AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  2. [Jawaab
    Wednesday, January 16, 2002 9:28 PM
    Walaalayaal horta ogaada, aniga maaha ninkii baxshay magaca "Wahhabiyah" ee waa magac la baxshay 300 oo sano ka hor, waliba waxaa magacaas kooxdaan loo yaqiin intii uu noolaa wadaadkii "Maxamad Bin Cabdilwahhab" ee kooxda aasaasay, ilaa iyo maantana waa magaca rasmiga ah ee loo yaqaan. Tanxigta, walaal Axmad, dersigii ku dhaafay ee aan uga hadlayay taariikhda sheekh Maxamad Bin Cabdilwahhaab, waan kuu soo diray marlabaad.

    Intaa kadib haddii aad u aragto in aanuu maqaalku si fiican u koobin taariikhda wadaadkaas, waxaad la soo degi kartaa kitaabka aan ka qoray xarakada wahhaabiyada ee carabiga ku qoran (waa haddaad carabiga isku fiicantihiin). Haddii kale isoo ogaysii wixii aad u aragto in ay qabyo yihiin si aan maqaal kale oo kaas ka faahfaahsan kana qoto dheer u soo gelsho liiska.
    Hersi
  3. Su'aal: Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
    Dr. Hersi, waxan kaa codsanayaa in aad mar labaad iigu soo celiso maqaladii aad kaga hadlaysay tarikhda ninkan aad wahabiyada leedahay waa i dhaftay oo ma aqrin fadlan iigu soo celi markale si anigoo og tarikhda aad soo qortay aan ula qabsado caqidada
    axmed gurbis
    Sunday, January 13, 2002 12:55 PM

  4. Jawaab: Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
    Wednesday, January 16, 2002 9:28 PM
    Bismillaahi ar-raxmaani Raxiim;
    Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin. Haddiise aan afar eray uga jawaabo emailka dheer ee aad soo qortay waxaan ku leeyahay:

    1. Horta cirbin ama dabagal aad soo qortay ma arag mana aanan faaf-reebin. Waxa isoo gaarayna saddexdan email ee aad isku marka soo dirtay baan ka arkay, ayagana waxaan u soo daayay in dadku ceebtaada arkaan ee cilmi kuma qorna oo wax laga faa'iidaysanayo kuma yaallaan. Cay iyo aflagaado mooyee wax kale kuma qorna cid walibana way u jeeddaa marka taas intaas aan uga gudbo.

    2. Tan aad tiri soo sheeg meesha ay Ibn Taymiya iyo Ina Cabdulwahhaab ku dheheen Ilaah kaliya ayaa la caabudaa ee Rabbi lama caabudo, waa su'aal nin jaahil ah, ee nin caqiidada wax ka yaqaan su'aashan imaba waydiiyeen maxaa yeelay nin kasta oo wax ka yaqaan mad-habta labadaa nin wuu ogyahay in asalka mad-habtoodu tahay (In Ilaah la caabudo) ee aanan (Rabbi la caabudin), laakiin si aan kuu aamusiyo ayaan halkan kuugu soo sheegayaa kutubta iyo baalasha ay warkaas ku qoreen waana sidan:

    1. Arrasaa'il ash-shakhsiyah (Waa kitaab ay ku aruursheen culumada sacuudigu waraaqigii wadaadkaas Ibn Cabdulwahhaab) oo ay fidisay jaamicadda Ibn Sacuud ee Riyaad ku taalla, oo waliba ah waraaqihii ay ayagu soo xuleen oo ugu fiicnaa wixii uu qoray wadaadkaasi, kolka eeg boggaggan. 145, 146, 64, 65, 186, 187.

    2. Ad-durar assuniyah (cabdiraxmaan bin qaasim al-caasimi) waa kitaabka ugu wayn ee uu qoray mid ka mid ah ardaydii wadaadkaas, uuna ku aruurshay waraaqihii iyo qoraalladii wadaadka, waana kitaabka ay ka soo xigteen culumada wahhaabiyadu qoraallada ay fidsheen waayahan dambe, eeg bogaggan. juska 2aad, bogga 35, 33, 34.

    3. Ibn Taymiyah, iyo Ibn Cabdilwahhaab (Majmuucatu at-tawxiidi) Waa kitaab ay labadaas wadaad qoraalladoodii qaar ka mid ah ku aruursheen culumada wahhaabiyadu, eeg bogga 56 iyo wixii ka dambeeya.

    4. Ibn Taymiyah (Majmuucatu al-Fataawaa) eeg bogaggan iyo mujalladyadan: j2:63, j1:32, j22:277, j3:2, j3:3, j2:37, j3:37.

    Intaas aan sheegay, waxaan u sheegay kaliya in aan kuu tilmaamo meelaha qaar, laakiin baal kasta oo aad furto kutubta wadaaddadaas ay caqiidada iyo cibaadada uga hadleen way ku qoreen in towxiidka xaqa ah uu yahay (Towxiid al-uluuhiya) oo Ilaah yahay kan la caabudo, rabbina uusan ahayn mid la caabudo. Marka nin caami ah oo aanan mad-habta wahhaabiyada garanayn mooyee, nin kale su'aashaas maba i waydiiyeenba, maxaa yeelay arrinkan wuxuu ka mid yahay usuushooda, ee ma aha mas'alo khilaafi ah.

    Marka walaal emailkii wuu daba dheeraaday, warkii aad soo qortay wax kale oo nuxur leh ugama jeedin, badankiisu caytan iyo nabyo aanan sal iyo baar lahayn buu ahaa.

    Waxaan kaa codsanayaa, in aad ku ekaato wixii aan anigu qoray, oo aadan ku wareegaalaysan dad islaameed, oo aadan aflagaadayn culumo aanan anigu wax xiriir ah inaga dhaxayn lagana yaabo in aanan xataa garanayn.

    dadka aad magacyadooda sheegtay waxba iskama kaaya gelin ayaguna ima yaqaaniin aniguna ma aqaan, waan uun maqlay, marka ha u gafin dadka islaameed, anigu erayga aan iraahdo igula xisaabtan adiga oo aanan cidna caayin.

    Tan aad tiri dadka ha lumin iyo dhaqtarnimo maxaad u soo baran waysay iwm, waa daacdaacsi adigu dhaqtarnimo inoo soo baro, oo kaalay ina daawee!! dadkuna dabbaal maaha oo ayaguba caqli way kaa badanyihiin iyo cilmi intaba, marka adigaaba laga yaabaa in uu yahay kan dadku ugu garaadyar ee naftaada ka fikir dadka kale iska daaye!!
    Hanuun baan kuu rejaynayaa
    Dr. Hersi
  5. Su'aal:
    Laba garre
    Taariikhda islaamka uma horeyn adiga nin la soo shir taga ku tiri ku teen oo ka been sheega xaqiiqda diiniga ama kooxeed ee dunida Islaamka ka jirtay.

    Iyada oo kutubta culimada islaamka sida Ibnu Taymiyah iyo Maxamed Cabdi wahaab daabacan yihiin maxaan kugu khasbaya inaad been ka sheegto. Beentii daxlaani ma la soo shir tagtay. Waxaan ku waydiiyay kitaabka ay ku yiraadeen Rabbi lama Caabudo ee Ilaah baa la caabudaa?. ma sheeki kartaa naska iyo safxada ay ku yiraahdeen?.

    Midda kale maxaa kugu khasbaya in Khasaaf iyo ragga la midka ah ku raacdo beenta tajsiimka ee loo tiriyey ahlu salafka. Miyaadan ogayn caqiidada aad ku magacowday tajsiim ama mujasima inay tahay tii rasuulka NNK, saxaabada, taabiciyiinta iyo intii xaqa ku raacday?. Maxaad u dhuminaysaa dadka aan diinta waxba ka aqoon adiga oo diinta usuusheeda duraya?.

    Labagarre waxaan kula talinaya inaad waxbarato oo aad tuurto shaahadada nonsense ah ee aad hawada beenta lagugu siiyay. Waxaa kuu dhaantay adiga oo dadka u soo barta dhakhtarnimo inta aad falsafo iyo rag fikradooda wakhtiga isaga dhumisay. Haddii aad diiddo ogow kuwo kaa itaal iyo magac roon in saaxada dacwada Soomaaliya ku ceeboobeen oo weliba jab iyo hoog ka raacay. Ma maqashay saaxiibka Dasuuqi iyo Qudubi wixii ku dhacay kadib marii ay faraha la falageen kana been sheegeen sidaada oo kale dacwada Islamka ee dhabta ah.

    War ninyahow cagaha ka soco oo technoliyaddan wanaagga u adeegsado haddii kale warkaada inshaa'iga meelna tegi maayo. Car dhallinyarada u sheeg halka ay ku yiraahdeen Ibnu Taymiyah iyo Ina Cabdulwahaab ilaah baa la caabudaa ee Rabbi lama caabudo?. Haaddii aadan sheegin waxaad tahay muxarrif weliba qubuuri ah.

    Ugu dambayntii maxaad la cidhbayntayda aad faafreeb (cencorship) u gelisaa?. Xorriyadda islaamka ku dabran way ku dhibaysaa xorriyadda xaaraantana waad ogoshahay.
    Ninka kuugu ah adeerka Censorshipka waad garanaysaa.
    Monday, January 14, 2002 8:11 PM
    Zubeir, A
    USA

  6. [Jawaab: waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
    Salaan kabacdi;
    Cabdinuur, waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh, waana dhacdaa ayada oo kale, waadna ku mahadsantahay tala daada, kolley anigu waxaan u qaatay in aad leedahay dadka u sheeg wax ay garan karaan, ee uma fahmin in aad ka waddo dadka waxba ha uga sheegin diinta.

    Marka waad ku mahadsantahay waanada, waana laga yaabaa in aanan dad badan maqal Wahhaabiyada iyo daraasooyinka Caqiidada la xiriira, laakiin waxay maqleen (al-Ittixaad al-Islaami) iyo (Fatxul Majiid).

    Waxayna ila tahay in aanan dadka maqaaladaha aan qoray akhrinayaa ee liiskan ku jira ee tiradoodu kor u dhaaftay 1500 oo qof oo liiskan ku tixan aanay dhammaantood caamo ahayn, balse ay ka buuxaan culumo ama diinta bartay ama cilmi kale bartay.

    Ayada oo sidaas ah ayaan misana isku deyay in aan maqaaladahaas u qoro qaab loogu tala galay akhristaha aanan mutakhasiska ahayn intii tabartay ahna isku deyay in aan fududeeyo oo aan iska ilaalsho hoos u gelidda masaa'ilka waawayn iyo meelaha laysku khilaafsanyahay, in aan guud ahaan u tilmaamo mooyee.

    Marka walaal aad baad u mahadsantahay adiga iyo dhammaan akhristayaasha kale intaba, haddii ay jiraan mowduucyada qaar aanan si fiican aanan u faahfaahin, waad ila soo socodsiin kartaan si aan mar labaad ugu noqdo aniga oo aad ugu faraxsan arrinkaas.
    Khayr baan idiin rejaynayaa dhammaantiin.
    Casharrada soo socdana la socda waana sidan:
    1. Taariikhda Ibn Taymiya
    2. Sida uu fikirkiisu u saameeyay caalamka.
    3. Xarakada Ikhwaanka
    4. Xarakada Islaamka ee qaaradda Hindiya
    Wednesday, January 16, 2002 9:28 PM

  7. Su'aal:
    Bismillaah
    Walaal Xirsi, Waxaan u maleynayaa inaad ku gabood fashay daraasaddaan cilmiyeysan eed Caqiidada Wahaabiyiinta ka qortey. Sababtoo ah waxaad soo dhexdhigtey daraasaddaas dad badankoodu uusan ehel u ahayn in ay fahmaan waxa aad ka hadleysid. Haddaba sow khasaaro maahan iyo biyo col dhaanshey. Qisadaan hoose baan daliil u soo qaadanayaa ee bal isha mari:

    Nin ayaa doonay inuu cilmi diineed kororsado. Wuxuu arday u noqday wadaad xer (dad diin raacanaya) meel ku haysta oo diinta barashadeeda maahee aan wax kale la isku mashquulin. Meeshii baa waa dambe abaar iyo gaajo ku asiibtay dadkiina waa ka hayaameen. Kolkaasuu ninkii wuxuu sheekhii ku yiri, "Aw-Cali, Reer tolkey waa dad xoolo badan haysta, isla markaana diinta Jaahil ka ah. Haddaba iyagana aan diinta barno, innaguna aan zekada xoolaha ka soo aruursanno". Aw-Cali wuxuu yiri, "Waa arrin wanaagsan ee aynu u qalab qaadanno".

    Markii cidihii loo yimid ayaa isla markiiba sidii culumo caado u ahaan jirtey, uu sheekhii wacdi galay, iyagiina in dhegeysata iyo in xoogaa caano ah u soo dhowrteysa noqdeen. Wuxuu cilmi aakhiro iyo mid aadane hayey ayuu ku hurgufey shiikhii. Mise wax diiray ama damqanayaaba ma jiraan, oo dadku waa un iska ag yoobsan yihiin. Halkaas markii xaalku marayey, ayaa xanaaqey ardeygii cilmi doonka ahaa, oo wuxuu ku yiri wadaadkii, "Naga fariiso wacdi culimaad taqaane, wacdi caammo garan mayside, shiikh-shiikhaaga ma aqaaniye". Ninkii reer tolkiis wuxuu ku yiri: "War si fiican ii maqla oo dhugmo u yeesha waxa la idin leeyahay. Haddii aydnaan Salaadda tukan, xoolahana haddeer zekada ka soo bixin, waxaa la idiku salladayaa Malaa'ig idin cadaabta. Cadaabtuna wax kale maahee, waa "Farjicil basara= ILbaa far juq la isaga siinaya", "Haltraa= ma in la isaga harayaad u qabtaan? "Min fudhuurin" waa la soo fundhilanayaa (fujinayaa).

    Dadkii markaasay garowsadeen il far juq lagu siiyey xanuunkeeda, halkaasna xoolo aan tiradooda iyo tayadooda la sheegi karin ku soo dhoobeen isla waqtigiiba.

    Haddaba, miyaadan Xirsiyow ku sifoobin Aw-cali oo wacdigaagii iyo daraasaddaadii aad damacday inaad annaga nagu leylido, oo kolley aan garan karo in kuwa aniga ila mid ka ahi aysan wax badan ka soo akhrisan diinta, marka laga reebo safiinatu-ssalaad oo shaaficiyada ah iyo fatxulmajiid oo wahaabiyada ah iwm.
    Intaas iyo fii ammaani Laah.
    Wednesday, January 16, 2002 4:05 AM
    Abdinur
  8. Jawaab: ahlusunnah wal jamaa'ah..
    Salaanta Islaamka kabacdi;
    Walaal Xassan, jawaabtii su'aalahaagu waa tan ee u fiirso hadalkayga;
    1. Magaca aad tiri (Ahlussunna Wal-Jamaaca) waa la ogyahay cid kastana way garanaysaa, marka u malaymaayo in aan dersigaas kaaga mahadcelinayo. Laakiin midka aan anigu sheegtay ee ah (Ahlusunna wassalam) waa halkudheg aan anigu baxshay, marka haddii aad fahmi karto halkudheggaas iyo dulucdiisa waa khayr, haddii kalena laa xowla walaa quwata......

    2. Midda aad tiri culumada ayaad cayday, waad iiga gardarantahay, maxaa yeelay culumo aan caayay ma jirto, nin caytamana ma ihi oo nin asiguba cilmiga ku abtirsanaya ayaan ahay, laakiin waxaan u maleeyay in aad kala saari waysay (NAQDIGA iyo CAYDA), marka naqdigu wuu bannaanyahay, cayna maaha, cay waxaa la yiraahda erayada foosha xun ee shakhsiga qofka taabanaya, laakiin naqdiga cilmiyaysan wuu bannaanyahay cid ka macsuum ahana ma jirto, marka horta taas faham.

    3. Waxaad igu eedaysay in aan been iyo khalad ka sheegay (Maxamad Bin Cabdulwahhab), mana aadan sheegin wixii beenta ahaa iyo wixii khaladka ahaa ee aan ka sheegay ninkaas!! Marka intaad iska dhaafto taariikhda aad leedahay waa la qoray, iisoo sheeg waxa aad khaladka u aragto. Waxaadna ogaataa, in aan buug 300 oo baal ah ka qoray ninkaas oo aan shahaado mastar ah ku qaatay lana fidshay buuggaas, sidoo kale waxaad ogaataa in aan turjumay buuggii uu wadaadkaasi qoray oo aan u turjumay afsoomaali marka u malayn maayo nin iiga xogogaalsan ninkaas in uu jiro, ee ha degdegin.

    4. Tan aad i tiri, "Meel la'aan ma tihid"!! anigu taabic maahi, oo nin ra'yigiisa wata ayaan ahay, mad-habna ma raacsani maxaa yeelay waxaan u arkaa mad-habadaha Caqiidada ee maanta jira in ay khaladaad badan leeyihiin, khasabna iguma aha in aan raaco mad-hab nin qoray. Waxaase layaab leh in aad qolyihiinna wahhaabiyadu ka dhigaysaan mad-habtiinna tii ilaahay banneeyay oo uu amray, inta kalena aad ka dhigaysaan dad lunsan!!

    5. Ogow mad-hab midda kale ka fadli badan ma jirtee, dhammaan rag baa soo hindisay, wax Ilaah soo dejiyayna maaha, waana la naqdin karaa, marka sidaa ula soco, oo warkii Ibn Taymiya iyo Ibn Cabdilwahhaab sanka ha inaga gelinin, adiga oo aanan ogayn ceebihiisa iyo khaladaadka ay labadaas nin iyo kuwa racsan caqiidada Islaamka ka galeen, haddii aadan ogayn oo aadan aqoon waxaa fiican in aad barato oo aad kororsato wixii kaa dhiman kana faa'iidaysato dadka ayagu arkay waxyaabahaas, intii aad tacasubi lahayd oo danaano aanan meelna cuskanayn aad la xusulduubi lahayd.

    Tan kale, anigu ma dhihin madaahibta caqiidadu dhammaan 100% way khaldanyihiin ee adiga ayaa iga samaynaya, anigu waxaan iri madaahibtii aan sheegay khaladaad bay leeyihiin dhammaantood, ee ma dhihin dhammaantoo 100% way khaldanyihiin, marka fahmo walaal allaha ku siiyo aad warka ku kala soocdid, haddii aad kas isugu duubtayna allaha kaa cafiyo. Ugu dambaystii Walaal Arrinka Maxamad cabdilwahhaab iyo Ibn Taymiya iyo guud ahaan salafiyada iyo Wahhabiyada mid yar baan kaa leeyahay, arrinkaas buug 300 oo beej ah ayaan ka qoray oo af-carabi ku qoran, culumo ayaa akhrisay waxayna igu siiyeen ijaaso mastar ah, waxaa akhriyay dad adiga iyo qaarka kula mid ah ka cilmi badan kuna takhasusay mad-habta wahhaabiyada, xattaa mushrifkaygu wuxuu ahaa nin ka mid ah ragga raacsan wahhaabiyada laakiin danta ayaa ku khasabtay in uu ogolaado risaalada aan qoray in kasta oo mucaarid ku ahaa figradahaas, maxaa yeelay wuxuu arkay in ay si cilmiyaysan u qorantahay.

    Marka haddii aad nin ku fiican carabiga iyo culuunta towxiidka tahay iisoo sheeg cinwaankaaga aan kuusoo diro buuggaas asiga oo free ah, kadibna akhri ee naqdi fiican ka qor, sida culumada lagu yaqaan, laakiin email yar intaad iisoo dirto ha oranin Ina cabilwahaab baad cayday!!!! adiga oo aanan garanayn cidda uu yahay ina Cabdilwahhaab.

    Tan kale, waanada iyo dood-cilmiyeedka kala saar, haddii aad doonayso in aad i waaniso, walaalkii jira ayaad tahay, waadna mahadsantahay, cilmian kolkaa haka hadlin, aniguna xor baan ahay, haddii aan doonana waanadaada waan qaadan, haddii kalena waan iska dhaafi. Laakiin haddii aad doonayso in aad dood-cilmiyeed gasho, waanada iska dhaaf, ee cilmiga iyo xujadiisa ku ekayso kuwaas baa waano kaaga filane.

    Khayr baan kuu rejaynayaa, waxaana fiicnaanlahayd in aad iisoo sheegto, takhasuskaaga iyo derejadaada cilmi si aan derejadaada cilmi ugu xisaabtamo. Jawaabta soo socota fadlan ku soo lifaaq derejadaada cilmi iyo takhasuskaaga.


    Hersi M. Labagarre <(Wednesday, January 09, 2002)>
    - Friday, January 11, 2002 at 06:53:41 (CST)
  9. Su'aal:
    ASALAAMU CALAYKUM
    Walaalayaal dhamaan akhayaarta golaahan ku jirta waxaad iga gudoontaan salaanta kore; salaan kadib waxaan baraarujinayaa marka hore Dr;Hirsi magaca uu yiri Ahlusunati wasalaam ma'ahan ee waa AHLUSUNATI WAL JAMEECAH sidam kucad nasuusta diinta tanlabaad walaal Hirsi waxaan ugu nasteexayn lahaa inuu ka joogo dhibaataynta dadka iyo cayda culimada iyo wax ka sheega walaalihiis islaam ah gaar ahaan culimada waayo culimadu waxay tiraahdaa [hilibka culima waa sumaysanyahay] macnaheedu ninkii cunaa waa ku dhimanayaa.

    Tan sedexaad walaal hirsi waxuu afka mariyey dhamaan jamaacaadka ka jira calaamka oo dhan waxuuna ku xukumay inay dhamaan qaldanyihiin marin habowsanyihiin;taasna caqliga bini aadamka ayaa diidaya iyadoon lagaaarin diin waayo qofka waxuu leeyahay qalad iyo saxba majiro qof wada qaldan 100% sida walaalkay ka dhigay oo uu ku sheegay inay xukun rabaan dhamaantood! waxaa is waydiin leh yaa kamudan xukun dadka ilaahay u ogalyahay inaay dhulka xukumaan waa sax oo jameeco aan raadinayn inayn inay wax xukunto majirto waayo diinta qabta waxayna rabaan inay illaahay kitaabkiisa ku xukumaan marka waxaan iiga soo jawaabtaa cida aad larabto inay wax xukunto?

    tan afraad adiga Dr: Hirsi ah meela'aan matihid ee xagee ama jameecadee baa kula saxsan oo aad tahay ama ka tirsantahay?haba ahaatee tan qabiilka waayo C/laahi Yuusuf markuu cambaaraynayey wadaada wxuu sheegtay Islaam/Shaaficiyo/Qaadiriyo/Ahlusunah Wajamaacah marka iscadee!! tanshanaad waxaa fiicnayd markad Shiikh Maxamed Cadiwahaab kahadlaysay inaad sisax ah ama sida wax uqoranyihiin aad wax us oo qorto wayo taariikhdu wa qorantahay beena lagama sheegi karo marka cadaaladu waa muhiin. waxaan idiin rajayanayaa dhamaan tiin khayr


    Hassan Dhooye <(Saturday, January 05, 2002)>
    - Friday, January 11, 2002 at 06:52:17 (CST)
  10. Jawaab: Sow maahin dad ay culumo waashay!
    Walaal Abdinuur, Salaanta Islaamka kabacdi;
    Aad baad ugu mahadsantahay qisadan qosolka leh ee aad inoo soo sheegtay, badanaa way dhacaan qisooyinka noocan ah kolka qofku aqoon ku cusub billaabayo, kolleyba xaddiisku wuxuu khuseeyaa marka meel bannaan la joogo ee marka meel qarsoon ama dhir leh la joogo ka hadli maayo, kolka meel bannaan la joogana waxaa culumadu dheheen wex uun baa gabbaad laga dhigtaa ee sagxad cidla ah lama istaago, kolleyba xaddiiska waa la iiga cilmi badanyahay oo mowduucaygu waa caqiidada iyo fikirka muslimiinta ama waxa loo yaqaan "usuuluddin" marka intaas dambi ha igu ahaado, arrinkana aan u dhaafo ragga xaddiiska ku takhasusay.

    Haddii aan sheekadii u soo laabto, waxaa badanaa khaladka noocaas ah keenaya, laba arrimood, ama ardayga ayaan kas lahayn oo inta aanan hadalka loo dhamayn soo tegay, ama macallinka ayaa macallin-xume ahaa oo mas'alao qabyo ah ka tegay.

    Arrinkaas oo kalena wuxuu ku dhacay nin geelley ah, kadib markii uu soo maray wadaad meel ku akhrinaya fiqhi, kolkaas buu wax yar hakaday oo isyiri bal wadaadkan dhegayso howl-la'aantu meesha fariisisay ee hadalka daldalaya!

    Wadaadkii baa yiri, sekada arigu waa sidaa iyo sidaa (asiga oo sheegaya sekada iyo inta ku waajibtay), tan lo'duna waa sidaa iyo sidaa, kadibna wuxuu yiri, geeluna seko maleh...., halkaas kolkii uu wadaadku marayay, baa ninkii geellayda ahaa jaanta rogay illeen geeliisii buu ku degdegsanyahaye, wadaadkiina intii uu ka rabay wuu ka helaye.

    Ninkii geellayda ahaa, asiga oo geeliisii la jooga ayaa maalintii dambe koox saddaqo doonaysa u timiday oo ku tiri ninyahow halaguu duceeyee, xoolaha sekadii ka bixi.

    Ninkii intuu kor u booday buu ku dhaartay in aanan geel seko lahayn, uuna arrinkaas ka hubsaday sheekh caan ah oo laga dambeeyo.... qisadu meesha ay ka daloosho kolley adiga ayaa inoo fasiri doona.

    Mahadsanidiin

    Hersi Labagarre <(Fri, 28 Dec 2001)>
    - Friday, January 11, 2002 at 06:51:23 (CST)
  11. Su'aal:
    Bismillaah
    Walaal Dr. Xersi iyo akhyaarta golahaan dhammaan salaan sharaf badan baan u soo gudbinayaa. Markii hore waxaan islahaa sidee meesha uga baxdaa, haddase ma garanayo inta aan ku sii jiri karo, waqtiga oo aad iigu yar dartiis. Laakiinse waxaan jecleystay inaan qoraalkan wax ka iraahdo.

    Waxaan maqlay qiso nin soomaali ah, oo diintiisa islaamka aad u jecel, balse aan aqoon fiican u lahayn la soo gudboonaatay. Wuxuu ninkaasi malaha ka qeyb galay meel wacdi iyo waano diineed lagu hayo. Xaddiiska ninkaasi u dmcay inuu noloshiisa ku dabbakho ee meeshaas lagu tafsiirayey, ayaa macnihiisu ahaa: "In marka aad bannaanka (kaadi iwm)ugu baxaysid, ay mamnuuc tahay inaad dhabarkaaga iyo hortaada midna xijin qiblada,isla markaasna aadan u duwi karin qorrax-u-dhac (Galbeedka) iyo qorrax-ka-soobax (Bariga).

    Xigmadda xaddiiska ciddii garanaysa ayaa inoo bidhaamin doontee, ninkii markuu damcay inuu xaajadiisa soo guto isagoo kob bannaan jooga, ayuu meel uu qaabilo garan waayey, qiblo,galbeed iyo bari toona. Dhinaca keliya ee u bannaanaaday wuxuu noqday inuu kor u talleejiyo (kalleetiyo) raallina ha laga noqdo erayada qallafsan sheekadaa ila gashaye. Kolkii ninkaas la weydiiyey arrinta asiibtay ee keentey in kaadidiisii dib ugu soo noqotona, wuxuu ku jawaabay: "War saw ma nihin duul culumo rogtey!".

    Bal idinkuba ila garta ujeeddada aan kalahaa qisadaan yar.
    F.G. Yaan lagu talax tegin caddaalad darrida gaar ahaan marka diinta iyo culummada laga hadlayo!!!
    Allaan dembi dhaaf weydiisanayaa wixii aan ku gaboodfalay.
    (Friday, December 28, 2001)
    Walaalkiin Abdinur <http://>
    - Friday, January 11, 2002 at 06:50:00 (CST)
  12. Jawaab: Aqoondarro waa iftiin la'aan!
    Walaal haddii aan kaaga jawaabo su'aashaadii, horta ma fiicna in lagu dhaarto wax aadan aqoon u lahayn, xataa haddii aad hubto waxaa iska fiicnayd in aadan dhaaran, intaa kadib, horta Ilaahay Islaamka kama dhigin Firaq iyo kooxo iska soo wada horjeeda oo is laynaya sida hadda ka muuqata kooxa aan sheegnay (Wahhaabiyada, Qaadiyaaniyada, Takfiirka ama Ikhwaankaba, iyo qaar kale oo badan.

    Tan kale, Muslimiintu ma intaas oo kaliyabaa? Miyaadan ogayn in ay jiraan Muslimiin aanan Wahhaabi iyo Ikhwaan toona ahayn, oo aanan shiico iyo qaadiyaani ahayn, haddii aadan ogayn haddaba iska ogow, culumada aad sheegtay, haddii aad adigu taqaan culumada wahhaabiyada oo kaliya, ama kuwa Ikhwaanka oo kaliya, ogow waxaa jira qaar badan oo aanan Ikhwaan iyo Wahhaabi toona ahayn, Tusaale ahaan waxaan kuu soo qaadayaa Sayyid Saabiq iyo Maxamad al-Gazali, hana i dhihin Ikhwaan bay ahaayeen, maxaa yeelay taas lagaa runsan maayo, waana la ogyahay in uu maxamad al-Gazali ahaa ninkii Sayyid Qudub xabsiga ku ilaalin jiray oo waxa uu qorayo hubin jiray, waxaa kale oo tusaale kuugu filan oo wali nool Dr. Maxamad Saciid Rabadaan al-Buuti iyo Yuusuf al-Qaradaawi, labaduba Ikhwaanna maaha Wahhaabina maaha.

    Tan kale, waxaa jira culumo badan oo cajam ah oo aadan aqoonin, Indonisaya waxay leedahay Culumadeeda, Muslimiinta Hindiga iyo Pakistan waxay leeyihiin Culumadooda, Malaysia waxay leedahay Culumadeeda, Nayjeeriya waxay leedahay culumadeeda, carabuhu waxay leeyihiin culumadooda.

    Marka walaal culumadu maaha afarta wahhaabiyada ah iyo Ikhwaanka Takfiirka ah oo kaliya, marka khayr allaha ku siiyo, ee cilmiga siyaadso waxna baro, ogowna in aanay Ahlu sunnadu waligood jireen, wahhaabi iyo Takfiir ka hor bay jireen, haddana way jiri doonaan inshaa allaahu.

    Waxaa kale oo aan kaa codsanayaa in aad aadaabta su'aasha ilaaliso, oo aadan dadka jahli ku tuurin adiga oo aanan ogayn xaalkooda.
    Dr. Hersi
    - Wednesday, December 26, 2001 at 09:32:11 (CST)
  13. Suaal:
    Bismillaah:
    xaqiiqdii waa wax aad loola yaabo waxa qoraaga ku soo qoray meeshan. qofkiise si fiican ugu fiirsado wuxuu arkayaa cilmi yaraanta qoraaga iyo innuu wax badan ka ogayn diinta islaamka iyo inuu in badan wax xaqiiqda ka fog uu sheegaayey illaah hasuu hanuunshee!waxaan oran karaa wallaaah in waxa uu qoray ninkaas ay boqolkiiba 90% ay ahaayeen waxa aan jirin.waxaase layaab leh oon aan rabaa inaan waydiiyo qoraaga wahaabiyo,alittixaad,akhwaan,qadyaaniya iyo shiica kuligoodba xaqa waad kawada fogaysay hadaba ma ii sheegi kartaa dadka aad leedahay waxay ku taagan yihiin diinta saxda ah ama waa ahlu sunnah waljamaaca,mase ii magacaabi kartaa hal sheekh oo aad ku tuhmayso inuu yahay ahlu sunnah waljamaacah.hadii aad tiraahdo ma jiraan waxaad si toos ah uga hor timaaday xadiiskii nabiga s.c.w oo saxiixa ahaa.
    ahmed <http://>
    - Wednesday, December 26, 2001 at 09:07:43 (CST)
  14. Jawaab: Ilaah baa ku qancin kara..
    Salaam ka dib;
    Walaal horta Ilaah baa ku qancin kara ee Isagu ha kuugu deeqo qaneeco khayr leh. Tan labaad, waad ogtahay dhibaatada ay kooxahu u gaysteen Islaamka, runtii kumana raacsani in aan kooxahaas wax ku dheefay, maxaa yeelay dhibka ay Muslimiinta gaar ahaan iyo dunida inteeda kaleba u gaysteen cid kasta way u jeeddaa, haddii aan runta isu sheegno.

    Tusaale ahaan, Kooxda Wahhaabiyada oo ah kooxda ugu sharta badan inta hadda dunida joogta kooxaha muslimiinta, waad aragtay belada ay ku sameeyeen muslimiinta, kadib markii ay afka u gelsheen Ameerica, waana dhagar ay dhigeen madaxda wahhabiyada ee joogta Sacuudiga, anigu ka hadli maayo kuwa masaakiinta ah ee lagu laayay Afqaanistaan, kuwaasi waxba lama socdaan, waa sidi ari dhurwaa laayay, ee nimanka dowladda sacuutiga wadaaddada u ah ee wahhaabiyada runtaa ah ayaan ka hadlayaa.

    Waad ogtahay kolley in ay wahhaabiyadu u qaybsantahay boqollaal kooxood, oo ay ayagu is kufrinayaan isna laynayaan, waxaaana ka mid ah kooxohooda, Kuwa Itixaadka la yiraahdo ee jooga Soomaaliya, waxaa kaloo ka mid ah, kuwa Ansaarusunnaha la yiraahdo ee jooga Suudaan iyo Massar, waxaa ka mid ah, kuwa Salafiyada isku sheega ee jooga Shaam (Jordan, Falastiin, Suuriya, Lubnaan).

    Waxaa kale oo ka mid ah kuwa la yiraahdo Ansaar al-xukuumah, oo taageera dowladda Sacuudiga, waana kuwa ugu khatarsan oo uu madax u ahaa wadaadkii dhintay Ibn Baaz, Yahuudda iyo maraykanka ayayna gacansaar la leeyihiin kuwaasi. Waxaa kale oo ka mid ah, kuwa la yiraahdo, Al-Madaakhilah, Al-Qaacidah, Al-Akhwaan (ma aha akhwaanka masar ee waa kuwa kale), iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan kuugu soo koobi karin.

    Duruufta ayaanan ii saamaxayn ee waxaan wax kaaga sheegi lahaa Ikhwaanka Masar iyo Tkfiirka, iyo Xarakatul Inqaad (Sudan), iyo Jihad, iyo Xamas, iyo Xisbi at-taxriir iyo Maashoomi, iyo Fadaa'iyaan Islaam iyo maashaa allaahu inta Ilaahay jamaaco inkaaran ku salliday muslimiinta.

    Haddaba, walaal horta inta aadan i waydiin "adigu maxaad haysaa" ma igu raacsantahay in kooxahaasi ay dhib mooyee aanay dheef u keenin muslimiinta. Tan kale, shardi ma aha in aan koox cusub keenno, ee waxaa inagu filan in aan qabsanno quraanka iyo sunnadii nabiga, kooxahaas inkaaranna ka harno iyo belada ay wadaan. Kulligood waxay u dagaalayaan waa xukun jacayl, xataa Itixaadka Soomaalida oo markii hore la moodayay in aanuu xukun u orod ahayn waxaa caddaatay in uu isqarinayay ee uusan dan kale lahayn.

    Marka walaal, waxaan ku soo gabagabaynayaa, su'aashaadii ayad, maxaad soomaalida kaliya ugu digaysaa ee aadan muslimiinta kale ugu digin? Jawaabtayduna waa: Soomaalidu waa qaraabadayda isku af iyo dhaqan baanna nahay, waana waajib diini ah in aan ayaga ka billaabo inta aanan u gudbin dadka kale ee shisheeyaha ah. Sida aad ogtahayba dacwado waxay ka billaabanaysaa xigtadaada, waxaadna ku xejinaysaa kuwa ku sii xiga,.. sidaas ayaad ku soconaysaa ilaa aad ka gaarto muslimiinta oo dhan iyo xataa kufaarta iyo aadanaha oo dhan waana sida quraanku ina faray.

    Intaas waxaa iila jirta, waan u digaa dad kale oo aanan soomaali ahayn laakiin afaf kale ayaan ku qoraa ama kula hadlaa sida carabiga, ee haddii aad doonto aqri maqaaladahayga iyo buugta aan carabiga ku qoray.
    Mahadsanid

    Dr. Hersi
    - Wednesday, December 26, 2001 at 01:41:57 (CST)
  15. Suaal: Dr Salaama caleykum
    Salaan kadib hadii aan wax ka sheego qodobada aad halkan ku soo bandhigtay waxaan doonayaa inaad iga qanciso ta aad leedahay kooxaha xukun jaceyl wado ee diinta ku gabanaya.
    Hadaba suaasha aan ku weydiinayaa maxaad haysaa ee aad ku bedelaysaa ku waas maxaadse soomaali oo qudha ugu digaysaa miyaanay diintu idinka dhexeyn , ugu danbeyntii kuwaas oo dhan ee aad sheegtay waa kuwa lagaaga baqo lagugu ixtiraamo oo aad halkaa ku gaadhey waayo diintooda ayay u hureen naf iyo noolba - markaa hadii aad hayso wax i qancinkaro pls iisoo dir, Waad mahadsantahay DR:
    Cabdi Mahamood
    - Wednesday, December 26, 2001 at 01:38:26 (CST)
  16. Aragti: Kooxda lagu magacaabo Takfiirka
    Waa qaybo isugu xiran sida boqortooyada oo leh maamul qarsoon, meelo ay ku kulmaan oo qarsoon iyo duruus qarsoon. Waxay aaminsan yihiin in qofkii aan ku jirin caqiidadooda la dili karo lana xalaalaysto wax kasta oo ay leeyihiin, sida in nin naagtiisa laga wareejiyo oo lagu daro nin kale oo aaminsan sida waxa ay iyagu aaminsan yihiin!. Nin ku maqan dibadaha ayaa naagtiisii nin kale lagu daray oo qaba isagoo ka dhaadhiciyay inuu nin keedu yahay mid xaq daro ku qaba oo gaal ah ayna ninkaas cusub ku qabto xalaal!!! iyadoo waliba ku nool gurigii iyo biilkii uu bixiyay ninkii hore. Kaba darane waxay rumaysan yihiin in aysan janada lugta galinayn qof aan iyaga ka mid ahayn. Takfiir waxay kasoo gaareen Soomaaliya xagga Masar, waxaa loo aqoonsan yahay inay yihiin kuwa kaliya oo leh nidaam diin faafis oo jira, gaar ahaan Muqdisho iyo aaggeeda.
    Axmad Sayid <http://>
    - Tuesday, December 25, 2001 at 11:39:17 (CST)
  17. Jawaab: waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!
    Assalamu Calaykum Wa raxmatullahi;
    Walaal su'aasha aad hoos ku qortay jawaabteedi waa sidan: Khayr allaha ku siiyo, waad ogtahay in Kooxda wahhaabiyada la yiraahdo ay dhowr milyan yihiin, sidoo kale, waad ogtahay in kooxda ikhwaanka la yiraahod ay dhowr milyan yihiin, waxaa kale oo aad ogtahay in ay jiraan muslimiin kale oo aanan labadaas kooxood midna ahayn, oo loo yaqaan "Ahlu Sunnah".

    Haddaba anigu waxaan ka mid ah Ahlusunnada, mana aha koox ee waa muslimiinta oo dhan, "sawaad al-acdam" guud ahaan, kolka laga reebo kooxaha habawsan sida wahhaabiyada, qaadiyaaniga, shiicada jaadadkeeda, duruusta, Ikhwaanka siiba kuwa dagaalka iyo argagixisada wada.

    Marka walaal haddii aan anigu koox gaar ah dadka ugu yeerayo, maba isku daalsheen in aan kooxdooda ka soo kexeeyo, maxaa yeelay koox koox dhaanta ma jirto kolka la eexgo xaalka kooxaha lunsan.

    Marka waxaan Ilaah kaaga baryayaa in uu xaqqa iyo waddada toosan ku tuso, oo uu kaa najeeyo sharta kooxaha habawsan, aamiin. Mahadsanid.
    (Dr. Hersi)
    - Tuesday, December 25, 2001 at 06:15:16 (CST)
  18. Magaca ilaaha raxmaankaa ee raxiimkaa
    walaal salaan keddib, waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay ilayn wahaabi iyo kooxaha la mataana waad noo fasirtay, su'aashana waa qabyo inta dhimana waxaan ku weydiinayaa kolki jawaab lagaa helo.mahadsanid. moallim
    Abdullahi Moalim
    - Tuesday, December 25, 2001 at 06:01:52 (CST)
    < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  2. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  3. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  4. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  5. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  6. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  7. Ilaah baa ku qancin kara..!
  8. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

  9. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  10. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  11. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  12. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  13. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  14. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  15. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  16. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  17. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  18. Midnimada Muslimiinta..
  19. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen<..
  20. Islam is not a violent Religion
  21. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  22. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  23. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  24. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  25. Maxay tahay (Nashuusho)?
  26. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  27. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  28. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  29. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  30. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  31. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  32. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  33. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  34. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  35. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  36. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  37. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  38. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  39. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  40. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  41. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  42. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  43. Sheekhow iisoo ducee...
  44. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  45. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  46. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  47. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  48. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  49. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  50. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  51. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  52. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  53. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  54. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  55. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  56. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  57. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  58. ma haboon tahay nin aan..?
  59. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  60. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  61. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  62. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  63. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  64. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  65. Mahadnaq iyo bogaadin
  66. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  67. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  68. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  69. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  70. Qof dhintay mala baryi karaa?
  71. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  72. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  73. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  74. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  75. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  76. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  77. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  78. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  79. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  80. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  81. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  82. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  83. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  84. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  85. Is Khat Haram or Halal?!
  86. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  87. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  88. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  89. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  90. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  91. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  92. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  93. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  94. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  95. waxaa jira in leeyga digay..!
  96. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  97. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  98. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  99. xukunka taariku salaadka
  100. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  101. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  102. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  103. Salaan iyo Bogaadin..

  104. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  105. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  106. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  107. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  108. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  109. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  110. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  111. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  112. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  113. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  114. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  115. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  116. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  117. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  118. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  119. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  120. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  121. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  122. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  123. zakada dahabka laga bixiyo..
  124. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  125. members of one of the Somali clans..
  126. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  127. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  128. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  129. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  130. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  131. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  132. qoladasi isku diin ma nihin..
  133. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  134. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  135. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]