|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
    Assalaamu Calaykum: Walaal shahwada aan ulakaca kaaga imaan ma jebiso soonka, ee shahwada la sheegayo ee soonka burrisa waa midda uu qofku kas isaga keeno oo uu macaansanayo.

    Haddii qofka biyo ka yimaadaan, oo uu asigu kas isaga keenay asiga oo macaansanaya, ama gacantiisa ha isku xanta-xanteeyo ama qof kale ha ku sahdee, soonkiisu wuu burayaa sida culumadu qabaan, laakiin haddii biyuhu uga yimaadaan si caadi ah asiga oo aan ula kacayn, soonku kama burin. Culumada xukunkaas way isku raacsanyihiin.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:41:51 (CST)
  2. Su'aal: Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
    Ass/c/w/w/h: shiikh maalin ramadaan ayaan isku junuubay junuubaasina wuxuu u dhacay sidaan: aniga oo meel shaqa jooga ayaa waxaa i qabtay kaadi, meeshii ayaan ku daahay shaqadiina wey igu daba dheeraatay, marka waxaan xoogaa yara murjeeyay dakarkii ka bacdina waxaa iga imaaday biyo la hubo soonkaasi ma iga buray misa igama burin? sheekhoow wixii ilaahey kaa fahansiiyay iiga sheeg. muxyadiin shaykh axmad
    muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:37:21 (CST)
  3. Jawaab: Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
    Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh: Walaal furriinka saddexda dalqadood ah waa dhowr nooc:
    1. In uu saddxdaba hal mar ah yiraahdo oo hal meel ah ku wada yiraahdo, asiga oo leh saddex baan kugu furay. Kaasina wuu dhacayaa, naagtuna way furantahay, soomana noqonayso.

    2. Haddii uu hal meel ah ku furo oo yiraahdo: waan ku furay, waan ku furay, waan ku furay, saddex jeer, culumadu waxay dhaheen, waxaa la waydiinayaa, maxaad uga jeeddaa saddexdaas jeer, ma saddexda midda hore mooyee, labada kale waxaad uga jeeddaa furriin mise tii hore ayaa akidaysaa, haddii uu dalqaddii hore akidayo oo adkaynayo, waa hal dalqo, haddii uu sadex kala duwan uga jeedana waa saddex, wayna ka furantahay naagtu soomana ceshan karo.

    Laakiin haddii uu yiraahdo, hal dalqo ayaan ka wadaa oo labada kale waan ku akidayay, waa hal dalqo, wuuna soo ceshan karaa gabadha, inta aanay cuddadeedu dhamaan.

    Marka walaal dalaaqa saddexda dalqadood ah wuu dhacayaa, lagamana soo noqon karo. haddii uu dhacana soonoqosho malaha, mana u bannaana ninkaas in uu naagtaas guursado inta ay nin kale ka guursanayso oo ka tegayso mar labaad.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:32:11 (CST)
  4. Su'aal: Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
    Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh. Akhii waxaan ku weydiinayaa naag 3 dalqadood lugu furay ma furantay misa la soo ceshan karaa hadey furantay?
    Muxyadiin shaykh axmad <jaabir75>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:25:33 (CST)
  5. Jawaab: Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
    Assalaamu Calaykum: Walaal Xaawo, culumada oo dhan way isku raacsanyihiin in qofka dhaqtarka ah ama dhaqtarka ka shaqeeya ay u bannaantahay in uu arko dadka jirran jirkooda hadba inta baahidu tahay.

    Marka walaal waxaa bannaan in la arko meesha jirran ee loo baahanyahay in la daaweeyo ama la daryeelo oo dantu aanay ka fursanayn, laakin meel aanan loo baahnayn in la daaweeyo oo aanan jirranayn lama ogola in ama la faydo ama la arko.

    Sidaa darteed, qofkii dhaqtar ah ama kalkaaliso ah ama dadka jirran la shaqaysa ee daawaysa ama caawisa ee markaa lagama maarmaan ay ku tahay mararka qaar in ay cawrada qofka jiran aragto sababo caafimaad awgeed, taas waxba kuma jabna wayna bannaantahay, culumaduna way isku raacsanyihiin, daliilkooduna waa qaacidada usuuliga ah ee leh ad-daruuratu tubiixu al-maxduuraat.

    Cowrada Nimanku maxay tahay
    Waxaa kale oo aad ogaataa in cowrada nimanku ay tahay mid aad u xaddidan oo ku kooban (qubulka iyo duburka) macnaha (guska iyo futada oo kaliya) sida culumada badankoodu qabaan, shaaficiyaduna waxay qabaan in ay xuddunta iyo jilibka inta u dhaxaysa tahay, marka waxaa muuqata in aanay taasi dhib wayn ahayn, marka walaal shaqadaada haka tegin waxba dambi ah meeshaas ma yaallaan, waxbana kuma jabna in la arko cowrada qofka haddii daruuro timaado oo arrimo caafimaad lagu jiro.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:23:11 (CST)
  6. Su'aal: Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
    Salamacaleykum! waxaan rabba in aan ogaado hadduu dembi yahay inaa nimanka cawradooda la arko, madaamo aan aniga ku qasbanahy cisbitaal ayaan ka shaqeeyaa, marka taasi dembi me igu tahay?
    xaawo <xaawo>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:14:11 (CST)
  7. Jawaab: Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
    Assalaamu alaykum: Walaal waajib ma aha in mar kasta wayso cusub lagu tukato, salaaddaaduna way ansaxaysaa haddii aad ku tukato waysadii ama dahaaradii aad ku tukatay salaaddii ka horraysay sida midda aad sheegtay, waysada salaadda subax waad ku tukan kartaa salaadda duhur. Haddii aad cusboonaysiisana ajar iyo fadli dheeraad ah ayaad leedahay.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:11:41 (CST)
  8. Su'aal: Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
    Sheekh inta badan waysada aan salada subax ku tukado ayaan tuhurna ku tukada markasta ma sharcibaa mise wayso cxusub ayaa loo bahan yahay?
    Dajiya Cali <dajiya3>
    - Thursday, January 26, 2006 at 17:09:08 (CST)
  9. Jawaab: Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
    Walaal salaan kabacdi, su'aashaada ma fahmin, waxaad tiri mowliidka waxaa ku qoran (??) ma fahmin waxa ku qoran mowliidka ee aad sheegayso, maxaadse ka waddaa mowliidka, ma qasiidada (Burdaha) iyo qasaa'idka kale ee ay tiri yeen Imaam Buusiri ayaad ka waddaa?

    Haddii aad taas ka waddo, aniguba waan akhriyay qasaa'idkaas wax khalad ahna kuma arag, xataa wahhaabiyadu waxay ku dhegeen meelaha tawasulka lagu sheegay sida bayta ka billowda (wa abyadun ystasqal qamaamu biwajhihi..) iyo baytka ka billowda (Dac maa iddacathu nasaaraa..) laakiin wax kale ma aysan sheegin siiba wax ku lug leh mowduuca micraajka, marka iisoo caddee walaal mas'alada, iisoo sheeg weedha ama jumlada mushkiladu kaa haysato ee aad fahmi la'dahay ama shakigu kaaga jiro.

    Anigu ma dhihin: culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen. Hadalkaygana laga fahmi maayo sidaas
    Tan kale, walaal anigu ma dhihin culumadii nabi ammaanka burdaha qortay ayaa lunsanayd, hadalkaygana laga fahmi maayo, laakiin waxaan kaaga soo jawaabay mas'aladii aad i waydiisay ee ahayd micraajka, marka Ilaahay fahmada ha kuu toosiyo oo nuurka cilmiga ha ku tuso.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Tuesday, January 24, 2006 at 08:53:25 (CST)
  10. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
    Salaamad badan sheekh iyo duco: Sheekh hadii aan daba galo jawaabtii aad ka bixisey micraajka ee aan masdar uga dhigtey mawliidka nebiga (csw) waxaa jawaabtaada laga fahmayaa culimadii mawliidka qortey iney gudcur gudayeen...ileen muslinku ilaa hadan way xusaan mawliidka nebiga. Waxaana la akhriyaa barzanjiga ama dabaciga sidaasina waa kutaal. Kolka hadii mawliidka wax khaldani ku yaaliin maxaad dadka u dhihi weydeen war ha akhriyina waa baadil iyo bidco iyo sheekadi (ina teemiya) ileen dadka aaminsan sida kutaal anigaa ka mida cimrigeyna sidaa kutaal ayaan qabey ina teemiyana kagama dayan ee mawliidkaan ka bartey?
    C.M.Cabdalle <chango>
    - Tuesday, January 24, 2006 at 08:45:38 (CST)
  11. Jawaab: Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
    Assalaamu calaykum, walaal samiir: Nikaaxu shardi wuu geli karaa, laakiin shardigaas waa in uu ahaado mid aan baadil ahayn, tusaale ahaan, haddii naagtu ninkeeda shardi uga dhigto kolka uu guursanayo in aanuu naag kale la guursan, shardigaasi waa baadil, maxaa yeelay wuxuu khilaafsanyahay shareecada.

    Haddii ay shardi kale oo shareecada waafaqsan kula sharatantay sida tusaale ahaan: in uusan khamri cabin haddii uu guursado ka dib, ee ninkii khamri cabo oo ay ku caddaato naagtu khiyaar bay leedahay, haddii ay doonto furriin bay waydiisanaysaa haddii kalena way joogaysaa hadba tii ay doonto ayaa loo yeelayaa.

    Marka garan maayo shardiga aad ku guursatay gabadha, maxaa yeelay iima aadan sheegin, sidaa darteed, naagta haddii shardi sidaas ah lagu furo rajactu ma dhihi kartid, xataa haddii aad hal dalaaqo ku furtay waxay noqonaysaa baa'in.

    Haddii ay kolka sidaas ahayd ninka kale ee ay guursatay ayay naagtiisii tahay, adigana naagtaadii ma aha. Naagta khuluca lagu furo iyo midda lagu furo fasaqidda iwm dhammaantood soo noqosho malaha xataa haddii hal dalaaqo lagu furo. Haddii ay furriinka khiyaar u lahayd ee aad hal dalaaqo ku furtana soo noqosho malaha haddii aysan ayadu waafiqin.

    Laakiin haddii aanan shardi sharci ah jirin ama aanay khiyaar lahayn, ama aanay dhammaan waxyaabaha aan soo sheegay ahayn ee aad hal dalaaqo ku furto inta ay cuddada ku jirto waa soo noqon kartaa, haddii ninkeedu soo celshana waa waajib in ay soo noqoto, haddii ay soo noqon diiddo waxaa loo saarayaa nin adiga wakiil kaa ah iyo nin ayada wakiil ka ah, dabadeedna waxay go'aaminayaan wixii laydinka yeeli lahaa.
    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 23, 2006 at 20:12:22 (CST)
  12. Su'aal: Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
    asalaamun caleykum, sheekh qeyr allah ha ku siyo adiga iyo inta muslim ah: waxaan ku weydinayaa nikaaxa ma galaa sharood, oo hadii an balanta an qaaday aan ka soo bixiwayay, oo la iku qabto, oo nah la iku cadeeyo in aan balan laawe ahay, naagteeyda mala ika furi karaa, hadii la ika furo oo an ogalaaday oo an hal dalaaq ku deeyay oo hadanah 2 maalin ka dib oo an dhahay rajacto oo naagtii i diido oo ay soo gosatay marawo ninkaan, mudo lawo sano ka dib naagteydii hadii la arooso oo nikaax qofkale ah nikaaxsado, ma anaa qawo mase nika hada aroosay ayaa qawo? wasalaamun caleykum waraxmatulaahi wa barakaato.
    samiir <samiir21>
    - Monday, January 23, 2006 at 20:02:13 (CST)
  13. Jawaab: Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin
    Assalaamu calaykum: Culumadu waxay ugu qaybsameen labo jawaabta su'aashan ah: nafta iyo ruuxdu maxay kala yihiin:
    1. Qaybta koobaad waxay dheheen waa isku mid naf iyo ruux, Ruuxna waxaa laga wadaa jismi ladiif ah oo qofka Ilaahay gelshay, waxayna soo daliilsadeen aayado iyo axaadiis badan oo saxiix ah. Culumadaas waxaa ka mid ah:

    Al-qurdubi: Ruuxdu waa jisim ladiif ah, ruuxa iyo naftuna waa isku mid. Juz:10, bog:24, juz:15, bog: 261. wuxuu soo daliilsaday axaadiis saxiixa ah.Ibn Xajar: Fatxul Baari' Juz: 3 bog: 233. Ibn Cabdul Birri: at-tamhiidu: juz: 5, bog: 241. Imaam Nawawi: sharx al-Imaam an-nawawi, li saxiix al-Muslim: juz: 13, bog: 33 iyo qaar kale oo badan.

    2. Qolada labaadna waxay dhaheen naf waxaa looga jeedaa, nolosha qofka ku jirta, waana midda Ilaahay faray in ay ka dheeraato dambiyada oo Ilaahay caabuddo oo la xisaabin doono aakhiro. Ruuxna waa nolosha ku jirta qofka laakiin ayada lama farin in ay cibaado la timaado ama ka fogaato xumaanta iwm. Marka waxay dheheen waxaa u dhexeeya in aanan Ruuxu jismiga ka baxayn marka la hurdo, laakiin naftu ay ka baxayso, iyo in ruuxa aanan laga rabin wax takaaliif ah, laakiin nafta laga rabo dhammaan takaaliiftaas.

    Quraanka:
    Aayadaha quraanka ah haddii aad akhriso waxaad arkaysaa in: Nafs: looga jeedo qof ama shakhsi. Ruuxna: looga jeedo (Malakul Jibriil), wax kale quraanka laga fahmi maayo, labadaas macne ayaa laga garanayaa.

    Waxaa quraanka ku soo aroortay in Ilaahay nafta oofsanayo haddii ay dhimato tii aan dhimanna uu oofsanayo marka ay huruddo, taasna macnaheedu ma aha in naftu tahay wax jismiga ka baxsan oo la qaadayo ee waa qofka laftiisa, macnaha Ilaahay wuxuu tusayaa dadka qaabka dhimashada marka uu qofku dhinto, kuwii aan dhimanna marka ay hurdaan ayuu tusayaa, sidaa ayaan ka fahmaynaa aayadda.

    Waxaa kale oo jira in culumadu isku khilaaftay, meesha ay naftu ku jirto oo ay jismiga uga jirto, Imaam shaafici iyo qaar kale waxay dheheen waa qalbiga, qaar kalena waxay dheheen waa maskaxda, qolada hore daliilkoodu waa aayadda (miyaanay lahayn quluub ay wax ku fahmaan), qolyaha dambena daliilkoodu waa (miyaanay caqli lahayn) iwm, waana aayado badan oo quraanka ka buuxa.

    Waxaa sidoo kale arrinkan aad uga hadlay culumada cilmunafsiga iyo falsafadda, muslimiintana waxaa ugu caansan (Ibn Siinaa), wuxuuna qoray risaalo uu ku magacaabay (ar-ruux), in kasta oo kutubtiisa kale sida al-qaanuun iyo as-shifaa' laga helayo cilmi baarisyo ku saabsan arrinkan, wuxuu markii ugu dambaysay ra'yigiisa ku qoray risaaladaas, wuxuuna aaminsanyahay in ay isku mid yihiin Ruux iyi Nafs. Kutubtiisa kale sida as-shifaa wuxuu ku yiri, la soo bixin maayo nafta, laakiin risaalada dambe wuu ka noqday sida hadalkiisa ka muuqata.

    Waxaan ka xumahay in aanan halkan kuugu faahfaahin karin hadalka culumada, waqtiga oo igu gaaban awgiis, laakiin guud ahaan, waxaan rejaynayaa in aan figrad kaa siiyay.

    Aniga aragtidayda:
    Aniga waxay iila muuqataa in Ruux iyo naf ay isku mid yihiin, laakiin ay yihiin laba marxalo oo noloshu soo marayso, oo ruuxdu tahay nolosha billowga ah ee dadka la gelsho ee ay ku dhashaan, marka ruuxdaasi waa saafi waa nadiif, Ilaah ayaa ku abuuray qofka. Marka noloshaas asliga ah ee daahirka ah waxaa la yiraahdaa (Ruux).Tusaale ahaan Ruuxdu waa sida nolosha ku jirta carruurta yaryar.

    Naftuna waa nolosha isasaarka ah ee aadanaha waawayn ku jirta, naftaas oo xilkas ah, oo mas'uuliyad saarantahay oo mukallaf ah, waana midda la faray in ay cibaadada la timaado oo ciqaabta iyo jisaynta intaba loo ballan qaaday. Wallaahu aclam.

    Meelaha ay quraanka uga soo arooreen erayada Ruux iyo Nafs qaar ka mid ah:
    Ar-Ruux: al-baqarah: 87, 253, (ruuxul qudus), an-nisaa':171 (ruuxun Minhu), al-maa'idah: (ruuxul qudus), al-xajar: 29 (min ruuxii) an-naxal: 102 (ruuxul qudus), an-naxl: 2, al-Israa': 85, as-shucaraa':193, Ghafir:15, al-Macaarij: 4, an-Naba':38, al-Qadar: 4, dhammaan waxaa looga jeedaa Jibriil.

    An-nafs: al-baqarah: 9, 44, 48, 54, 57, 72, 84, 85, 87, 90. (Anfusuhum, anfusakum, nafsan) iwm. al-Maa'idah: 45. al-Ancaam: 151 (an-nafsu al-xaraam). Yuusuf: 53 (annafsu al-ammaarah bissuu'). al-israa': 33 (an-nafsu al-xaraam). al-furqaan: 68 (an-nafsu al-xaraam). al-qiyaamah: 2 (an-nafsu allawaamah). an-naazicaat: 40 (Nafsu al-hawaa). al-Fajir: 28, (an-nafs al-,udma'innah)
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 23, 2006 at 19:57:06 (CST)
  14. Suaal: Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin
    Salaamu Calaykum, Anigoo aad ula dhacsan sida aad uga jawaabto su'aalaha lagu weydiiyo, isla markaana uga jaahil saartid dadka soomaaliyeed su'aalaha ay ku waydiiyaan, horena su'aalo kaaga weydiiyey webka, ayaan hadda doorbiday inaan si gaar ah su'aal kuu weydiiyo taas oo inbadan aan ka fikiray isla markaana aan ka maarmi waayay inaan dad ahlu cilmi ah weydiiyo. Hadaba su'aashaydu waxay tahay: waa maxay farqiga u dhexeeya nafta iyo ruuxda? Anigoo ku kalsoon inaad iga jawaabi doontid su'aashan iga gudoon salaan wacan.
    Abdifatah M. Adam <alhaji_8>
    - Monday, January 23, 2006 at 19:56:21 (CST)
  15. Jawaab:Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?
    Assalaamu calaukum, walaal inta aanan jawaabtaada u gudbin waxaan jeclaan lahaa in aan adiga iyo akhristayaasha kaleba xusuusiyo in ay akhriyaan maqaalka aan Israa' iyo Micraajka ka qoray ee webkan ahlusunnah wal-jamaacah ku jira.

    Mas'alo Micraaj iyo Meher garoob midna laguma degdego
    Culumadeennii Soomaaliya ayaa dhihi jiray mas'alo micraaj iyo meher garoob midna laguma degdego, marka aniga oo arrinkaas og ayaan kuu soo gaabinayaa jawaabta:

    Micraajka Quraanka laguma caddayn ee xaddiiska ayaa lagu sheegay
    Waxaa quraanka ku soo arooray, dhowr aayadood, sida aayadaha suuradda annajm ee 13, 14, iyo 15. iyo at-takwiir: 23, aayadahaasna laga fahmi maayo micraajka ama in nabiga sare loo qaaday.

    Waxaa laga fahmayaa in nabigu nnk ku arkay jibriil meesha uu ku yaal geedka lagu magacaabay (sidratul muntahaa), ee ay ku agtaallo jannatul ma'waa.

    Nabigu Ilaahay kulama kulmin Geedkaas hoostiisa sida wahhaabiyadu ku andacootay
    Qaar juhalada wahhaabiyada ka mid ah ayaa ku andacooday in Nabigu Ilaahay ku arkay geedkaas hoostiisa oo uu halkaas kula hadlay oo lagu soo siiyay waajibaadka salaadaha ah!!
    Hadaba waxaan leennahay sida ku cad axaadiista saxiixa ah Nabigu ma arag Ilaahay markii sare loo qaaday ee wuxuu arkay Jibriil, sidaasna waxaa caddaynaya xaddiiska saxiixa ah ee Imaam muslim ka soo weriyay Caa'isha.

    Micraajka waxaa si faahfaahsan u caddeeyay xaddiiska Imaam muslim soo weriyay
    Waxaa si faahfaahsan micraajka u sharxay xaddiiska Imaam muslim soo weriyay, ee nabigu ku caddeeyay dhammaan waxyaabihii uu la kulmay intii uu ku jiray micraajka, mana uusan dhihin Nabigu nnk waxaan la kulmay ilaahay, sidaa darteed qofkii yiraahda Nabigu Ilaahay buu la kulmay wuxuu been wayn ka sheegay Ilaahay sida ay Caa'isha Ummul mu'miniin dhahday.

    Waxyaabii Nabiga la soo faray waa loo waxyooday ee nabigu Ilaahay lama kulmin
    Xaddiiska Imaam muslim ayay ku caddahay in nabiga loo waxyooday kolkii salaadaha waajibka ah la soo farayay, wuxuu yiri: (Kolkaas baa Ilaahay ii waxyooday wixii uu ii waxyooday, oo konton salaadood igu farad yeelay), taas ayaana caddaynaysa in salaadda lagu faradyeelay waxyi ahaan oo uusan Ilaahay la kulmin lana hadlin. Laakiin culumada qaar ayaa waxay dhaheen Waxyigaasi wuxuu ahaa mid uu nabigu maqlay hadalkii Ilaahay ee nafsiga ahaa! taasna daliil looma hayo, maxaa yeelay waxyigu qaabab badan buu leeyahay, xaddiiskana kuma cadda qaabka uu ahaa waxyigani.

    Qaadidda nabiga waxaa laga wadaa sharfid ee looma qaadin si uu Ilaahay ula kulmo!
    Hadaba waxaan leeyahay, Nabiga qaadiddiisa ama micraajka waxaa laga weday sharfidda nabiga, waxayna ka mid ahayd mucjisooyinkiisa, lagamana wedin in uu Ilaahay la kulmo oo la soo hadlo.

    Ilaahay qofkii uu doono meeshii uu doono ayuu kula hadlayaa
    Ilaahay wuxuu la hadlay Nabi muuse oo dhulka jooga sida quraanku inoo caddeeyay, marka haddii uu doono in uu muxamad la hadlo wuxuu la hadli karay asiga oo dhulka jooga, shardina ma aha in toddobada samo laga sare maro si Eebbe loola hadlo.

    Caqiidada leh: Ilaahay samada ayuu degganyahay waa caqiido habowsan
    Hadaba halkaa waxaa ka cad in caqiidada wahhaabiyada ee aaminsan in Ilaahay samada degganyahay ay caqiido habowsan tahay, qofkii rumaysan caqiidadaas waa mulxid, salaad iyo soon iyo cibaado midna laga aqbali maayo, maxaa yeelay, Ilaahay caalamkan asiga ayaa abuuray uma baahna mana dhexdeggana wuxuuna quraankiisa ku caddeeyay in aanuu (Lulloonayn, oo uusan caajisayn, oo uusan daalayn) marka qofkii u malaynaya in Ilaahay ku nasanayo oo uu fadhiyo carshiga dushiisa waa kaafir Ilaahayna ma yaqaan.

    Nasaarada ayaa aaminsan in Ilaahay carshiga dushiisa ku nastay
    Caqiidada wahhaabiyadu waa caqiidadii nasaarada oo qayaxan, nasaaradu waxay Ilaahay u qaybsheen saddex, wahhaabiyaduna sidoo kale, nasaaradu waxay dhaheen Ilaahay kolkii uu caalamka uumay ayuu maalinta axadda ah nastay oo carshigiisa ku fariistay, wahhaabiyaduna sidoo kale, waxay aaminsanyihiin in Ilaahay carshigiisa ku nastay oo uu meel u banneeyay Nabi Muxamad sidaasna waxaa kutubtiisa ku sheegay Shiikhooda ay caabudaan Ibn Taymiyyah.

    Muslimiintu ha digtoonaadeen, Cilmigana hala barto, war Cilmiga nuurkiisa raaca! Intii aad Ibn Taymiyyah iyo Ibn Cabdulwahaab raaci lahaydeen, Cilmiga nuurkiisa raaca!
    Hadaba waxaan rejaynayaa in aan jawaab gaaban kaa siiyay arrinka micraajka, waxaanna rejaynayaa in aad iska dhaafto figradda habowsan ee Ibn Taymiyyah keenay ee leh Ilaahay Cirka ayuu fadhiyaa!! subxaana laah, maad cilmiga raacdaan intii aad nin hadalkiis ku mintidaysaan, quraankii iyo xaddiiskii laguma xusin waxaas, marka garan maayo waxa idinku ibtileeyay ictiqaadkaas kufriga ah, kaliya daliikoodu waa Ibn Taymiyyah ayaa yiri, aakhirana tolow maxay dhahayaan? ma ibn taymiyah ayaa inoo sheegay bay dhahayaan, asigana waa la keeni kolkaas buu dhahayaa, waan khaldamay!!
    Laaxowla walaa quwata Illaa billaah.
    Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed <hersi@2garre.com>
    - Monday, January 23, 2006 at 19:50:44 (CST)
  16. Suaal: Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jiro?
    Sheekh salaamad badan iyo duco quraanka cadadkiisa. Waxaan ku barbaaray iyadoo muslinku mawliidka akhriyo goor kasta oo kheyr la dalbaayo.

    Waxyaalaha ku yaal mawliidka nebiga waxaa ka mid ah micraajka. Taaso uu mawliidku nagu barbaariyey rumeynta micraajka, sidoo kalena quraanku sheegey iyo saxiixeynka.

    Hadaba waxaa aan ictiqaadsanaa ilaa yaraanteydii in nebigu cirka u dhelmey xagaana uu samo walba anbiyadii ku sii marey isagoo jibriil lasocdo laakin markii la joogey tii todobaad ayaa nebiga iyo jibriil kala hareen halkaasuuna nebegi (csw) ilaah kula hadley shanta salaadoodna lagu soo fary. Marka hadii nebigu ilaaheen kula kulmey cirka maxaa keeney in la la dhoho ilaah cirka inagama xigo oo qofkii dhaha ilaahey cirkuu jira lagu dhoho waa gafey?

    Hadii aan tooda raaco sow maaha inaan inkiro micraajka dhicitaankiisa ileen si kale kuma baxsan karaaye? Bal taa sheekh iga jaahil bixi. Keyr baan kugu ogahey if iyo aakhiro.
    C.M.Cabdalle <chango_58>
    - Monday, January 23, 2006 at 06:18:51 (CST)
  17. Tahniyad: Waxaan idiinku tahniyadaynaa hoosha fiican ee aad waddaan
    Ass/cl. Faddilatu shiikh xirsi iyo dhammaan ikhyaarta la wadda hoosha waxaan idiin soo gudbinaa salaan qiimo badan marka horey, marka labaad aad iyo aad ayaan ugu faraxnay bogga qaayaha badan ee aad habeeyseen ee ku difaacveyseen ahlusunnada iyo jamaacada.

    Waxaan joognaa wadanka Ameerica waxaanna idiinla garab taagannahay taageero buuxdo oo dhan kasto leh, waana idinla soo xiriiraynaa insha allah.
    kheey badan aan idiin rejaynaynaa.
    Cabdi xaashi Macallin <macallin_87>
    - Monday, January 23, 2006 at 03:07:41 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Bogga Fatwada
  1. Shahwada aan ulakaca kaaga imaan soonka ma burrisaa?
  2. Naag saddex dalqadood lagu furay ma furantahay
  3. Qofkii Isbitaal ka shaqeeya ma dambi bay ku tahay..?
  4. Sheekh salaadda mar kasta ma wayso cusub baa loo baahanyahay?
  5. Skeekh waxaa jawaabtaada laga fahmayaa in culimadii mawliidka qortey ey gudcur gudayeen!
  6. Qofka ballanlaawaha ah naagtiisu ma furmaysaa?
  7. Ruuxa iyo Naftu maxay kala yihiin?
  8. Sida Micraajka lagu sheegay, sow nabigu Ilaahay toddobada samo ka kor kulama kulmin, maxaad u leedahay Ilaahay samada xaggeeda ma jir?

  9. Bogaadin: Fadiilatu Shiikh Dr Xirsi waa mahadsantahay
  10. Jawaab: Sheekh Cabdulqaadir iyo Imaam Ashcari waxay caqiidada ka qaateen Imaam Axmad?
  11. Ahlusunnaha ku sugan dalka Zambia!
  12. Waxaan u hambalyaynayaa inta ka qaybqaadata dacwada iyo difaaca Islaamka
  13. Shiikh ama Diktoor Xirsi khaer Ilaaha raxmaanka ah ha ku siiyo haan ku xafido
  14. Masaafadu ma bannaantahay, maxaase daliil u ah?
  15. Wiilka walaashay dhashay anigu manuujinkaa iyadoo nool?
  16. Salaadaha_qaar maxaa codka kor loogu qaadaa?
  17. waxaan maqlay salaada gudaheeda xarakaad lagama ogola..
  18. Ma bannaantahay lacagta diibaajiga ah ee dadku wax ku kala kiraysto?

  19. Cridet Card-ka haddii uusan dulsaar lahayn ma xaaraan baa?
  20. Khamrigu ma daahir baa?
  21. Sheekh suaasheydii ku saabsaneyd caqiidada Sheekh C/qaadir..
  22. Wahhaabiyada Australia oo warqado uu ku qoranyahay magaca Shiikh Dr. Hersi daabacday oo fidi say!

  23. Yaa ugu horreeyay qof towxiidka qaybsha, muxuuse uga dan lahaa?
  24. Ma banaantahay toowxiidka in la qeeybiyo?
  25. Lacagta dulsaarka ihi maxay tahay..
  26. Shaafici iyo Ashcari ma isku caqiidaa?
  27. Wahhaabiyada ama Ittixaadka salaad ma lagu xiran karaa?
  28. Sheekh waxaan akhristey kitaabka alibaana oo aad tacliiq ku sameysey
  29. Lacagta dulsaarka ahi maxay tahay?

  30. Mala ogolyahay in arooska laga ciyaaro?
  31. Sheekhow gabar aan isjeclayn ayaan dagaalnay ee maxaa talaa?
  32. Sheekh Cabdulqaadir caqiidadiisa qofkii haysta ma toosanyahay?
  33. Lacagta daynta ah ee ardayda la siiyo ma la qaadan karaa?
  34. Haweeynay ayaa waxay ninkeedii kala maqnaayeen 14-sano..
  35. Sheekhow qalbi adayg ayaan isku arkay ee maxaan akhristaa?
  36. Sunniyaha ma la yaraysan karaa, xaadda wajigase ma layska xiiri karaa?
  37. Wiilal habaryartay dhashay ma ka xijaabanayaa?
  38. Qaadiriyada iyo Axmadiyada maxay diintu ka qabtaa?
  39. Nin taariku salaad ah haddii aan musxafkiisa u celiyo ma dambi baa iga saaran?
  40. Maxay wahaabiyadu diinka saxda ah u leexisaa?
  41. Ma la dhihi karaa Ilaahay Carshiga ayuu ka sarreeyaa?
  42. Carruurta garaaciddooda kolka wax la barayo ma bannaantahay?
  43. Lacagta uu nin madax ah i siiyay si aan warkiisa u fidiyo ma xaaraan baa?
  44. Nin wahhaabiyada Nairobi sheekh u ah ayaa iftooday...
  45. Nin aan aabbahay ahayn, aabbe ma ugu yeeri karaa?
  46. Gabadh ilma iska soo ridaysay ayaan lacag ugu kaalmeeyay, marka ma dambi baa iga soo gaaraya?
  47. Aniga iyo adeerkey waxaan iskula hadalnaa hadal jacayl ah ninkayguna ma ogola!
  48. Waalidkayga ayaa igu yiri: Bax qooq ayaa ku haayee..!
  49. Wahhaabiyadu waxay kuu baxsheen (Maxamad guuleed al-thaani)!!
  50. Qofkii dhaarta ee dhaartiisa burriyay xukunkiisu muxuu yahay?
  51. Xijaabka haweenku waa noocee?
  52. Meel ay kaniisaddu leedahay ma lagu tukan karaa?
  53. Haddii la igu shubo shahwad nin kale ma dambi baa?
  54. Sidee Ibliis jannada ku galay?
  55. Wiil iyo gabar doonaya in ay isfuraan oo misana wada deggan maxay diintu ka qabtaa?
  56. Kaniisaddu meel ilaah lagu caabudo ma tahay?
  57. xaaskayga waysada ma iga jabisaa?
  58. Maxey diinta islamka ka qabtaa hadii aad nagtaada inta furto..?
  59. Lacag ayaan dukaan dhigtay..?
  60. Nin naagtiisa naaskeeda afka ma gelin karaa isagoo uga dan leh raaxo?
  61. Nagtaydu waysada ma iga jebisaa?
  62. Dahaara la'aan mala taaban karaa Quraanka?
  63. waxaan rabaa inaan ku weydiiyo macnaha laa ilaaha illaa allaahu..
  64. Muslimiintu maxay Luud isugu magacaabi waayeen?
  65. Gabar adeerkeeda xoogi lahaa oo ka badbaaday..
  66. Naagta aan ninkeedu dhalayn furriin ma waydiisan kartaa?
  67. Ninkayga ayaa yiri: adeerkaa iridka haka furin..!!
  68. Ninkayga sekada ma siin karaa?
  69. Laylatul Qadarka wax iiga sheeg?
  70. Qofkii soonka in uu niyaysto illooba..
  71. Dadkii dhintay Islaamka ka hor ma gaalo baa?
  72. Salaadda tahajudku maxay tahay?
  73. Aabbahay haddii uusan joogin ma ismehrin karaa?
  74. Bogaadin, Mahadnaq iyo Codsi: waxaan kamid ahay ardayda wax kabarata webkan..
  75. Khaalid bin waliid hooyadiis magaceed?
  76. Kabaha ma ku tukan karaa?
  77. Hadii aan rabo in aan soomin tommorow..

  78. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  79. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  80. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  81. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  82. Sheekhow iisoo ducee...
  83. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  84. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  85. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  86. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  87. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  88. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  89. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  90. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  91. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  92. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  93. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  94. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  95. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  96. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  97. ma haboon tahay nin aan..?
  98. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  99. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  100. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  101. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  102. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  103. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  104. Mahadnaq iyo bogaadin
  105. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  106. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  107. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  108. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  109. Qof dhintay mala baryi karaa?
  110. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  111. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  112. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  113. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  114. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  115. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  116. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  117. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  118. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  119. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  120. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  121. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  122. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  123. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  124. Is Khat Haram or Halal?!
  125. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  126. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  127. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  128. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  129. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  130. Dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  131. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  132. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  133. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  134. waxaa jira in leeyga digay..!
  135. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  136. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  137. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  138. xukunka taariku salaadka
  139. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  140. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  141. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  142. Salaan iyo Bogaadin..

  143. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  144. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  145. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  146. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!

  147. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  148. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  149. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  150. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  151. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  152. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  153. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  154. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  155. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  156. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  157. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  158. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  159. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  160. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  161. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  162. zakada dahabka laga bixiyo..
  163. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  164. members of one of the Somali clans..
  165. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  166. Waan kirishtaamay...
  167. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  168. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  169. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  170. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  171. qoladasi isku diin ma nihin..
  172. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  173. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  174. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  175. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  176. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  177. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  178. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  179. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  180. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  181. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  182. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  183. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  184. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  185. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  186. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  187. Midnimada Muslimiinta..
  188. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen..
  189. Islam is not a violent Religion
  190. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  191. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  192. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  193. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  194. Maxay tahay (Nashuusho)?
  195. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  196. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  197. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  198. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  199. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  200. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  201. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  202. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  203. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  204. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  205. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  206. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  207. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  208. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  209. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  210. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  211. Ilaah baa ku qancin kara..!
  212. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]