AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Aragti: waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..
    ASALAAMU CALAYKUM,
    bacda salaan walaalayaal marka hore waan idin salaamayaa bacda salaan, waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo ku saabsan arrimaha aad ka wada hadasheen ee ahaa dhinaca diinta walaalayaal, waxaan ku arkay markii aan akhriyey qoraaladiina in aad kala fogtihiin waxaanad moodaa in aad u wada hadlaysaan sidii dad aan diin lahayn, mana wanaagsana qofku hadii uu qof muslim ah yahay in uu iska hadlo ee waxaa loo baahan yahay in uu ka hadlo arrimo diini ah, iyo in ay is waydiiyaan waxay diintu ka qabtaa arrinta noocaas ah, hadda waxaan ku arkay qoraalka mid leh intii aanay imaan All-tixaad wadanku wuxuu ku sugnaa gaalo, mid kale oo leh ayaan arkay intixaadka ama wahaabiyada ayaa wadanka ugu horeeyey diil la'aan walaalayaan, waxaan idinka codsanayaa marka hore hadii aad rabtaan in aad u wada sheekaysataan si islaamnimo ku dheehan tahay waa in aad soo daliishataan axaadis iyo aayado qur'aan ka kadibna mid kasta meesha ay taabanayso aad wax iska waydiisaan, waa laga fiican yahay in qofkasta uu wixi afkiisa ku soo dhaca isaga hadlo.

    Waxaan idinka xasuusinayaa diinteenu in ay tahay diimaha aduunka tan ugu wanaagsan ee xaqa ah, waana tii ilaahay ugu talo galay in uu ku maamulo aduunka, markaas diintaan waxaa ilaahay siiyaa qof nasiib leh, miyeydaan arkin dhaqanka ama waxa ay diin ka dhiganayaan yahuud iyo nasaaro, markaas walaalayaal ilaahay wuxuu ina siiyey diintii aduunka ugu wanaagsanayd markaas ba banaana in aan tashuush galinaa, arrintiinuna maanta waxay u egtahay mid shaydaan hagayo walaalayaal iska saara dashuurka shaydaankana iska naara oo si fiican u qabsaday xadhiga alle>

    Khilaafku ma hoodina un uu yahay mid hadda bilawday waa mid ilaa iyo saxaabadii soo jiitamayey, waxaana la inoo shegay in aan arkayno sabanaakhirka 73 firqo ayna mid kaliya ka hagaag san tahay, balse dardaaran ayaa ka yaala arrintaasi ii uu SCW inooga tahay taas oo ah waxaa bad baadaya qofkii ku dhega Sunada Rasuulka iyo Kitaabka alle.

    Hadda walaalayaan iska ilaaliyaha wax yaalaha muslimiinta kala fogaynayan, miyeydaan arkin sida Yahuud isugu xidhan tahay, taas waxay ku gaadheen isku duubnaan iyo kala dambayna, waana dad aan aakhiro ku xisaabtamayn wax rajo ah, ugu dambayntii anigu ka hadli maayo wax firqo ah mana jecli in aan maago qolo sababta oo ah waxaan jeclahay in diinta islaamka waxaana u diidanahay in aan na shuushadeeyo diin islaamka.

    Markaas alaalayaan ilaahay Subxaana watacaalaa ha laga baqo oo diinta ha la ilaaliyoa hana la iska dhaafo khilaafka iyo hadalka meel ka dhaca ah, waa kuu qofka qof muslim ah oo ashahaadanaya ku sheegi kara gaal?
    Axmed <axmeddool55>
    - Monday, April 19, 2004 at 01:35:47 (CDT)
  2. Jawaab: waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..
    Walaal, heesidda waxba kuma jabna, kaliya culumadu waxay diideen heesaha hadalka xun ee fisqiga iyo dambiga ah ay ku jiraan.
    Mahadsanid
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, April 18, 2004 at 05:42:33 (CDT)
  3. Suaal: waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..
    Walaalayaal waxaan doonayaa inaad ii sheegtaa waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha
    siciid <siciid041>
    - Saturday, April 17, 2004 at 09:09:20 (CDT)
  4. Jawaab: Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
    Assalamu alaykum;
    Walaal, dharka in la dheeraysto ama la gaabsado waxba kuma jabna maadaama ay niyaddu saxantahay, haddiise dharka loo dheeraysto faan iyo islawayni derteed ama loo gaabsado kudayasho gaaladsa lagu dayanayo, intaba islaamku ma ogola.
    Midda hore ee dheeraysashada ah islaamku wuxuu u diiday ayada oo laga baqayo in istustus iyo kibir ku jiro. laakiin dheeraysiga oo kaliya ma aha waxa la diidayo, Islaamku waa diin toosan oo baahida iyo wixii daruuri ah mooyee aanan waxyaabaha kale ee isyeelyeelka ah ictiraafsanayn.

    Marka dharka islaamku wuxuu u dhigay shuruudo iyo aadaab, waxaa shuruudahaas ka mid ah in uu ahaado dhar nadiif ah oo daahir ah oo cawrada qarinaya, aadaabtana waxaa ka mid ah in uusan ka baxsanayn inta loo baahanyahay, oo uusan aadna u dheerayn.
    Mahadsanid

    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Saturday, April 17, 2004 at 00:05:19 (CDT)
  5. Suaal: Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
    Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto oo kuraamaha la dhaafiyo dembise ma leedahay.
    abdifatah` <abdifatahmohamed>
    - Wednesday, April 14, 2004 at 10:21:51 (CDT)
  6. Jawaab: hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, wixii sir ah ee qof kugu qarsado waa ammaano, ammaanadana lama ogola in la lunsho ama la faafsho haddii ay hadal tahay sidaa darteed, qofka kuu imaanaya ee ku leh ii sheeg wuu ku khaldanyahay, adigana kuuma bannaana in aad sheegto sirta uu qofka kale kugu qarsaday ee ammaanada ah. Dhaarinta aad sheegayso ma fahmin, sidee kuu dhaarinayaa, macnaha ma wuxuu ku dhahayaa (Ilaah baan kugu dhaarshee ii sheeg hebel wixii uu kugu yiri ama kugu qarsaday!) haddii ay sidaas tahay dhaarta aad sheegayso, taas dhaar lama yiraahdo.
    Mahadsanid
    - Tuesday, April 13, 2004 at 06:35:09 (CDT)
  7. Suaal: hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
    asalaamu calaykum walaal hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho haiga sheegin hadana qofkale ii imaado oo idhaarsho inaan usheego aniguna aan diido madanbi baa
    macaash <macaashwarfaa100>
    - Tuesday, April 13, 2004 at 06:35:09 (CDT)
  8. Jawaab: hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..
    Assalamu Calaykum;
    Maya walaal, gabadha waxba kuma waajibaan, adiga ayaa qabays kugu waajibay.
    Mahadsanid.
    - Sunday, April 11, 2004 at 07:05:35 (CDT)
  9. Suaal
    asalaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatuhu intaa kadib walal hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar oo aan ku biyo baxo ma waajib baa inay qabaysato iyada wabilaahi towfiiq
    majabe <majabe77>
    - Monday, April 12, 2004 at 05:14:53 (CDT)
  10. Jawaab: sidee loo tukadaa salaatulaylka?
    Assalamu Calaykum;
    Walaal salaatullaylku waa sunno caadi ah, laba ragco waaye oo sunnada caadiga ah oo kale ah, waxaadna tukan kartaa sunnada cisha habacdi ilaa salaadda subax inta u dhaxaysa, kolka aad dhayso hal rakco oo witir ah ku dhamaystir.
    Mahadsanid
    - Sunday, April 11, 2004 at 07:05:35 (CDT)
  11. Suaal
    Asalaamucalaykum Wa Raxmatulaahi Wa Barakaatuhu walaal waxaan rabaa inaad iisheegto sidee loo tukadaa salaatulaylka walaal ii soo faahfaah hiya mahadsanidiin
    muxamad <lajecloow5>
    - Sunday, April 11, 2004 at 07:05:35 (CDT)
  12. Jawaab: malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, haddii hilibku yahay hilibka xoolaha xalaasha ah ee suuqyada gaalada lagu gado, oo aadan haysan hilib aadan hubin in muslim soo gowracay, waxaad iska cuni kartaa midka ay gaaladu gedayaan ee aadan ogayn cidda soo gowracday, adiga ayaa bismillaahi dhahaya kadibna waad karsanaysaa oo cunaysaa haddii gaaladaasi ahlul kitaab yihiin (Nasaaro ama Yahuud). - Tuesday, April 06, 2004 at 10:32:25 (CDT)
  13. Suaal: malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
    asalaamu caleeykum walaalayaal waa salaamantihiin dhamaantiin walaalayaal waxaan rabaa inaan ogaado su aashaan jawaabteeda walaalayaal malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen doofaarka hadii aadan heesanin hilib muslim ah oona meesha dhan ba la ga helin hilib muslim ah walaalayaal wabilaahi toowfiiq.
    axmadnuur <sheekaale_2000>
    - Wednesday, April 07, 2004 at 07:35:50 (CDT)
  14. Jawaab: anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, Ma fahmin hadalkaaga ah "Ma iska tiri karaa?" sidee waysada u tiraysaa? ma waxaad ka waddaa ma iska qallajin karaa biyaha? haddii aad sidaa ka waddo waaxaan ku leeyahay waad iska qallajin kartaa waxba kuma jabna inshaa allaahu. - Tuesday, April 06, 2004 at 10:32:25 (CDT)
  15. Suaal: anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
    salaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatuhu walaal waxaan rabaa inaad iga jaaahil bixiso anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii mise waa khalad jazaakalaahu khayra
    muxamed <lajecloow5>
    - Wednesday, April 07, 2004 at 07:18:10 (CDT)
  16. Jawaab: somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, geedka qaadka la yiraahdo waa geed aad u xun oo xoolo badan iyo waqti badan ayaa lagu lunshaa, xaaraan waaye ma dhihi karno maxaa yeelay daliil qadci ah ma hayno, laakiin xaakimku ama suldaanku wuxuu xaq u leeyahay in uu reebo oo dadka ka xaaraantinimeeyo haddii uu u arko in uu maslaxadda umadda dhibaayo.

    Anigu haddii aan xaakim ahaan lahaa ama qaalli ahaan lahaa waan xaaraantinimayn lahaa, maxaa yeelay dhibkiisa ayaa nafcigiisa ka badan, qofkii cunana waa laga yaabaa in uu ku dambaabo, laakiin taasi waxay ku xirantahay xaaladda qofkaas ku sugan yahay.

    Macnaha haddii aad ku jirranayso ama uu caafimaadkaaga dhibayo ama waqti ku lumiso ama xoolo ku lumiso macna la'aan waad dambaabaysaa. Marka dambigiisu meelo badan buu ka imaan karaa. Hersi aw Maxamed - Tuesday, April 06, 2004 at 10:32:25 (CDT)
  17. Suaal: somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
    somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa maxayse diinta islaamku ka qabtaa cunistiisa.
    bashiir <bashiir84>
    - Tuesday, April 06, 2004 at 10:32:25 (CDT)
  18. Jawaab: ururkii ka talin jirey afghanistan..
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, Islaamku kuma salaysna garka oo la daysto iyo naagaha oo wajiga laga daboolo oo kaliya, waxaan waliba anigu qabaa sida fuqahadu dheheen in aanay waajib ahayn in garka la daysto, sidoo kale waajib kuma aha naagaha in ay wajigooda qarshaan, maxaa yeelay sida saxda ah wajigu cawro maaha, sidoo kale garka in la xiiro dambi maaha, maxaayeelay ma jiro xadiis ama aayad caddaynaysa arrinkaas.

    Halkaas kolka waxaa kaaga cad in aanay kooxdaas Daalibaanka lagu sheego iyo qaar kale oo Wahhaabiyo ah oo Sacuudiga jooga iyo meelo kale aanay waafaqsanayn diinta Islaamka, ee ay yihiin jabhado doonaya in ay mujtamaca Islaamka cunaqabateeyaan oo xoog iyo argagixis ku xukumaan, waxaana kooxahaas ka mida kooxda Ittixaadka ee Soomaaliya iyo Akhwaanka iwm. Kooxahaas diin maaha waxa ay wadaan, ee waa xoogsi, macnaha waxay doonayaan in ay mujtamaca gacanta ku dhigaan ayaga oo diinta ugu soo gabbanaya, xaalkooduna wuu caddaaday waana la ogaaday, muslimiinta qaar badan ayaa indhaha furay oo arkay dadkaasi in aanay diin shaqo ku lahayn ee ay burcad yihiin.

    Kooxahaasi waxay ka faa'iidaysteen aqoondarrada haysatada Muslimiinta iyo jahliga haysta mujtamacaadkeenna, laakiin hadda waa la ilbaxay muslimiintiina waxbay barteen waana dhamaaday waqtigii lagu cabsiin jiray naagaha waji xiridda, raggana lagu cabsiin jiray garka ha xiirina.

    Marka walaal, khayr baan kuu rejaynayaa, aqoonta iftiinkeeda raac, cagligaagana kaasho, kooxahaas argagixisada ahna warkooda ka bax, shaqayso oo isku fillow, diintana inta daruuriga ah ka baro, haddii aad u baahato buug ama kutub ama qoraallo aad akhrisato ii soo sheeg aniga ayaa kuu soo dirayee..
    Hersi aw Maxamed
    - Tuesday, April 06, 2004 at 10:32:25 (CDT)
  19. Suaal: ururkii ka talin jirey afghanistan..
    sheekh sida aan la wada socono ururkii ka talin jirey afghanistan ee la odhan jirey taliban waxay ka mamnuuceen ragga in ay xiiraan gadhkooda dumarkana in wejigooda baneeyaan arrintaasi diintu maxay ka qabtaa
    abdifatah <abdifatah_mohamed>
    - Tuesday, April 06, 2004 at 10:15:50 (CDT)
  20. Jawaab: waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, labada naaska isla nuugtay isma geeyaan, laakiin dadka kale ee la dhashay way isgeeyaan, maxaayeelay sababta loo diiday in ay isguursadaan, waa naaska ay wada nuugeen, haddii kolka cilladdaasi baxday, xukunkiina meesha wuu ka baxayaa, sida cilmiga usuusha fiqhiga ku cad. wallaahu aclam.
    Mahadsanid
    - Thursday, March 18, 2004 at 11:26:56 (CST)
  21. Suaal: waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay..
    walaal marka horewaad salaaman tahay teeda kale waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay oo kaliya aa is geenin laakiin kuwa kale oo la dhashay wey is geeyaan maxaa ka jira arin taas diin ahaaan
    seynab ismacil cali kamil <z_dhagax>
    - Sunday, March 28, 2004 at 09:05:25 (CST)
  22. Jawaab: maxa kuu dhacay dawlda somali?
    Assalamu Calaykum;
    Walaal, soomaaliya dowlad khayrqabta allaha u keeno, dhibaato badan ayaa dowlad la'aantu keentay, dadkii dhihi jiray dowlad uma baahnin ayaase ku cibra qaadanaya oo xigmad Ilaah baa ku jirta ciqaabta soomaalida la marsiinayo. Dadkii aaminsanaa in aanan soomaaliya dowlad u baahnayn waxaa ka mid ahaa jenaraalkii Caydiid iyo dhammaan kooxda uu ka dhashay ee figraddaas ku taageersanaa, walina ayaga ayaa dalka dowladnimada ka hortaagan, maxaa yeelay waxay ka baqayaan in haddii dowlad timaado, caddaaladi timaado, haddii ay caddaaladi timaadana boobkii iyo bililiqadii la waayo!!
    Mahadsanid
    - Thursday, March 18, 2004 at 11:26:56 (CST)
  23. Suaal: maxa kuu dhacay dawlda somali?
    maxa kuu dhacay dawlda somali
    yare mohamed <yare2000us>
    - Sunday, March 21, 2004 at 17:53:09 (CST)
  24. Jawaab: miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah ..
    Assalamu Calaykum;
    Walaal dadka aad sheegtay waxaa u geeyay falkaas jaahilnimo, khamiisku waa dhar dhaqan u ah carabaha qaarkood, shardina maaha in qofku khamiis xirto si uu muslim u noqdo. Islaamku dharka shuruud ayuu u dhigay, waana in uu ahaado dhar cawrada qarinaya oo daahir ah (macnaha aanan wax najaas ah ama la xaaraameeyay ka samaysnayn), waxaana fiican in uu ahaado dhar quruxsan oo nadiif ah. Islaamku dhar gaar ah oo lagu yaqaan malaha.
    Mahadsanid
    - Thursday, March 18, 2004 at 11:26:56 (CST)
  25. Suaal: miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah ..
    su'aasha aan rabo in aan weydiiyo sheekha waxay tahay. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah oo ay xidhaan dadka muslimiinta ah,waxaan arkya dad somali ah oo xidhan khamiiska ay xidhaan carabtu oo leh waa lebiska muslimiinta,hadii aad surwaal xidhatona ku odhanay waa maryo gaalaad.hadaba sheekh waxaan rabaa in arinta wax la iiga sheego
    abdifatah <abdifatah_mohamed>
    - Thursday, March 18, 2004 at 11:26:56 (CST)
  26. Jawaab: wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
    Sowda a/w/b; Dhallinyarada waxyaabaha aad sheegtay waa laga fishaa, sida sigaar cabidda ama labbiska iyo timaha oo loo xiirto hadba sida moodada markaas socota tahay, marka wiilka aad sheegtay haddii caadadiisu intaas uun tahay wax dhib ah malaha waxaan rejaynayaa in uu garaadsandoono oo kolka uu nolosha aad u sii dhexgalo ka fogaan doono wixii aanan anfac lahayn, adigana waxaa lagaa rabaa in aad ku caawisid sidii uu u toosi lahaa oo uu mas'uuliyaddiisa uga soo bixi lahaa.
    Marka waxaan Allah ka rejaynayaa in aanay waxyaabahaasi wax wayn oo dhib ah noqonin, waxaanna qabaa in aad ka eegto qofka dhica fiican, waxyaabaha uu ku fiicanyahay fiiri, sida shakhsiyaddiisa iyo sida uu kuu arko, iyo jacaylka uu kuu qabo iyo qaderinta uu ku qaderiyo inta ay la egyihiin, halkaas ka qiyaas qiimihiisa, sigaar cabidda iyo labbisku waa waxyaabo daahir ah oo laga yaabo in si fudud looga gudbo. Waxaan kuu rejaynayaa towfiiq iyo mustaqbal wanaagsan. - Sunday, February 29, 2004 at 08:35:43 (CST)
  27. Su'aal: wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
    Asalaamo caleeku waraxmatulaahi su'aashan aan khabo waxeetahay wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto waxoona u dhaq maa sida mareekanka gaal ma aha laakiin si dooda ayuu u labis taa sigaar kana wuu cabaa si da kale waa wiil fiican labiskaas uyo balwadaas uun boo ku xun yahay waxuuna lee yahay waan isbadalaayaa time isii marka diit miyeey ogashahay in aad lahadli karaa. thank you A/C/
    swda <sowda_18>
    - Tuesday, March 16, 2004 at 09:51:04 (CST)
  28. Jawaab: waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
    Walaal, xoolaha ku soo galay ee aad qaadatay haddii ay ahaayeen wax aad kas u boobtay, waa in aad ka toobad keento falkaas boobka ah, wixii aad ka xasuusatana aad ammaano ahaan u hayso inta aad ninkii lahaa ka helayso ama warasadiisii haddii uu dhintay, masaajid iyo siddaqo midna ma galaan xoolo la boobay ama la xaday ee ha ku bixin xoolaha meelahaas.

    Haddii aad dadkii lahaa ama warasadoodii sharciga ahaa hesho waa kaas ayaga ayaad siinaysaa, haddii kalena qaan ama dayn ayay wali kugu yihiin, falk xun ee qaadashada xoolaha islaameed ahna Ilaahay ha kaadhaafo hana u noqonin kana towbad keen.
    - Sunday, February 29, 2004 at 08:35:43 (CST)
  29. Su'aal: waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
    s/w/w/w. salaanta islaamka kadib walaalayaal waxaan rabaa inaan is daahiriyo ee hadii ay idin soo gaarto waraaqdani ii soo jawaabo kheyr alaha idin siiyee waxaa igu dhacday inaan galay guryo laga qaxay oo aan alaabo kasoo qaatay mana garanayo dadkii lahaa oo waa iyadii lakala qaxay oo aan meel laysku sheegin hayeeshee waxaan rabaa inaan iska mago xaqaa islaameed alaabadii aan soo qaatay ayaan intii aan ka xusuustay qiimeeyey ayaan waxaan ku tala jiray inaan masaajid ladhisayo ugu daro oo aan iyaga u sadaqeeyo ila taliya iina sheega wixii aan isku beri yeeli lahaa wabilaahi towfiiq.
    maxamed cabdi <M_ACTION45>
    - Thursday, March 04, 2004 at 11:38:58 (CST)
  30. Jawaab: zakada dahabka laga bixiyo..
    Walaal dahab aad xiranayso haddii uu yahay seko lagaama rabo, laakiin dahab meel kuu yaalla oo kayd ah haddii uu yahay xawlkuna ku soo wareego nisaabna uu dhanyahay seko ayaad bixinaysaa.
    - Sunday, February 29, 2004 at 08:35:43 (CST)
  31. Su'aal: zakada dahabka laga bixiyo..
    Asalaamu calaykum warraxmatullaah, walaal waxaan rabaa inaan wax ka ogaado zakada dahabka laga bixiyo maadaama aan bishii sakada ku jorno, horta dahabka la xirto ee dumarku ku xaragoodaan ma sakaa laga bixinayaa sanad walba? Culimada qaar waxay yiraahdeen hal mar baa laga bixinayaa, qaar kalana waxay leeyihiin sanad walba ka bixi sakada. Shiikhow bal naga jaahil bixi arrintan si aan uga fogaano in sakadu nagu baaqato, Wabbillaahi tawfiiq.
    Deeqa Warsame
    - Sunday, February 29, 2004 at 08:35:43 (CST)
  32. Jawaab: Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
    Walaal Najiib, assalamu calaykum.
    Waad ku mahadsantahay su'aashaada, intaa kadib waxaa jira siyaabo badan oo aad hooyadaa allaha u naxariistee ugu ducayn karto. Waxaa ka mid ah:
    1. Adiga oo hagaajiya naftaada oo wiil saalix ah ama fiican noqda, maxaa yeelay waalidku wuu ku dheefsanayaa carruurta wanaagsan ee uu ka tegay.
    2. Adiga oo saddqo ula baxa waalidkaa una niyooda acmaasha saalixa ah ee aad samaynayso, inshaa allaahow thawaabtu way gaaraysaaye.
    3. Adiga oo xaj ama cumro u sameeya, haddii aanay xajin intii ay noolayd.
    Waxyaabahaas iyo dhammaan wixii saddaqo ah ee aad la baxdo iyo wixii duco ah ee aad Ilaahay waydiisato dhammaan way anfacayaan waalidkaa haddii aad u niyooto oo aad Alle ka bariso in uu hooyadaa ugu dambidhaafo.

    Khayr baan kuu rejaynayaa.
    Hersi
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  33. Su'aal: Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
    Asalaamu calaykum. Salaan kadib, Culimo waxaanb idin waydiinayaa oo aan rabaa in aad iiga jawaabtaan wixii ilaahay idinka baray su aashan: Waxaan ahay nin dhallinyaro ah hooyadayna waxay dhimatay aniga oo ah 10 jir markaa hadda waxaan ahay nin wayn oo 22 jir ah. Diinta islaamkuna waxay inna faraysaa in waalidka marka uu kaa horreeyo loo duceeyo. Markaa sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa Allaha u naxariistee? Jazaakalaahu khayran..
    Najib Khalif Abdi <najiboss>
    - Tuesday, February 10, 2004 at 10:02:09 (CST)
  34. Jawaab: taariikhda [jubba valley alliance]..
    Walaal mustafe, assalamu calaykum.
    Waad mahadsantahay, sikastaba ha ahatee, waxaan kuu sheegaynaa in aanan ka hayn wax macluumaad ah ama tafaasiil ah waxa lagu magacaabo (JVA), marka fadlan la xiriir dadka ku xiran ama deggan gobalkaas ama jabhadda JVA xubinta ka ah si aad macluumaad tafaasiil ah u hesho.
    Hersi
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  35. Su'aal: taariikhda [jubba valley alliance]..
    waxa aan halkan ka slaamayaa.. akhyaarta ka masull ah website-ka[2garre.com].. anigoo qadarin weyn u haya dhamaan kuwa ka shaqeya.. wax aan idin weydiin lahaa .. su'aal ku saabsan.. taariikhda [jubba valley alliance][isbaheysiga dooxada jubba]mar horena waxa an idin weydiiyay su;aalo dhawr ah..laakiinse wax jawaab idinkama haayo.walaalayaal.. waxa aan ku keenay su'aashan in aan helo taariikhda[jva]waa marka aan maqlay in ay jiraan afduubayaal ah heystaan nin germany ah oo u shaqeeya[un workers]oo lagu afduubay[kismaayo]iyo nawaaxigeeda.. marka waxa an rabay in aan ogaado awooda ay ku leedahay[jva]meelaha ay ka taliso]iyo inta urrur oo ay ku mideeysan yihiin.. waad mahad santihiin.. by mustafe hagi
    mustafe <mustaphaseylaani>
    - Saturday, February 07, 2004 at 02:49:01 (CST)
  36. Jawaab: waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..
    Walaal Maxamuud, assalamu calaykum.
    Jawaabta su'aashaadu waa sidan. Gabadha haddii aad ku heshiiseen in meherkeedu ahaado kitaab quraan ah (hal nuskho oo musxaf ah) waa sax meherkaasi, maxaa yeelay musxafku waa xoolo, waxaana muhiim ah in meherku xoolo ahaado kuwaas oo ay gabadhu ku qanacsantahay.

    Laakiin waxaa jirta waxyaabo kale oo ay lagama maarmaantahay in la eego, waxayna ku xirantahay meesha aad joogto, tusaale ahaan haddii dowladdu u goysay meherka lacag ama maal gaar ah oo la ogyahay oo ay amartay in la raaco (1000 dolaar) matalan waa in aad raacdo wixii dadku ku dhaqmaayaan musxafna meher u noqon maayo gabadha markaas.

    Waxaa kale oo jira wax ay fuqahadu ku magacaabeen (Mehrul Mithli) waana meherka kabdhaha gabadhaas la midka ah la siiyay oo kale in aad bixiso, haddii aad kayar bixiso ama aad musxaf bixiso ee kadib gabadha reerkeedii ku qabsadaan waa in aad meherka intii ka hartay iska bixiso.

    Marka, meherka waxaa wanaagsan in uu ahaado waaqici, lana socdo waxa markaas bulshadu ku dhaqmayso ama dowladdu amartay ama sheekha ama qaalligu gooyay.

    Sidoo kale, waad siin kartaa meherka gabadha inta aad isqabtaan waana sida wanaagsan, badanaa muslimiintu waxay u qaybshaan waqtigan laba qaybood, Mu'ajal oo ah mid aad dib ka bixinayso iyo mucajal oo ah mid aad hadda bixinayso, badanaa midka dib lagabixinayo wuu badanyahay, midka hadda la bixinaya wuu yaryahay.

    Mahadsanid

    Hersi <
    hersi@2garre.com>
    - Tuesday, February 03, 2004 at 00:44:08 (CST)
  37. Su'aal: waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..
    walaal waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka, wax cilmi ahna uma lahayn hadaba walaal maxaa leyga rabaa inaan gabadhaas siiyo maadaama aan rabo anagoo wada joogna ama is qabna aan mehekeeda siiyo, mase ku mehersantaa gabar kitaabka quraanka ah. mahadsanid, walaalkaa Maxamuud
    maxamuud saleebaan <ma lihi>
    - Monday, February 02, 2004 at 16:21:54 (CST)
  38. Jawaab: members of one of the Somali clans..
    Assalamu alaykum;
    Walaal Diiriye, waan isku raacsannahay in muslimiinta midnimadooda in la dhowro waajib tahay, kuwa doonaya in kala dilaan muslimiintana Ilaah baa xisaabin doona, ciqaab badan baana sugaysa, annaguna waa in aan iska qabano oo tillaabo adag ka qaadno haddii aan awoodi karno.
    Mahadsanid
    Hersi
    - Monday, January 12, 2004 at 05:07:51 (CST)
  39. Su'aal: members of one of the Somali clans..
    In my country of somalia, members of one of the Somali clans intend to dismember parts of the Somali country although Somalia is a homogeneous coutry. Therefore, what is the muslim laws against those who want to weaken the unity of the Muslim Umah? PL. send back your reply!
    A.Dirir <Burashadley>
    - Monday, January 12, 2004 at 05:07:51 (CST)
  40. Jawaab: Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, Madaahibta muslimiinta qaar ayaa qaba in aanan wilaayadu shardi ahayn, oo gabadhu haddii ay qaangaar waxgarad ah tahay ismehrin karto, wilaayada waxaa qaba shaaficiyada.

    Anigu waxaan qabaa in aanan gabadha maanta waqtigan joogta wilaayo u baahnayn oo ay is mehrin karto, maxaa yeelay gabdhihii hadda way ilbaxeen oo wax bay barteen mana aha sidi ay ahaayeen waqtigii ay aqalka ku xirnaan jireen.

    Tan kale, maanta nikaaxu maxkamad ayuu marayaa oo qaanuun baa jira, raggana kiisa wanaagsan ee shaqaysta ee reer dhaqi kara iyo midka aanan reer dhaqi karin si sahlan ayaa loo kala ogaan karaa, marka gabadha maanta waqtigan joogta waxaan ee caadiga ah ee garaadsatay, waxaan qabaa in aanay wilaayo cidna uga baahnayn, ayada ayaa iska wali ah qofkii cajabsha ayayna guursan kartaa, kaliya waxaa muhiim ah in guurku ahaado mid sharciga islaamka intiisa kale waafaqsan.
    Mahadsanid
    Hersi Aw Maxamad
    - Sunday, January 11, 2004 at 15:39:15 (CST)
  41. Su'aal: Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
    Walaal waan ku salaamay, salaan kadib waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa, waxaan nikaaxsadey wiil anigoon u sheegin walaaladay ama aabahay, wiilka i guursadey kama helin walaaladey wax wilaayad, waxaan isku guursanay yurub waxaana joogey yurub walaalkey, inkastoo uu joogay wadan kale, hadaba nikaaxaas walaal ma ansaxay, mise maya. aniga iyo wiilkaas waxaan isu dhalnay 4 caruur ah. Salaama Calaykum
    F. <oranje112>
    - Sunday, January 11, 2004 at 15:39:15 (CST)
  42. Jawaab: WAAN KIRISHTAAMOOBAY...!
    Assalamu alaykum;
    Walaal, ilaahay towfiiqda ha ina waafajiyo dhammaanteen, intaa kadib, waxaan horta doonayaa in aan ogaado, diinta islaamka ma si toos ah ayaad uga baxday oo niyaysatay in aad ka baxdo, mise waxay kaa ahayd bal soo fiiri diinta kirishtaanka? Waxaan rejaynayaa in aadan sitoos ah uga bixin diinta ee aad yaraha istiri, bal soo fiiri waxa lagu hayo midda ciise tii Muxamad waabaan arkaaye oo waanba ku jiraaye!!

    Hadalkaagii sidaas ayaan ka fahmay, haddii arrinku sidaas yahayna waxaan rejaynayaa in aanan xaaskaagu kaa furmin oo aad wali muslim ahayd ee aqoon darri iyo malaha mucaamalo xumo laguu gaystay ama dhibaato kale oo nafsi ah ay kugu jiidday in aad bal sahan ruuxi ah gashid.

    Waxaa ii muuqata in aadan caqiidadii Islaamka ka bixin ee aad yaraha damacday in aad bal kirishtaanka barato oo fahamto diintooda aadna eegto mucaamaladooda iyo sida ay dadka ula dhaqmayaan, marka sidaas (murtad) ku noqon maysid, naagtaaduna kaama furanto, maxaa yeelay waa la baran karaa diimaha kale, waana lala degi karaa ahlul kitaabka, waana lala mucaamalootami karaa.

    Haddii aad xataa fasho waxyaabo islaamku diidayo intii aad baranaysay diintooda waxaan rejaynayaa in ay ahaayeen waxyaabo aqoon darro kuu gaysay ee aadan niyad iyo ogaal ugu kicin.

    Laakiin walaal waa in aad ogaato, culumadu waxay dhaheen qofkii Islaamka ka baxa ee niyadda ku xiray in uu gaaloobo oo sidaasi ku caddaatay naagtiisuna way furmaysaa, xukunkiisa oo dhanna wuu isbeddelayaa, haddii uu islaamka ku soo laabtana waa in uu caqdi cusub ku galo naagtiisa, ee kii hore wuu buray.

    Laakiin taasi waa haddii qofku qaalli hortiis ama marqaati hortiis ku caddeeyo kufrigiisa ama murtadnimadiisa, haddiise uu waswaasyar qalbigiisa galay, dabadeedna uu diimo kale iska dhexdabaashay asiga oo aanan riddo iyo kufrinimo uga danlahayn ee aqoondarro u gaysay sidaada oo kale, waxaan qabaa in aanan xukunkii hore ee islaamnimada ahaa uusan burayn, maxaayeelay riddadu waxay ku salaysantahay kufriyaadka, kufriyaadkuna waa saddex qaybood.

    1. Kufri ficil ah, sidi qofkii si kas ah ugu joogsada kitaabka quraanka asiga oo ula kacaya oo og waxa uu falayo.

    2. Kufri qowli ah oo hadal ah, sidii qofkii Eebbe caaya ama Nabiga caaya asiga oo og waxa uu uga jeedo oo fahmaya, macnaha aanan saqraan ahayn oo miirkiisu joogo.

    3. Kufriga ictiqaadiga ah, oo ah midka aad hadda adigu ka cabanayso, waana in qofku ictiqaado oo niyadda gashado waxyaabo kufri ah, sida qofkii ictiqaada in Islaamku yahay diin aanan sax ahayn, ama ictiqaada in aanan Ilaahba jirin, ama Ictiqaada in aanan nabi muxamad nabi ahayn ee uu ahaa xariif fahmo badan iwm.

    Saddexdaas waaye kufriyaadka culumadu sheegeen, marka midka ugu dambeeya ayaad ku sigatay sida ii muuqata, oo ah in aad u malaysay in diinta kirishtaanku ka fiicantahay Islaamka, taasina malo uun bay kaa ahayd, mana burrin karto xaqeeqadii hore ee aad haysatay ee ahayd in (Islaamku diin sax ah yahay), marka sida darteed, haddii tafsiirkaygu sax yahay, waxaan rejaynayaa in aanad gaalnimo gelin, oo iimaankaagii wali noolaa, maxaa yeelay maladu xaqeeqada ma burrinkarto, Islaamkaagu xaqiiqo ayuu ahaa, kirishtaankana malo ayaad u gashay iyo bal soo fiiri.

    Marka walaal, khayr baan kuu rejaynayaa, ugu dambaystii qalbigaaga fatwa waydiisu, haddii ay niyad kaa ahayd kirishtaannimadu waa in aad caqdi cusub ku soo celiso gabadha xaaskaaga ah. Mahadsanid
    Xersi aw Maxamad
    - Sunday, January 04, 2004 at 04:19:43 (CST)
  43. Su'aal: WAAN KIRISHTAAMOOBAY
    Anigoo ah wiil soomaaliyeed oo ku nool magaalada muqdisho ayaa ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa soo saarayaasha S.I.A . waxaana leeyahay ILAAHAY ajar ha idinka siiyo sidaad isugu howsheen baraarujinta iyo wax u sheegida dadka aan aqoonta fiican diinta u lahayn sidayda oo kale ..walaalayaal waxaan aad u jeclahay inaan idin soo weydiiyo su'aal aan jawaab u waayay ...oo aad u murugaysay..waana sidaan ...

    aniga waxaan ahaa nin muslim ah oo diintiisa jecel ..waxaan guursaday xaas oon ku guursaday sida sharciga islaamka uu qabo xaaskaygana waxay iyana ahayd muslimad....waxaan ahay nin wax walba jecel inuu ogaado hadan aan cilmi lahayn ..waxaan dabeecadaydu tahay inaan qiil sameeyo qof kasta oon niyada iska iraahdo waxbaa jira uu qofkaas sidaa u sameeyay ...taasna haadaan ayay iga riday....WAAN KIRISHTAAMOOBAY oon diintii islaamka isaga baxay

    ...ka dib markaan arkay..dadka aan ku dhexnoolahay sida ay u dhaqmayaan ayaa diintii shaki iga galay.....waxaan isku dayay inaan xiriir la sameeyo oon raadiyo dad soomaali ah oo kirishtaan ah .....mudo ka dib ayaan helay oo waan saaxiibnay oon is baranay waxaan bartay diinta masiixiga waxaa la ii soo diray oon akhristay baybalka isagoo luqada soomaaliga ku qoran .

    ..si wanaagsan ayaana dadkii kirishtaanka ahaa ee saaxiibnay ay ii soo dhaweeyeen ...waan la yaabay sida ay ii qadarinaayeen ..midaasoo wali aanan qof muslim ah ku arag intii aan noolaa........intaas xaaskaygii way ogayd waxa aan sameeyay hase yeeshee maadaama ay i jeclayd waxba iskama badalin xiriirkeenii marka laga reebo mar mar aan isla doodi jirnay ......aad ayayna ii waanin jirtay ......

    NASIIB WANAAG ...ILAAHA QAADIRKA AH AYAA I SOO HANUUNIYAY OO DARIIQII AAN KA DHUMAY IGU SOO TOOSIYAY HIDAAYO MINA LAAH ..AYAA iridka ii soo garaacday ..ILAAH AYAA ogaa oohinta iga baxday iyo sidaan ILAAH ugu soo laabtay ...markii hore hadda ayaan wax badan uga fiicanahay sidaan diintayda ugu dhaqmi jiray ...waayo waxaan ogaaday in dariiqa islaamka uu yahay midka ugu toosan ILAAHII I WAAFAJIYAY AYAANA KU MAHADINAYAA...hadda dhib ayaa i haysta wuxuuna yahay oon qof kasta weydiin waayay xaaskayga ma igu xiran tahay mise?WALAALAHA AAN JECLAHAYOOW SU'AASHAAS DEG DEG IIGA SOO JAWAABA)midda kale walaalayaal diinteena qaaliga ah dhibaatooyin badan ayaa lagu hayaa ee dadka cilmiga leh ha baraan walaaladood aan aqoonta lahayn (SIDAYDOO KALE)diinta muslimka ....IALAAHAY AJAR HA IDINKA SIIYEE).

    WAA WALAALKIIN JECEL OO U HEELAN INUU XIRIIR IDINLA YEESHO)WADADDII NABI MUXAMED ALAHA NAGU HANUUNIYO DHAMAANTEED WALAALAYAAL)

    WASALAAMU CALAYKUM..WARAXMATU LAAHI WABARAKAATUHU
    NUUR <nuhadi65>
    - Sunday, January 04, 2004 at 04:19:43 (CST)
  44. Jawaab: waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, mas'alada markhaatiga haweenka waa arrin khilaaf badan ka dhashay, culumaduna war badan bay ka dhaheen, culumadii hore warkoodu waa cadyahay oo 2 haween ah ayaa loo baahanyahay haddii hal nin ah la waayo, sababtana sida meesha ku cad waa illowshaha.

    Maanta culumada qaar waxay qabaan in aan loo baahnayn laba haween ah oo mid kaliya ku filantahay sida aad sheegtay, laakiin aniga waxaan qabaa in arrinka sidan loo fasiro:
    1. In aanan waxba lagu dhegin daahirka nusuusta oo arrinka xal casri ah loo helo.
    2. In aanan nusuusta laga korboodin oo aanan aayadaha la nasakhin ee xukunka sidiisa loo fulsho.
    Haddaba labadaas arrimood oo aad mooddo in ay isburrinayaan sidee loo samayn karaa?
    Jawaabtu waa in la eego hadba sidii xaalku yahay, haddii la joogo meel baadiyo ah ama aanan qoraal iyo dowlad iyo nidaam ka jirin, waa in la raaco nidaamkii hore ee ahaa laba naagood meeshii ninka looga baahnaa haddii la waayo.

    Laakiin haddii la joogo magaalo iyo meel nidaam ka jiro oo diiwaan la gelinayo wax walba, waxaan qabaa in aanan hal qof oo diiwaan gelsha wax ka badan loo baahnayn, ama naag ha ahaado qofkaasi ama nin ha ahaado.

    Marka aayaddu waa sax laakiin waa marka aanan diiwaan iyo dowlad iyo nidaam jirin oo aanan la hayn wax habaysan ee la joogo meel baadiyo ah ama aanan nidaam dowlo ka jirin sida soomaaliya.

    Haddiise la joogo meel dowlo iyo nidaam ka jiro, caqdiyada oo dhan waxaa ku filan qofka diiwaan gelinaya ama saxiixaya ama laba naagood ha ahaadeen ama hal nin ama nin iyo naag kaliya taasi micne malaha maxaa yeelay diiwaan ayaa lagu qorayaa, qof mas'uul ah ayaana saxiixaya, xafiis ayaana warqaddu ka soo baxaysaa, marka taas ayaa gelaysa booskii shaahidka, aayadduna waxay marqaatiga shardi ka dhigtay haddii aanan la joogin meel wax lagu qoro ama diiwaan ka jiro.

    Marka mas'alada marqaatiga ninka iyo naagta wax wayn oo micne ah ma samaynayso haddii qoraal jiro, ee waxay lagama maarmaantahay xaaladaha daruuriga ah ee aanan la haysan qoraal ama la joogo meelo aanan nidaam ka jirin oo aanan dowladi ka jirin ama meelaha fowdada ah ee boobka iyo is inkiridda iyo dhacu ka jiraan sida soomaalia.

    Waad mahadsantahay
    Xersi aw Maxamad
    - Saturday, January 03, 2004 at 02:04:29 (CST)
  45. Su'aal: waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
    Saxiib waxa kaloo aan ku wadiinlahaa waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan suratul baqra ayada ka hadasha daynta, in ay tidhi marka ay ka hadalayso markhatiga in waxkasta oo lakala iibsanayo amma la daynsanayo iwm in la galiyo laba markhati ah oo rag ah hadii la wayana hal nin iyo laba dumara iyada oo cilo looga dhigay labada dumara hadii ay midi ilawdo si ay takale u xasuusiso, hadaba waxaa dhacday in culimo ka mida muslimiinta gaar ahaan kuwac soomali ah oo uu ka midyahay Dr,ibrahim dasuuqi ayaa waxa uu fadmo ku bixiyay in ay banantahay in gabadh kaliya markhatiga loo qabsan karo, waxanu siii cadayey sababta kentay in laba dumara laga dhigaa in ay wagaswi nabiga anay jirin tiknolajiyadini balse maanta ciladii ahayd waa in tasi oo ay midi ilawdaa waxa uu shekhu leyahay waa ay ka baxday halgabadh ayaa markhatiga laga qadayaa mana ilabayso wayo waxa anu haynaa alaad castriya sida canbayutarka sulasha dadka laga qado kuwa indhaha laga qado iyo qaarkaloo badan markasi su.aashu waxa weeye markhatiga ma gali kartaa gabadhkaliyii mise sax ma tahay sidaa ay culimadu shegeen qaarkood
    khadaraar <khadaraar65>
    - Saturday, January 03, 2004 at 02:04:29 (CST)
  46. Jawaab: waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
    Assalamu alaykum;
    Walaal axaadiis saxiixa ayaa sheegaysa in garka la daysto oo shaaribada la gaabsado, dharkana sidoo kale, axaadiis saxiixa ayaa sheegaysa in raggu ka fogaadaan dharka kibirku ka muuqdo ee dhulka jiitamaya, laakiin hala gaabsado lama dhihin. Aayado ayaa ayaguna sheegaya in haweenku dharka isku dedaan siiba kuwa la qabo, marka nusuustaasi waa sax, laakiin axaadiistu waaajib kama dhigin in garka la daysto, culumada madaahibta oo dhan waxay dhaheen waa sunno in garka la daysto, ee waa waajib ma dhihin, sidoo kale, in dharka dhaadheer ee loo malaynayo in kibir ku jiro laga fogaado waa fiicantahay laakiin waajib maaha in surwaal tafaha ku jooga la xirto.

    Marka walaal axaadiis badan oo saxiixa ah ayaa jirta laakiin macnaheedu maaha in wax walba oo axaadiistaas ku soo arooray waajib yihiin, ee waa in aad akhrisaan usuusha fiqhiga si aad u garataan shuruudaha loo dhigay waajibka iyo faradka iyo sunnada iwm.
    Mahadsanid
    Xersi Aw Maxamad
    - Saturday, January 03, 2004 at 01:56:54 (CST)
  47. Su'aal: waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
    Aad ayaad u mahad santahay dr xirsi sida runta waxa aad modaa in aad tahay nin sooma jeesta ah qaabka aad naqdinayso, waa iga kaftan, saxiib waxa aan ku waydiinlahaa waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan dubarkuna sidayaan xijaabka ,isla markana gadhka la siidayo sharubtana la jaro xadiistasi ma saxiixbaa mise waa daciif
    khadaraar <khadaraar65>
    - Saturday, January 03, 2004 at 01:56:54 (CST)
  48. Jawaab:Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, sujuudda tilaawadu waa sunno, sida ay qabaan culumada saddexda mad-habadood ee Malikiyada, Shaaficiyada iyo Xambaliyada, Xanafiyada ayaa qaba in ay waajib tahay, laakiin la soco walaal, waajibka xanafiyadu waa sida sunnada shaaficiyada.

    Sidoo kale, culumadu shuruudda laga rabo qofka way isku khilaafeen, laakiin waxay u badanyihiin in uu qofku akhriska u qasdo, ama uu ahaado qof dhegaysi u qasday oo akhriska dhegaysanayay, haddii ay dhegtiisa ku dhacdo aayaddu asiga oo meesha iska marayay ama uu isha ku dhuftay asiga oo kitaabka baalashiisa rogrogaya, culumada badankoodu waxay qabaan in aanan sujuud laga rabin. Qaar yiri waa laga rabaana way jiraan.

    Waxaa kale oo ay isku khilaafeen meelaha laga rabo in la sujuudo, qaar waxay sheegeen 11 aayadood, qaarna 13 qaarna 15. Waxaa kale oo ay isku khilaafeen waqtiga laga rabo in uu sujuudo, waxayna u badanyihiin in la sujuudo aayadda dhammaadkeeda.

    Waad mahadsantahay.
    Hersi Aw Maxamad
    - Tuesday, December 30, 2003 at 07:37:55 (CST)
  49. Su'aal: Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..
    A salaamu caleykum
    Salaan kadib, marka hore waxaan kuugu hanbalyeeynayaa dadaalka wacan, hawsha wanaagsan iyo waqtigaaga qiimaha leh ee aad galisay si laguula wadaago aqoontaada cilmiyeed oo laggaaga fa'iidayesto. Ebbaa mahad leh ee waad mahdsantahay.

    Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika, runtiina intabadan iska hor'imaadka arimaha diinta aan xal loohelin, sikastaba hanoqotee mas'alada aan kaa jawaab sugayo waxay tahay,marka Qur'aanka la akhrinaayo micnaha aad ku jir to talaawatul Qur'aan waxaa jirta dhawr iyo toban meelood oo ku faraysa inaad sujuudo. marka su'aashaydu waxay tahay;

    1= Ma sunaa mise waa farad?
    2- Afarta Imaam (mad-hab)siday u kala arakaan?
    3- Guud ahaan culumaa'u diinku siday u arkaan oo ay ka qabaan?
    4- SHuruuda qofka laga rabo maxay tahay? (maxaa u shardi ah qofka oo laga doonayaa?
    5- Ducadee baa ugu afdalsan marka sujuuda lagu jiro in la'akhriyo?
    Wabillaahi Towfiiq.
    Ali Weyne <samadoon2001@yahoo.ca>
    - Tuesday, December 30, 2003 at 07:37:55 (CST)
  50. Jawaab: ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, waxaan doonayaa in aan ku xasuusiyo arrin aan in badan halkan ka iri, waana in aanan diinta lagu qiyaasin dad ama niman gaar ah, macnaha Qaradaawi, iyo Fatxi Yakan iyo fulaan iyo Callaan, diinta miqyaas uma aha, ee diinta kitaabka iyo sunnada ayaa qiyaas u ah.

    Marka, waxaan kaa codsanayaa in aadan mar dambe halkan kaga soo daliilsan hebel iyo hebel ayaa sidaas yiri. Maxaa yeelay hebel iyo Hebel diinta ayagu mitir lagu cabbiro uma aha.

    Intaas kabacdi, tan aad tiri, muslimiinta khaliijku ashcariya ma raacsana, waad ku khaldantahay, maxaa yeelay sacuudiga iyo Kuwayt mooyee inta kale waa ashcariyo sida aan hubo, siiba imaaraadka iyo Qatar iwm, Cummaan ayaa Ibaadiya ah.

    Way jiraan qaar badan oo wahhaabiyada ku ta'athuray, laakiin caqiidada rasmiga ah ee dowladdu waa ashcariya.

    Sikastaba ha ahaatee, taasi muhiim ma aha, maxaa yeelay, muslimiinta khaliijka jooga waa afar gubatay oo tiradoodu aanay dhaafayn 40 malyan. Sida aad ogtahay indooniisiya oo kaliya ayaa 200 milyan ah oo dhammaan ashcariyo ah, sidoo kale, Malaysia, Masar, Jordan, Syria, Turkiya oo maaturiidiya ah, iyo Pakistan iyo muslimiinta hindiga iyo shiinaha oo ayaguna aanan ka yarayn 400 oo milyan.

    Kasoo tag waxyaabahaas oo dhan, dadka caqiidada ku takhasusay ee ay ugu horreeyaan culumada al-azhar ayaa aaminsan in ashcariyadu tahay caqiidada ugu saxan madaahibta caqiido ee muslimiintu aaminsanyihiin ilaa qarnigii 4aad ee hijriyada ilaa maanta.

    Bal u fiirso haddii aad tahay nin wax soo bartay manaahijta caqiidada ee Iskuullada dalalka muslimiinta laga dhigo ee azhar laga keenay oo xataa soomaaliya aan ku soo dhiganay, dhammaan waxaa lagu saleeyay caqiidadii imaam ashcari, maxaayeelay caqiidooyinka kale waa bidci oo ma aha wax salafkii ogaa.

    Adiga kolka sida iiga kaa muuqata waad yartahay, ama waadan baran madaahibta caqiido ee muslimiinta, marka waxaa laguu qaatay in aad cinaadka iyo dhega adaygga iska dhaafto ee barato wax oo inaga faa'iidaysato.

    Tan kale, waa ayo nimanka aad ii tirinayso, ma taqaan qaradaawi waxa uu yahay iyo taariikhdiisa? Qaradaawi waxaa dacaayadda u sameeyay qannaalka al-jaziira laakiin ragga mutakhasisiinta ah agtooda wax uu ka yahay ma jiraan, wax qiima leh oo uu fikirka Islaamka ku soo kordhiyayna ma jiraan. waxaana badanaa lagu sheegaa in uu yahay sheekha Suldaanka Qatar iyo Sheekha TVyada.

    Kuwa kale ee aad ii sheegtayna way ku jiraan culumo wanaagsan oo dadaal sameeyay sida axmad diidaat, iyo qaar kale, laakiin diinta ayaga laguma qiyaasi karo, macnaha ayagu islaamka matali maayaan.

    - Monday, December 29, 2003 at 02:59:48 (CST)
  51. Su'aal: ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
    Dr Xirsi asalaamu Calaykum, sheekh salaantaa ka dib, waxaan in mudo ahba soo booqan jiray sitekaagan gaar ahaan qaybta Su’aalaha iyo Jawaabaha Diinta ku saabsan, aadna waad uugu mahad santahay dadaalkaa aad u hurtay dadkaaga. walaal anigu waxaan jecelahay inaan wixii diinta ku saabsan cid kasta oo aqoon diineed igu dhaanta ka korodhsado, laakiin sidaan ku arkay Jawaabahaaga su’aal ayaa in mudo ahba igu wareegaysay wakhti aan u waayay inaan kusoo waydiiyo.

    Walaal waxaad tidhi ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada ee maanta dalkeena iyo dunida kaleba ka jira gaar ahaan Wahaabiyada,Ikhwaanka iyo Salafiyada , waxaanad sheegtay in kooxahaasi ay diin lunsan dadka u sheegaan caqiidadooduna khaldan tahay. Waxaanad Jawaabahaaga ku xustay in caqiidada la yidhaahdo Ashcariya ay tahay ta keliya ee saxda ah, dadka wixii aan haysan ashracariyadana ay gaalo yihiin, somaliyana caqiidadeedu ay ahayd Ashcariyada.

    Laakiin sheekh waxa jira dad badan oo Qurbaha ama dalkiiba ku nool oon aqoon waxay tahay Caqiidada Ashcariyadu laakiin cidii ay diin saxa ku arkaan ay ka qaataan wixii diinta islaamka ku saabsan. Hadaba sheekh Xirsi su’aashaydu waxaan rabaa bal inaad noo cadaysid in wixii aan Ashcariya ahayn dadka islaamka ah ay Gaalo yihiin, oo aan diinta laga qaadan lagana digtoonaado. Xataa hadii ay yihiin Culimada islaamka ee waa wayn tusaale ahaan.

    Sheekh Shariif Cabdi Nuur, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil, Sheekh Umal, Sheekh Yusuf Qaradaawi, Sheekh Inbu Baas, Sheekh Caysamiin, Sheekh Albaani, Sheekh Fatxi Yakun, Sheekh Ahmed Diidaat, Sheekh Zandaani,Shacraawi, iyo culimada kale hadii ay Somali yihiin iyo hadii ay dunida kaleba yihiinba.

    Walaal waxaad kalood ugaataa dalalka islaamka badankooda inaan dad caqiidadaa Ashcariya haystaa ayna jirin sida Khaliijka carabtoo kale markaa dalalkaasi ma wada gaalaa. Waad mahadsantay. deeq_cabdi@yahoo.co.in
    Deeq Cabdi <deeq_cabdi@yahoo.co.in>
    - Monday, December 29, 2003 at 04:57:48 (CST)
  52. Jawaab: qoladasi isku diin ma nihin..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, annaga gaalo inooma kala dhawa, qofku haddii uu gaal noqdo oo ay ku caddaato in uu aaminsanyahay wax yaabaha lagu gaaloobayo, wuxuu la simanyahay gaalada kale.

    Laakiin annagu ma dhihin akhwaanku waa gaalo, ee adiga ayaa u maleeyay. waxaan iri, akhwaanku waa laba nooc, qolo aaminsan caqiidadii hore ee imaam ashcari, sida Turaabi iyo Qaradaawi iwm, kuwaasi waxba kama duwana ashcariyada, maxaa yeelay qaradaawi wuxuu ahaa azhari intuusan gelin akhwaanka, waxaanna u malaynayaa in uu caqiidadii azhar wali haysto, maxaa yeelay wahhaabiyada diintooda ma uusan qaadan inta aan ogahay, laakiin siyaasad jacayl ayaa u geeyay asiga iyo Turaabi in ay akhwaanka ku biiraan. Tan kale, caqiido akhwaanku gaar u leeyahay ma jirto sida aad ogtahay, ee qaarna waa ashcariyo, qaarna waa wahhaabiyo.

    Kuwa kalena waa kuwo aaminsan caqiidaha wahhaabiyada ee tajsiimka ah, kuwaasi qofkii qirta in Ilaahay jismi yahay oo uu cirka fadhiyo sidi qof, waa gaal, gaalada kale ayuuna inoola siman yahay.

    Marka walaal u fiirso, meeshan waxaan ka hadlaynaa xukun sharci ah ee la abtirsan maayo. Xukunka sharciga ah wixii uu gooyo uun baan raacaynaa, qofkii ay ku caddaato in uu aaminsanyahay caqiido kufri ah, ama ku dhawaaqa qowl kufri ah ama fala ficil kufri ah, culumadu waxay isku raacday in la kufrinayo.

    Caqiidada kufriga ahna waxaa ka mid ah, in la ictiqaado in ilaahay waynaayee uu jismi yahay, oo uu sanam oo kale yahay, marka qofkii yiraahda, Ilaahay waa jismi, waa sidii qof caabuday sanam.

    Wahhaabiyadu asalkoodu waa carabtii Najid ee jaahilka ahayd, ee asnaamta caabudi jirtay, taas ayaana keentay in ay dhahaan Ilaahay waa jismi, laakiin waxay dheheen samada ayuu fadhiyaa, meesha kufaartii hore ee carabtu fadhiisiyeen kacbada dhexdeeda, kuwani samada meesha kacbada ku aaddan buu fadhiyaa bay ictiqaadeen, marka bal ii sheeg waxa u dhaxeeya labadooda? Akhwaanka kuwa sheeganaya ee waxaas aaminsanna waa la mid.
    - Monday, December 29, 2003 at 02:59:48 (CST)
  53. Su'aal: qoladasi isku diin ma nihin..
    Saxiib Dr, xirsi inta badan waxaa jawabahaga ka muuqda erayga aad adka ugu soo celceliso oo odhanaya (qoladasi isku diin ma nihin amma isku diin miyanu noqonaynaa) adiga oo u jeeda akhwaanka iwm markasi waxa aan ku waydiin lahaa kuwasi aad sheegtay iyo galada adiga kuwee ayaa kuu dhaw .ilayn wadaigan shegay in aydaan akhwaanka , itixaadka aydaan isku diin ahayne
    khadaraar <khadaraar65>
    - Monday, December 29, 2003 at 02:59:48 (CST)
  54. Jawaab: miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
    Assalamu alaykum;
    Walaal, culumada badankoodu way diideen in qofka jirkiisa wax lagu barto, sababtuna waa laba arrimood:
    1. Ayaga oo aaminsan in jirka la soo bixin doono maalinta qiyaamaha.
    2. Ayada oo qaarkood aaminsanyihiin in jirka aadanuhu sharaf dheeraad ah leeyahay oo aanan jirka xayawaanka kale lahayn.

    Labadaas qodob awgood ayaa culumada badankoodu diideen in lagu barto wax jirka aadanaha, laakiin qofkii aaminsan in soobixinta (bacthigu) yahay nafta oo kaliya oo aanan jismiga la soo bixinayn, waxaa hubaal ah in uusan diidayn in jismiga aadanaha wax lagu barto oo lagu falaado, maxaa yeelay qofkii aaminsan in bacthigu nafta yahay jismigu karaamo wayn lama laha, aayadda uu Ilaahay waynaayee ku yiri "aadanaha waan karaamaynay"-na wuxuu ku fasiray "nafta aadanaha" ee jismigiisa kama wado.

    Qaar muslimiinta ka mid ah oo aaminsan in bacthigu nafta oo kaliya yahay ayaa jiray qarniyadii muslimiintu ilbaxa ahaayeen sida qarnigii 4aad iyo kii shanaad ee hijriga, laakiin maanta sida aad ogtahayba muslimiintu cilmi malaha, jahli ayaa indha tiray, siiba dhinaca daawooyinka iyo cilmiga qalitaanka iyo wixii cilmiga dabiiciga la xiriira oo dhan, marka xaalkoodu waa sida aad aragto maanta, oo ijtihaad khayr leh laga fili maayo dad sidaas ah, laakiin wagii muslimiin khayr leh oo wax kasayda la helo ayaa laga yaabaa in mas'aladan iwm fatwo fiican laga baxsho.

    Aniga haddaad ra'yigayga i waydiiso, waxaan ku leeyahay waxba kuma jabna in qofka jirkiisa lagu barto culuunta qalitaanka la xiriirta marka uu dhinto kadib haddii uu ogolaado asigu oo uu sidaas ka dardaarmo.

    Mahadsanid.
    - Sunday, December 28, 2003 at 03:29:51 (CST)
  55. Su'aal: miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
    Waxaan salaamayaa dhammaan dadka ummada somaliyeed ee muslimiinta ah,gaar ahaan kuwa ay khusayso su'aashaydu ee diyaarka u ah inay ka jawaabaan. su'aashiina waa sidatan. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa wax lagu barto,si practice ah oo ay muslimiintu ardadooda wax ku baraan?
    cabdi yusuf xassan <warmajaanle>
    - Sunday, December 28, 2003 at 03:29:51 (CST)
  56. Jawaab: aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
    Assalamu alaykum;
    Sharaf, waad mahadsantahay, waxaanna kuu rejaynayaa in aad si joogto ah ugu xirraato boggan

    Intaa kadib, horta tacliinta aad sheegtay ee aad soo martay waa la yaqaan, waana muctaraf, waana tacliintii muslimiinta soomaalida intooda diinta baratay soo mareen, wixii ka horreeyay kooxaha bidcada ah ee Ikhwaanka iyo Ittixaadka.

    Caqiidada muslimiinta Soomaalida waa ashcariyo, fiqhigooduna waa shaaficiyo ama Xanafiyo (dhinaca xeebaha waqooye), akhlaaqdooduna waa akhlaaqdii suufiyada, oo ama waa qaadiriyo ama waa saalixiyo ama waa axmadiyo iwm.

    Intaas waa la ogyahay, nin cilmiga u nasab sheegta oo inkirayana ma jiro, hadduu jirana waa jaahil.

    Tan aad tiri: Suufiyada ayaad ka digtay!! ma garanayo meel aan ku qoray warkaas, waxaase laga yaabaa in aad aragtay hadalka aan ka iri suufiyada qaar (khuraafi ah) oo aanan runtii suufiyo toosan ahayn, laakiin dariiqooyinka suufiyada siiba kuwa soomaaliya ka jira waa dariiqooyin toosan oo macruuf ah, waxaase kharibay kuwa (timawaynta loo yaqaan ee suufiyada isku sheegaya) oo runtii aanan cilmiga waxba ka aqoon, marka hadalkaygu kuwaas buu ku socday ee qaadiriyo kuma saabsana.

    Madaahibta suufiyada ah ee saxda ah ee soomaaliya ka jiray waa Axmadiyada iyo Saalixiyada oo isku dhow ama isku asalba ah iyo qaadiriyada oo la yaqaan ayadana oo dhowr jaad ah waxaana ka mid ah (awaysiyada iyo zayliciyada iwm), marka kuwaas waa la yaqaan caqiidadooduna waa ashcariyo.

    Tan aad tiri; haddii caqiidada laysku raaco, khilaafka fiqhiga ah waa fududyahay, waa runtaa, waana warkii culumada oo dhan dhaheen ee anigu uma horreeyo qof sidaas yiri.

    Sababta aan uga digayo kooxda Ittixaadka iyo Ikhwaanka waa in ay yihiin kooxo caqiido fasahaadsan wata, haba sii darraadeen Itixaadku, maxaa yeelay waxay aaminsanyihiin figrado lagu gaaloobaayo, oo ay ka mid yihiin in Ilaahay Jismi yahay, iyo In uu kursi ku fadhiyo oo uu Samada kadankoodo, iyo in adduunku qadiim yahay oo aanuu ahayn wax uu Ilaahay abuuray, waxyaabahaas waxay ka qaateen Ibn Taymiya, waxayna ku sheegayaan in ay yihiin madhabtii Salafka, markaas bay dadka ku khaldayaan, marka waxaa inagu waajib ah in aan ka digno fidnada ay wadaan.

    Akhwaanku ayagu waa dhowr jaad, qaar wahhaabiyada ayay caqiidada ku raacsanyihiin, qaarna waxay haystaan caqiidadii ashcariyada sida sheekh turaabi, marka qoladan dambe waa sida ashcariyada xagga caqiidada, laakiin xoogoo figrado siyaasi ah bay wataan iyo kuwo tarbawi ah, waxna kuma jabna in aan isku khilaafno siyaasadda iyo tarbiyada maadaama aan isku raacsannahay caqiidada.

    Kolka qolada caqiidada mujasimada Ittixaadka haysata waa kufaar, Ittixaadka ayay la midyihiin, waxaana la mid ah qof kasta oo aaminsan in Ilaahay jismi yahay oo uu samada degganyahay waa gaal Ilaahayna ma yaqaan.

    Marka walaal, ogow, Ilaahay waynaayee, Jismi maaha, khalqigana ma shaabaho, kitaabka quraanka ah ayaana si cad arrinkaas u caddeeyay, intaas kabacdi qofkii inoola yimaada Tashbiih iyo Tajsiim, waxaannu leenahay, kitaabkana waad khilaaftay, sanamya caabudka ayaadna la mid tahay, wixii uu doono ha isku magacaabo, ama salafi ha isku magacaabo, ama Ittixaad ama Wahhaabiyo iwm, dhammaan waa isku mid maadaama uu aaminsanyahay in Ilaahay waynaayee uu Jismi yahay oo uu Samada kursi kula fadhiyo iyo in adduunku qadiim ayahay oo aanan Ilaahay abuurin, waxyaabahaas dadka aaminsan waa gaalo, magacii ay doonaan ha isku magacaabeen.

    Annagu waxaan leenahay Ilaahay waynaayee, khalqigiisa ma shaabaho sida kitaabkiisu sheegay, sidoo kale waxaannu leenahay ilaahay waynaayee jismi ma aha, caalamkuna qadiim ma aha oo Ilaahay baa abuuray, carshiguna qadiimma aha sida Ibn Taymiya sheegay, ee waa makhluuq, maxaa yeelay carshigu khalqiga Ilaahay buu ka mid yahay.

    Masaa'ilkaas iyo qaar kale oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayaan isku khilaafsannahay wahhaabiyada iyo Ittixaadka iwm, marka sidee isku diin ku noqonaynaa??

    Mar labaad waxaan idiin rejaynayaa dhammaantiin, towfiiqda Ilaah in uu idin waafajiyo, kana digtoonaada bidcooyinka iyo fidnada caqiidada ee ay wahhaabiyadu waddo.
    Hersi Aw Maxamad <hersi@2garre.com>
    - Friday, December 26, 2003 at 23:56:12 (CST)
  57. Su'aal: aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
    Assalamu Calaykum. Walaal Dr Xersi, run ahaantii aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid dadka wax ku soo warsada. Waxaan kaloo la dhacay daraasadaha iyo waqtiga aad gelisay taariikhaha kooxaha islaamka sheegta ee jira maanta. Meelo ka mid ah bogga ayaan waxaan ku arkay adoo leh mar haddii caqiido la isku waafaqo waxyaabaha furuucda ah waa soo jireen oo waa la isku khilaafi karaa. Haddaba, anigu waxaan qaatay ijaazada silsildda Al-Qaadiriyah xagga dariiqada anoo weliba qurbaha jooga. Waxaan Caqiidadana haystaa Ashcariyah oo sidaad sheegtayba ah caqiidada kaliya ee Kitaabka iyo Sunnada raacsan ee Somalia ka jirta. Fiq-higa, Shaafi iyo Quraanta oo la igu baray Abu-Camar, khaasatan qirada Duuriga. Su'aashu waxay tahay, qofkii intaas isku haysta maanta waxaa loo yaqaan SUUFI adiguna sufiyada waad ka digtay??? jahliga aad ku tilmaantayse mid dhanka manhajka ahba mise mid mujtamac? waad mahadsantahay Sh. Dr. Hersi
    Sharaf M Ali <sharaf@eudoramail.com>
    - Friday, December 26, 2003 at 09:28:29 (CST)
  58. Jawaab: Waxaan ahay gabar somali ah..
    Assalamu alaykum
    Walaal, ku soo dhawow bogga 2garre.com, faransa iyo meel kasta oo aad ku noolaataba waxaan kuu rejaynaynaa bash bash iyo barwaaqo. Mahadsanid.
    Hersi
    - Wednesday, December 24, 2003 at 16:23:20 (CST)
  59. Su'aal: Waxaan ahay gabar somali ah..
    Waxaan ahay gabar somali ah waxaan ku noolahay fransa .
    Mouna <kerjcr@aol.com>
    - Wednesday, December 24, 2003 at 16:23:20 (CST)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  2. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  3. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  4. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  5. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  6. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  7. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  8. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  9. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  10. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  11. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  12. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  13. zakada dahabka laga bixiyo..
  14. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  15. members of one of the Somali clans..
  16. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  17. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  18. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  19. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  20. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  21. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  22. qoladasi isku diin ma nihin..
  23. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  24. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  25. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..

  26. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  27. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  28. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  29. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  30. Sheekhow iisoo ducee...
  31. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  32. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  33. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  34. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  35. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  36. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  37. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  38. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  39. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  40. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  41. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  42. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  43. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  44. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  45. ma haboon tahay nin aan..?
  46. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  47. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  48. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  49. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  50. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  51. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  52. Mahadnaq iyo bogaadin
  53. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  54. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  55. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  56. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  57. Qof dhintay mala baryi karaa?
  58. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  59. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  60. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  61. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  62. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  63. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  64. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  65. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  66. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  67. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  68. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  69. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  70. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  71. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  72. Is Khat Haram or Halal?!
  73. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  74. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  75. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  76. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  77. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  78. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  79. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  80. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  81. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  82. waxaa jira in leeyga digay..!
  83. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  84. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  85. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  86. xukunka taariku salaadka
  87. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  88. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  89. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  90. Salaan iyo Bogaadin..

  91. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  92. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  93. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  94. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  95. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  96. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  97. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]