AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Islam in Somalia
Loox iyo Dugsilow

Masjidka Abdilaziz
Masjidka Abdilaziz
Soomaalidu waa ummad Islaam ah, caqiidadoodu waa Ashcariyo, mad-habtooda fiqhigana waa Shaaficiyo, Islaamkuna taariikh dheer buu ku leeyahay dalkeenna ee hadda sooma gelin sida ay wahhaabiyadu ku andacoonayso

Makkah
Pictures of Makkah

al_Madiinah
Pictures of Madiinah

Ma'thuuraat
More Islamic Pictures

Islamic Architecture
More Islamic Pictures

Ma xaaraan baa Waxyaabaha Xujaydu Xajka ka keenaan?

Assalaamu calaykum: Salaan kadib, waxaa akhristaayaasha qaarkood i waydiiyeen su'aalo, ayaga oo leh: Shiikhow, maadaama xajkii gudashadiisii laga soo laabtay, waxaa caado u ah muslimiinta Soomaalida iyo qaar kaleba in ay kolka ay xajka ka soo laabanayaan, soo qaadaan waxyaabo ay ka mid yihiin, tusbaxyo, biyo zamzam, cadayo lagu cadaysado, timir madiina laga keenay iwm oo ay aaminsanyihiin in ay waxyaabahaasi barakaysanyihiin, laakiin waxaan maqalnay dad leh, waxyaabahaasi waa bidco xaaraan ah, siiba wahhaabiyada ayaa sidaa dhahda. Sidoo kale waxay soo qaadaan kutub iyo buug badan oo sacuudiga lagu daabacay oo afaf badan ku turjuman sida soomaaliga, marka bal shiikhow naga jaahil bixi. Mahadsanid.

Jawaab: Assalamu calaykum: Intaa kadib, waa jirtaa in ay xujaydu soo qaadaan waxyaabo hadiyado ah sida kuwa aad sheegteen. Waxaana ugu muhiimsan:

1.Biyaha Zamzamka: Waana xalaal, bidcana ma aha, xaaraanna ma aha, sida xaddiiska nabiga nnk ku soo aroortay waa biyo daawo ah, wuxuu yiri nabigu: (Biyaha zamzam wixii loo cabo ayaa lagu helaa) macnaha, wixii loo cabo oo dan ah ama daawo ahaan ah waa lagu helaa.

2. Timirta loo yaqaan Cajwada: ee madiina laga keeno, ayaduna waa xalaal bidcana ma aha xaaraanna ma aha, taa daaye, waxaaba ammaanay nabiga oo yiri: qofkii ku jarmaata subaxdii timirtaas, sixir iyo sun toona ma dhibaan.

3. Tusbaxa: waa bannaanyahay, nabigu wuxuu faray in lagu wardiyo faraha, laakiin culumadu waxay dhaheen way bannaantahay in la adeegsado dhagaxyo ama laftimireed ama aleello xiran sida kuwa tusbaxa oo kale. Marka bidcana ma aha xaaraanna ma aha. Maxaa yeelay tusbaxu laf-ahaantiisu cibaado ma aha, ee waa aalad cibaadada loo kaalmaysanayo oo lagu xisaabinayo inta jeer ee qofku wardiga dhahay.

4. Kutubta Sacuudiga laga keeno: Waxaa loo baahanyahay in aad looga digtoonaado kutubtaas, maxaa yeelay waxaa qoray kooxda wahhaabiyada, waxaana ku qoran, kufri qayaxan, sida, tajsiimka iyo tashbiiha Ilaahay. Khaladaad badan oo xagga diinta ah, sida xaaraamaynta ay xaaraameeyeen waxyaabo badan oo xalaal ah. Waxyaabo badan oo ay bidco ku sheegeen sida tusbaxa oo aan runtii bidco ahayn. marka waxaa qof kasta oo muslim ah ku waajib ah in uu ka fogaado kana digtoonaado kutubtaas sumaysan. Siiba haddii uusan lahayn aqoon badan oo xagga diinta ah, oo uusan kala saari karin waxa toosan iyo waxa khaldan. Khayr baan idiin rejaynayaa, xajkana allaha idinka aqbalo.
Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed

Suugaan
Qoraallo
Akhbaarta Ahlusunnaha
ISLAAMKU WAA BARASHO EE BAAWSI MAAHA!
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
Si aad u Waydiiso Su'aal ama Fatwo:
Adeegso Emailkan: (fatwo@allahlusunnah.com)

QORAALLADA AHLUSUNADA
  1. Isbaheysiga La Dagaalanka Argagaxiisada
  2. Maxkamadehee Islaami ah? (Q.1aad, Xasan al-basri)
  3. Maxkamadehee Islaami ah? (Q. 2aad)

LA SOO DEG BUUG FREE AH
WAXAA QORAY DR. QAASIM HERSI FAARAH
  • Maxaa naloo cadaabayaa
  • Magdhawga dumarka
  • Madaxtinimada dumarka
  • Madaxwayne ha layga dhigo
  • Maahmaahyooyinkii la nasakhay
  • Mee magaceennii
  • Maaraynta Qashinka
  • Rukunnada Xukun oo la siibo
  • Miidaamin Siyaasadeed
  • TAAGEER AHLUSUNNAH WAL JAMAA'AH
    SADDAQO LA BAX: Walaal akhriste webka "ahlusunnah wal jamaacah". Wuxuu u khidmeeyaa arrimaha dacwada oo kaliya, ma aha web siyaasadeed ama qabiil leeyahay, ama koox gaar ah ku danaysato, waa web u gaar ah dacwada Islaamka iyo cilmibaarista la xiriirta diinta Islaamka, sidaa darteed waxaan kaa codsanaynaa in aad taageerto intii tabartaa ah, waxaad ku tabaruci kartaa wax yar sida ($10.0) ama wax ka yar, taas oo wax wayn noqonaysa, hadaba sadaqada haka bakhaylin dacwada Islaamka, si aan khidmadan bilaashka ah ugu soo bandhigno akhristayaasha.
    Qaabkee u bixin karaa tabarucaadka?
    1. Riix meesha ay ku taal (donate) ee ku masawirantahay calaamadda (Viza ama Master Card-ka).
    2. Haddii aad account ku leedahay Paypal, (Log in) ama gal accountigaaga, dabadeedna halkaa ka bixi tabarucaadka.
    3. Haddii aadan account ama xisaab ku lahayn paypal, bogga hoos u sii raac ee riix halka ay ku taal (continue), dabadeedna adeegso Viza ama master card-gaaga ama debit card-kaaga si aad tabaruca u bixiso.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]