|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
    Assalaamu calaykum: walaal waxaa jira dad badan oo sida aad sheegayso dowladda u sheegay in ay kala tageen nimankoodi, taasina waa been abuur sharcigana kuma bannaad.

    Ilaahayna kor ahaayee, wuxuu ina faray in aan runta sheegno, oo aan ahaanno kuwa had iyo jeer la jira kuwa saadiqiinta ah ee runta badan, Nabigeennuna nnk wuxuu ina baray in shaqaysigu uu ka fiicanyahay baryada iyo gacan hoorsiga.

    Waxaa kale oo quraanka Ilaah inoogu sheegay, in labada is qabta haddii ay sabraan uu Ilaahay fadligiisa hodon kaga dhigi doono, marka ninka iyo naagtiisa waxaa ku waajib ah in ay Ilaahay tala saartaan oo sabraan haddii ay fuqaro yihiin, kolkaa Ilaahay ayaa fadligiisa hodon ka dhigi doona Inshaa allaah.

    Marka walaal waxaan kugula talinayaa in aadan been sheegin oo aad ninkaagana u sheegtid in lacagta "single-Mother"-ku ay wax yar tahay, oo aanan $100 dhamayn, waxaasina faqri idinka bi'in mayaan, Ilaahayna ha uga fogaana 100 doolaar, Ilaahay tala saarta, oo iskaashada oo xoogsada adiguna shaqee asiguna ha shaqeeyo, shaqo kasta way fiicantahay, haddii ay sharciga waafaqsantahay.

    Marka waxaan kugula talinayaa in aad sabartaan oo aadan qaadan lacagtaas, una sheegto dowladda in aad nin leedahay, oo uu kula noolyahay, oo uu ninkaagii yahay, oo aad jeceshahay ninkaaga asiguna ku jecelyahay, markaa wixii ay ku siiyaan arag, haddii ay wax ku siiyaan alxamdu lilaah ka qaado, haddii ay ku siinna isaga tag, Ilaahay gacantiisa ayaa ballaaran asiga ayaana deqsi ah, marka haka quusana Ilaahay.
    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 17:28:11 (CST)
  2. Su'aal: Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
    Assalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu, bacda salaam shiikhoow waxaan rabay inaad iga jaahil bixiso, shiikhoow ninkayga ayaa annaga oo wada degan wuxuu igu yiri: waan kaa guurayaa oo wuxuu ka baxay adereskii guriga, ubadna waan u dhalay, ka dibna caadi buu guriga u soo degay, marka maxay diinta islaamka ka qabtaa inaan qaato lacagta "hooyo keli nool" anigoo aan jeclayn laakiin isagu wuxuu leeyahay caruurteenii aan soomaaliya ku celinay ma biili karno, sidaa darteed, adna lacagtaada ha kuu soo dhacdo, ana waxaan shaqeysto ha ii soo dhaceen! fadlan jawaab deg deg ah.
    fadumo xasan <fadumo_hasan>
    - Monday, January 30, 2006 at 17:15:09 (CST)
  3. Jawaab: Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
    Assalaamu calaykum: walaal waallidu waa jirro, waxaana laga yaabaa qofka waalan in uu mararka qaar ogyahay waxa uu samaynayo oo maskaxdiisu toosantahay, marka haddii uu qofkaas xaas leeyahay, ama ay gabadh tahay oo nin leedahay, waxba kuma jabna in ay wixii mid waliba kan kale ku leeyahay isugu yimaadaan.

    Waxaa kale oo aad ogaataa, nin naag hawaysanaya ama naag nin hawaysanaysa badanaa waallidoodu mid sidaa u sii wayn ma aha, maxaa yeelay caqliga uu naagta ku hawaysanayo ama caqliga ay ninka ku hawaysanayso ayaa caafimaadkooda daliil u ah.

    Marka ninkii naag hawaysanaya oo la mucaasharoonkara nin sidaa u sii jirran ma aha, naagtuna sidoo kale, haddii ay nin hawaysanayso oo dhaqan geli karto, naag sidaa u sii jirran ma aha ee xoogoo madax falluuq ah ayaa laga yaabaa in uu hayo.

    Marka walaal sharci ahaan taas wax diidaya ma jiraan, xataa culumadu waxay dheheen, ninka waalan haddii ay waalidiisu joogto tahay, waligiisa ayaa naag ku mehrin kara, haddii uu mararka qaar waalan yahay mararka qaarna soo naaxayo oo fiicanyahay, waligiisu xaq uma laha in uu naag ku mehriyo asiga oo aanan ka idan qaadan oo ogolaasho ka haysan, marka halkaas ayaad ka fahmi kartaa hadalka culumada in qofka waalan ay u bannaan tahay in uu guursado oo naagtiisa u tago ama ninkeeda u tagto haddii ay sidaa awoodaan.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sr. Dr. Hersi Aw Mohamed <ahlusunnah_waljamah@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 17:08:20 (CST)
  4. Su'aal: Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
    Assalaamu calaykum: sheekh waxa aan ku waydiyay xadii ninku uu washo, hadana uu xaskisa markasta u tago isaga oo waalan sharci miyaa, amma hadii naagtu walato, hadana ninku uu xaskisa u tago iyada oo walan.
    dajiya cali <dajiya3>
    - Monday, January 30, 2006 at 17:00:40 (CST)
  5. Jawaab: Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
    Assalaamu calaykum: walaal shuruudaha sekada maalku ku waajibayso waxaa ka mid ah in aad maalka adigu leedahay, marka haddii aadan maalka aad ku ganacsanayso adigu lahayn seko adigu ka bixin maysid, ee qofkii iska lahaa ayaa ka bixinaya.

    Haddii lacagta aad soo daynsatay iska bixiso ee faa'iido kuu soo harto, faa'iidadaas haddii ay dhantahay nisaabka sekada, seko ayaad ka bixinaysaa. wallaahu aclam.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 16:58:13 (CST)
  6. Su'aal: Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
    Assalaamu calaykum: waxaan doonayaa in aan jawaab u helo su'aasha ah: qof tukaan ku furtay lacag deen ah, malagu leeyahay (SEKAATOL MAAL) mase kuma waajibin? mahaddsanidiiiiin.
    nuur abdullahi <nuur>
    - Monday, January 30, 2006 at 16:54:41 (CST)
  7. Jawaab: Qof aan salaadda axkaamteeda baran, salaaddiisu sidee noqonaysaa?
    Assalaamu calaykum: walaal Salaaddu waxay ka mid tahay tiirarka Islaamka, waana lagama maarmaan in qofkasta oo mukalaf ah uu batro sida saxda ah ee loo tukado salaadda.

    Kitaabka Safiinatu Salaadda
    Walaalayaal waxaad ogaataan in kitaabkani yahay kitaab aad u wanaagsan, siiba qofkii billow ah oo aanan cilmiga shareecada aad u aqoonin waxaa la gudboon in uu barto kitaabkan.

    Sida aan wada ognahay, hordhaca kitaabkan waxaa ku qoran waxyaabaha ictiqaadka ama caqiidada qofka laga rabo, kadibna wuxuu si faahfaahsan uga sheekeynayaa qaabka salaadda loo tukanayo.

    Culumadeennii hore ee soomaalida, aad ayay ugu dadaaleen kitaabkan akhrintiisa oo wuxuu ahaa meesha fiq-higa laga billaabo, marka annagana waxaa nala gudboon in aan ku dadaalno barashadiisa, haddii ilaahay yiraahdo oo aan waqti helo afsoomaali ayaan u turjumi doonaa dhawaan.

    Salaadda waxayaabaha ay ku ansaxaydo iyo waxyaabaha ay ku burayso qofkii aanan aqoon, salaaddiisa waxba kama jiraan
    Hadaba walaalayaal waa in la ogaado, qofkii aanan dahaarada iyo najaasada kala aqoon sidee salaaddiisu ku ansaxaysaa! haddii uusan rukunka iyo sunnada kala aqoon salaaddiisu ansixi mayso, sida ay culumadu caddeeyeen, marka waa lagama maarmaan walaalayaal in wax la barto.

    Ka digtoonaada kitaabka "Sifatu Salaatu nabi"
    Kitaabkan waxaa qoray al-Baani oo ah mid ka mid ah wahhaabiyada mutacasibiinta ah, waxyaabo badan oo khaladaad ah ayaana ka buuxa, qofka caamada ahna marnaba munaasib kuma aha, hadaba muslimiinta soomaaliyeed ee aanan shareecada ku takhasusin waxaan uga digayaa in ay akhriyaan kitaabkan iyo dhammaan kutubta wahhaabiyada.

    Kutubtaas wahhaabiyada waxaa ku qoran waxyaabo sharciga khilaafsan oo caqiidada ahlusunnada khilaafsan qofkana kufri iyo shirki ku ridaya, sidaa darteed hala digtoonaado, kitaabkii aad garan waysaan iisoo sheega cinwaankiisa iyo qofka qoray iyo meesha lagu daabacay si aan figrad fiican idinkaga siiyo.

    Akhrista kutubta ay culumadii soomaalidu ansaxsheen
    Walaalayaal, qofkii aanan shareecada ku takhasusin ama aanan wax badan ka aqoon waxaa ku waajib ah in uu hadalka culumada raaco, culumada hadalkoodana waxaa laga soo qaatay kutubta, marka qof kii ay wax u billaabanyihiin waxaa laga rabaa in uu akhristo kutubta wanaagsan ee saxda ah ee culumadeennii soo tijaabsheen ee aanan khaladka lahayn ee ay qoreen dad caqiidadooda iyo iimaankooda lagu kalsoon yahay.

    Qof aan caqiidadiisa lagu kalsoonayn wax in laga barto ma bannaana
    Waxaa jira qaar badan oo maanta isku sheegaya in ay culumo yihiin, laakiin xaqiiqadu waa in ay "Sanaadiqo" yihiin, Sindiiq waxaa laga wadaa qofka aan iimaanka lahayn ee caalimna iska dhigaya, sida culumada wahhaabiyada, ee iimaankiisu ku xiranyahay maslaxaddo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale iyo guud ahaan amuuro adduunyo.

    Hadaba waxaan idinkula dardaarmayaa in aad qabsataan xariggii culumadiinna soomaaliyeed, oo aad u laabataan diinkii Islaamka ahaa ee ay idinka duufsadeen Wahhaabiyada iyo kooxaha habowsan ee fidnoolayaasha ah.

    20 Sano ayaan Tiih ku jirnay
    Kooxahaas habowsan sida wahhaabiyada iyo Ikhwaanka iwm, waxay ummaddeena waalayeen 20kii sano ee la soo dhaafay, waadna aragteen meesha ay ina geeyeen, "Tiih" ayaan galnay la mid ah midkii ay Yahuuddu gashay, dambigeenna ayaana u sabab ah, maxaa yeelay Islaamkii ayaan ka tagnay, markaas baan daba orodnay firqooyin lunsan oo Ilaahay iyo Nabigiisa ku kufriyay, oo niman sanaadiqo ah hoggaanshaan oo dhuuniraacato iyo calooshood-ushaqaysato ah, kolkaas baa waxa aad aragteen inagu dhaceen, marka hadda 20 sano inagu filan, waa in aan cibro qaadano oo Ilaahay u soo laabanno, oo diinka qabsanno, oo u barano sidii ay inoo bareen culumadeennii, Yuusuful kownayn iyo Shiikh xasan Barsame iyo Sheekh Cabdullaahi Saylici iyo Shiikh Aways, iyo kumanyaalka kale ee awliyada Ilaahay ah ee dalkeenna ka fidshay diinta Islaamka.
    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 16:51:58 (CST)
  8. Su'aal: Qof aan salaadda axkaamteeda baran, salaaddiisu sidee noqonaysaa?
    asc/wr wb shiikhow iga gudoon salaan 114 quraanka cadadiisa ah, waad ku mahadsantahay su aasha aad iigu soo jawaabtay jazaaukalaahu khayr, hadana waxaan rabaa in aan ku waaydiiyo adoona raali ah safiino salaad qofaan aqriisanin salaadiisa ma ansaxee, waayo wax yaabaha kaa reeban iyo wax yaabaha aan kaa reebneen hadaadan aqoonin, safiina salaadana hadaadan waligaaga aan aqriisanin salaadaada ma dhoori kartaa? asc/wr wb.
    omar shariif <sharma_arke>
    - Monday, January 30, 2006 at 16:29:23 (CST)
  9. Jawaab: Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
    Assalaamu calaykum: Walaalayaal waan idin salaamay, waxaan Ilaahay idinkaga rejaynayaa in uu towfiiqda idin waafajiyo.

    Wahhaabiyada salaad laguma xiran karo
    Walaalayaal waxaa lagama maarmaan ah in aad ogaataan in aanay ansaxayn in qof aaminsan caqiidada wahhaabiyada salaad lagu xirto, caqiidada wahhaabiyadu waa tathliith iyo tashbiih iyo tajsiim, dadka waxaa aaminsan Ilaahay ma yaqaannaan, salaadina ka ansixi mayso qof aanan Ilaahay aqoon, sidaa darteed, marnaba ma ansaxayso in aad salaad ku xirataan dadka noocaas ah.

    Ku xirta salaadda qof kasta oo muslim ah mad-habtii uu doono ha haystee
    Walaalayaal waad ku xiran kartaan salaadda dadka muslimiinta ah ee haysta caqiidada toosan ee saxan ee Islaamka ah mad-habtii uu doono ha haystee.

    Haddii aad waysaan wax muslim ah oo caqiidadoodu toosantahay, kaligiin ku tukada guryihiinna, hana la tukana wahhaabiyo iyo wixii caqiidadooda haysta sida kuwa isku sheega salafiyada iyo Itixaadka iyo Ikhwaanka iwm.
    Khayr baan idiin rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:50:16 (CST)
  10. Su'aal: Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
    A/c: marka hore sheekha iyo inta la shaqaysaba iga gudooma salaanta kor ku xusan salaan ka dib sheekh waxaan joognaa aniga iyo rag kale oo ahlusunah ah meel ay wahaabiyada masjidkeeda maamusho imaamna ka tahay marka wax ahlusuna ahna waxaa ka dhow niman mad'habta abuu xaniifa haysta, ma ku xiran karaa nimankaas abuu xaniifa mad'habtiisa haysta?
    Cabdirazaq <inahusein>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:42:45 (CST)
  11. Jawaab: Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
    Assalaamu calaykum: walaal xukunka sharciga ah waa xukun sharci ah, ama as-har ha igu raacdo ama yaanay igu raacin, taasi shardi ma aha, laakiin waxaa shardi ah in daliil sharci ah loo haayo kufriga wahhaabiyada, waana sheegay addillada sharciga ah iyo asbaabta iyo kufriyaadka ay wahhaabiyadu ku dhacday.

    Qofkii aanan kufriyaadkaas la imaan kaafir ma aha
    Qofkii wahhaabiyada iska raacsan, laakiin aanan aaminayn waxyaabaha kufriyaadka ah ee ay wahhaabiyadu aaminsantahay annagu gaalayn mayno, laakiin waxaa gaal ah qofkii aaminsan waxyaabaha kufriga ah sida tashbiiha iyo tajsiimka iyo tathliithka iwm.

    Sidoo kale waxaa kufrinaya qofkii ictiqaada waxyaabaha Nasaarada iyo Yahuuddu rumaysanyihiin, sida in Ilaahay Samada fadhiyo ama kursiga ku fadhiyo sida yahuuddu aaminsantahay, ama aaminsan in saddex Ilaah jiraan sida nasaarada, haddii uu doono ha ku tilmaamo magacyo kale sida towxiidka uluuhiyada iyo rubuubiyada iyo sifaadka.

    Culumada as-har waa ashaaciro ahlusunno ah, laakiin madax-bannaani ma haystaan
    Midda kale ee loo baahanyahay in aad ogaato waa in al-ashar aanay maanta haysan madax bannaani ay ku gaari karto go'aan, sida aad ogtahay, in kasta oo ay ahlusunno yihiin oo haystaan caqiidadii imaam ashcari, hadana dowlad dulmi badan bay hoos yimaadaan iyo dowlado kale oo reer galbeedku ka mid yihiin, oo cadaadis ku haya, marka awood uma laha in ay fatwo baxshaan.

    Marka walaal, diinka koox gaar ah qiyaas uma aha, diinku waa xukun sharci ah oo cilmi ku salaysan, waxaa laguu qaatay in aad tiraahdo, daliilkaaga kuma qancin, taas xaq baad u leedhay, laakiin xaq uma lihid in aad tiraahdo azhar kuguma raacsana, maxaa yeelay taasi shardi ma aha.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:39:54 (CST)
  12. Su'aal: Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
    Scwb: Shiikh waxaan argnaa inaad wahaabiyada gaaleyneyso, hadaba culimada azharku ma kugu raacsanyihiin taa, gormeyna sidaa ku iftoodeen?
    Sadexle <sadexle22>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:29:50 (CST)
  13. Jawaab: Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal salaadaha sunnada ah waajib ma aha, waa sunno sida magacoodu ku tusayo, marka haddii aadan tukan dambi ma lihid laakiin khayr badan ayaa ku dhaafay, marka waxa waajibka ah waa salaadaha shanta ah.

    Sidee loo tukadaa Salaadda Sunnada ah
    Walaal dersi ku saabsan salaadaha sunnooyinka ah halkan ka dhegayso: http://www.2garre.com/realaudio/asa/salaadda2.mp3, wixii kale ee faahfaahin ah ee aad u baahatana waad ina soo waydiin kartaa.

    Waxaa kale oo aan kugu baraarujinayaa in cilmigu uusan xishood lahayn, qofkii xishooda waxba baran maayo, marka wax jahliga ka xun ma jiraan, sidaa darteed waxaan kugu guubaabinayaa in aad ku dadaasho in aad wax baratid. Haddii aad duruusta webkan ku jirta akhrisato wax badan baad ka faa'iidaysanaysaa, khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:27:23 (CST)
  14. Su'aal:Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
    asc/wrwb shikhow waxaan ku waydiinayaa ilaahay hana cafiye aniga qof salaadda tukada baan ahay ilaahayna mahadiisi lakiin sunada ma tukadi ma dhib baa mise laazim in aan sunada aan tukto waaye, taas ii soo kal saar. Mida kalana sunada in aan tukto waan u bahanahay salaad walba sunadeeda ma aqaano siday ugu kala horeyaan ama ugu kala danbeeyaan sida casarka oo kale sunada ma salaada marka laga baxo miyaa la tukadaa mise intaan la aadamin, makala aqaano, haddii dad aan warsan lahaana waxaan ka baqayaa in la iigu yaabo qof ween baa tahaye maxaa ku gu dhacay lay dhaho, marka aad baan ugu farxay jawaabaha iyo su'aalaha halkaan markaan ka arkay, jazakumulaahu khayral jazaak sida wax walba nooga fudideeysay ilaahay ka sokow, maasha alaah. Jawaab ayaan kaa sugayaa haduu alla idmo, emilkaagana waan ku darsaday waan ku gula soo xariirayaa asc wr wb.
    omar shariif <sharma_arke>
    - Monday, January 30, 2006 at 05:16:44 (CST)
  15. Jawaab: Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
    Assalaamu calaykum: Walaal ninka aad sheegtay haddii uu shaqaynayo oo uu sharikadda ka shaqaynayo mushaar wuu ka qaadan karaa, mushaarkaas waa bedelkii shaqadiisa.

    Qaybta uu ka helayo ribixa ama faa'iidada ka timaada sharikaddana waa sahamkiisii ama qaybtii uu ku lahaa faa'iidadii laga helay ganacda sharikaddaas, marka taas waxba kuma jabna inshaa allaah, wallaahu aclam.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:27:39 (CST)
  16. Su'aal: Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
    Sheikh A/c salaan kabacdi su'aashaydu waxaay tahay sida tan: shirkada ma ka qaadan karaa ninka saamiga ku leh mushaar? asaga oo dhanka kalana ka qaadanaaya faa'iidadiisa ka xasilaysa "net income-ka" laga helaayo shirkada?
    ahmed yusuf <ahmedtajir>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:25:01 (CST)
  17. Jawaab: Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
    Assalaamu calaykum: Walaal ninku haddii uu naagtiisa furitago waxaa ku filan in yy yiraahdo waan ku furay ama dalqad baan kugu furay iwm, oo laga fahmayo macnaha furriinka.

    Haddii ay warqad caddayn ah qoraan ayaduna way fiicantahay laakiin furriinka shardi uma aha, maxaa yeelay nikaaxu waa caqdi laba qof dhexyaalla, oo qabuul iyo iijaab lagu qaatay, waxaana lagu furi karaa caqdigaas ninka oo uu ka yimaado go'aanka furriinka, taas ayaana ku filan.

    Marka walaal markhaatiga iyo qoraalku shardi uma aha furriinka, laakiin way fiicantahay in la sameeyo wax qoraal ah ama markhaati sida hadba caadada beledka lagu noolyahay tahay, ama qaanuunka beledkaas yahay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:22:34 (CST)
  18. Su'aal: Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
    Assalaamu calaykum: sheekhaw nin iyo xaaskiisa ayaa ku heshiiyay inay is furaan, kadib waxay waayeen dad markhaati u noqda furiinkooda, waxay go'aan sadeen inuu ninku warqad qoro cadayn ah, ujeedo furiin, sidaas ayay yeeleen ee ma ansaxayaa furriinkaasi, maxayse diintu ka qabtaa furiinka noocaas ah.
    macallin maxamed <sharrif84>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:18:17 (CST)
  19. Jawaab: Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
    Assalaamu Calaykum: Walaal nikaaxu wuxuu ku salaysan yahay caqdiga sharciga ah, marka naagtu haddii ay caqdi sharci ah ku jirtay oo nin si sharci ah u qabtay, (saparate) baan nahay ama (single-mother) baan ahay ku furmi mayso.

    Marka walaal cunugga ay dhasho waxaa leh ninkii qabay, laakiin haddii ay dhahdo (ninkaygii waan kala tagnay) ayada oo been sheegaysa way dambaabaysaa, laakiin furmi mayso.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:15:24 (CST)
  20. Su'aal: Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
    Shiikh maxay ka qabtaa diinta islaamku haddii qof ay dhahdo ninkega: "waa sabreede" (macnaha waan kala tagnay) kadib ay uur qaado muxuu noqonayaa canugaas?
    axmed ali <xamaryare>
    - Sunday, January 29, 2006 at 18:11:42 (CST)
  21. Jawaab: Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?
    asalaamo caleykum: Walaal makhaayadaha gaalada waad ka cuni kartaa cuntada haddii cuntadaasi xalaal tahay, sida kalluunka iyo qudaarta iwm ee xalaal ah.

    Sikastaba ha ahaatee, kama cuni kartid cuntada ay karinayaan, maxaa yeelay doofaarka iyo cuntada kale isku meel ayaa lagu karshaa, lana garan maayo in ay isku daraan iyo in kale, lagumana kalsoona dadkaas, maxaa yeelay xalaal iyo xaaraan kala sooci maayaan.

    Marka ka iibso walaal khudaarta iyo kalluunka iyo rootiga iwm, ee xalaal ah, sidoo kale cabitaanka dhalooyinka ku xiran iwm, inshaa allaah kuwaasi waa xalaal, wallaahu aclam.
    Shiikh Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Sunday, January 29, 2006 at 10:26:34 (CST)
  22. Su'aal: Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?
    asalaamo caleykum: Shiikh waxaan raba in aan ku wey diiyo su'aal: Hotel gaalo ledahay ayaan ka shaqeyaa, marka maqaayad ayaa ku taalo, ma ka cuni karaa cuntada aniga oo iska ilaalinaya doonfaarka? wabilaahi tawfiq.
    a/qaadir barre <hajibarre>
    - Sunday, January 29, 2006 at 10:22:39 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha
Bogga Fatwada

    Page [21]
  1. Lacagta "Single Mother"-ka ma qaadan karaa aniga oo nin leh?
  2. Qofka waalan xaaskiisa ma u tegi karaa?
  3. Qof dukaan ku furtay lacag dayn ah seko ma laga rabaa?
  4. Ma ku xiran karaa qof haysta mad-habta xanafiyada?
  5. Culumada Al-Azhar ma kufriyeen wahhaabiyada?
  6. Salaadaha Sunnada ah sidee loo tukadaa?
  7. Sharikadda mushahar ma ka qaadan karaa nin faa'iidada wax ka qaadanaya?
  8. Haddii ninku naagtiisa furitago caddayn ma qori karaa?
  9. Naagtu haddii ay dhahdo, ninkaygii waan kala tagnay..
  10. Sheekh Cuntada maka cuni karaa makhaayad gaalo leedahay?

  11. Page [20]
  12. Sheekh waxaan ku waydiinayaa saddex su'aalood oo wahhaabiyada ku saabsan?
  13. dhagaysigga Heesaha Jacayilka ahi ma Dambibaa?
  14. Dayaxa_oo_ku yaal toddobada samo dushooda sidee cirbixiyeenku ku gaareen?
  15. Meherka muxalilka ah ma bannaanyahay
  16. Sidee wahaabiyadu gaalo ku noqonayaan ayaga oo xaramaynka jooga?
  17. Madaahibta_Islaamka, ma mid kaliya ayaan ku gaabsadaa, mise waan isku dhafi karaa?
  18. Xaaskayga haddii aan iraahdo, haddii aan sidaa sameeyo 3 dalqadood baad ii ga furantahay..
  19. Culumadii_hore maxay qunuutka ka dhaheen, maxayse isku raaceen, salaadda subaxse ma lagu gaar yeeli karaa?

  20. Page [19]
  21. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  22. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  23. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  24. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  25. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  26. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  27. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  28. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  29. Page [18]
  30. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  31. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  32. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  33. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  34. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  35. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  36. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  37. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  38. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  39. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  40. Page [17]
  41. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  42. Khamrigu ma daahir baa?
  43. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  44. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  45. Page [16]
  46. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  47. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  48. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  49. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  50. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  51. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  52. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  53. Page [15]
  54. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  55. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  56. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  57. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  58. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  59. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  60. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  61. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  62. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  63. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  64. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  65. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  66. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  67. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  68. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  69. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  70. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  71. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  72. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  73. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  74. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  75. Xijaabka haweenku waa noocee?
  76. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?

  77. Page [14]
  78. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  79. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  80. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  81. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  82. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  83. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  84. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  85. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  86. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  87. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  88. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  89. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  90. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  91. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  92. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  93. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  94. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  95. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  96. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  97. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  98. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  99. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  100. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  101. Kabaha ma ku tukan karaa?
  102. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  103. Page [13]
  104. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  105. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  106. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  107. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  108. Sheekhow iisoo ducee...
  109. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  110. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
    Page [12]
  111. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  112. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  113. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  114. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  115. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  116. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  117. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  118. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  119. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  120. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  121. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  122. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  123. ma haboon tahay nin aan..?
  124. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  125. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  126. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  127. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  128. Page [11]
  129. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  130. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  131. Mahadnaq iyo bogaadin
  132. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  133. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  134. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  135. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  136. Qof dhintay mala baryi karaa?
  137. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  138. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  139. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  140. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  141. Page [10]
  142. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  143. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  144. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  145. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  146. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  147. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  148. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  149. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  150. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  151. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  152. Is Khat Haram or Halal?!
  153. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  154. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  155. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  156. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  157. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  158. Page [9]
  159. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  160. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  161. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  162. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  163. waxaa jira in leeyga digay..!
  164. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  165. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  166. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  167. Page [8]
  168. xukunka taariku salaadka
  169. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  170. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  171. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  172. Salaan iyo Bogaadin..

  173. Page [7]
  174. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  175. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  176. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  177. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  178. Page [6]
  179. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  180. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  181. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  182. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  183. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  184. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  185. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  186. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  187. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  188. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  189. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  190. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  191. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  192. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  193. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  194. zakada dahabka laga bixiyo..
  195. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  196. members of one of the Somali clans..
  197. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  198. Waan kirishtaamay...
  199. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  200. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  201. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  202. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  203. qoladasi isku diin ma nihin..
  204. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  205. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  206. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  207. Page [5]
  208. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  209. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  210. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  211. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  212. Page [4]
  213. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  214. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  215. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  216. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  217. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  218. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  219. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  220. Page [3]
  221. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  222. Midnimada Muslimiinta..
  223. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  224. Islam is not a violent Religion
  225. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  226. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  227. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  228. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  229. Maxay tahay (Nashuusho)?
  230. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  231. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  232. Page [2]
  233. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  234. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  235. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  236. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  237. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  238. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  239. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  240. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  241. Page [1]
  242. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  243. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  244. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  245. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  246. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  247. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  248. Ilaah baa ku qancin kara..!
  249. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]