AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    AASAASKA ISLAAMKA
    CAQIIDADA ISLAAMKA

    KELIMADDA ASHAHAATINKA

    Dhammaan dadka qaangaarka ah waxaa ku waajib ah in ay soo galaan diinta Islaamka uguna sugnaadaan si joogto ah, iyo gudashada wixii axkaam ah ee laga rabo. Waxaana ka mid ah waxyaabaha ay waajib tahay in la ogaado oo la rumeeyo xadla'aan laguna dhawaaqo isla markiiba haddii qofku kaafir ahaa, haddii kalena salaadda dhexdeeda lagu dhaho, kuwaas oo ah: Waxaan ka markhaati kacayaa in uusan ilaah jirin Alle mooyee, waxaanna ka markhaati kacayaa in Muxammad (NNK) uu Rasuulkii Alle yahay. Riix halkan

    (51) SU'AALOOD IYO JAWAABAHOODA OO KU SAABSAN CAQIIDADA ISLAAMKA

    1. Su'aal: Muxuu yahay waajibka qof kasta laga doonayo (faradka cayniga ah) ee cilmiga diinta ka mid ah?
    Jawaab: Waxaa ku waajib ah qof kasta oo qaangaar ah in uu barto qayb lama huraan ah oo ka mid ah caqiidada iyo dahaarada iyo salaadda iyo soonka iyo sakada qofkii ay ku waajibayso (sekadu) iyo xajka qofkii awooda, iyo (waxyaabaha keenaya) macsida qalbiga iyo gacanta iyo isha iwm. Eebbe wuxuu yiri: (Waxaad dhahdaa miyay simanyihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon) az-zumar: 9.
    Xadiiska: "Doonista cilmigu waxay farad ku tahay muslim kasta" waxaa weriyay al-Bayhaqi.Riix halkan

    AXKAAMTA XAJKA
    Xajka iyo cimraduna waxay qofka muslimka ah ee xorka ah ee qaangaarka ah ee awooda ku waajibayaan hal mar inta uu noolyahay. Ee ka dheeraad ah dayntiisa iyo degaankiisa iyo higiisa ku habboon iyo dheefta dadka dheeftoodu saarantahay inta uu sii socdo iyo inta uu soo socdo.Akhri

    AXKAAMTA SALAADDA IYO DAHAARADA

    SALAADAHA WAAJIBKA AH
    Waxaa waajib ah shan salaadood maalin iyo habeen kasta.
    Duhurka: oo waqtigiisu yahay kolka qorraxdu marto dhinaca qorrax dhaca Inta laga gaaro kolka wax kasta hooskoodu la mid niqdo.
    Casirka: oo waqtigiisu yahay waqtiga duhurka kadib inta qorraxdu ka dhacdo.
    Maqribka: oo waqtigiisu yahay wixii ka dambeeya qorraxdhaca iyo intii daruurta casi ka qarsoonto.
    Cishaha: oo waqtigiisu yahay waqtiga maqribka kadib iyo inta uu ka soo muuqanayo waaberigu.
    Subaxa: oo waqtigiisu yahay waqtiga cishaha kadib inta qorraxdu ka soo baxdo. Halkan riix

    AXKAAMTA SOONKA

    Eebbe wuxuu yiri: (Kuwa "Eebbe iyo Nabiga" rumeeyoow waxaa korkiinna lagu waajibshay soonka sidii loogu waajibshay kuwii idinka horreeyay waxaad mudantihiin in aad dhowrsataane) [al-Baqarah:183].
    Nabiguna –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri: "Qofkii sooma Rabadaan iimaan ahaan iyo asiga oo Eebbe dartiis u yeelaya waxaa loo dhaafaa wixii dambi ah ee uu hore u falay" Waxaa soo weriyay al-Bukhaari iyo Muslim. Akri

    SIDEE BAY KU SUGNAANAYSAA BISHA RABADAAN

    Eebbe wuxuu yiri: (Wuxuu Rasuulku idiinla yimaado qaata, wuxuu idinka reebana ka reebtooma, Eebbana ka dhowrsada Eebbe wuu cadaab daranyahaye) [al-Xashr:7]. Nabigeenniina nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, wuxuu inooga tegay xujo cad oo habeenkeedu maalinteeda oo kale yahay. Halkan riix

    MOWLIIDKA NABIGA CALAYHI AS-SALAM

    Taariikh Gaaban
    Imaam Sayuudi wuxuu ku yiri kitaabkiisa (al-xaawi lil-fataawaa, mujalladka 1aad bogga 189) mowliidka nabiga ayaa su'aalo la iska waydiiyay ma bannyahay oo wax la mahadshay ma ayay mise waa wax aan la mahadin, qofkii sameeyana wax abaal maris ah maka helayaa? Akhri

    Hijradii Nabiga ee Barakaysneed ee Maka iyo Madiina

    Eebbe ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, Eebbbihii Caalamka asiga ayaana nicmo iyo fadli iyo mahadnaq wanaagsan leh. Nabadgelyo iyo naxariisina ha ahaato Nabigeennii suubanaa korkiisa..Riix halkan

    AXKAAMTA SEKADA

    Xukunka Sekada
    Ma bannaana in sekada la siiyo cid aan ahayn siddeedda qolo ee Quraanku sheegay oo ah: (Saddaqada "Sekada" waxaa uun mudan fuqarada, masaakiinta, kuwa sekada ka shaqeeya, kuwa la soodhawayn laabtooda, kuwa addoonsiga ku jira, kuwa qaamaysan, kuwa jihaadaya, iyo midka socdaalka ah, waana faral Eebbe yeelay, Eebbe ayaana ah cilmi badane xigmad badan) [at-Tawbah:60]. Akhri maqaalkan

    HABEENKA KALABARKA BISHA SHACBAAN

    Bisha Shacbaan ee barakaysan waxay billaabatay 5tii bisha September 2005, sidaa darteed waxay 15 noqon doontaa 19ka September 2005. Xisaabidda bisha Shacbnaan waa muhiim maxaa yeelay, ayada oo ah bil barakaysan oo Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee laga soo weriyay in uu yiri: "Haddii la gaaro habeenka kalabara bisha Shacbaan, habeenkiisana salad u istaaga maalinteedana sooma" waxaa soo weriyay ibn Maajah".Halkan riix

    DHEELMINTA NABIGA NNK (AL-ISRAA' WAL MICRAAJ)
    Dheelminta nabiga waxaa caddeeyay Quraanka iyo xaddiiska saxiixa ah kolka waxaa waajib ah in la rumeeyo in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee Eebbe dheelmay habeennimo asiga oo Maka ka baxay oo masjidka al-Aqsaa u baxay. Halkan riix

    MAALINTA JACAYLKA - VOLONTAIN DAY!

    Caqiidooyinka Khaldan halaga digtoonaado: Sida ay reer galbeedku caadada ka dhigteen, sanad kasta marka la gaaro 14ka bisha Febaruary ayay u dabaaldegaan maalin ay ku tilmaameen maalinta jacaylka! Hadaba maxay tahay maalintaas? Qaarka wax ka qora taariikhda maalintaas waxay sheegeen in uu jiray nin la yiraahdo Volontain ama Volontainous oo jacayl dartiis u dhintay, ama xabsi ku jiray oo naagtiisa maalintaas u soo diray warqad ay ku taal "tani wa Volontain-kaagii" iwm.

    Waxaa kale oo qaar dheheen Volontain wuxuu ahaa wadaad Nasraani ah oo ragga iyo haweenka si qarsoodi ah isugu mehrin jiray waagii Roman-ku haysteen Roma oo ay xaaraameeyeen in wiilasha naago loo guursho maadaama dhallinyarada aanan guursan uga wanaagsanyihiin xagga ciidanka iyo askarnimada kuwa guursaday.

    Xaqeeqada Volontain day-da maxay tahay: Xaqiiqadu waxay tahay in Volontain ama Volontainous hadba sida loo yaqaan uu ahaa wadaad ka mid ah wadaaddadii diinta kirishtaanka fidin jiray qarnigii saddexaad ciise dabadiis, waadaadkan wuxuu akhriyay kitaabka loo yaqaan Injiilka, kolkaas buu arkay in wax wayn u dhexeeyaan Ilaaha uu ka hadlayo Injiilku iyo midka uu ka hadlayo Towreedku, Ilaaha towreedka ku qoran waa Ilaah askar wata oo malaa'ig naxariis daran la socoto, ilaaha ku qoran injiilka waa mid naxariis badan oo dadka jecel (waa sida ay u fasireene).

    Sidaa darteed, wuxuu aaminay Volontain in uu jiro Ilaah dadka jecel oo uu u baxshay Ilaaha jacaylka ama Ilaaha naxariista, kaas oo sida uu u fahmay asigu ka sareeya Ilaaha ku yaalla Towreedka ee Yahuuddu sheegaynayso (Yahooh ama Yahoo) hadba sida loo yaqaan.

    Sidaa darteed, Volontain wuxuu la soo baxay mad-hab cusub oo ku haboon Romankii qallafsanaa oo ah mad-habta Ilaaha naxariista badan ama Ilaaha jacaylka, waxayna ka koobnayd sidan: "in uu jiro Ilaah naxariis badan oo ah Ilaaha jacaylka, kaas oo ka sarreeya Ilaaha naxariis laawaha ah ee towreedka ku qoran ee malaa'ikta askarta ah wata, Ilaaha towreedka ku qoran wuu necebyahay dadka, asiga ayaana abuuray, taas ayaana keentay in dadku shar wataan, maxaa yeelay sharta waxaa keenay Ilaaha towreedka iyo malaa'ikta uu wato, waxaana dhammaantood ka sareeya Ilaaha jacaylka oo abuuray dhammaantood, sidaa darteed, Ilaahaas jacaylka dadka wuu jecelyahay waana naxariistaa, waana midkii Ciise isku lifaaqay si uu aadanaha u caawiyo. (waa sida uu u dhigay Volontain).

    Volontain kadib waxaa mad-habtaas aad u fidshay "Marqiyuun" oo ahaa ardaygiisii. Marka mad-habta jacaylka ama waxa loo yaqaan (Volontain day) waa taas, Volontain kama hadlin maalin la yiraahdo maalinta jacaylka, laakiin waa laga sameeyay. Sidaa darteed muslimiinta waxaa la gudboon in ay ka digtoonaadaan madaahibta khaldan iyo caqiidooyinka habowsan.

    Carruurtiinna bara in ay xusaan Mowliidka iyo Munaasabadaha Islaamiga ah: carruurta waa in la baro munaasabadaha Islaamiga ah sida dhalashada sanadka hijriga, dhalashada Nabiga nnk, munaasabadaha waawayn ee Islaamiga ah, siiba carruurta joogta qurbaha ee ku dhexnool umadaha aanan Islaamka ahayn.

    Haddii kale waxay xusayaan kirismiska iyo Volontainka iwm, sidoo kale waa in la baraa heesaha iyo nashiidka islaamiga ah, haddii kale waxay u heesayaan kirismiska iyo munaasabadaha nasaarada iyo yahuudda, marka muslimiinta waxaa la gudboon in ay xadaaraddooda carruurtooda baraan.

    (Haddii aad carabiga ku fiicantahay, Faahfaahin dheeraad ah, ka fiiri buuggayga al-khilaafat al-fikriyyah, fasalka 9aad, bogga 168-169, halkan kala soo deg asiga oo free ah.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]