo dhan wada toosnaadaan, in ay meel ku kulmaanna suurtagal ma aha.

    Sidaa darteed, kitaabka Ilaahay haddii aad fiiriso, mar kasta waxaad arkaysaa in koox gaar ah la tilmaamayo, kooxdaas oo ah kuwii Alle rumeeyay, ee mu'miniinta noqday ee qabsaday xariggii Ilaahay.

    Marka kooxdaasina way joogtaa wayna joogtay tan iyo intii Ilaahay khalqiga uumay, xaddiiska iyo Quraanka ayaana caddeeyay in ay jiri doonto koox kitaabka iyo sunnada haysta oo toosan ilaa maalinta qiyaamaha.

    Marka walaal, dadkan wadaaddada lagu sheego ee Soomaalida ah qaar badan oo ka mid ah waa sheegato, sida kuwa metela kooxaha lunsan ee waddankeena fidnada ka wada, qaar toosan oo ah kuwii Ilaahay sheegayna way jiraan, waana culumadeennii ahlusunnada iyo intii raacsan.

    Marka suurtagal ma aha in xumaanta iyo samaantu meel ku kulmaan, ama xaqa iyo baadilku meel ku kulmaan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, January 13, 2007 at 09:48:50 (CST)
  25. Su'aal:Maxay wadaaddadu u midoobi waayeen?
    Maxay wadadadu usamayn waayeen fadhi guud oo wixii xun iyo wixii san dadka ukala tusi waayeen?maxay kitaabka allae u wada qabsan waayeen? (wactasimuu bi xablillaahi)oo maxaa firqooyinka badan loo afjari waayey? dhamaan,maxay meel noogu hagi waayeen?
    cabdulla <al_hagicawiif15>
    - Saturday, January 13, 2007 at 09:41:25 (CST)
  26. Jawaab: Ma haysaa takhriijka xaddiiska "Najid" ee ku soo arooray kitaabka ad-durar as-Sunniyah?
    Assalaamu calaykum: walaal, xaddiiska aad sheegtay asalkiisu wuxuu ku yaallaa Bukhaari iyo Muslim, wuxuuna ka mid yahay xadiiska ay labadaas caalim soo weriyeen ee ay ku jirto (Geeska Shaydaanka..) oo ay ku jirto (al-Fitnatu min hahunaa, al-fitnatu min hahunaa..).

    xaddiiskan qaybihiisa kala duwan waxaa laga soo weriyay dariiqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin, (mucammar, can saalim, can abiihi, sida imaam Bukhaari ku caddeeyay Saxiixiisa, Kitaabka fitnooyinka).

    Waxaa kale oo Bukhaari ka soo weriyay (Can Naafic can Ibn Cumar, iyo dariiqa ibn Cown, can naafic, can Ibn Cumar..Ilaa akhirih) waxaas oo dhan waxaad ka helaysaa Saxiixa Imaam Bukhaari ee ka eeg kitaabka Fitnooyinka.

    Sidoo kale waxaa soo weriyay Imaam Muslim, oo kasoo weriyay dariiqa yaxya bin Saciid can Cabdullaahi bin Cumar. Marka walaal sidoo kale ka fiiri xaddiiska kitaabka fidnooyinka ee saxiixa Imaam Muslim.

    Waxaa kale oo jirta walaal in Musaylama dhulkiisa ama meesha uu u dhashay ay tahay dhulka loo yaqaan al-Yamaamah waana qayb ka mid ah najid dhulka loo yaqaan waana dhulka ku aaddan bariga ama qorrax kasoo baxa dhulka hadda Sacuudigu degganyahay, kaaso oo koobaya goballada bari ee Sacuudiga iyo goballada koofureed ee Ciraaq.

    Marka in dhulkaas fidnadu ka soo baxayso, oo geeska shaydaan halkaas ka imaanayo, waxaana laga wadaa geeska shaydaan (shartiisa), taas axaadiis badan baa caddaysay oo ay ka mid yihiin kuwa aan kor kuugu xusay. In dhulkaas dhulkii Musaylama al-Kaddaab yahayna kutubta taariikhda iyo siirada ayaa caddeeyay.

    Marka wixii faahfaahin ah walaal kutubtaas ayaad kaga bogan kartaa haddii aad carabiga isku fiicantihiin. Khayr baanna kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 11, 2007 at 00:28:47 (CST)
  27. Su'aal: Ma haysaa takhriijka xaddiiska "Najid" ee ku soo arooray kitaabka ad-durar as-Sunniyah?
    walaal dr. xirsi aad baad u mahadsantahay waxaan donayaa in ku suaalo; xadiis ku yaalDARARU-SANIYA OO sheegaya in baladkii museylaamatul kadaab(DIRCIYA)uu kasoo bixi doona nin diinta islamka badali doona mahaysaa makhrajkiisa iyo raawigiisa?
    Mahadsanid.
    cali ibrahim xasan <aibrahim10>
    - Wednesday, January 10, 2007 at 22:23:17 (CST)
  28. Jawaab:Ururka al-Itixaad, ma waxay ka mid ahaayeen dadkii khilaafadii cusmaaniyada riday?
    Assalaamu calaykum: Walaal, al-Ittixaad ma uusan jitin waagaas la riday dowladdii cusmaaniyada, laakiin waxaa jiray wahhaabiyada oo ah kooxdii ay al-itixaadku ka soo farcameen.

    Al-Ittixaad waa koox ku dhalatay sacuudiga oo ka farcamantay wahhaabiyada sacuudiga, mana aanay jirin waagii cusmaaniyada, laakiin waxa ka qaybqaatay riditaankii dowladda cusmaaniyada ee doorka wayn ka qaatay ee ingiriiska iyo yahuudda gacansaarka la lahaa waa kooxda wahhaabiyada.

    Hadda kolkii Itixaadku xoogaystay, ayuu billaabeen in ay u adeegaan wahhaabiyada oo ay caqiidada ka qaateen, dhaqaalana ka helaan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 01, 2007 at 07:22:12 (CST)
  29. Su'aal:Ururka al-Itixaad, ma waxay ka mid ahaayeen dadkii khilaafadii cusmaaniyada riday?
    assalamu calaykum: aad baad u mahadsantahay dr. xirsi waxaan rabaa in aan weeydiiyo; waxaan maqlay ururka alittixaad in ay kaalin weeyn ka qaateen burbukii dowlatul cuthmaaniyyah al akhiira.war maiga siin kartaa?
    cali ibrahim xassan- Monday, January 01, 2007 at 07:11:26 (CST)
  30. Jawaab: Is saving for retirement haram? Do I have to pay zakat from the money invested for retirement?
    tirment is not Assalamu alaykum: Brothet in Islam, Savings for retirement haram, it is halal, because it is your own money.

    secondly, investment and interest of that money is halal accourding to Imam Abuhanifa, Imam al-Shafi'i and others as long as you are living in non-Muslim country.

    Thirdly, you don't have to pay Zekat from that money because it is not in your own account or under your control 100%, as far as I know, the person can get that money only after he/she becomes 60 years over.

    May Allah protect you from what you fear. Regards.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 01, 2007 at 07:11:26 (CST)
  31. Su'aal: Is saving for retirement haram? Do I have to pay zakat from the money invested for retirement?
    I have a retirement benefit account through my employer the money is invested in portfolio containing different stocks, mutual funds, fixed asset investments, annuities, bonds and other investments. Is saving for retirement haram? Do I have to pay zakat from the money invested for retirement? The portfolio yields profit through gain in value, dividends and interest. What do I have to do to get rid of the interest?
    hassan <yohif>
    - Monday, January 01, 2007 at 07:14:57 (CST)
  32. Jawaab: Xoolo xaaraan ah gaalada ma ka qaadan karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal sida ii muuqata su'aashaadu waxay isugu soo biya-shubanaysaa isticmaalka mucaamalada xaaraanta ah ee ka jirta dhulka aad joogtaan.

    Marka walaal qofka muslimka ah haddii uu joogo dhulka muslimiinta, macnaha dhulka ay muslimiintu ku badanyihiin, uma bannaana marnaba in uu mucaamalo xaaraan ah galo si kastaba ha ahaatee.

    Qofkii muslim ah ee ku nool dhul gaalo ama dhul muslimiintu ku yaryihiin oo gaaladu ku badanyihiin, waxaa u bannaan in uu isticmaalo mucaamalo xaaraan ah haddii taas maslaxadiisu ku jirto.

    Tusaale ahaan, haddii qof muslim ah joogo waddan gaalo, waxaa u bannaan in uu gaalada kula mucaamalootamo qaababka khamaarka iyo ribada iyo wixii la mid ah, haddii maslaxadiisu taas ku jirto.

    Waxaana culumadu arrinkan u daliishadeen xaddiiskii laga soo weriyay Imaam Abuubakar ee ahaa in uu gaalada sharad khamaar ah la dhigtay kaas oo ay dhaheen haddii Faaris dagaalka ku guulaysato annaga ayaa lacagta qaadanayna, haddii Ruum ku guulaysatana adiga ayaa qaadanaya, kolkaas buu nabiga nnk u sheegay, kolkaas baa nabigu yiri: lacagtana badi, ajalkana dheeree, sidaas ayuuna yeelay, Imaam Abuubakar baana ku guulaystay khamaarkaas.

    Imaam Abuu Xaniifa iyo Imaam Shaafici iyo Imaam Abuu Yuusuf iyo Maxamad bin Xasan as-shaybaani intuba way isku raacsanyihiin in ay u bannaantahay qofka Muslimka ah -haddii uu dhul gaalo joogo- in uu galo mucaamalo ku salaysan qaabab xaaraan ah sida khamaarka, ribada iwm, maadaama ay asiga maslaxo ugu jirto.

    Sidaa darted, waslaal dhulka aad joogto haddii uu dhul gaalo yahay, oo dadka aad la mucaamaloonayso gaalo yihiin, waxaa kuu bannaan in aad kula dhaqanto wixii ay ayagu iskula mucaamaloonayaan xaaraanba ha ahaadeene, maadaama ay masalaxo kuugu jirto.

    F.G: Xoolaha gaalada in la khiyaano ama la dhaco ma bannaana
    Walaal culumada aan soo sheegay shuruud bay u dhigeen mucaamalada gaalada lala gelayo ee xaaraanta ah, waxayna dheheen:
    1. Waa in aanan khayaano ku jirin mucaamalada, oo ay ahaato wax laysku ogyahay oo gaaladu raalli isaga tahay.

    2. In aanay boob ku salaysneyn oo si sharciga gaalada ku salaysan xoolaha lagu kala qaatay.

    3. In Qofka muslimka ah ee gelaya mucaamalada noocaan ah ay maslaxo ugu jirto oo uu ogyahay in uu ka faa'iidaysanayo.

    4. IOn waddanka la joogo yahay waddan gaalo xukunto oo aanan muslim lahayn.

    5. In dadka mucaamaladu dhexmarayso yihiin qof muslim ah iyo gaalo, oo aanay ahayn laba muslimiin ah.

    Qodobadaas waa in la soo buuxsho inta aanan gaalada lagula mucaamaloon qaababka ka xaaraansan muslimiinta marka ay joogaan waddamada islaamka ah ama ay muslimiinta kale la mucaamaloonayaan.

    Gaba-Gabo: Kolka walaal, haddii mas'alada aad sheegtay tahay wax khiyaano iyo xatooyo ku salaysan, taas marnaba Islaamku ma bannayn ama dhul gaalo hala joogo ama dhul Muslim, ama gaalo la mucaamaloo ama Muslim la mucaamaloo, mar kastaba khayaanadu ma bannaana.

    Haddii mas'aladu tahay, qaab ka mid ah qaababka ganacsiga ama qaab ka mid ah qaababka lagu wada shaqaysto ee dhulkaas laga yaqaan, waad la geli kartaa mucaamaladaas waxbana kuma jabna inshaa allaah.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, December 30, 2006 at 17:40:39 (CST)
  33. Su'aal: Xoolo xaaraan ah gaalada ma ka qaadan karaa?
    a/c/m waan salayaa sheikha iyo inta lashaqaysa, illahayna ha ka abaal mariyo dadalka ay kujiraan oo ay ugu shaqaynayaan ummaddaa Muslimka ah ee Soomaaliyeed iyo Illahay diintiisa.

    Bacda salaan, waxaan waydiinayaa sheikha: sheikh waxaan joognaa wadanka Zambia, waxaan nahay darawaliinta wadda baabuurta ay saranyihiin haamaha shidaalka, markii ay dajinayaan waxaa lagu qoraa short! macnaha in uu keenay gaariga oo dhiman oo aan buuxin, islamarkana waa buuxaa, nimanka ka shaqeeya meesha lagu dajiyo shidalka waxay rabaan in aad wada xaddaan shidaalka ee markaa laguu qoro inaad keentay full, hadii aad saas yeeshid laguguma qorayo short, waana waddan aad looga isticmaalo xaraanta, marka maxaan ka yeelaa arinkaas? Mahadsanid.
    ahmed said <ahmed>
    - Saturday, December 30, 2006 at 17:19:46 (CST)
  34. Jawaab: Maxkamadaha ma ku jiraan culumadii la yaqaannay?
    assalaamu caleykum: walaal dadkan wadaaddada isku sheegaya ee Maxaakiimta la baxay, ma aha dad culumo ah oo ahlu diin ah, ee waa dad diinka magaciisa ku adeeganaya.

    Dadkan maxaakiimta la baxay kuma jiraan dad culumo ah oo ahlu diin ah oo la yaqaan. Waxaa u madax ah Xasan Daahir waana kornayl wadaad iska dhigay oo sheegtay in uu caalim yahay, waxaanna ognahay in uu askeri yahay oo aanuu cilmiga diiniga ah u soo marin dariiqa loo soo maro, culumo uu wax ka bartayna ma jiraan, jaamicad iyo dugsina kuma dhigan sharciga! marka sidee culumo ku noqonayaa qof noocaas ah.

    Waxaa kale ninkale oo isku sheega Shiikh Shariif, wuxuu asalkiisu ka soo jeedaa qoys ahlu diin ah, laakiin qoyskiisii wuu ka baxay wuuna ka goostay, wuxuuna raacay Xasan Daahirkaas, waxay qaateen caqiidada wahhaabiyada, marka asiguna asal kuma laha culumada soomaalida, laakiin qoys la yaqaan oo ahlu diin ah ayuu ka dhashay, taas ayaana keentay sheegashada uu shiikhnimada sheeganayo.

    Culumada ciddiisa ah way la talsheen markii uu diintan cusub qaatay, wuuna diiday warkoodii, marka waa nin khawaarijta oo kale ah.

    Waxaa kale oo aan arkay nin kale oo aan u maleeyay in uu yahay ina Shiikh Ibraahim Suuley, oo asiguna ku jira nimankan maxaakiimta isku sheegaya.

    Shiikh Ibraahim Suulay wuxuu ahaa nin caalim ah oo la yaqaan, aniga macallinkaygii buu ahaa oo 1974kii/1975kii ayuu fiqhiga inoogu dhigay dugsiga dhexe ee shiikhsuufi, marka haddii ninka aan arkay magaciisa ee nimankan maxaakiimta ku xirtay uu yahay wiilkiisii taasi waa khasaaro, magacii aabbihiis ayuuna ku ciyaaray, shiikhnimada uu sheeganaya waa tii aabihiis ee asigu shiikh ma aha, cilmina ma yaqaan, culumadana kuma tirsana.

    Intaas wax aan ahayn qof kale oo culumo ah kuma jirto nimankan, badankoodu waa mooryaantii Muqdisho oo uu Xasan Daahir ula baxay (Shabaab)!!
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, December 27, 2006 at 22:20:47 (CST)
  35. Su'aal: Maxkamadaha ma ku jiraan culumadii la yaqaannay?
    assalaamu caleykum warraxmatullaahi wabarakaatuhu sheekh dr hersi iyo howlwadeena wacan oo sida hufan u tafatira xaqiiqda loo oo manyahay ee diinta islaaka ee kahowlgala websitka www.2garree.com oo ah hoyga barashada diinta ,waxaan ilaah karajeynayaa in uu fahamka diinta uu sii baaho bidcadana uu ka ilaaliyo diinta ,intaas kadib waxaan rabaa in aan dr ka weydiiyo su'aasha ah maxakamadaha makujiraan culimadii layaqaanay ee ahlusunna waljamaaca ee sufiyada ahaayeen ,waxaa jirta cabsi ah in ey ubadanyihiin salafaiyo iyo kuwoklaeba mahadsanid.
    xasanalbasri <XALBISRI2>
    - Wednesday, December 27, 2006 at 22:10:19 (CST)
  36. Jawaab: ururka al-Itixaad yaa aasaasay, goormeese la aasaasay?
    Assalaamu calaykum; walaal kooxda al-ittixaad waa koox ka mid ah kooxaha mutadarrifiinta ah ee dalkeenna dhibaatooyin badan ka dhalshay, dhowr qoraal ayaan arrinkaas ku faahfaahinnay, marka maqaaladahaas ayaan kuu tilmaamayaa oo aan hubo in aad jawaab shaafi ah ka heli doonto.

    Waxaad eegtaa maqaaladahan:
    http://www.2garre.com/fadeexooyinka_ittixaadka.html http://www.2garre.com/wahabiga.html#fadeexo http://www.2garre.com/is/wahhabiyah.html
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, December 27, 2006 at 07:10:21 (CST)
  37. Su'aal: ururka al-Itixaad yaa aasaasay, goormeese la aasaasay?
    waxan doonaya in aan suaalo sheeka ururka alittixad xagee buu kabilaabday, goormuu bilaabmay, yaa asaasay maxaana loo asaasay. mahadsanid.
    cali ibrahim xassan <aibrahim10>
    - Wednesday, December 27, 2006 at 07:00:25 (CST)
  38. Su'aal: Lacagta loo uruurinayo qolyaha Soomaaliya dagaalka ka wada maxay shareecadu ka qabtaa?
    asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu' bacda salaan shiikh marka aan ku su.aalo maxay ka qabtaa shareecada islaamka" lacag loo aruuriyo qolooyinka ku diriraayo beydhabo iyo nawaaxigeeda oo lagu tilmaamaayo jihaad waxaane ogsanahay; ama aan maqalnaa in loo diriraayo hadba siyaasad iyo wax la mid ah kollee walina maan maqal cid diinta hortaagan oo si cad ula dirirsan diinta marka sideen ku bixin karnaa lacagtaas anaga oon heynin wey cad oo diinta lagula diri raayo?
    muxamed shiikh cumar <warshiikh8>
    - Monday, December 25, 2006 at 19:06:02 (CST)
  39. Jawaab: Shiicadu ma Muslim baa mise waa gaalo?
    Assalamu Calaykum: walaal Shiicadu waa muslim, waana firqo waligeed jirtay oo waxay aasaasantay qarnigii labaad ee hijriyada, waxaana lagu tilmaamaa in ay tahay firqadii ugu horraysay firqooyinka maanta jira ee Islaamka u nisba sheegta.

    Sikastaba ha ahaatee, waxaa jira firqooyin badan oo magaca shiico wadaaga, qaar waa muslimiin sida Ithnaa cashariyada iyo Zaydiyada iwm, qaarna waa fogaadeen sida Duruusta iyo Ismaaciiliyada iwm.

    Ithnaacashariyadu waxay sheegtaan in ay haystaan mad-habta jacfariga loo yaqaan, ee uu aasaasay Imam Ja’far as-Sadiq (80-148H), Zaydiyaduna waxay raacsanyihiin mad-habtii Imam Zaid Bin Ali (80-122H).

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, December 25, 2006 at 19:02:40 (CST)
  40. Su'aal: Shiicadu ma Muslim baa mise waa gaalo?
    Maxay yihiin shiicadu, ma islaam mise gaalo?
    abdulkadir <abdifx>
    - Monday, December 25, 2006 at 18:54:48 (CST)
  41. Jawaab: Salaadda la isku daro roob dartiis, ma ansaxaysaa?
    Assalaamu calaykum: walaal, salaadda la isku darro roob dartiis ama dhibaatooyin kale oo dhaca dartood way ansaxaysaa, waxaana culumadu u cuskadeen axaadiis saxiix ah oo nabiga laga soo weriyay.

    Marka Xassan as-saqaaf warkiisu muctabar ma aha, waa nin cusub oo waayahan soo baxay, waana nin dadaalaya, laakiin hadalkiisa dartiis loo burrin maayo axkaamta sugan ee Islaamka.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, December 24, 2006 at 20:50:41 (CST)
  42. Su'aal: Salaadda la isku daro roob dartiis, ma ansaxaysaa?
    A/c shekh iyo culimad la shaqays salanta ka dib sheekh waa maxay xukun-ka salaada la isku daro roob-ka dartiis waxaa kitbaat-ta saxiix sifatu salatu nabiyi ee sh xasan bin cali assaqaaf ku arkay asaga oo ka hadlaya wuxuuna leyahay xadiis-kaasi waa (mutdharib)laman daliilshan karo sidaaan u fahmay ee bal shekhow ii faahfaahi mas'aladaas walbillaah towfiiq.
    Ali <Ali>
    - Sunday, December 24, 2006 at 19:47:24 (CST)
  43. Jawaab: Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma xalaal baa?
    Assalaamucaleykum: Walaal waxba kuma jabna qaadashada lacagta daynta ah ee dowladdu ardayda siiso. Lacagtaas waxaa loo siiyaa dhallinyarada in ay wax ku bartaan, kadibna iska soo celshaan haddii ay shaqo helaan kolka ay waxbarashada dhameeyaan.

    Lacagta jaadkaas ah waxba kuma jabna in aad qaadato haddii dowladdu kuu ogolaato, maxaa yeelay wax sharci ah oo diidaya ma jiraan, xaq baadna u leedahay in aad wax barato oo aad taageero ka hesho dowladda. Midda labaad lacagtaasi inta aan ogahay dulsaar malaha ee waa dayn oo kaliya, marka inshaa allaahu waxba kuma jabna qaadashadeeda.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, December 24, 2006 at 19:42:59 (CST)
  44. Su'aal: Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma xalaal baa?
    Assalaamucaleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. walaal, suaashaydu waa: Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo , malaqaadan karaa oo diintu maxay ka leedahay? anoo rajeyn insha Allah markaan awoodo inaan dib u bixiyo Jazaa kalaakhayr.
    Nidra <Nidra>
    - Sunday, December 24, 2006 at 19:38:54 (CST)
  45. Jawaab: Dharka Islaamiga ah iisheega!
    Assalaamu Calaykum: Walaal waa Ilaah mahaddiis haddii aad soo hanuuntay oo aad diinta in aad qabsato jeceshahay, hase ahaatee diinta qabsashadeedu khuraafaad iyo caado iyo dhaqan ma aha ee sharci iyo cilmi ayay ku salaysantahay.

    Sidaa darteed, dharka aad xiranayso ee aad islaamiga ku magacaabayso macnihiisu ma aha in aad maro wayn isku hugiso sida haweenka soomaalida badankoodu yeelayaan. Dharka islaamiga ah waa dharka cowrada dedaya, waana dhar kasta oo buuxinaya shuruudaha shareecadu u dhigtay xirashada dharka haweenka.

    Sidaa darteed, haddii aad surwaal xirato oo khamaar xirato oo shaati dheer oo jilbaha kuu gaaraya xirato waa dhar fiican oo cowradana kuu qarinaya Islaamkana waafaqsan aadna ku shaqaysan karto.

    Dadka qaar ayaa waxay aaminsanyihiin khuraafaad ah in surwaalku naagaha ka xaaraan yahay! khuraafaadkaas daliil looma hayo, waxay xujo ka dhigtaan in surwaalku ragga u gaaryahay, oo naagtii surwaal gashata ay ragga ku dayatay oo isku shabbahday.

    Hadalkaas waa hadal dad juhalo ah dheheen ee wax culumo iyo dad cilmiga u nisbo sheegta ku hadlaan ma aha. Maxaa yeelay wax aan daliil cilmi ah lahayn oo qiyaas ah ah waaye. "Surwaal ragga ayuu u gaar yahay" waa hadal aan daliil lahayn, sharciga meelna ugama taal in surwaal ragga u gaaryahay. Dhaqankuna tusi maayo maxaa yeelay ragga iyo haweenku intuba saraawiisha way xirtaan wayna xiranjireen tan iyo casriyadii saxaabada.

    Marka walaal adiga oo aanan isdhibin, surwaal iyo shaar qaado, shaarkana xoogoo dheerayso bawdada kala barkeeda ku gayso haddii aad doonto, surwaalkana ha isku dhejin, ee mid xoogoo dabacsan ka dhigo, khamaarna xiro, dabadeedna iska shaqotag.
    Khayr ayaanna kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, December 24, 2006 at 19:36:44 (CST)
  46. Su'aal: Dharka Islaamiga ah iisheega!
    walaalayaal asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh. waxaan jeclahay inaad iiga jawaabtaan su`aashan. Aniga waxaan ahay gabar kunool yurubta. Isbadal xun ayaa igu dhacay dhinaca dharka iyo dhaqankaba oo sidii gaalada ayaan ulabisanjiray (surwaal iwm) salaadana madukanjirin. Ilaahay wuu isoo hanuuniyay alxamdulilaah oo waan bilaabay salaada. lakiinse waxaan rabaa sidii ilaahay ifaray inaan u labisto. marka dhibka jiro waxaa waaye, inaan shaqo bilaabo ayaan rabaa. wadankaan joogona muslimiinta wee nicibyihiin sideey u labistaan oo shaqo kuma siinayaan.(hadaad aad qamaar xirantahay oo aad surwaalna wadatid ayeeyba kunacayaan iskaba daa adoo isastura). Walaalayaal maxaan ka sameeyaa arintaan? mashaqo oo dhan ayaan iska daayaa?
    amiira <abdel88>
    - Sunday, December 24, 2006 at 19:26:16 (CST)
  47. Jawaab: Naagta saddex dalqadood lagu furo ma furmaysaa?
    asalaamu calaykum: Walaal naagta saddex dalaaqo lagu furo way furmaysaa haddii ninku qof miirqaba yahay, oo uu akhtiyaar lahaa kolkii uu ku dhawaaqaayay furriinka.

    Culumada Islaamka oo dhan way isku raacsanyihiin arrinkaas wax khilaaf ahna kama jiro. Waxaa jira xoogoo tafaasiil ah oo ku saabsan erayada la adeegsanayo, oo ama qayaxan ama maldahaad ah, laakiin in furriinku dhacayo cidi iskuma khilaafin.

    Dadka qaar ayaa waxay ku murmaan in ay waajib tahay in furriinku dhaco waqti naagtu daahir tahay, taasna shardi ma aha sida jumhuurka culumadu qabaan, oo waxay dhaheen haddii uu naagta furo ayada oo aan daahir ahayn furriinku wuu dhacayaa laakiin wuu dambaabay ninku.

    Khayr baan kuu rejaynaynaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, August 16, 2006 at 21:52:08 (CDT)
  48. Su'aal: Naagta saddex dalqadood lagu furo ma furmaysaa?
    asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu Shiikhoow Waxaan ku Waydiinayaa Su'aal Ku Saabsan Furitaanka Wadaad Ayaa Waxa Uu Yiri Naagta Saddexda Lagu Furo Iskumarkaa Mafurmayso Xitaa Dalqad Kaliya Allaha Ka Dhigee Wuxuuna Cillad Uga Dhigay In Qaabkaa Wax Loo Furo Ay Xaaraan Tahay Sidaa Awgeed Maxaad Adigoo Shareecad Islaamka Ku Salaynaya Usuusheeda Afartaa?
    maxamad c/raxmaan xuseen <maxamadg>
    - Wednesday, August 16, 2006 at 21:47:55 (CDT)
  49. Jawaab: Iigama aadan jawaabin su'aashaydii?
    Assalaamu calaykum: walaal su'aashaada qaar badan oo la mid ah ayaan horey uga jawaabay, marka webkan ka fiiri walaal jawaabtaas.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:57:58 (CDT)
  50. Su'aal: Iigama aadan jawaabin su'aashaydii?
    a/c salaam kadib sh. waxaan ku weey diiyay su'aal maadan neh ii gajawaabin illaa iyo hada.
    abdikarim gabuure <abdikarime>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:56:55 (CDT)
  51. Jawaab: Dumarku jirkooda ma qurxin karaan?
    Assalaamu calaykum: walaal dumarka waxaa u bannaan in ay ismarshaan wax kasta oo ay isku qurxinayaan.

    Kaliya waxaa loo baahanyahay in ay iska ilaalshaan waxyaabaha najaasta ah ama ka samaysan waxyaabaha xaaraanta ah.

    Marka qaaciddadu waa in ay haweenka u bannaantahay wax kasta oo ay isku qurxinayaan maadaama aanay najaas ahayn ama xaaraan ahayn.

    Kolka haddii ay midab cad ismariyaan ama mid cas ama wax kale taas waxba kuma jabna inshaa allaah.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:54:58 (CDT)
  52. Su'aal: Dumarku jirkooda ma qurxin karaan?
    a/c sh. waan kusalaamay salaam kadib waxaan ku weyydiinayaa .gofka dumarka ah sideey ubadan yahiin samanadaa jirkooda waa eey badalaan .maanaan tahay in labadalo jirka sida in eey sicadeeyso ama kalar tin teeda marsdato ama cidiyaha?maxeey kaqabtaa diin taa xukun kaas?aljuu attoodhiix?
    sabaweyhi warsame <abdikarimwarsame>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:52:27 (CDT)
  53. Jawaab: Ahlubidcada xiriir iyo ganacsi ma lala yeelan karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal ahlubidcadu haddii ay madax kuu noqdaan haddii madaxnimadaasi tahay midda dowladda oo bidcigu madaxwayne yahay waa la adeecayaa.

    Haddii kale addeeci maysid. Sidoo kale, haddii aad doonto xirrir iyo ganacsi waad la yeelan kartaa.

    Marka taas waxba kuma jabna, macaa yeelay gaalada in aan xiriir iyo ganacsi la yeelano ayaa islaamku inoo banneeyay, bidciguna xataa haddii bidcadiisu kufri tahay, ganacsi waa lala yeelan karaa.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. DR. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:50:16 (CDT)
  54. Su'aal: Ahlubidcada xiriir iyo ganacsi ma lala yeelan karaa?
    asalaamucaleykum waraxmatulaahi wabarakaati kadib waxaan idin sualayaa hadii oo ku noqdaan dad ahlubidac ah madax ma adeecesaa?????? mase midakale malasameenkartaa dadka ahlubidaca ah xariir ganacsi ama guur midakale hada dagaalka kasocdo lubnaa maxaa kuwaajib ah umada islaamka ma in eetaageeraanaa mase kawaran shiicada malagutaageerikaraa jihaadka ? waad wada mahadsantihiin waxaan idinka sugaayaa jawaab insha alah.
    cabdi casiis suufi <cabdi casiis suufi9>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:47:05 (CDT)
  55. Jawaab: Haddii aan cadaysado oo carun dhiig ah afkayga ka yimaado, miyaa waysadaydu buraysaa?
    Assalaamu calaykum: walaal waysadu kaa jebi mayso, kaliya waxaad u baahantahay in aad luqluqato dabadeedna waad iska tukan kartaa inshaa ahhaal.
    Sh. DR. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:45:29 (CDT)
  56. Su'aal: Haddii aan cadaysado oo carun dhiig ah afkayga ka yimaado, miyaa waysadaydu buraysaa?
    Salama Caleikum, hadii aan waysaysto oon ka dib cadaydo oo wax dhiig ah ama carun dhiig u eg ah uu ciridka ka yimaado, miyey buraysaa waysado? Jazaakumu Laahu khayran
    Farhiya <Farhiya>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:43:57 (CDT)
  57. Jawaab: Dagaalka soomaaliya ee wadaaddadu wadaan shareecadu maxay ka qabtaa?
    Assalaamu calaykum: walaal ma aanan rabin in aan ka hadlo dagaalka soomaaliya ka socda maxaa yeelay wali dhinac uma dhicin, laakiin maadaama aad i waydiisay wax yar ayaan kaaga taabanayaa:

    Dagaalka wadaaddada soomaaliya
    Dagaalka wadaaddada soomaaliya ku qaadeen dagaal-oogayaasha wuxuu keenay faa'iidooyin badan, waxaana ka mid ah:
    1. Dagaal'oogayaashii oo ay ka qaadeen awooddii ciidan ee ay ummadda ku gumaysanayeen.

    2. Toosinta ay toosiyeen qabaa'ilkii hawiye ee koofurka ku dhaqnaa ee loo taagwaayay toosintooda.

    Labadaas qodob ee muhiimka ah ayuu keenay dagaalka wadaaddadu wadaan, aad ayaanna ugu faraxsannahay miraha fiican ee ka yimid dagaalkaas, ajarna allaha ka siiyo culkumada wadda dagaalkaas ee hadafkoodu yahay ka hortagga dulmiya dagaal oogayaasha. Iyo Toosinta qabiilooyinka reerkoofurka ah ee macangagga ah ee la midayn waayay.

    Cabsida laga qabo cidhibta dagaalka ay wadaaddadu wadaan
    Inkasta oo soomaalida oo dhan ay taageersantahay dagaalka wadaaddadu wadaan, cabsi wayn ayaa laga qabaa cidhibta dagaalkaas, cabsidaasna waxaa keenaya:

    1. Ayada oo koox wahhaabiyo ah oo argagixiso ah ay afduubeen hoggaanka dagaalka, sida kooxda uu wato Xasan Daahir. Arrinkaas wuxuu sumcadda ka dilayaa wadaaddada soomaaliya oo dhan, maxaa yeelay kooxdaas argagixisada ah ayagu wax fadli ah kuma laha faa'iidooyinka dagaalku keenay ee sidii caydiid USC u afduubay bay doonayaan in ay dagaalka wadaaddada u afduubaan.

    2. Waxaa kale oo laga baqayaa in dowlado shisheeye soo faragelshaan dagaalka wadaaddadu wadaan, sida Sacuudiga iyo Eritereya iyo suudaan oo la hubo in ay lug ku leeyihiin, taasina waxay keenaysaa in uu dagaalkaas ku dhamaado sidii kii Daalibaanka Afqaanistaan ku dhamaaday.

    3. Arrinka saddexaad ee laga baqayo waa in dagaalkaas wadaaddadu ka horyimaado maslaxada qabiilooyinka soomaalida, macnaha in qabiilka iyo wadaaddada khilaaf ka dhex dhasho, taasina dagaal kale oo sokeeye ayay keenaysaa ama waxay keenaysaa in wadaaddadu dhexdooda iska khilaafaan.

    4. Mushkiladda xigta waa dicaayadda adduunwaynuhu ku hayaan maamulka maxkamadaha, marka waxaa cabsi xoogleh ka jirtaa in maamulka maxkamaduhu la heshiin waayo caalamka intiisa kale taasna ay noqoto in la go'doonsho oo lala dagaalo sidi daalibaanka ku dhacday.

    Dhibaatooyinkaas ayaa jira oo cabsi wayn laga qabaa, marka hala yaabin walaal qofkii aad aragto asiga oo shaki xoog leh ku jiro, oo dagaalka wadaadada ka shakinaya.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:41:54 (CDT)
  58. Su'aal: Dagaalka soomaaliya ee wadaaddadu wadaan shareecadu maxay ka qabtaa?
    salaamu calaykum sheekh nin sheekh ah ayaa wuxuu igu yidhi dagaalkii ay ciidamada golaha maxaakiimtu ku qaadeen qabqablayaashii dagaalka ee muqdisho wuxuu ahaa baadil iyo dagaal aan xaq ahayn wuxuuna igu yidhi dagaalkaas dad aan waxba galabsan ayaa ku dhintay ee ha fiirinin faa,iidada uu keenay sida ammaanka, isbaaro la,aanta , furidda garoonkii caalamiga ahaa iyo dekkedda wayn ee muqdisho iyo maciishaddii oo jabtaye.arrinkaasina wuu iga yaabiyey runtii. markaa sheekhoow bal dagaalkaas ii soo sheeg waxa ay ka qabto shareecada islaamku.
    maxamed mahdi caydiid <maxamed>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:28:36 (CDT)
  59. Jawaab: qof leh baabuur u shaqaysa Zeko ma laga rabaa?
    Assalaamu calaykum: walaal qofkii baabuur leh oo baabuurtaas kireeya sako waa in uu iska baxsho, sekadiisuna waxay noqonaysaa sida sekada ganacsiga.

    Macnaha kolka sanadku dhamaado oo hal sano ka soo wareego markii uu billaabay ganacsiga noocaas ah ayuu qiimaynayaa hantida gacantiisa ku jirta ee faa'iido iyo lafo isugu jira dabadeedna zeko ayuu ka bizinayaa, sida sekada ganacsiga oo kale ah.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:26:17 (CDT)
  60. Su'aal: qof leh baabuur u shaqaysa Zeko ma laga rabaa?
    A/c Shekh Dr.Hirs iyo culimada kale, su'aashyda qof leh baabuurta xamuul-ka ah oo ay u shaqeeyaan(kiro ay ku shaqeyaaan) ma Zako ayaa lagu leeyahay sanadkii mase laguma lahan.
    Cabdirazaq <Inahusein@hotmail.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:22:08 (CDT)
  61. Jawaab: Goormuu soo baxayaa, kitaabkii: Shaqada Manhajka Ahlusunnada?
    Assalaamu calaykum: walaal kitaabka aad tilmaantay wuu soo baxayaa inshaa allaah dhawaan.

    Maalmahan waxaan ku mashquulnay arrimo kale oo la xiriira jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan Australia iyo jaaliyadda Islaamiga ah guud ahaanba.

    Marka inshaa allaahu dhawaan waan dhamayn doonnaa kitaabka howlgalka ee manhajka ahlusunnaha iyo jamaacada ee naga war hay soona booqo webka mar walba inshaa allaahu.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. DR. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:20:02 (CDT)
  62. Su'aal: Goormuu soo baxayaa, kitaabkii: Shaqada Manhajka Ahlusunnada?
    waa in idn salamyaa waxan idin weydiinaya in uu soobaxayo iyo inkale kitaabkii shaqada manhajka ahlusunna waljamaca oo aan rabany in aan wax kalehlno?
    xasan albisri < albisri>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:16:30 (CDT)
  63. Jawaab: Gabadhii guurka diidda maxaa lagu samaynayaa?
    Assalaamu calaykum: walaal culumadu waxay dhaheen guurku wuxuu waajib noqonayaa qofku markuu u baahdo, isla markaana ka baqo in uu sino ku dhaco.

    Kolka gabadhu haddii ay tahay naag wayn oo 30 jir ah sida aad sheegtay, waxaa meeshaa ka cad in ay guur u baahantahay, marka waxaa loo baahanyahay in la waansho oo la wacdiyo oo loo sheego waxa sharciga Islaamku ka qabo guurka.

    Marka waxaan kugula talinayaa in aad culumada joogta dhulka aad ku nooshahay la kaashato arrinkaas, oo nin wadaad ah oo aad ku kalsoontahay la tashato, kadibna aad gabadha ku guubaabisaan in ay guursato.

    Haddii aabbaheed ama walaalkeed joogo waxaa fiican in uu ku khasbo oo nin ku daro oo ku mehriyo haddii ay suurta gal tahay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:13:50 (CDT)
  64. Su'aal: Gabadhii guurka diidda maxaa lagu samaynayaa?
    shiiq ascww waxan ahay hooyo dhashay gabar jirtana 30jir diidayna iney guursato anigana jeclahay inaan arko ilmaheeda iyo iney guursato nin muslim markaa maxaa quraan ah oo loo aqri karaa si ay ugu rajuucdo iney guursato.
    Marwo <Marwo>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:09:25 (CDT)
  65. Jawaab: Haweeneyda dhacaanku ka socdo sidee u tukanaysaa?
    Assalaamu calaykum: walaal, dhacaanka joogtada ah ee dhiigga u eg waa midka ay ku magacaabaan fuqwahadu "istixaadada" waxaana culumadu dheheen haweenayda noocaas ah salaad kasta way u wayso qaadanaysaa oo u astajoonaysaa, kadibna way tukanaysaa.

    Waxaa kale oo ay dhaheen in aanan laga rabin wax qabays ah haba yaraatee. Marka haddii dhacaanku yahay mid aanan la xiriirin caadadii bisha u imaan jirtay, oo aanan la xiriirin dhiigagga kale ee la yaqaan sida midka dhalmada ka dib yimaada, wuxuu noqonayaa midka loo yaqaan "istixaadada" gabadha dhiigga noocaas ah ama dhacaanka noocaas ah ka socdana salaad kasta way isu daahirinaysaa oo wayso qaadanaysaa kadibna tukanaysaa, qabaysna lagama rabo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:07:17 (CDT)
  66. Su'aal: Haweeneyda dhacaanku ka socdo sidee u tukanaysaa?
    Walaal Assalaamu celykum, Waxaan qabaa su'aal inaan oo ah: haddii ay dhacdo qof (haween) qaba infection ama dheecaan ka socda qeebta taranka haweeneyda, sidee ayay u tukaneysaa.

    Fiiro gaar ah: waa wax ay ceshan karin ama ka baxsan ifraazaadka caadiga ah ee la wada yaqaan xukunkiisa.

    Mararka qaarna waxaa dhacda iney kala garan Manida, Wadiga iyo madiga wuxuu yahay (yacni qoyaan iska socda) haddii ay dhaqtar aado daawada kadib waxaa dhacda inuu ku soo laabto, yacni inta dawada isticmaaleyso kaliya ayuu moogan yahay.

    Sheekh, waxaa kaloo aan maqlaa in mararka qaar in infectionka daaqilka ka yimaado uu qubeys wajibinayo - waa markee? Wasalaamu caleykum.
    Maana Faay <Maana>
    - Saturday, August 12, 2006 at 20:03:11 (CDT)
  67. Jawaab: Waa maxay xukunka Fasakha?
    Assalaamu Calaykum: Walaal furriinka fasakha ah, waa midka ninka naagtiisa laga fasakho, wuxuuna dhacayaa laba jeer:

    Haddii ninka la waayo oo naagtu qaalliga u soo dacwooto, waqti kufilanna la sugo ninka kadiba qaalligu go'aan ku gaaro in uu ninkaas naagta ka furo.

    Tan labaad waa haddii ninku naagta dhaqan waayo oo naagtu qaalliga u dacwooto oo qaalligu arko ama ka maqlo haweenayda xujo sharci ah oo caddaynaysa in aanuu ninkaasi naagtaas dhaqi karin, oo uu markaa go'aan ku gaaro in laga fasaqo.

    Labadaa xaaladood ayaa fasakhu dhacayaa, waana sidi nikaaxa baa'inka ah oo ka noqosho malaha.

    Waxaa kale oo jira furriinka la yiraahdo khuluca, oo runtii ka duwan fasakha, marka haddii ay su'aashaadu fasakha uun ku saabsanayd jawaabteedu waa intaas haddii aad khuluca uga jeeddayna iisoo sheeg maxaa yeelay way kala duwanyihiin laba nooc.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, July 29, 2006 at 03:43:44 (CDT)
  68. Su'aal: Waa maxay xukunka Fasakha?
    Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuh Sheekh, salaan ka dib waxaan rabaa inaan ogaado xukunka fasakha nikaaxa. Maxay tahay shuruudiisa Xukunkiisa maxuu noqonayaa mar haddii jihada ku shaqo leh ay go'aan ka gaaraan. Ma waxuu la mid yahay furitaan (dhalaaq). Dhalaaq baain miyuu noqonayaa ama rajci. Waad mahadsantahay. Jazaaka Allaahu khayran
    Abdulkadir M. Sheikh <abdulsheikh>
    - Saturday, July 29, 2006 at 03:38:26 (CDT)
  69. Jawaab: Ma ansaxaysaa salaad bidci lagu xirtay?
    Assalaamu calaykum: Walaal salaadda bidciga lagu xirtay waa laba nooc. Bidciga bidcadiisu xuntahay, sida wahhaabiyada, salaadda lagu xirtaa ma ansaxayso.

    Sababtuna waa in bidcada wahhaabiyadu ay ku saabsantahay caqiidada, taas waxaa ka daran in ay muslimiinta oo dhan gaalaynayaan, marka bidciga wahhaabiga ah salaad in lagu xirto marnaba ma bannaana mana ansaxayso.

    Haddii bidcigu uu yahay mid bidcadiisu aanay khatar ahayn oo aanay ku saabsanayn amuuraha caqiidada waa lagu xiran karaa salaad, waana ansaxaysaa inshaa allaah.

    Dadka wahhaabiyada lagu magacaabo waa laba kooxood, koox wadaaddo isku sheegaya oo dadka in ay islaamka ugu yeerayaan sheeganaya, caqiido habowsan oo tajsiim iyo tashbiih ahna haysta, qoladaas waa gaalo kufaar ah, salaadna laguma xiran karo marnaba, maxaa yeelay bidcadoodu waa bidco kufri ah.

    Qaybta labaadna waa dad badan oo caamo ah oo wadaaddo iska dhigaya laakiin aanan diinka waxba ka aqoon oo iska daba socda kooxdaas aan horey u soo sheegnay.

    Kooxdan dambe ee caamada ah waa muqalidiin ku dayana kuwaas isku sheegaya culumada wahhaabiyada, marka qoladan caamada ah la kufrin maayo maxaa yeelay bidcadoodu ma aha mid kufri ah oo ictiqaadi ah ee waa taqliid indho la'aan ah oo ay isaga dayanayaan wahhaabiyada.

    Marka walaal adigu haddii aad qof tukanaya oo muslim ah aragto iskala tuko, haddii aadan ogayn waxa uu yahay.

    Haddii aad ogaato in uu yahay wahhaabi bidci ah oo bidcadiisu kufri gaarayso, salaaddii in aad soo celiso ayaa kugu waajib ah, haddii kalena soo celin maysid.

    Marka si aad uga taagsato mushkiladdaas waxaa habboon in aadan ku tukan meelaha wahhaabiyada u gaarka ah ee mowlacyada u ah ama masaajidda ay gaarka u leeyihiin.

    Maxaa yeelay, meelahaas imaamyada jooga badanaa waa wahhaabiyada ay bidcadeedu xuntahay oo caqiidadoodu waa mishabiho ama waa mujasimo qayaxan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, July 16, 2006 at 21:44:54 (CDT)
  70. Su'aal: Ma ansaxaysaa salaad bidci lagu xirtay?
    Shiikh, Ma ansaxeesaa salaad lagu xirtay immam bidci ah ama wahaabi oo kale?
    c/llahi hasan muhamad <subeer>
    - Sunday, July 16, 2006 at 21:31:06 (CDT)
  71. Jawaab: Family Planining (ama habaynta qoyska) islaamku muxuu ka qabaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal Islaamku waxba kama qabo in qoyska la habeeyo oo carruurta la kala dheereeyo.

    Culumadu waxay dhaheen daawooyinka gabdhuhu qaadanaayn ee carruurta lagu kala dheeraynayo waxba kuma jabna haddii ninka iyo naagtu isaga raalli yihiin.

    Waxaa kale oo culumadu isku raacday in ay xaaraan tahay qaadashada daawooyinka dhasha goynaya ama dhalmada xiraya gabi ahaanba.

    Dhalmada kala dheereynteeda ama qoyska habayntiisa qaabab badan ayaa loo sameeyaa, waxaa ka mid ah qaabka "cazliga" loo yaqaan oo waagii nabiga la yaqiin, waxaa kale oo ka mid ah qabab kale oo ay ka mid tahay adeegsiga "xuubka - kondhomka" loo yaqaan, waxaa kale oo ka mid ah daawooyinka qaar ay haweenku qaataan.

    Dhammaan qaababkaas way bannaanyihiin, mar haddii labada qof isku raacsanyihiin, ujeedaduna tahay qoyska in la habeeyo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, July 16, 2006 at 21:29:31 (CDT)
  72. Su'aal: Family Planining (ama habaynta qoyska) islaamku muxuu ka qabaa?
    Shekh Dr Hirs ka waran waxa Famly planing la yiraahdo si ilmuhu u kala dheraadaan oo aysan gabadha uur u qaadin sharciga muxu ka qabaa?
    Ali <Cadaysay>
    - Sunday, July 16, 2006 at 21:23:59 (CDT)
  73. Jawaab: Ilaahay ma lagu sifayn karaa "meel"?
    Assalaamu calaykum: Walaal Ilaahay wuu ka nasahanyahay "meesha" iyo "goorta" iwm, sida aan horey ugu caddeeyay fatwooyin badan oo halakn aan ka baxshay oo aan ku caddeeyay daliilka quraanka iyo xaddiska iyo hadalka culumada ee sugaya in Ilaahay waynaayee ka nazahanyahay "meesha" iyo "goorta" iwm.

    Xukunka qofkii Ilaahay waynaayee u suga "meel" ama "goor" ama sifo kale oo maaddi ah waa in la kufrinayo, sida aan horey u caddeeyay.

    Faahfaahinta ka akhri webkan, su'aalihii hore. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, July 15, 2006 at 04:26:38 (CDT)
  74. Su'aal: Ilaahay ma lagu sifayn karaa "meel"?
    asallaamu caleycum. waxaan rabaa in aan ogaado in lagu sifeen karo allaah cza wajala meel go'an sida cirka oo kale?
    c/llaahi xasan maxamad <subeer105>
    - Saturday, July 15, 2006 at 04:23:29 (CDT)
  75. Jawaab: waa maxay xukunka balan ad qof ka qaatay oo ad uka baxtay?
    Assalaamu calaykum: Walaal Asmaa, Ilaahay wuxuu ina faray in aan ballanka oofino, sida quraanka lagu sheegay. Waxaa kale oo xaddiiska nalooku sheegay in ballanka oo laga baxo ay ka mid tahay calaamadaha munaafiqa.

    Marka walaal ma bannaana in ballanka laga baxo qofkii ka baxa ballan uu qaadayna wuxuu gaystay dambi wayn waxaana ku waajib ah in uu si degdeg ah Eebbe ugu toobad keeno.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, July 11, 2006 at 22:10:36 (CDT)
  76. waa maxay xukunka balan ad qof ka qaatay oo ad uka baxtay?
    waa maxay xukunka balan ad qof ka qaatay oo ad uka baxtay.
    asmaa <asmaa >
    - Tuesday, July 11, 2006 at 22:08:10 (CDT)
  77. Jawaab: Faahfaahin iga sii Tawasulka iyo wixii ku soo arooray?
    Assalaamu calaykum: Walaal tawasulka sida culumadu uga hadleen waa saddex qaybood:

    1. Qayb la isku raacsanyahay oo culumada oo dhan isku waafaqeen: waana tawasulka qofku ku tawasulo acmaashiisa saalixa ah, ama uu ku tawasulo qof nool oo oo jooga oo uu yiraahdo ii ducee ama Ilaahay ii bari.

    Tawasulka noocaan ah way isku waafaqeen culumadu waxayna soo daliilsadeen falkii asaxaabta oo Nabiga ku tawasulay intii uu noolaa, iyo xaddiiskii nimankii saxxdexda ahaa ee buurtu ku duntay ee acmaashooda ku tawasulay.

    2. Nooca labaad waa nooc la isku khiulaafay, oo culumada qaar banneeyeen qaarna diideen: Waana tawasulka lagu tawasulayo awliyada iyo saalixiinta, iyo qof maqan ama dhintay iwm.

    Qolyaha banneeyay waxay soo daliilsadeen qisadii Imaam Cumar uu ku tawasulay al-Cabbaas, iyo axaadiis kale, waxayna ku qiyaaseen tawasulka awliyada iyo saalixiinta midka nabiyaasha.

    Tawasulka noocaan ah culumada badankoodu way bannaysay, hase ahaatee, qaar yar ayaa diiday oo axaadiista tafsiirkeeda siyaabo kale u fahmay.

    3. Qaybta saddexaad waa qayb la isku raacsanyahay in uusan bannaanayn: waana tawasulka lagu tawasulayo dhagaxyada iyo geedaha iyo xoolaha iwm ayada oo la ictiqaadsanyahay in ay wax anfacayaan ama dhib reebayaan ama dheef soo jiidayaan.

    Qaybtan dambe culumadu way isku raacsanyihiin in uu xaaraan yahay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, July 11, 2006 at 22:04:13 (CDT)
  78. Su'aal: Faahfaahin iga sii Tawasulka iyo wixii ku soo arooray?
    As-Salaamu Calaykum Wr Wb. Ugu Horrayn: Sh. Dr. Xirsi Ajar iyo Xasanaad Alle hakaa siiyo Dadaalkaaga ku Aaddan Diinta Islaamka & Fahamsiinta Xaqa ee Walaalahaaga Islaam-ka ah. Sh. Xirsi, Su'aashaydu waa FAAHFAAHIN KU SAABSAN TAWASULKA iyo wixii NAS ah oo Nabiga ka sugnaaday. JazakAllaahu Khayr. ASC
    Mohamed I
    Mohamed <somengineer>
    - Monday, July 10, 2006 at 00:01:58 (CDT)
  79. Jawaab: Qowl Saxaabi daliil ma noqonayaa?
    Assalaamu calaykum: walaal mas'alada aad tacliiqinayso si fiican iigu soo caddeey, ma fahmin meesha aad tilmaamayso, kuumana jawaabi karo aniga oo aanan mas'alada oo dhan fahmin iyo meesha aad tilmaamayso. Waad mahadsantahay.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, July 07, 2006 at 03:34:44 (CDT)
  80. Su'aal: Qowl Saxaabi daliil ma noqonayaa?
    Slaam caleykum Dr xirsi. Walaal hadii aad sidan ku iftootey "Midda kale, xataa haddii ay caddaato in uu asigu yiri tafsiirkaas, taasi wax daliil ah noqon mayso maxaa yeelay waa qowl saxaabi, qowl saxaabina daliil u noqon maayo sugidda sifooyinka Eebbe. Markaa hadii aan taada ku deydo oo aan dhaho qorrida saxaabuda quraanka qoreen daliil uma aha in waxey qoreen oo dhan ilaahey yiri miyaan qaldanahey?
    Asraar <Asraar25>
    - Friday, July 07, 2006 at 03:32:57 (CDT)
  81. Jawaab: TV-ga iyo Shaleemada sharciga Islaamku muxuu ka qabaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal TV-ga iyo Shaleemadu waa aalado loo adeegsankaro dhan kasta, haddii dhanka wanaagsan loo adeegsadana Islaamku waxba kama qabo.

    Macnaha haddii TV-ga ama Shaleemada lagu daawanayo filimo madadaalo ah ama cilmi ah ama taariikh ah ama cibro ah ama kubad iyo ciyaaro ah taas diinta Islaamku waxba kama qabto.

    Xaalka Wahhaabiyada Soomaaliya:Arrinka wahhaabiyada Soomaaliya ee aad sheegtay, walaal annagu horay ayaan uga dignay kooxdaas ku soo dhexdhuuntay Muslimiinta, waxay waddanka ku qabsadeen magaca muslimiinta iyo magaca Islaamka nin ahlusunno ah intay madax ka dhigteen, markii ay dagaaloogayaalkii jebsheen ayay ninkii sunniga ahaa tuureen oo mid wahhaabi ah u dhiibeen maamulkii maxkamadaha.

    Arrinkaas waxaa ka dambeeya jawaasiista sacuudiga oo wahhaabiyada taageera oo maalgelsha si ay ugu kharibaan geeska Africa, marka muslimiinta Soomaalida ah waxaa ku waajib ah in ay indhaha furaan oo ka digtoonaadaan waxan lagu sheegayo maxkamadaha una laabtaan maamulkoodii qabaliga ahaa ee taqliidiga ahaa inta laga helayo maamul toosan oo caddaalad ku dhisan.

    Xukunka qofkii dila qof waa in asigana la dilo haddii dilkaasi ula kac ahaa, sidaa darteed, dadka dilay ninkaas iyo naagta aad sheegtay ayaga oo ula kac u falay dilkaas waxaa sharciga Islaamku qabaa in la dilo ayagana, maxaa yeelay waa qisaas.

    Mana bannaana in la yiraahdo waxay metelayeen Islaamka ama Imaamka, maxaa yeelay Imaam iyo Maamul Islaam midna kama joro soomaaliya hadda.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, July 06, 2006 at 18:57:53 (CDT)
  82. Su'aal: TV-ga iyo Shaleemada sharciga Islaamku muxuu ka qabaa?
    Falka ka dhacay Dhuusamareeb ayaa wuxuu yimid kadib markii ciidamada midowga maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Dhuusamareeb ay howlgalo ka fuliyeen shineemo ku tiilay magaaladaasi halkaasoo kooxo dhalinayaro ah ay ku daawanayeen xalay kulankii u dhexeeyey xulalka Jarmalka & Talyaaniga, waxaana halkaas ku dhintay milkiilihii shaneemadaasi Max’ed Xersi Dhoore & haweeney kale oo la oran jiray Sahra Axmed Indha-weyne, waxaana falkaasi ka xumaaday dadka ku dhaqan magaaladaasi kuwaasoo sheegay in sharciga Islaamka la hor geeyo kuwii ka danbeeyey dilkaasi.

    Sida ay soomaali badani la socoto falkas waxaa sameeyay wahaabiyo bal marka sheekh soonkii horen sidas oo kale dad ugu laayeen magaalda muqdihso inta yiraahdeen shaneemooyin ayaan xiraynaa marka su'aashayd waa sharci Islaamku muxuu ka qabaa TV iyo Shaneemo waxay ay soomaalida u taqaan allaah khayr badan kugu jazeeyo Faa'iidada aad soomaalida u hayso oo xaga fatwada diiniga ah.
    Cabdirazaq <inahsuein>
    - Thursday, July 06, 2006 at 18:49:15 (CDT)
  83. Jawaab: Tiishuuga ma lagu astajoon karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal waad ku mahadsantahay xiriirinta aad nala soo xiriirtay, waxaanna Ilaah idinkaga baryaynaa in uu idinku nabad yeelo dalka South Africa ee aad joogtaa.

    Midda labaad walaal tiishuuga ama xaashida cad ee musqulaha loo adeegsado xukunkeedu waa sidi xukunkii qorayga iyo dhagaxa, oo waa loo adeegsankaraa astajada.

    Sida culumada fiq-higa sheegeen waxaa wanaagsan in uu qofku dhagax ama qoray adeegsado dabadeedna biyo raacsho, laakiin waayahan dhagax iyo qoray hadda lama adeegsado, waxaana booskoodii galay tiishuuga ama xaashida cad ee khafiifka ah ee aan musqulaha u adeegsano.

    Marka qofkii taas isku nadiifsha saddex jeer ee sidaa ku gaabsada astajadiisu way ansaxaysaa, qofkii biyo sii raacshana waa ka sii fiicanyahay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, July 05, 2006 at 22:28:26 (CDT)
  84. Su'aal: Tiishuuga ma lagu astajoon karaa?
    a\c shiiq waan kuslaaamay, salan ka bacdi shiiq su' aashu waxey tahay nin wahaabi ah ayaa dad aan islajoon waxuu u if tooday tiishuu-ka waa lagu istijoonkaraa!

    Kawaran mas'aladaas shiiq. waadna mahad santahay su' aashi hore ee aad iga soo jawaabtay. waxaan kaala soo xiriirayaa south africa.
    maxamad <sandhere15>
    - Wednesday, July 05, 2006 at 22:23:07 (CDT)
  85. Jawaab:Gaalo mala kaalmaysan karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal laba qolo oo Muslimiinta ka mid ah haddii ay dagaalaan qolo ayaa khaldan oo lagama yaabo in ay labadooduba xaq ku taagnaadaan.

    Taas macnaheedu waa in ay qolo xaq ku taagantahay qolada kalena ay "ahlu Baqyi" yihiin".

    Muslimiinta waxaa ku waajib ah in ay heshiisiiyaan labadaa qolo, haddii ay heshiis diiddo qolada gardaran waa in lala dagaalo inta ay ka toobad keenayaan oo sharciga ugu soo noqonayaan.

    Midda aad tiri: gaalo mala kaashan karaa? jawaabtu waa: haah, gaalada in la kaashado waxba kuma jabna, maadaama hadafku yahay in xaqa la sugo oo dulmiga la reebo, oo xadgudubka la joojiyo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, July 05, 2006 at 22:18:02 (CDT)
  86. Su'aal:Gaalo mala kaalmaysan karaa?
    sheekh Dr Hirsi allah khayr badan ha kugu jazeeyo adiga iyo culimada kale.

    Su'aashayda waa ka waran sheekh labo qolo oo muslimiin ah hadii uu dagaal dhex maro oo qolo ay kaalmaysato gaaalo qoladaas xukunkoda wa maxay? gaalse mala kaalmaysan karaa?


    cabdirazaq <inahusein>
    - Wednesday, July 05, 2006 at 22:13:38 (CDT)
  87. Jawaab: Su'aalo soo noqnoqday..
    Assalaamu calaykum: Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Eebbe, Nabadgelyo iyo Naxariisina ha ahaato nabigeenna dushiisa. Intaa kadib waxaan halkan uga mahad celinaynaa dhammaan dhallinyaradii su'aalaha ina soo waydiisay toddobaadkan oo ay ka mid yihiin dhallinyarada ku soo gaabisay magacyadooda sidan: (Subeer105, Jarriiban33,Jaabir75, iyo qaar kaleba).

    Sikastaba ha ahaatee, dhallinyaradaa waxaan ogaysiinaynaa in su'aalahaa ay ina soo waydiiyeen dhammaantood ay yihiin su'aalo soo noqnoqday oo aan horay uga jawaabnay, marka waxaan ka codsanaynaa in ay webka akhristaan siiba qaybta su'aalaha iyo jawaabaha, halkaas oo ay ka heli karaan jawaabo faahfaahsan.

    Waxaa kale oo aan xusuusinaynaa dhallinyarada su'aalaha ina soo waydiiya in ay qoraan emailkooda si aan si toos ah ugu soo jawaabno. Haddii aad emailkaaga si sax ah ugu qorto kolka aad su'aasha ina soo waydiinayso, waxaan kuugu soo jawabaynaa emailkaaga si toos ah oo degdeg ah, siiba haddii su'aashaadu tahay mid hadda ka hor aan ka jawaabnay, waxaanna kuu sheegaynaa meesha aad jawaabta ka heli katro. Marka ku dadaala walaalayaal in aan qortaan emailkiinna oo sax ah kolka aad su'aasha ina soo waydiinaysaan.

    Khayr ayaan dhammaantiin idiin rejaynaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, June 28, 2006 at 12:36:36 (CDT)
  88. Su'aal: Waxaan qabaa dhowr su'aalood oo caqiidada iyo axkaamta ku saabsan..
    ass/c/wr/wb/ bacda salaam walaalayaalo waxaan qabaa sadex su'aalood oo mid eey ku saabsantahay axkaamta islaamka labada kalana wexey ku saabsanyihiin caqiidada islaamka.

    1) tan caqidada dad baa wexey igu dheheen nabi muxammad s/c/w/m intii rumeysay waxaa ugu horeeyay abuu bakar iyo khadiijo ka hor buraaqadii nabigi s/c/w oo wexey rumeysay abuu bakar oo aan nabiga rumeyn waxeyna rumeysay markii nabiga s/c/w la dheelmiyay abuu bakarna markuu soo laabtay ayuu rumeeyay ee maxaa ka jira qowlkaas?

    tan 2aad) ee caqiidada waxaa weeye dad baa wexey dheheen waxaa quraanka ku jirta suurad aan lugu dukan karin saladaha ama waajib ha ahadeen ama sunno oo nabiga ayaa yiri yaan lugu tukanin suuraddaas gebi ahaanba taasna maxaa ka jira?

    Su'aasha kale ee ku sabsan axkaamta waxaa weye naagbaa ninkeedii furay marka intuusan furin ka hor ayuu wuxuu ka maqnaay mudo dheer oo dhan ilaa laba sano adigu dhow mar ayey cuda tirsatay markaas ka bacdi ayuu furay xiligaas eey kala maqnaayeeyna uur ma eeysan leheyn oo uur booskii cudada kuma jirin markuu furayana isma eeysan arkin markaas buu furay asagoonan utegin sidii u kaga maqnaa marka naagtaas horay nin maka maharsan kartaa misa xiligaas uu furay ayey ka tirsaneysa cudada wad mahdsantihin waxana rajeynayaa in aad jawab isiin doontiin wixii karankiina eh wabillahi toowfiiq wass/c/wr/wb/h.
    muxyidiin macalin axmad <jaabir75>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:30:35 (CDT)
  89. Su'aal: Waxaan qabaa su'aalo soo noqnoqday!
    assalaamu caleykum wr/wb/h salaan kadib walaalayaal waxaan qabaa su'aalooyin soo noqnoqday, su'aashu wexey tahay ninka la yiraa dr/xuseen alturaabi maxaa idinka dhexeeyo? oo aad marada ugu celcelineysaa waxaad tiraahdeen allaha unaxariisto war ilaaheey uma naxariisto duulkii diinteena ku ciyaara haduusan ka soo laaban qaladkisa qaladkiisa, maxaad ufaahfahineysaan warkiisa xaqba uma lihidiin in aad ta'wiilisiin qaladkiisa maxaa yeelay asaga ayaaba nool hadii uu dhiman lahaa weey idin suura geli leheed in aad dhahdaan sidaas ayuu ula jeeday sidii culumadii horaba yeeli jireen oo ahlu sunnaha eheyd sheykhii dhinta ee qawlkiisa macnihiisu culeys keeno wey ta'wiili jireen sida wanaagsan ayeyna ku fasiri jireen waxaan qaacida u eheed beydkaan soo oscda (wa kullu nassin awhama ttashbiiha awwilhu aw fawwidhu warum tanziiha).

    Marka taas waxaa la mid ah wax allaala iyo wixii diinta wax ka yaqaana daacadna eh hadey dhintaan aqwaashooda waa la ta.wiili jiray hadii shak galo laakiin nin asaguba nool weli oo faashkii uu wax ku qaribayay wata ayaad qiil uraadineysaa war nimanyahow anigu idin gara maayo ee maxaa idin kala dhexeeya wahaabiyada hadii aad awal ku ogeed in uu kugu caqiida yahay misana aad qalad ku aragtid ka foojignoow yuu kugu neefsane maahane dhihi meysid ninkaan waa dadkeeni hore mida kale hada sida aad hada ku fasirteen in uu uweday iyo in kale yaa kala og?

    Misa adinka ayaa mas'uul ka eh wixii uu geysto yuusan idin tatajinin waa duul dufoobaye.

    Dhanka kale sida aad u fasirteen una faahfaahiseen su'aalihii leydin weydiiye oo u sheegay wey ka duwantahay sida uu isagu ku sheegay tusaala ahaan wuxuu iftooday ilaa 7) mas.alo:

    1) naagtu ninka gaalka eh wey guursan kartaa aayad diideysana malahan iyo xadiith toona.

    2)naaguhu raga imaam wey unoqon karaan wax diidayan malahan.

    3) naaguhu madax wey noqon karaan ragana khaas kuma ahan madaxtinimu taas yaa yiri oo uga horeeyay ninkaan misa madhab qabto ayaa jirta in naguhu madax meel ka noqdaan ragii oo jooga soow nabi muxamad S/C/W/M uma diidin? hadii eey jirtase maxaa loo arki waayay naag nabi eh ima rasuul eh? mida kale markii nabigu dhimanayay wuxuu sheegay in eey khaliifada qabanayaa afartii imaam mana ku derin naagtii uu aduunka ugu jeclaay markii la weydiiyay oo la yiri yaad aduunka ugu jeceshahay wuxuu yiri caa.isho yaa ku xiga aabeheed ma uusan ku derin marnaba in eey mar uun hogaanka islaamka noqoto mana jirin qof ka cadaalad badan ima ka aqoon badan saxaabada marka waa hadal qaldan wadaadka hadalkiisu ilaaheyna waxaa laga baryaa faham wanaagsan ee cilmi ayaan leeyahay leeyskagama fatwoodo.

    4) markhaatiga labada naagood lama mid ahan hal nin naaguhuna kama fadli badna raga yuu kaga daysaday yaase ku raacsan? raguse naagaha mexey uga fadli banaa waayeen hadii duuduub ahaan looga hadlayo markii cibaada xageed la joogo wey dhacdaa in eey naaguhu raga qaarkood ka fadli badanyihiin laakiin wuxuu nabi muxamad S/C/W/M yiri naagaha diinkooda iyo caqligooda naaqus weeye qof dinkiisu naaqus yahay waa laga fadli badanyahay markii xitaa la eego raga iyo dumarka is qabo waad wada ogtihiin in uu nabigu S/C/W/M yiri hadii ey banaantahay in qof banii aadam eh loo sujuudi karo waxaan dumarka ku amri lahaay in ey ragooda u siidaan mar taas macneheedu waxaa weeye in ey gebi ahaanba ragu dumarka ka fadli badanyihiin xittaa asalka marki laga hadlayo waad ogtahay raga iyo dumarka waxaa curadsan raga.

    5) Aayada xijaabku wexey khuseysaa oo kaliya nagaha nabiga S/C/W/M xitaa gabdhihiisa kuma derin marka qof cabsan mooyee qof kale warkaas kama suuraabo.

    6) khamriga cabidiisu danbi weyn malahan hadii aan lugu sakraameyn sow ma oga in eey khamradu tahay muxaramun lidaatihi hadii eey sidaa tahay ima ha yaraato ima ha badato ima wax ha sakraamiso ima yeeysan sakraamin in eey xaraam tahay hadey xaraam tahana eey danbi weyn keeneyso qofkii cabana la karbaashi jiray marka dunuubta leysku karbaasho amaba leysku tacziiro dunuub yar ma ahan sida la wada ogyahay caqli saliimuhuna keeni maayo in qiil loo raadiyo.

    7) xuurul ciintu wa naagaha aduunka oo saalixiinta eh sidee ku noqdeen ma sax bey idin la tahay? soow nabigu S/C/W/M ma dhihin ma dhibto naagu ninkeeda illaa xuurul ciinta ayaa soo lacnadaysa oo ku leh ha dhibin alaha ku lacnadee adiga agtaada marti buu ku yahay anaguuba noo soo socdaaye waxa sidaas leh sow xuurul ciin ma ahan? mideeda kale naagaha saalixiinta eh waa la xisaabinayaa aakhiro laakiin xuur...ta lama xisaabinayo mana dhimanayaan iyagu markii umadu wada dhimato sida dlilka ku cad marka isku soo duuduuboo adinka xaqba uma lihidiin in aad aqwaasha turaabi ta'wiilisaan asagoo nool, kaliya waxaa idiin banaan markiu duul idin soo weydiiyo meelaha uu ka hadlay ninkaas meel heblo iyo meel heblo mexey diintu ka qabtaa waad ka jawaabi kartaan laakiin hada jawaabta aad bixineysaan isaguba idinkuma raacsana sida muuqato marka walaalayaal waxaa aniga mar kale iga digniin eh in aadan wahaabiyada marna qiil uraadina sideedana waxa la yiraahdo siyaasada iyo diinta kala ilaaliya isma cunaane diintuna siyaasad ma hoos tagto mana laga yeelayo ninka leh siyaasada ayaa ila fogaatay qiil loogu raadi maayo siyaasad uu sheeganayo waadna mahadsantihiin dhamaantiin iskana dul qaata su'aalaha qaarkod waxaa laga yaabaa in eey idinku adkaadaan koley waxaad u adeegeysaa waa diinka alle wa bilahi toowfiiq wallaahu macanaa wamacakum
    muxyidiin macalin axmad <jaabir75>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:24:43 (CDT)
  90. Jawaab: Miyaa la iska dhaafay caqiidadii imaam al-ashcari
    Salaamu caleykum: Walaal caqiidada Imaam daxaawi iyo midda imaam al-Ashcari waa isku mid, waana isku macne, waxna kuma kala duwana.

    Midda labaad caqiidada uu qoray imaam daxaawi si fiican ayay u qorantahay oo aad ayaa loo fududeeyay, taas ayaana ugu wacan in dadku maalmahan dambe aad u akhristaan.

    Laakiin kitaabka al-Ibaanah ee Imaam al-ashcari wuxuu soo maray taariikh dheer, waxyaabaha ku qoran qaarkoodna shaki ayaa ku jira oo mad-habtii shiikha qaar baan waafaqsanayn, marka qofka akhrinaya waa in uu ahaado qof wax bartay oo usuusha mad-habta imaamka ashcariyada si fiican u yaqaanna.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:17:38 (CDT)
  91. Su'aal: MIyaa la iska dhaafay caqiidadii imaam al-ashcari
    Salaamu caleykum Dr. xirsi, Shiikh waxaan ku weediiyey miya la iska dhaafey caqiidadii imaam ashcari waxaan arkaa intaa dadka waxaad kula talineesa in la qaato tii daxaawi. Anigana waxey ila tahey tan imaam ashcari ku biyaanshey (alibaana)yaa ka waadaxsan waayo uma baahna cid fasirta ama sharaxda laakin tan imaam daxaawi waa hadal matniya aan daliil wadan kolka ninkasta siduu doono u sharxi karo.marka miyaaney wanaagsaneyn in tan Ashcari ee muuqata oo daliilkeeda -aayad iyo xadiis- wadata la raaco oo la iska dhaafo tan kale. inkastoo labaduba isku caqiido yihiin.Maxaadse adigu ugu janjeedhaa dhinaca daxaawiyada?.
    Asraar Ali <Asraar >
    - Monday, June 12, 2006 at 20:14:10 (CDT)
  92. Jawaab: Haddii gabadha ninkeedu dhunkado ma qabays baa ku wajibaya?
    salaamun caleykum: Walaal dhunkashadu qabays ma waajibiso haddii aanan labadooda midkood shahwo ka imaan, marka haddii gabadha ninkeedu dhunkado oo aanan midna biyo ka imaan labadaba wax qabays ah ku waajibi maayaan.

    Haddii ay tukanayaan waysaysi ayaa ku filan oo way wayso qaadanayaan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:13:19 (CDT)
  93. Su'aal: Haddii gabadha ninkeedu dhunkado ma qabays baa ku wajibaya?
    salaamun caleykum warxmatulaahi. sheekh kheyr ayaan rabi kaga baryay. waxan qaba sual shekh waana sidan. hadii gabadha ninkeeda dhunkado, shumiyo ama taa taabto isga ula dan leh raaxo laakinse aan ijmaac sameyn qabeysa miya laga raba 2dooda mis weeso ayaa ku filan marka ay tukanayan
    xafsa <xafsa>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:11:38 (CDT)
  94. RE: Salaan: Waxaan ka mid ah xertii sh. Maxamad guuleed
    Assalaamu calaykum: waad salaamantahay walaal, waana kugu soo dhawaynaynaa webka, wixii niqaash ah ama su'aal ahna waad inoo soo gudbin kartaa inshaa allaah.

    Khayr baan kuu rejaynaynaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:10:38 (CDT)
  95. Salaan: Waxaan ka mid ah xertii sh. Maxamad guuleed
    salaan aad u qiimo badan ka dib waxaan aad u akhristaa web kaaga waxaana ka mid ahay xertii sheekh maxamed guuleed saas darteed waxaan rabaa inaan xiriir fiican yeelano hada waxaan ka mid ahay dhalinta wahaabiyada kula dirirta kenya sidaa daraadeed qoraalada qaar ayaanba la yaabaa runtooda oo aan is dhahaa webka sheekha ma lagu soo daray meelahaas waxaan rabaa inaan niqaash badan ka yeelano insha allaah dhowrjeer ayaan waraaq kuu soo diray mana la ii soo jawaabin bal Emailkaga waa kase isku day inaad i dhahdaan waraaqdaadii waan helanay nabadeey sayidii.
    daahir <daahir99>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:09:04 (CDT)
  96. Jawaab: Magaca webkan xagee baad ka soo qaadatay?
    Assalaamu calaykum: Walaal magaca 2garre, waa "Labagarre" oo la soo gaabshay, waana magac loo yaqiin wadaad awowgay ahaa oo shiikh dacwada islaamka fidin jiray ahaa caanna ka ahaa nawaaxiga degmada ceelbuur iyo wixii la xiriira.

    Sikastaba ha ahaatee, magacu wax xiriir ah lama laha qabiilka "garre", ee ujeedadiisu waa: (laba gar leh) macnaha "laba figradood leh" maxaa yeelay shiikhaas ayaa dhihi jiray: (Ilaahayow nin aanan la hadlin uusan i dilin, nin aan la hadlay iba dili maayee) kolkii la waydiiyay sidee taasi ku dhacaysaa, wuxuu dhihijiray: (Nin aan la hadlay iba dili maayo, maxaa yeelay, haddii aan ka waayo sidii aan ka rabay, sida uu rabo ayaan u yeelayaa!, ee waxaa ii daran in uu i dilo nin aanan ilaba hadal)!

    Sida aad ogtahay waayihii hore soomaalidu way islayn jirtay, wadaadkuna wuxuu ahaa nin daaciyo ah oo socod badan oo qabaa'ilka soomaalida oo dhan isaga gooshaya, marka ninka noocaas ahna in la dilo ayuu kharat u ahaa, maxaa yeelay qabiil difaacaya ma daba joogo oo waa nin socoto ah.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 12, 2006 at 20:05:06 (CDT)
  97. Magaca webkan xagee baad ka soo qaadatay?
    Assalaamu calaykum: walaal adigoo iga rali ah ayaan raba in aan ku weydiiyo magaca webkan xagee bad ka kentay aniga waxa ii quseyo waa webkaan magaciisa.

    Tankale aad baad u dadashay oo dacwo ayaad ku wadaa webka waa ariin loo bahan yahay in aad ku fulisiid lakiin waxan la yabanahay magaca ileen dhoor qof ayaa i wey disaay in ka badan 1 sano marka waa garan la'ahay magaca garre mesha ku qoran iyo ninka mamula webka maxa ayu ugu jeeda magacaas ayan raba. wabilahi towfiiq.
    mutaweli <mutaweli>
    - Monday, June 12, 2006 at 19:59:29 (CDT)
  98. Jawaab: Saxarada haddii aan layska dhaqin ma la tukan karaa?
    aslaamu caleykum: Walaal haddii qofka muslimka ah saxaroodo, wuxuu isku daahirin karaa:
    1. Biyo daahir ah in uu isku xalo ama ku dhaqdo.
    2. Dhagax ama xaashida musqusha loo adeegsado ee tiishuuga ah in uu isku nadiifsho oo isku qallajiyo.

    Labadaas siyaabood middood ayay dahaaradu ku suurtoobaysaa ama laba doodaba.

    Dhagaxa iyo warqadda iwm waxay daahirin karaan najaasada haddii aanay ka guurin meeshii ay ka soo baxday oo aanay gaarin jirka intiisa kale, laakiin haddii ay dhaafto meeshii ay ka soo baxdhay oo ku hallowdo jismiga meelo kale oo ka mid ah waxaa waajib ah in biyo lagu dhaqo, xaasho iyo dhagaxna daahirin maayaan.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 12, 2006 at 19:56:16 (CDT)
  99. Su'aal: Saxarada haddii aan layska dhaqin ma la tukan karaa?
    aslaamu caleykum: waxaan qabaa su'aal ah hadii aad tahay qof muslin ah markaad xaajoto hadii aadan iska dhaqin ama saxarooto oo aadan iska dhaqin salaad malagaa aqbalaya barakalah fii waxaan suga waa jawaab
    muna <yaska_5>
    - Monday, June 12, 2006 at 19:51:39 (CDT)
  100. Jawaab: Shiikh Wadaadaha maxkamadaha ee sheegtay in ay Muqdishu qabsadeen sidee u aragtaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal sheegashada ay wadaaddada maxkamaduhu sheegteen in ay magaalada Muqdishu qabsadeen wax wayn ma aha.

    Sida aad ogtahayba Muqdishu qabsashadeedu wax wayn ka bedeli mayso dalka xaaladdiisa.

    Midda ah, sida aan u aragno wadaaddadaas maamulkooda: waxaan ku leeyahay maamulka noocaas ah wax wax cusub ma aha, Dr. Turaabi ayaa keenay nidaamka maxkamadaha, waxaana lagu dabbaqay suudaan iyo afqaanistaan waagii daalibaanka, labadaas meeloodna wuu ku fashilmay nidaamkaas.

    Midda labaad, haddii wadaaddadaasi raacaan manhajka ahlusunnah wal-jamaacah waxaa lagayaabaa in cumrigoodu dheeraado, laakiin haddii way raacaan manhajka wahhaabiyada iyo midka ikhwaanka, waad ogaan doontaa wixii xaalkoodu ku dambeeyo.

    Sikastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in aanay wax wayn ka bedeli doonin qaabka siyaasadeed ee ka jira dalka, maxaa yeelay qaabkaas wuxuu cuskanyahay qabyaalad.

    Wadaaddada laftoodu hadda qabiil bay ku gabbanayaan oo guusha ay sheeganayaan qabiil ayaa ugu wacan, marka wali way taagantahay mushkiladdii qabiilka iyo diinta iyo dagaalkii ka dhaxeeyay ee siyaasaded.

    Khayr baan kuu rejaynayaan.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, June 06, 2006 at 20:43:02 (CDT)
  101. Su'aal: Shiikh Wadaadaha maxkamadaha ee sheegtay in ay Muqdishu qabsadeen sidee u aragtaa?
    Assalaamu calaykum: shiikh Dr. Xirsi, sida aad wararka ka maqasheenba waxaa sheegtay wadaadaha maxkamadaha in ay qabsadeen magaalada muqdishu.

    Su'aashaydu waxay tahay, sidee u aragtiin mustaqbalka magaalada muqdishu, mase idinla tahay in xukunka maxkamaduhu gaari doono meelo kale oo aan ahayn muqdishu?

    Shiikh waad mahadsantihiin, wassalaamu calaykum.
    mohamed xuseen <mohxus>
    - Tuesday, June 06, 2006 at 20:37:19 (CDT)
  102. Jawaab: siyaarada todobada asharaaf iyo meelaha lagu qabto..
    Assalaamu calaykum: Walaal awliyada iyo nabiyaasha qabuurahooda in la siyaarto waxba kuma jabna, xuska loo qabanayo siyaaradaas iyo meelaha lagu qabanayo intaba Islaamka ayay waafaqsanyihiin, haddii aanan lagu soo derin waxyaabo sharciga khilaafsan sida dambaabidda iyo been la sheego iyo dulmi in loo kulmo iwm.

    Laakiin haddii wax wanaagsan oo khayr ah la falayo, diinka ayaa ina faray in khayrka la falo noocii uu doono ha ahaadee.

    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 05, 2006 at 22:24:37 (CDT)
  103. Su'aal: siyaarada todobada asharaaf iyo meelaha lagu qabto..
    asalaamu calaykum waxaan rabaa inaan wax ka ogaado siyaarada todobada asharaaf iyo meelaha lagu qabto.
    Cali Hasan Jaamac <calihasan>
    - Monday, June 05, 2006 at 22:21:27 (CDT)
  104. Jawaab:Mucaamaladan cusub ee soomaalidu baratay ma xalaal baa?
    Assalaamu calaykum: walaal mucaamalada noocaan ah anigu wali ma maqal mana arag, laakiin qaacidada islaamiga ah waa in waxa la kala iibsanayaa ay wax la yaqaan yihiin ama la hayo, qofka iibinayana waa in uu leeyahay ama loo wakiishay, wuxuna waa in ay xalaal yihiin asalkoodu.

    Marka haddii waxa aad sheegayso ay yihiin waxyaabo xaansho ku qoran oo aan badeecaba ahayn laguna kala qaadanayo lacago caddaan ah, waxaa laga yaabaa in aanay taasi ku bannaanayn Islaamka.

    Sikastaba ha ahaatee, waxaan jeclaan lahaa in aad si fiican iigu soo faahfaahiso mas'alada qaabkeeda si aan u fahamno dhinacyadeeda oo dhan.

    Khayr baan kuu rejaymayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, June 05, 2006 at 22:19:17 (CDT)
  105. Su'aal:Mucaamaladan cusub ee soomaalidu baratay ma xalaal baa?
    A/c/w marka hore waxaan salaamayaa shiikh Dr xirs iyo Culimada kale ee la shaqaysa su;aashayd wa shiikh soomaalida waxay wayadan kala iibsadaan wax ay ugu yeereen Lin- dhoofid, kaas oo qofka diwaangashada ama ka loo diwaan galiyay uu ka qaato qadar lacag ah qof-kale oo uu markaas ku wareejiyo documintigii loogu diiwaan galiyay lacag-na aad u tiro badana looga qaato.. marka lacagtaas ma xalaal baa mase waa xaaraan...
    cabdirazaq <inahusein>
    - Monday, June 05, 2006 at 22:15:24 (CDT)
  106. Bogaadin: i realy do enjoy my ahlusunnah borhers web-site..
    Hi, brothers i realy do enjoy my ahlusunnah borhers web-site, i have being looking for a web-site such as this one here. thanks to Alaah and to you guys.Know what i wanna do is to join your mailing list, but i do not know how to do so......... Please get back to me asoon as possible. I am really felling in touch with you guys.... THANKS ALOT......................... bye
    Mohamed(Barkhadle) <barkhadle_hema>
    - Sunday, June 04, 2006 at 22:55:01 (CDT)
  107. Jawaab: Shiikh Masaafadu ma bannaantahay?
    Aslaamu calaykum: Walaal Khadro, waxaan ka xumahay in aan jawaabtii kaala soo daahay, taasna waxaa iigu wacan aniga oo mashquul iska ah iyo su'aashan oo yara soo noqnoqotay, waxaan badanaa mudnaanta siiyaa su'aalaha cusub iyo kuwa caqiidada ah, marka adiga oo raalli ah, waxaan kaa rejaynaynaa in aad ugu xirraato webka sidii aad markii horeba ugu xirreed inshaa allaah:

    Jawaabta su'aashaaduna waa sidan: Masaafadu walaal waa qaab ka mid ah qaababka soomaalida dhaqankeeda ah ee ay isku nikaaxsadaan, waana in gabadhu ninka mehersanayso ayada oo uu wali u noqonayo nin kale oo muslim ah ama sheekh ama qaalli ah iwm.

    Marka diinta islaamka sida ku cad, horta gabadhu haddii aanay carruur ahayn waxay xaq u leedahay in ay guursato ninkii ay doonto, taas sharciga ayay ku caddahay walina uma baahna gabadhu ee ayada ayaa xaq u leh in ay ninkii ay jeclaato guursato ayada oo aanan cidna ka amar qaadan ama la tashan.

    Dadka ku murma gabadhu wali la'aan ma guursankarto waxay soo daliilsadaan laba xaddiis:
    Midka hore waxaa laga soo weriyay Imaam awsaaci waana daciif oo imaamkaas laga soo weriyay ayaaba inkiray oo yiri aniga la igama soo werin, waana xaddiiska leh: (Nikaax wali la'aan ma dhacayo), marka horta xaddiiskaas ay shaaficiyada iyo xambaliyadu ku murmaan waa daciif.

    Xaddiiska kale ee ay ku murmaan waa xaddiiska leh (Naagtu naag kale ma mehriso, nafteedana ma mehriso) xaddiiskaas waa saxiix laakiin waxaa looga jeedaa gabadha yar ee carruurta ah, sida culumadu u caddeeyeen: Naagtu waxay wali u baahantahay haddii ay carruurtahay ama ay dabbaal tahay ama aysan fahmayn dhaqanka iwm, macnaha aanay ahayn qof caadi ah oo caqdi kaligiis geli kara, laakiin naagtii caqdi geli karta oo kunturaad saxiixan karta oo garaadkeedu dhanyahay wali uma baahna, maxaa yeelay nikaaxu waa caqdi ama kunturaad ay gabadhu ninka la gelayso.

    Culumada oo dhan waxay isku raacsanyihiin in gabadhu xaq u leedahay in ay iibsato aqal ama guri 100 milyan jooga ayada oo aan u baahan wali iyo cid u saxiixda caqdigaas, marka maadaama ay naagtu xaq u leedahay in ay caqdiga noocaas ah saxiixato maxaa u diidaya in ay gasho caqdiga nikaaxa ah oo kaas ka sii liita!

    Kuwa ku murma naagtu isma mehrin karto waxay dheheen, caqdiga nikaaxu waa caqdi ka yara geddisan midka beeca ah oo waa khatar! Waxaan leenahay taasi daliil idiin noqon mayso, markii aad kitaabka iyo sunnada daliil ka waydeen ayaad sidaa ku muranteen!

    Marka warkii oo kooban, waxaan ka xumahay in aanan addillada culumada halkan ku caddayn karin dhammaantood, waqtiga oo igu gaaban awgiis iyo mas'aladan oo mas'alo qoto dheer ah awgeed, laakiin kulaasada mas'aladan waa in naagtu maadaama ay caqligeeda qabto oo aanay waalnayn oo dabbaal ahayn oo carruur ahayn ay xaq u leedahay in ay guursato ninkii ay doonto ayada oo aanan qofna kala tashan.

    Taa daaye, xataa culumada maalikiyada waxay qabaan in haddii ay naagtu ku tiraahdo nin: (Naftayda ayaan kuu hibeeyay ee ma aqbashay ee uu yiraahdo: waan aqbalay) labadooda oo kali ah oo aanan cidna la joogin uu nikaaxaasi dhacayo, laakiin ay waajib tahay in ay dadka ogaysiiyaan: oo gabadhu laba nin ku tiraahdo (ogaada ninkaas ayaan mehersadaye) ninkuna sidoo kale ayuu dhahayaa (laba nin ayuu ku leeyahay: ogaada aniga iyo gabadhaas ayaa is mehersanaye).

    Sidoo kale maalikiyadu waxay qabaan in qof kasta oo muslim ah wali u noqon karo gabadha haddii ay ayadu dhahdo wali ii noqon.

    Xanafiyadu ayagu maba qabaan in gabadhu wali u baahantahay haddii aanay carruur ahayn ama waalnayn ama dabbaal ahayn.

    Marka waxa ku murma nikaax ma jiro wali la,aan waa Shaaficiyada iyo xambaliyada ra'yigooduna wuxuu ku salaysan yahay xaddiiska daciifka ah ee aan kuusoo sheegay, marka mad-habtoodu waa daciif, waxayna khilaafsantahay usuusha islaamka ee xaq u siisay gabadha in ay gasho ama saxiixdo caqdigii ay doonto, ama ha ahaado nikaax ama ha ahaado iibsasho ama ha ahado mid kale, diinta islaamku xorriyad buuxda ayay siisay haweenka, xaq ayayna u leeyihiin in ay guursadaan ninkii ay doonaan ayaga oo aanan la tashan cid kale.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 02, 2006 at 20:31:58 (CDT)
  108. Su'aal: Shiikh Masaafadu ma bannaantahay?
    Aslaamu calaykum waraxma, sheekh salaantaas islaamka kadib waxaan jaclaan lahaa illahay ajar ha kaasiiyee in aan ku waydiiyo su'aal.

    Sheekh waxaan aad ugu xiranahay webside kaag qimaha badan, marka waxaan ku waydiinayaa su'aal aad in badan aad ka hadashay laakiin sheekh waxaa jira dadbadan oo muran kugu dhibaaya.

    Sheekh sheekadii ayaan baddiyeee sheekh masaafada ka waran, sheekh khayr allaha kusiiyee adigoo aad uga hadlaaya waxay u banaanthay iyo in kale.

    Sheekh anigoo og gabadha in aabeheed la waydiisto in ay aad iyo aad u fiicantahay hadana waxaan ogahay in masaafada banaantahay oo nikaaxo dhacayo.

    Sheekh raali ahoow in aan kuu sheego waxaan aminsanahay ma ahan adigaa iga cilmi iyo aqlibadan marka sheekh dad ayaan ku muranaye sheekh naga soo sheefi.

    Waxaan kuu rajaynayaa wanaag. Aslaamu calaykum warama.
    khadra <khadro2>
    - Friday, June 02, 2006 at 20:12:32 (CDT)
  109. Jawaab: Haddii la dhaho "Ilaah baa wayn" miyuu qofku gafay?
    Assalaamu Calaykum: Walaal su'aasha gabadhu i waydiisay horey ayaan uga jawaabay, marka halkan ku soo celin maayo, laakiin su'aashaada ayaan ka jawaabayaa.

    Haddii qof ku yiraahdo Ilaahay iyo Cirka yaa wayn? waxaad ku dhahdaa Ilaahay iyo cirka wax la isku qiyaaso ma aha, cirku waa makhluuq la uumay oo maaddi ah, Ilaahayna waa kii cirka iyo adduunka oo dhan uumay, marka laba waxyaabood oo la isku qiyaaso meeshan maba yaallaan.

    Su'aashana asalkeeda ayaaba khaldan, waa sidi qofkii ku waydiiya, Ilaahay wax asiga ka wayn ma uumi karaa?

    Marka walaal: wayninka Ilaahay loogama jeedo buurnaan iyo dherer iyo ballaar, maxaa yeelay Ilaahay jismi ma aha, jihooyin iyo dhinacyo midna malaha.

    Laakiin cirku waa jismi, wuxuuna leeyahay jihooyin iyo dhinacyo iyo xajmi iyo baaxad iyo dherer.

    Marka qofkii ku yiraahda Ilaahay iyo cirka yaa wayn waxaad ku dhahdaa Ilaahay jismi ma aha wayninkiisana loogama jeedo wayninka jismiga ah sida midka cirka ee waxaa looga jeedaa awooddiisa ayaa wayn.

    Qofkii yiraahda Ilaahay baa wayn haddii uu uga jeedo Ilaahay baa baaxad iyo dherer iyo buurnaan leh waa kufriyay waana in uu diinka si degdeg ah ugu soo laabto.

    Laakiin haddii uu uga jeedo ilaahay baa awood wayn leh ama amarkiisu wayn yahay iwm, taas waa sax kitaabka iyo xaddiiska ayayna ku caddahay in Ilaahay waynyahay oo awooddiisu wayntahay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 02, 2006 at 20:01:32 (CDT)
  110. Su'aal: Haddii la dhaho "Ilaah baa wayn" miyuu qofku gafay?
    Salama caleykum Shiikh Dr. Xirsi. shiikhow suaasha gabadhani ku soo weydiisay mid yaan ku darsanyaaya Cirku intuu balaadh, weenaan iyo fogaan leeyahey waa la'arkaa Bal hadii qof ku weediiyo ilaah iyo cirka yaa ween maxaa loogu jawaabi?

    Hadii se la dhoho ilaah baa ween miyuu qofku gafey haduu gafeyna muxuu ku gafey?
    C/casiis <C/casiis>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:54:03 (CDT)
  111. Jawaab: Khamriga ma la taaban karaa xataa haddii aanan cabayn?
    Assalaamu calaykum: Walaal shaqada aad ka shaqayso ee aad tiri waxaan qaadaa box-yo laga yaabo in ay khamro ku jirto ama khamriba ah, taas waxba kuma jabna inshaa allaah.

    Su'aashaas waxaa la waydiiyay Imaam axmad oo lagu yiri: ka warran nin muslim ah oo u shaqaynaya nin kirishtaan ah oo alaab u xamaalaya alaabtaasna uu khamri ku jiro, wuxuuna ku jawaabay waxba kuma jabna laakiin waa karaahiyo.

    Mas'aladaas waxay ku caddahay kitaabka (axkaam ahlu dimmah ee uu qoray al-imaam al-khallaal, marka qofkii wax u billaabanyihiin halkaas ha ka fiirsho.

    Midda labaad ee aad tiri: Sekada ma ka bixinayayaa lacag dayn la iigu leeyahay? jawaabtu waa maya walaal, sekada waxaad ka bixinaysaa xoolaha aad leedahay adigu ee xowlku ku soo wareegay.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:52:00 (CDT)
  112. Su'aal: Khamriga ma la taaban karaa xataa haddii aanan cabayn?
    Assalaamu calaykum: Skiikh waxaan rabaa inaad iga jaahil bixisid ariinkan: Dukaan SUPERMARKET ayaan ka shaqeeya mar mar alaabtaan qaado waxaa kujira BOxyo khamri ah taasi danbi miyeey igutahay inaan qaado xitta hadaanan cabeen?

    SU'AL KALLE: Shiikh waxaan rabaa inaan sakadda aan iska bixiyo lacagtaan sakadda kabixin rabo waxaa kujirta lacag kalle oo deen la'iguleyahay. lacagta deenta la'iguleeyahay sakadda inaan kabixiyo miyaa igu waajib ah?
    mahamud <moodyboy2>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:47:28 (CDT)
  113. Jawaab: Gabadh Xayd ah ama aan daahir ahayn Masjidka ma geli kartaa ama quraanse ma dhigan kartaa?
    Assalaamu Calaykum: walaal, qofka aan daahirka ahayn ee ama junubka qaba ama xaylka qaba uma bannaana in uu masjidka ku nagaado ama quraanka akhristo sida ku cad xaddiiska Nabiga nnk.

    Nabiga nnk waxaa laga soo weriyay in uu yiri: uma bannayn qof junub ah ama xayd ah in uu masjidka ku nagaado.

    Sidoo kale culumada oo dhan waxay qabaan in aanay u bannaanayn qofka xaydka qaba ama junubka ah in uu quraanka akhriyo, macnaha ku dhawaaqo, laakiin haddii uu laabtiisa ama qalbigiisa ka akhriyo waxba kuma jabna.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:42:53 (CDT)
  114. Su'aal: Gabadh Xayd ah ama aan daahir ahayn Masjidka ma geli kartaa ama quraanse ma dhigan kartaa?
    Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu:
    Shiikh su'aashaydu waxay tahay: gabar xeyd ah ama aan daahir ahayn masjid ma gali kartaa quraanse ma dhigan kartaa intaysan daahirsan.

    Jizaakumu Allaahu kheyr waxaan rajaynayaa jawaab waafi ah inshaa Allaah.
    saynab <umulhudaa>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:38:34 (CDT)
  115. Su'aal: Gabadh aan waligeedii la socon ma guursan kartaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal Ayaan gabadhu haddii ay qaangaartahay oo waxgarad tahay uma baahna wali, ninkii ay doonto ayayna guursan kartaa.

    Madaahibta qaar ayaa yiraahda wali la'aantiis lama guursan karo gabadha laakiin sida Shaaficiyada iyo qaar kale, laakiin sida saxa ah ee waafaqsan usuusha Islaamka addillada oo dhanna (Quraan iyo Xaddiis) ay taageerayaan waa in gabadhu xur tahay, oo ay xaq u leedahay in ay guursato ninkii ay doonto.

    Gabadha aan la guursan karin wali la'aan waa midda waliga u baahan sida haddii ay yartahay oo ay carruurtahay ama ay dabbaal tahay ama ay reerbaadiyo tahay iwm.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:35:39 (CDT)
  116. Su'aal: Gabadh aan waligeedii la socon ma guursan kartaa?
    Assalaamu calaykum: Shiikh, ma guursan kartaa gabar aan wali la socon islamar ahaataana waligeedu uu noolyahay? Waliba waligeedu aan lala socosiin ama la warsanin?!
    Abdullahi, Abyan <abyanonly>
    - Friday, June 02, 2006 at 19:31:59 (CDT)
  117. Jawaab: Maxaa looga jeedaa "Ilaahay waa waynyahay"?
    Assalaamu calaykum: Walaal Sucaad, Ictiqaadka la leeyahay "allaahu akbar" ama "Ilaahay wuu wayn yahay" waa saxiix oo waa xaq, laakiin macnihiisu sida aad u qaadatay ma aha.

    Ilaahay wuu waynyahay waxaa looga jeedaa "waynida awoodda iyo sharafta ah" ee loogama jeedo waynida xajmiga ah ama jismiga ah.

    Ilaahay waa waynyahay, waxaa laga soo turjumay carabigha ah "allaahu akbar" ee aad maalin kasta dhahdo marka aad salaadda xiranayso, ujaadadiisuna waa "Ilaahay baa awood wayn" marka wayninka la sheegayo jismiga ma aha maxaa yeelay Ilaahay waynaayee, jismi ma aha, wayninka la sheegayo waa awoodda.

    Sidaa darteed, waxaad arkaysaa in quraanka lagu sheegay in Ilaahay wax kasta awoodo, oo wax kasta ogyahay, oo waxkasta gacantiisa ku jiraan.

    Marka walaal wayninka la sheegayaa waa kaas ee ma aha midka jismiga ama jirka ah, Eebbana kor ahaayee wuu ka nasahanyahay jisminimada iyo jihada iwm.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, May 25, 2006 at 17:47:20 (CDT)
  118. Su'aal: Maxaa looga jeedaa "Ilaahay waa waynyahay"?
    Salam caleykum Dr.xirsi: Walaal waxaan ku weydiiyey maxaa loo dhahaa ilaah waa weenyahey oo dhulka iyo samaawaatka ka weenyahay, yaa soo arkay ama qiyaasay, soow taasi taxdiid iyo tajsiim maaha, sidaase ictiqaadkaa lagu gaadhey?
    Sucaad X <Sucaad X>
    - Thursday, May 25, 2006 at 17:41:04 (CDT)
  119. Jawaab: Naagtaadu haddii aanay salaadda tukanayn ma la joogi kartaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal salaadda ka tegiddeedu kufri ma aha, macnaha kufri qofka diinta ka bixinaya ma aha ee waa kufri caasinimo ah sida culumada badankoodu qabaan.

    Sidaa darteed, haddii uu ninkaagu taariku-salaad yahay taas macnaheedu ma aha in aad ka furmaysid oo uu kaafir riddoobay yahay, laakiin waa caasi waxaana kula gudboon in aad waaniso oo wacdiso oo ku caawisid sidii uu salaadihiisa shanta ah u tukan lahaa.

    Midda aad tiri ma la joogi karaa? Jawaabtu waa in aad la joogi kartid oo uu ninkaagii yahay, laakiin haddii aad waaniso oo uu uu wax isbedel ah keeni waayo, waxaad xaq u leedahay in aad furriin waydiisato oo aad markaa iska furtid.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, May 23, 2006 at 18:11:41 (CDT)
  120. Su'aal:Naagtaadu haddii aanay salaadda tukanayn ma la joogi kartaa?
    aslamucaleykum shekh: Shiikh waxaan raba in aan ku wediyo, laba qof oo isqabta qof ka mida hadi usan salada dukaneynin, waxaan ka wadaa naag, ma lajogikartaa ninkeda oo saladda dukaneynin.
    aslamu caleykum jisakalahu qeyran
    fowsiya <fowsiya40>
    - Tuesday, May 23, 2006 at 02:26:56 (CDT)
  121. Jawaab: Haddii aad bas saarantahay salaad ma ku kor tukan kartaa?
    Assalaamu calaykum: walaal haddii aad bas saarantahay waxaan kugula talinayaa in aadan tukan salaad, siiba haddii aad dhul gaalo joogto.

    Midda hore waa ayada oo salaadda aad baska ku dul-tukataa aanay wax khushuuc ah lahayn. Tan labaadna waa adigii oo aanan qibladii haleelayn. Tan saddexaadna waa adiga oo aanan musaafir ahayn oo aanan meel fog u socon. Tan ugu daran waa in laga yaabo in aad naftaada khatar geliso oo ay ku dilaan kuwa muslimiinta neceb ee gaalada ah ee baska saaran haddii ay ku arkaan adiga oo tukanaya, ama uu tuhun galo oo ay kuu maleeyaan in aad wax qarxin rabto.

    Marka walaal salaadda baska dushiisa lagu tukado ma oofinayso shuruudihii salaadda faralka ah laga rabay, sidaa darteed, salaaddaada tuko haddii aad gurigaaga ku soo laabato ama aad masaajid heshid.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, May 23, 2006 at 02:24:16 (CDT)
  122. Su'aal: Haddii aad bas saarantahay salaad ma ku kor tukan kartaa?
    Asalaamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuh: sheekh waxaan rabay in aan ku waydiiyo haddii waqti salaad la gaaro adigoo magaalo gaalo dhax joogo oo uusan masaajid kuu dhawayn oo aad baska adigoo fadhiya ku dhax tukatid salaadaada ma jirtaa?
    Ahmed Aweis Yusuf <naajix>
    - Tuesday, May 23, 2006 at 02:19:49 (CDT)
  123. Hambalyo iyo Tahniyad: Ilaahay khayr ha idinku jiseeyo
    A/w/w salaanta islaamka ah kadib, waxa halkaan ugu hambalyeenaa dhamaan dhalin yarada webka ku tixan qaasatan wiilasha sida aadka ah ugu soo tala bixiyay sida looga hor tagi karo wahaabiyada iyo manaahijtooda wax barasho, waxa codkeega ku biirinaa in dhamaan culimada somaliyeed yeelato manhaj kulmiya oo ah kan ahlu sunnah wal jamaaca waana talaabo aad muhiim u ah oo laga jiiftay, qeyr alaah ha kuugu jiseesyo Xasan fikirkaaga saliimka ah, hana lagu booriyo dhamaan culimada somaliyeed, inkasta oo culimada somaliyeed ay ubadan yihiin xoogooda fidinta diinka islaamka ah ee masjidyada iyo guryaha oo aysan dhanka warbaahinta sidaas u saarin xoogga, sida qolyooyinka wahaabiyada ee dibadaha ka soo qaata lacaga xad dhaafka si ay u duufsadaan bulshada somaliyeed.
    c/raxman shiikh c/laahi Mogadisho/Somalia. <farxad>
    - Thursday, May 18, 2006 at 19:45:18 (CDT)
  124. Baaq ku socda Culumada Soomaaliyeed: Jiilka manata iyo wahaabiyada
    Alle ayaa mahad dhan u sugnaatay rasuulka SWC nabad galiyo naxariis allah dushiisa ha ahaato. Hordhac:

    Waxaa iska cad in dhaqankii wanaagsanaa ee dalka soomaliya ey ka dhaxashay culimadii hore ee diinta soo gaarsiiyeyey manta kadibkood ey yimaadeen culimo iskusheeg diin moodeysa waxa ey wadaan, marka si aan u hagno carurteena ugana digno islamarkaana aan tarbiyo fiican siino, Waxaa baahi weyn loo qabaa in barbaarinta, wax-baridda iyo wacyi-gelinta lagu saleeyo:

    1. manhajkii ahlusunnada ee ahaa kii ey kudhisnaayeen dariiqadii soomalidii hore isla markaasna fikirka weyn xambarsanaa oo aan u suurtagalineen in ruuxii si dhab ah u fahma la marin habaabiyo oo bidcanimo iyo ilaaxad aamin kayahay, Runtii waana lafta ugu weyn ee aannu ka jabannahay haddaan nahay dariiqooyinka ahlusunnada atbaacooda.

    2. In la saxo manhajyada dalka lagu dhigo ee ku abuuraya ardayda garaadkooda tacliimeed sidaas u weyneen ictiqaad habowsan oo laga soo minguuriyey dalal taabacsan manhajka wahaabiyada, waayo Arrintu waxay u sii daran tahay, dhibaatadeeduna sii culus tahay, nabarradeeduna sii halis yihiin marka ay manhajkaas qaataan caruurta ama jiilka maaanta cusub, sida haddaba ka dhacday meelaha ay soomaalidu ku dhaqantahay qaar.

    3. In culimadu ay sameesato machadyo u khaas ah si looga hortako arrimahaan diinta ka soohorjeda ee mustaqbalka caruurta naafeenaya ilaa heer jaamacadeed waxbarasho ah oo loodiyaariyo ubadka cusub.

    4. In la baahiyo oo lacasriyeeyo manhajka xalaqaadka cilmiga ee aan turaath ahaan u helnay, shahaado sarena lagabixiyo.

    5. In la mideeyo dadaalka dariiqooyinka ahlusunnada, waayo Markii la midoobo ayaa Muruq la yeeshaa si dhamaan dariiqooyinka ahlusunna waljamaaca iyo xirtooda ey u badbaadiyaan shacabka oo runtii wada ah xirtii culimadaan, si casri ahna iyo fikir ku dhisan loobadbaadiyo Aayaha dambe ee Ubadkeenna, masiirka ummadda iyo mustaqbalka dambe waayo culimado waa warathadii anbiyada.

    xasanalbisri, waa arday wax ka barta jaamicadaha dalkaasi Yemen.
    Xasan Macalim Maxamuud samtar(xasanalbisri) <xasanalbisri>
    - Thursday, May 18, 2006 at 00:17:10 (CDT)
  125. Jawaab: Waxaan rabaa kutubta reddinaysa wahhaabiyada
    Assalaamu Calaykum: Walaal ma jiro buug koobaya khaladaadka iyo kufriyaadka wahhaabiyada, laakiin waxaa jirta buug ka qortay wax wahhaabiyada iyo waxyaabaha ay ku kufrisay iyo khaladaadkeeda ayaga oo aan koobin dhammaan masaa'ilka sharciga ah ee wahhaabiyadu ku khaldantahay.

    Inta aan ogahay webkan 2garre.com ee aan qoray ayaa ugu ballaaran oo shaamil ah oo koobay dhammaan kufriyaadka wahhaabiyada iyo taariikhdooda.

    Marka waxaan kugula talinayaa in aad horta ka bogato qoraallada webkan ku jira, dabadeedna aad raadraacdo meelaha ay kuu tilmaamayaan, si aad macluumaadkaaga u waasiciso.

    Intaa kadib, qaybta buugta ee webkan waxaa ku jira dhowr buug oo aad la soo degi karto oo lagu reddiyay wahhaabiyada inkasta oo aanay dhammaystirnayn.

    Waxaa kale oo aad u laabankartaa internetka oo ay ku jiraan macluumaad badan oo lagu reddiyay wahhaabiyada laakiin dadka qoray ma aha badanaa dad mutakhasisiin ah ee waa dad caadi ah ama xataa qaarkood waa caamo.

    Mar labaad waxaan kugu adkaynayaa in aad ka bogato macluumaadka webkan ku jira, waxaan qabaa in aad ka helayso jawaab waafi ah, wixii aad ka waysana ina soo waydii inshaa allaah. Khayr baan kuu rejaynayaa.
    xasan maxamed <sheen>
    - Tuesday, May 16, 2006 at 22:21:39 (CDT)
  126. Su'aal: Waxaan rabaa kutubta reddinaysa wahhaabiyada
    Waxaan rabaa kutubta kuwa uga fiican dhinaca radinta wahaabiyada iyo ahlu bideca oo dhan iyo kuwa ugu faahfaahsan ee difaacayo xaqa waad mahadsantihiin.
    xasan maxamed <sheen>
    - Tuesday, May 16, 2006 at 22:11:34 (CDT)
  127. Bogaadin: Waxaan ahay Arday jaamicad ka dhigta dalka Yemen..
    Assalaamu calaykum: walaalayaal waxaan ahay arday jaamacad ka dhigta wadanka yaman, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo qaali ah idinkaga soo diro.

    Waxaad tihiin dad u adeegay diinta alle, abaal marinteedane waad heleysaan aduun iyo aakhiro inshaa allaah, taageero alle ayaad hileysaan Ilaah idankiis.

    Mahadsanidiin.
    xasan maxamed xasan <sheenyaalow>
    - Monday, May 15, 2006 at 16:55:56 (CDT)
  128. Jawaab: Naagta haddii hal dalqo lagu furo oo ciddadeedu dhamaato ma la soo celin karaa?
    Asslamu calaykum: walaal waxaan uga jeednaa kuma soo noqonkaryo haddii uusan nikaax cusub iyo meher cusub la imaan, marka waa khalad meeshaas, ee inoo soo sheeg haddii aad aragtay meesha ay ku taal iyo beejka ay ku taal aan saxnee.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, May 14, 2006 at 22:28:58 (CDT)
  129. Su'aal: Naagta haddii hal dalqo lagu furo oo ciddadeedu dhamaato ma la soo celin karaa?
    Salaam caleylum Dr.xirsi: Waxaan ogeyn in ninku haduu naagtiisa hal dalqad furo cidadiina dhamaatey lagu magacaabo (beynuuna suqra) kadibna uu xaq uleeyahey inuu soo ceshado isagoo maher cusub la imaanyaa laakin meeshan waxaan ku arkey nin arintaaso kale aad ugu iftooteen kuma noqon kartid ilaa ey ninkale guursato oo uu faro kadib oo lagu dabaqey kii sadexda dhameystey. walaal bal arintaa noo bayaani sidey ku timi.
    C/Caziiz <c/Caziiz>
    - Sunday, May 14, 2006 at 22:17:51 (CDT)
  130. Jawaab: Inoo bayaansha fatwooyinka Dr. Xasan al-Turaabi kuwa aad in ay sax yihiin ku sheegteen!
    Assalaamu Calaykum: walaal masaa'ilka uu fatwooday Dr. Xasan Turaabi qaar ayaa sax ah, laakiin faahfaahin ayay u baahanyihiin, maxaa yeelay hadalka si isku duub ah ayuu u yiri ee ma uusan bayaanin.

    Tusaale ahaan: Mas'alada marqaatiga haweenka, wuxuu yiri laba naagood markhaatigoodu hal nin ah lama eka, taas mararka qaar waa sax, sida marka laga hadlayo markhaatiga haweenka ee ku saabsan amuuraha haweenka, sida bikaarada iyo nuujinta iwm, hal naag ah ayaa ku filan, marka meeshaas haddii laga eego waa sax oo hal nin ah iyo hal naag ah ama waa isku mid ama naagta ayaaba fiican, maxaa yeelay waa amuuro naagaha ku saabsan.

    Laakiin marka laga hadlayo amuuraha qisaasta iyo jinaayaadka iyo daynta iwm laba naagood waxay la mid yihiin hal nin ah, taasna sharciga ayay ku caddahay oo quraanka ayaa inoo sheegay.

    Tusaale kale: Naagtu imaam way noqon kartaa, haddii ay tujinayso haween kale, laakiin culumadu waxay isku khilaafeen imaadada sare ee haweenka, badankooduna way diideen oo waxay soo daliilsadeen xaddiiska (maa faasa qowmun wallow amrahum imra'atan), laakiin mas'aladan waa khilaafi oo xataa waxaa ka hadlay hadda ka hor Sh. Maxamad al-Ghazali allaha u naxariistee, kitaabkiisa, assunnah annabawiyyah bayna ahlul fiqhi wa ahlul xaddiis, ayuu ku yiri: naagta imaamadeeda sare waxba kuma jabna, guud ahaan mas'aladu waa mas'alo ixtimaalaysa khilaaf fiqhi ah.

    Tusaale kale: Waa mas'alada qawaamada ee nimanka la siiyay, maxay tahay macnaheedu? ma in ninku naagta ka fadli badanyahay baa? mise waa in ninka mas'uuliyad gaar ah la saaray? Run ahaantii cid tiri ma jirto taas macnaheedu waa in ninku naagta ka fadli badanyahay. Hadalka Dr. Turaabina meeshaa ayuu u duur xulayaa.

    Tusaale kale: aayadda xijaabka waxa uu ka sheegay in maalmahan xijaabka khalad laga fahmay, taasna waa runtiis oo maalmahan waxaa soo baxay dad isku khaldaya dhaqankii badawda carabta iyo shareecadu qaabka ay u dhigtay xijaabka iyo xirashada dharka.

    Sida Quraanka ku cad, dadka xijaabka looga baahanyahay waa saddex qolo: 1. Haweenka Nabiga nnk. 2. Gabdhihiisa. 3. Haweenka muslimiinta. Xijaabkuna waa qarinta cowrada haweenka marka taas ayaa kuu caddaynaysa in dadka qaar maanta xijaabka ka fahmeen kahalad oo haweenkii u diideen in ay guriga ka baxaan oo baabuurta wataan oo suuqa wax ka soo iibsadaan oo shaqaystaan oo majaalista cilmiga tagaan sida haddaba sacuudiga ka jirta.

    Tusaaleha ugu dambeeya waa: Cabidda khamriga, waana mas'alo aanan culumadu meel isla dhigin, qaar waxay dheheen imaamka ayaa tacsiiraya qofkii khamri caba, qaarna waxay dheheen waa afartan karbaash, sikastaba ha ahaatee, jariimooyin ka waawayn khamriga cabiddiisa ayaa jira maanta sida kufsadka carruurta iyo haweenka iyo dilkooda iwm.

    Hadal iyo dhammaantiis, aniga oo aanan marnaba difaacayn ra'yiga Dr. Turaabi, ayaan doonayaa in aan kuu caddeeyo in hadalkiisa qaar uu xaq yahay oo aanuu dhammaantiis khalad ahayn laakiin sida uu wadaadku u yiri ayaa khaldanayd, ilaahay dambigiisa ha dhaafee.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, May 13, 2006 at 23:57:44 (CDT)
  131. Su'aal: Inoo bayaansha fatwooyinka Dr. Xasan al-Turaabi kuwa aad in ay sax yihiin ku sheegteen!
    ass.wr.wb.walaalayaal waxaan idinka codsanaynaa inaad noo soo bayaanisaan masaa'ilka layaabka leh ee dr.xassan turaabi fitwooday. gaar ahaan kuwa aad sheegteen inay jiraan ama saxa kusheegteen!
    ahmed <samit114>
    - Saturday, May 13, 2006 at 23:39:56 (CDT)
  132. Jawaab: Webkan dad badan ayaa ku tixan ee wixii aad ku soo qoraysaan ka fiirsada
    Assalaamu Calaykum: Walaal Dr. Xasan Turaabi markiisi hore wuxuu ahaa nin ahlusunno ah oo haysta caqiidada Imaam al-ashcari, laakiin waagii dambe ayuu galay kooxda Ikhwaanka, kadibna lama yaqaan sida xaalkiisu noqday, si kastaba ha ahaatee, marnaba lagama maqal in uu qaatay caqiidada wahhaabiyada, marka waxaan u badinaynaa in uu yahay sida Yuusuf al-Qaradaawi, asalkoodu nimankaas waa ashaaciro, laakiin duruufaha siyaasadeed ee ay ku noolyihiin ayaa ku khasbay in ay "tamalluq" ama "isqarin" sameeyaan oo aanay caqiidadooda soo bandhigin, xooggana saaraan waxyaabo kale siiba siyaasadda iyo jadiidinta fiqhiga iyo guud ahaan fikirka Islaamka.

    Midda labaad ee aad tiri: Ma waxaa jirta mad-hab leh naaguhu waysada ma jebshaan? walaal haa, mad-habta xanafiyada ayaa qabta in aanay naagtu wayso kaa jebin ama qab ama ha qabin, ama muslim ha ahaato ama gaalo ee taabashadeedu wayso ma jebiso sida xanafiyadu qabto.

    Dhinaca kale ee aad tiri: Arrimaha uu Turaabi sheegay, waxaad dhahdeen qifkii su'aal qaba ha inala soo xiriiro, walaal taas ugama jeedno in aan turaabi ku taageersannahay waxa uu sheegay, laakiin waxyaabaha qaar uu yiri ayaa meelo xaq ah ku jiraan oo loo baahanyahay in la faahfaahsho, markii aan soo qornay qoraalkiisana waqti badan ma aanan hayn oo aan hadalka ku faahfaahsho, marka taas raalli ka ahaada dhammaantiin.

    Ugu dambaystii: waan ogahay in dad badan ku tixan yihiin webkan oo uu "marjic" u yahay, laakiin waxaa hadana lagama maarmaan ah in aan soo gelino waxii caalamka Islaamka ku cusub siiba umuuraha diinta wixii ku saabsan si aan akhristaayasha ula socodsiino hadba meesha xaalku marayo, laakiin taas macnaheedu maaha in aan taageersannahay waxa ay nimankaasi leeyihiin.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, May 06, 2006 at 23:37:44 (CDT)
  133. Su'aal iyo Digniin: Webkan dad badan ayaa ku tixan ee wixii aad ku soo qoraysaan ka fiirsada
    walaal ugu horeyntii assalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu salaan ka bacdi:
    walaalayaalo waxaa iga su'aal eh ninka la yiraahdo dr. turaabi muxuu yahay asagu caqiida ahaan?

    Teeda kale haduu bidcada maanta soo dilaacday yahay oo dajjaaliinta ah maxaad warkiisa noogu soo gudbineysaan soow lagama yaabo in eey dad badani dood raacaan hadalkiisa.

    Teeda kale meeshaan aan hada ku noolahay oo ah wadanka kenya gaar ahaan nairobi waxaa jooga rag sidoo kale baneeyay khamriga iyo dhiiga iyo kaadida iyo xaarka iyo mataga kulli daahir noogaga dhigay oo yiri naaguhu weysada majebiyaan ima qab ima haqabin ima kas utaabo ima kas ha utaabanin ama gaal ha ahaato ama yeysan gaalo ahaane naagu weysada ma jebiso madhab sidaas qabto miyaa jirto?

    Marka awalbaan ciriiri ku jirnaye ma ishii aan ilaashaneynay ayaad firir nooga shubeysaan?

    Mideeda kale walaalayaalo waxaad dhahdeen ninkii su'aalo qaba hanala soo xiriiro ma waxaad daliil uaraadineysaan ninka khamriga baneynaya iyo waxyaalaha kale?

    Walaalayaalo is ilaaliya ilaahey ha idin ilaaliyee ogaadana web kaan iyo wararkiina waa lagu tixanyahay meel kasta mida kale waxaan ka baqayaa in eey webside kaan ku soo ganbadaan kuii aan ka baqeynay waana idin salaamayaa in badan waad mahadsantihiin wallaahu macanaa wamacakum wa saa' iralmuslimiin Aamiin Aamiin Aamiin
    muxyidiin shaykh axmad geeseey <jaabir75@hotmail.com>
    - Saturday, May 06, 2006 at 23:28:43 (CDT)
  134. Jawaab: Daawada timaha madoobaysa ma marsan karaa?
    Assalaamu calaykum: Khadro walaal, waxba kuma jabna in aad timaha madoobaysato oo aad daawo marsato si ay timuhu kuugu qurxoonaadaan. Taa daaye, waxay culumadu dhaheen haweenayda waxaa u bannaan in ay samayso wax kasta oo ay isku qurxinayso, ama midab ay timaha marsato ha ahaadeen, ama ilkaha oo ay qorato ha ahaadeen, ama ciddiyaha oo ay qorato ama cillaan ay saarato ama sunniyaha ay xiirato dhammaan way u bannaanyihiin haweenayda in ay waxyaabahaas oo dhan isku qurxiso.

    Marka qaacidada guud waa: in ay haweenayda u bannaanyihiin wax kasta oo ay isku qurxinayso oo ka mid ah waxyaabaha la isku qurxiyo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, May 03, 2006 at 02:01:49 (CDT)
  135. Su'aal: Daawada timaha madoobaysa ma marsan karaa?
    Aslaamu calykum sheekh salaantaas islaamka kadib sheekh waxaan jaclaaan lahaa in aan ku waydiiyo su'aal.

    Sheekhoow adigoo raali iga ah waxaan ku waydiinayaa: waxaan ahay gabar dhalin yaro ah waxaan leeyahay cirro iga soo baxday ciyaalnimadaydii marka ma marsan karaa dawada madoobaysatada la dhoho oo timiha lamariyo? ma ii banaantahay in aan marsado?

    Waxaan rajanayaaa in aad iiga soo jawaabi doonto hadii eebe kuu ogalaado waxaan kuurajaynayaaa wanaag illaahayna ajar ha kaasiiyo dacwada aad u wado islaamka, Aslaamu caykum.
    zahaam <khadro2>
    - Wednesday, May 03, 2006 at 01:56:46 (CDT)
  136. Ku cibro qaata: Kutubtii wahhaabiyada oo bandhigga Kuwait laga mamnuucay
    منع كتب لابن باز و ابن عثيمين و ابن تيمية يثير حفيظة نواب في الكويت
    عبر عدد من النواب الذي يوصفون بـ"الإسلاميين" في مجلس الأمة الكويتي عن امتعاضهم من قيام وزارة الإعلام الكويتية بمنع عرض عدد من الكتب الدينية في معرض للكتاب الإسلامي نظمته جمعية الإصلاح الاجتماعي في الكويت أخيرا، وفي مقدمة هذه الكتب التي اعترض النواب على منعها حسب صحيفة الوطن السعودية، كتب وفتاوى لمفتي السعودية الراحل سماحة الشيخ عبد العزيز بن باز والشيخ محمد بن عثيمين، إلى جانب بعض كتب ابن تيمية.

    و طالب عضو الكتلة الإسلامية بالمجلس وليد الطبطبائي وزير الإعلام الدكتور أنس الرشيد بقائمة بالكتب التي منعتها وزارته وأسباب ومبررات منع كل كتاب على حدة وهو المطلب نفسه الذي تقدم به الدكتور عواد برد الذي طالب كذلك بنسخة من القرار الوزاري الخاص بتشكيل اللجنة المختصة بمراقبة الكتب بالإضافة إلى أسماء أعضاء اللجنة ومؤهلاتهم العلمية ومواقعهم الإشرافية في اللجنة وخارجها كذلك المعايير والأسس العلمية التي تقوم اللجنة بالعمل من خلالها ومن ثم تبني قرارها بالسماح أو المنع لهذه الكتب، في حين نفى مدير المعرض و عضو جمعية الإصلاح الاجتماعي مشعل الزير أن يكون للجمعية أية علاقة بقرار المنع الذي طال عددا كبيرا من الكتب وألقت باللائمة على إدارة مراقبة المطبوعات في وزارة الإعلام كونها الجهة التي تدقق وتفتش على الكتب والمطبوعات المرئية والمسموعة منها وقال " لا علاقة لجمعيتنا بقرار المنع ووزارة الإعلام هي من يتحمل ذلك حيث دأبت على منع كل الكتب والمطبوعات التي ترى أنها تحمل فتاوى متشددة حسب رؤيتهم أو تلك التي تسعى إلى إثارة الفتنة الطائفية بين أفراد المجتمع الواحد". مشيرا إلى أن إدارة المعرض تمنع فقط ما يتعارض مع مفاهيم الدين وثوابته كالكتب التي تحمل صور النساء، مضيفا أن اللجنة الثقافية في جمعية الإصلاح مسؤولة عن " فلترة" الكتب التي لا تمنعها رقابة المطبوعات الوزارية.

    يذكر أن عدد الكتب الممنوعة تجاوز الــ 239 كتابا أبرزها "منهاج السنة النبوية لابن تيمية" لمحمد رشاد سالم و" المنهج السلفي.. تعريفه وتاريخه" و"فتاوى أركان الإسلام وشرح العقيدة الوسطية" لابن عثيمين و"الكبائر" لمحمد بن عبدالوهاب و "البدعة وأثرها في الدراية والرواية" لعائض القرني و"جناية الشيخ الغزالي على الحديث" لاشرف عبدالمقصود و "مقدمة في أصول التفسير" لابن تيمية و"عقيدة السلف وأصحاب الحديث" للصابوني ومنهاج أهل السنة والجماعة في نقد الرجال والكتب والطوائف" لربيع المدخلي و "شرح أصول السنة " لعبدالله الجبرين و "الإرشاد إلى صحيح الاعتقاد" لصالح الفوزان ومجموعة فتاوى الشيخ عبدالعزيز بن باز، وضمت القائمة كتبا أخرى لابن عثيمين والسعدي وابن باز وصالح الفوزان وعبدالله الجبرين.

    Xasan Buune < http://www.albawaba.com/ar/literature/246087>
    - Sunday, April 30, 2006 at 19:37:07 (CDT)
  137. Jawaab: Naagtu haddii aanay amarka ninkeeda maqlayn ma la furi karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal naagta aad sheegayso waxa ay kaa maqli waysay haddii ay yihiin wax aad xaq ugu leedahay oo ka mid ah waajibaadka ninku naagtiisa ku leeyahay, waad iska furi kartaa, dantii ay kugu guursatayna wax kasoo qaad malaha.

    Inkasta oo ninku xaq u leeyahay in uu naagta iska furo haddii niyaddiisu sidaas goosato, maxaa yeelay nikaaxu waa caqdi (kunturaad) ninka ayaana gacanta ku haya oo loo siiyay awood in uu ama hayo caqdigaas ama fasaqo.

    Sidaa darteed furitaanku kuma xirna danta ay gabadhu kugu guursatay markii hore, sidoo kale lagama maarmaan ma aha in uu ku xirnaado wax maqalkeeda iyo wax maqlid la'aanteeda.

    Sikastaba ha ahaatee, haweenaydu haddii aanay ka soo baxayn waajibaadka ninkeeda oo haddii uu u nasteexeeyo ninku aanay maqlayn waa in la furo, ninkuna taas xaq buu u leeyahay. Laakiin walaal waa in aad ogaataa, wax maqalka naagta loogama jeedo in ninku diktaatoor ahaado oo marwaliba amar cusub ku soo rogo naagtiisa oo ku khasbo in ay maqasho, mana aha waxyaabaha yaryar ee aanan nolosha guurka daruuriga u ahayn, ee ismaqalka waxaa laga wadaa waxyaabaha uu ninku xaq ugu leeyahay naagtiisa sida gogosha iyo xafididda aqalka iyo hantida ninkeeda iyo salaadda in ay tukato haddii uu amro ama uu soonka faro haddii ay awooddo oo aanay cudurdaar lahayn, isla markaana maqlayn, kaas weeye ismaqalka laga hadlayo walaal.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, April 30, 2006 at 18:25:37 (CDT)
  138. Su'aal: Naagtu haddii aanay amarka ninkeeda maqlayn ma la furi karaa?
    walaal waxaan rabaa in aan wax ka ogaado gabar ayaan guursaday ayada oo aan ku guursaday in aan wax xoola ah aan lahayn oo ayada raali ku tahay waxaan is qabnay mud 8 bilood ah marka waa qof sidii ay doono u dhaqmaysa oo aan wax amar ah iga qaadanin marka ayda oo dan igu guursatay ma furikaraan.
    walaal waxaan rabaa in aan wax ka ogaado gabar ayaan guursaday ayada oo aan ku guursaday in aan wax xoola ah aan lahayn oo ayada raali ku tahay waxaan is qabnay mud 8 bilood ah marka waa qof sidii ay doono u dhaqmaysa oo aan wax amar ah iga qaadanin marka ayda oo dan igu guursatay ma furikaraan <father_of>
    - Sunday, April 30, 2006 at 18:15:02 (CDT)
  139. Jawaab: Xaddiiska jariyadda in uu muddarib yahay yaa caddeeyay?
    Assalaamu calaykum, walaal aad bad ugu mahadsantahay su'aasha aad i waydiisay in kasta oo ay tahay su'aal soo noqnoqotay oo aan waqti badan ku luminay, hadana maadaama ay jiraan dad xaddiiskaas jaariyadda u daliilsanaya in Ilaahay samada fadhiyo ayaa waxaa waajib inagu noqotay in aan caddayno derejadiisa iyo cilladihiisa.

    Midda hore walaal horta waa in aad ogoaato in xaddiiskan mushkaliddiisu aanay ahayn in uu mudarib yahay oo kaliya, macnaha xataa haddii aan idinku raaco in uusan mudarib ahayn mushkiladdiisu dhammaan mayso maxaa yeelay wuxuu mucaaradayaa addillo asiga ka xoog badan oo aayado iyo axaadiis ah sida aan horey ugu caddeeyay su'aalihii la i waydiiyay.

    Haddii aan u soo laabto su'aashadaa, horta walaal waa in aad fahamto in culumadu ay xaddiiska qaaciddo u dejiyeen, oo qaaciddadaas lagu kala soocayo wixii muddarib ah iyo wixii saxiix ah iyo wixii daciif ah iwm, haddii aad akhrisay jawaabahaygii hore waxaad arkaysaa in aan soo daliilsaday bayta ku soo arooray biiquuniyada ee leh in haddii xaddiiska matnigiisu is gafsanyahay ama sanadkiisu isgafsanyahay uu mudarib yahay, qaacidadaas ayaan raacaynaa annagu, ama culumo hore ha dhaheen waa mudarib ama yaanay dhihin taasi micne wayn malaha inkasta oo ay jiraan xufaad yiri waa mudarib sida xaafidkii Cabdullaahi al-Harari, laakiin aniga waxaa muhiim ii ah in xaddiiska aad sheegtay matnigiisu iskhilaafsanyahay taasna horay ayaan u caddeeyay, taas ayaana u daliil ah in uu muddarib yahay.

    Su'aashaada labaad ee ah: qowlka ibn cabbaas uu (istawaa) ku fasiray (istaqarra) culumada tafsiirka ee tiri waxaa waajib ah in la ta'wiilsho horey ayaan u sheegay ee ka fiiri jawaabahaygii hore.

    Midda labaad haddii xataa aanay jirin qof dhahday hala ta'wiilsho taasi wax wayn samayn mayso, maxaa yeelay tafsiirka ibn cabbaas horta in uu suganyahay ayaa u baahan in la caddeeyo, maxaa yeelay tafsiirkiisa badankiisu saxiix ma aha ee waa wax loo saarshay oo been abuur ah.

    Midda kale, xataa haddii ay caddaato in uu asigu yiri tafsiirkaas, taasi wax daliil ah noqon mayso maxaa yeelay waa qowl saxaabi, qowl saxaabina daliil u noqon maayo sugidda sifooyinka Eebbe.

    Sifooyinka Eebbe waxay ku sugnaadaan daliil cad oo saxiix ah ama xaddiis mutawaatir ah ama aayad quraan ah oo muxkam ah oo aanan macnaheedu ta'wiil gelayn, marka haddii aayadda macnaheedu ta'wiil soo galo wax daliil ah kuma sugna aayaddaas loomana soo daliilsan karo si loo sugo sifooyinka Eebbe.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Saturday, April 29, 2006 at 21:59:12 (CDT)
  140. Su'aal: Xaddiiska jariyadda in uu muddarib yahay yaa caddeeyay?
    Salaamu cleykum shiikh Dr. xirsi. Shiikh waxaan daalacdey webkan oo aan maanta heley muddo hal saaco in ku dhow. Runtiina suaalo iyo jawaabo badan ayaan isha mariyey laakin jawaabahaaga mid yaan weli ka waayey inkasto arintaa dhowr jeer lagu soo weydiiyey iyada ayaan maanta suaalaheyga ka bilaabin hadii eebe idmo:

    1. Shiikh waxaad meelo badan ku sifeysey xadiiska jaariyadda inuu mudarib yahey laakin weli maad noo sheegin culimadii xadiiska cidda kugu raacsan iddraabka xadiiska, sida xaafid zeylici, dahabi, ciraaqi, beyhaqi, Xaakim iwm ama fuqahadii sida shaafici, maalik, axmed iyo kuwa kale oo loo cuskado axaadiista darajadooda marka laga hadlaayo runtiina waa mid loo baahanyahey inaad kudarto jawaabahaaga sidey u dhameystiraadaan?

    2. Qawlka ibna cabaas ee istiwaaga uu ku fasirey (istaqara) hadana aad laqawi ahaan ku raacdey adigu, miyey jiraan cid mufasiriinti saxaabada ama taabiciinti oo laga hayo tan ibna cabaas mid ka duwan oo loo cuskado?
    AbuMaher <hadhiye60>
    - Saturday, April 29, 2006 at 21:44:22 (CDT)
  141. Jawaab: Eebbe iyo Makhluuqaadkiisa maxaa u dhexeeya?
    Assalaamu calaykum: Walaal waad ku mahadsantahay su'aashaada iyo faahfaahinta, waxaanna doonayaa in aan dhowr arrimood ku kordhiyo faahfaahintaadii si ay u dhamaystiranto:

    1. Marka hore waxaan doonayaa in aan ku xusuusiyo in xadka Ilaahay iyo makhluuqaadka u dhaxeeya uu yahay xad macnawi ah ee uusan ahayn xad maaddi ah, macnaha soohdinta u dhaxaysa Ilaahay iyo Makhluuqaadkiisa waa soohdin macnawi ah waana in Ilaahay uu ka duwan yahay uunkiisa oo dhan wax ekaankiisa ahna aanay jirin.

    2. Soohdinta ama xadka maaddiga ah waxaa leh makhluuqaadka Eebbana soohdin iyo xad maaddi ah midna malaha, sidaa darteed lama yiraahdo Ilaahay ma caalamka ayuu ku jiraa mise wuu ka baxsanyahay, maxaa yeelay Ilaahay malaha "makaan" ama meel gaar ah oo "maaddi ah" oo uu ku suganyahay sida makhluuqaadka.

    Taasi haddii ay kuu caddaato ayaad fahmaysaa in jiritaanka Eebbe ka duwanyahay jiritaanka makhluuqaadka. Jiritaanka makhluuqaadku wuxuu ku salaysanyahay, jihooyinka iyo meesha iyo goorta iwm, jiritaanka Eebbana wuu ka duwanyahay waxyaabahaas oo dhan.

    Hadalkaas waxaan ka faa'iidaysanaynaa aayadda 11 aad ee suuradda ash-shuura ee leh (wax ekaankiisa ah ma jiraan), taas ayaa kolka kuu caddaynaysa in aanan la dhihi karin Ilaahay ma koobanyahay mise ma koobna! ama meel ma fadhiyaa mise ma fadhiyo iwm dhammaan su'aalahaas waa su'aalo aanan Eebbe u qalmin.

    Hadaba Eebbe wuu ka nasahanyahay waxyaabaha uunkiisu ku sifaysanyahay ee ah fadhiga iyo joogsiga iyo xadka iyo meesha iwm Ilaahay wuu jiraa, horeyna wuu u jiray intii aanan la khalqin uunka, wuuna jiri doonaa uunku kolka uu dhamaado ka dib, taas ayaana kuu caddaynaysa in aanan jiritaanka Eebbe marnaba ku xirnayn una ekayn jiritaanka makhluuqaadkiisa.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Wednesday, April 26, 2006 at 19:59:58 (CDT)
  142. Su'aal: Eebbe iyo Makhluuqaadkiisa maxaa u dhexeeya?
    Salam caleykum Shiikh Dr.xirsi Walaal waad ku mahadsantahey jawaabtaada laakin weli waxbaan cadeyn:

    1- Waxaad tiri lixida jiho dhamaad waa leeyihiin waana wax Eebe uumey.
    2-Waxaad tiri ilaahey lixda jiho sooma koobaan.
    3- Waxaad tiri ilaahey calaamka kuma dhex jiro. Ok.

    Hadii aanu ilaahay caalamka ku dhexjirin waana sida diintuna cadeysey caqliguna ina siinaayo, lixda jihona ey kamid yihiin caalamka kolka sidee loo dhahaa ilaahey lixda jiho ma kooban oo la nafyaa waxaan asalkeedaba jirin waayo eebe uma baahna jihaadkaa laakin makhluuqadka yaa u baahan ilaahna u abuurey?

    Hadii wujuudkuna ku koobanyahey khaaliq iyo makhluuq caalamkuna ka mid yahey makhluuqaadka eebe, markaa sow labadu mid walba xad aanu kan kale lawadaagin laguna kala sooco malaha?

    Markaa waxaan filaaya xadka ilaahey laga nafyiyayaa waa mid lamida kan makhluuqaadka (koobnaanta)laakin maaha xadka ey ku kala baxaan isaga iyo makhluuqaadkiisu, hadii kale waxa buraaya qawlka (ilaahey calaamka kuma dhex jiro)?
    gardaro <gardaro>
    - Wednesday, April 26, 2006 at 18:58:03 (CDT)
  143. Jawaab: Wahhaabiyo naag ma ku mehrin kartaa qof ahlusunno ah?
    Assalaamu calaykum: Walaal cabdiwali dadka wahhaabiyada isku sheega waa laba jaad, qaar caamo ah oo iska dabasocda, oo aanan garanayn waxa wahhaabiyo looga jeedo ama been loo sheegay oo lagu yiri: salafiyo ayaan nahay.

    Marka dadka jaadkaas ah ee caamada ah waa in wax la baro oo loo sheego in wahhaabiyada caqiidadeedu fasahaadsantahay oo ay mushabiho iyo mujasimo yihiin, marka inta aan la kufrin waa in wax loo sheego oo wax la baro.

    Qaybta labaad ee wahhaabiyada waa kuwa dadka ugu yeeraya kufrigooda ee ictiqaadsan tashbiiha iyo tajsiimka, ee isku qarinaya magacyo been ah sida Salafiyo iyo Itixaad iyo ahlusunno iwm, marka kuwaasi waa kufaar mushrikiin ah.

    Marka haddii wadaadku ictiqaadsanyahay tashbiih iyo tajsiim oo uu wahhaabiyo sax ah yahay wali ma noqon karo qaallina ma noqon karo naagta uu mehriyana ama waliga u naqdana meherkeeda waxba kama jiraan.

    Maxaa yeelay nikaaxa shuruudihiisa waxaa ka mid ah in naagta iyo ninka ismehersanaya aanay kufaar ahayn, iyo in waligu muslim yahay, iyo in labada shaahid muslim yihiin.

    Marka haddii waligii mushrikh yahay ama mujasim ama mushabih yahay nikaaxiisa waxba kama jiraan ansixina maayo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, April 25, 2006 at 20:15:34 (CDT)
  144. Su'aal: Wahhaabiyo naag ma ku mehrinkartaa qof ahlusunno ah?
    Shiikh waan ku salaamay, salaan kadib waxaan kuwaydiinayaa: wahaabiyo naag ma ku mehrin kartaa qof ahlusunno ah?
    c/wali daahir sahal <cadeyare12>
    - Tuesday, April 25, 2006 at 20:06:46 (CDT)
  145. Jawaab: Naagta haddii la furo oo ciddadu dhamaato ma la soo celin karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal Naagta haddii aad furtay oo ciddadii dhamaatay, kuma noqon kartid haddii aanay nin kale guursan oo uusan iskiis isaga furin.

    Marka naagta aad sheegayso ee aad halka dalaaqo ku furtay ee ciddadeedu dhamaatay way kaa furantahay kumana noqon kartid inta ay ninkale ka guursanayso, haddii uu ninkaas kale iska furo oo ay ciddadeeda ka dhamaysato ninkaas ayaad guursan kartaa mar labaad adiga oo soo maraya dariiqii caadiga ahaa sidi nin naag cusub guursanaya.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Monday, April 24, 2006 at 19:56:59 (CDT)
  146. Su'aal: Naagta haddii la furo oo ciddadu dhamaato ma la soo celin karaa?
    Bismilaahi raxmaani raxiim asalama calekum waraxma tulaahi wabarakaadu walaalayaal su'aasheyda oo koobon waxaa ay tahay:

    Xaas aan qabey ayaan ku furey hal dalqad cududii markii ay dhamaatey ka dib ayaan damacney in aan isku soo labanao! ma waxaa la iiga baahan ayahay nikaax keliya mise waxaa la sameynayaa muxalil oo waa in ay nin kale soo martaa?

    wabilaahi towfiiq wa jazaakumulaahul qeyr
    abdoow sheekh <runsheg>
    - Monday, April 24, 2006 at 19:53:48 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [24]
  1. Madaahibta ma la isku dhafi karaa?
  2. Ma bannaantahay in qof dhintay la baryo?
  3. Tashbiih maxaa laga wadaa?
  4. Su'aashii shakhsiga ahayd iigama aadan jawaabin shiikhow?
  5. Wahhaabiyadu qodobada ay ku kufrisay maxay yihiin?
  6. Qofku ma dooran karaa hadba mad-habtii u fudud?

  7. Page [23]
  8. Qofka shaqaalaha ah sidee loo baxshaa mushaarkiisa?
  9. Timaha waxyaabaha lagu midabaysto ma bannaanyihiin?
  10. Rasuulka_qasiido ma lagu ammaani karaa?
  11. Wahhaabiyada iyo ahlusunnadu ma isku caqiidaa?
  12. Muxuu ku salaysanyahay manhajka wahhaabiyadu?
  13. Fasax la'aan ma duuban karaa duruusta webka ku jirta?
  14. Ma ka shaqayn karaa maqaasiin khamri?
  15. Ninkaygu salaadda ma iga jebshaa?
  16. Ninka iyo xaaskiisu haddii ay kala tagaan..?
  17. Shiikh Wax jacayl la yiraahdo ma jiraan?
  18. Shiikh ii sheeg meesha ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay wahhaabiyadu ku kufrisay.
  19. Imaam Wahhaabi ah salaad ma lagu xiran karaa?

  20. Page [22]
  21. waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo saddex su'aalood?
  22. Been qofkii ku dhaarta ciqaabtiisu maxay tahay?
  23. Attaxyaadka haddii aan dhameeyo, ma iska aamusi karaa, si aan imaamka u sugo?
  24. Naagtaydu haddii ay deriska dhibayso, naseexana yeelayn..?
  25. Tiishuuga musqulaha ma lagu astajoon karaa?
  26. Naagtu ninkeeda lacag uusan ogolayn jeebkiisa ma kala bixi kartaa?
  27. Gabadha aabaheed khasab ma ku mehrin karaa?
  28. Midabka naaguhu is mariyaan ma bannaanyahay?
  29. Mala guursan karaa naag kirishtaan ah?
  30. Qof Nabiga nnk difaacaya gaal ma noqon karaa?

  31. Page [21]
  32. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  33. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  34. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  35. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  36. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  37. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  38. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  39. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  40. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  41. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  42. Page [20]
  43. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  44. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  45. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  46. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  47. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  48. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  49. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  50. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  51. Page [19]
  52. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  53. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  54. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  55. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  56. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  57. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  58. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  59. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  60. Page [18]
  61. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  62. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  63. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  64. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  65. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  66. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  67. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  68. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  69. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  70. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  71. Page [17]
  72. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  73. Khamrigu ma daahir baa?
  74. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  75. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  76. Page [16]
  77. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  78. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  79. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  80. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  81. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  82. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  83. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  84. Page [15]
  85. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  86. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  87. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  88. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  89. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  90. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  91. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  92. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  93. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  94. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  95. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  96. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  97. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  98. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  99. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  100. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  101. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  102. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  103. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  104. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  105. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  106. Xijaabka haweenku waa noocee?
  107. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  108. Page [14]
  109. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  110. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  111. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  112. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  113. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  114. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  115. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  116. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  117. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  118. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  119. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  120. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  121. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  122. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  123. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  124. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  125. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  126. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  127. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  128. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  129. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  130. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  131. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  132. Kabaha ma ku tukan karaa?
  133. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  134. Page [13]
  135. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  136. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  137. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  138. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  139. Sheekhow iisoo ducee...
  140. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  141. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  142. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  143. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  144. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  145. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  146. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  147. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  148. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  149. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  150. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  151. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  152. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  153. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  154. ma haboon tahay nin aan..?
  155. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  156. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  157. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  158. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  159. Page [11]
  160. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  161. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  162. Mahadnaq iyo bogaadin
  163. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  164. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  165. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  166. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  167. Qof dhintay mala baryi karaa?
  168. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  169. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  170. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  171. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  172. Page [10]
  173. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  174. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  175. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  176. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  177. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  178. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  179. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  180. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  181. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  182. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  183. Is Khat Haram or Halal?!
  184. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  185. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  186. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  187. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  188. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  189. Page [9]
  190. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  191. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  192. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  193. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  194. waxaa jira in leeyga digay..!
  195. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  196. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  197. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  198. Page [8]
  199. xukunka taariku salaadka
  200. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  201. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  202. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  203. Salaan iyo Bogaadin..

  204. Page [7]
  205. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  206. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  207. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  208. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  209. Page [6]
  210. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  211. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  212. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  213. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  214. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  215. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  216. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  217. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  218. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  219. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  220. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  221. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  222. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  223. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  224. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  225. zakada dahabka laga bixiyo..
  226. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  227. members of one of the Somali clans..
  228. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  229. Waan kirishtaamay...
  230. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  231. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  232. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  233. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  234. qoladasi isku diin ma nihin..
  235. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  236. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  237. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  238. Page [5]
  239. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  240. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  241. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  242. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  243. Page [4]
  244. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  245. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  246. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  247. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  248. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  249. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  250. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  251. Page [3]
  252. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  253. Midnimada Muslimiinta..
  254. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  255. Islam is not a violent Religion
  256. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  257. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  258. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  259. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  260. Maxay tahay (Nashuusho)?
  261. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  262. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  263. Page [2]
  264. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  265. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  266. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  267. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  268. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  269. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  270. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  271. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  272. Page [1]
  273. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  274. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  275. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  276. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  277. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  278. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  279. Ilaah baa ku qancin kara..!
  280. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]