|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    HIJRADII NABIGA NNK

    Hijradii Nabiga ee Barakaysneed ee Maka iyo Madiina

    Eebbe ayaa mahad oo dhan u sugnaatay, Eebbbihii Caalamka asiga ayaana nicmo iyo fadli iyo mahadnaq wanaagsan leh. Nabadgelyo iyo naxariisina ha ahaato Nabigeennii suubanaa korkiisa.

    Wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Haddaydaan u gargaarin (nabiga) hubaal Eebbe ayaa u gargaaray kolkii ay bixiyeen kuwii kufriyay asigoo labo midkood ah markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxibkiis ha murugoon Eebbe ayaa inala jiree) [at-Towbah: 40].

    Gaarsiinta Dacwada Islaamka
    Kolkii Nabiga nnk la soo baxshay, Eebbe wuxuu faray nabiga in uu dadka dacwada gaarsiiyo oo u digo dagaal la'aan, kolkaas buu nabigu ugu yeeray mushrikiintii Carabta asiga oo kula kulmaya meelaha ay isugu yimaadaan munaasabadahooda asiga oo ku dhahaya: "War dadow dhaha: Ilaah aan Eebbe ahayn ma jiro, aad liibaantiine", oo ugu yeeraya caddaaladda iyo samafalka iyo akhlaaqda wanaagsan oo isla markaa ka reebaya munkarka iyo dulmiga.

    Hijrada 1aad ee Xabashada
    Kolkaa waxaa rumeeyay dadka qaarkood sida Abuu baker iyo Cumar iyo Cusmaan iyo Cali iyo Bilaal Allaha ka raalli noqdee dhammaan. Waxaana kufrigii ku haray dadkii badankooda, kolkaas bay billaabeen in ay dhibaateeyaan asiga iyo asaxaabtiisa, kolkii dhibaatadu ku badatay ayaa qaar asaxaabta ka mid ah u haajireen dalka Xabashada waxayna ahaayeen siddeetameeyo oo ay ka mid ahaayeen Cusmaan bin Cafaan, iyo Jacfar bin Abii Daalib, Eebbe haka raalli noqdee.

    La kulankii Reer Madiina
    Nabiguna wuxuu waayahaa la kulmay qaar ka mid ah qabaa'ilka carabta reer Madiina oo ah reer Aws iyo reer Khazraj, kolkaas buu ugu yeeray Islaamka, markaas baa qaar Islaamay, kadibna tiradoodu way korortay sanadkii xigay, markaas baa nabigu nnk u diray Ibn Ummi maktuum iyo Muscab bin Cumayr Eebbe ha ka raalli noqdee, si ay Qur'aanka u baraan kuwa islaama, kuwa aan islaaminna ugu yeeraan dacwada Islaamka, kolkii nabiga nnk taageerayaashiisu ku bateen Madiina ayaa Eebbe faray muslimiinta in ay haajiraan.

    Hijradii Madiina
    Kolkaas baa muslimiintii haajireen ayaga oo kooxo ah, kadibna nabig nnk ayaa haajiray oo ka haajiray Maka oo ah meeshii uu ku dhashay oo ahayd magaaladii uu ugu jeclaa magaalooyinka Ilaahay oo dhan asiga oo u dulqaadanaya dhibaaatooyinka waxaana la baxay Abuu Bakar, kadib markuu ku nagaaday Maka intii nabinimada loo soo baxshay kadib saddex iyo toban sano asiga oo dadka towxiidka ugu yeeraya iyo in ay shirkiga ka tagaan.

    Hijradiisuna ma ahayn baqdin ama cararid uu ka cararayo kufaarta, ee waxay ahayd fulin uu fulinayay amarkii Ilaahay, hijradiisuna ma ahayn adduunyo jacayl ama raaxaysi dartiis u dhoofid, maxaa yeelay gaaladii quraysh ayaa ku dhahay Abuu Daalib " waxaad ku dhahdaa wiilkan aad adeerka u tahay, haddii uu maal rabo waan u soo uruurinaynaa oo siinaynaa inta uu ka noqdo midka inoogu hodonsan, haddii uu madaxnimo rabana madax baan ka dhiganaynaa" kolkaas baa Abuu Daalib u soo galay Nabiga oo ku yiri wixii ay u soo sheegeen, kolkaas buu nabigu nnk yiri: "Wallaahi Adeerow, haddii ay qorraxda saari lahaayeen gacantayda midig dayaxana bidixdayda, si aan arrinkaan uga tago, kama aanan tageen, inta uu Eebbe ka soo bixinayo ama aan fidintiisa ku dhimanayo"

    Ujeeddada Hijrada Nabiga nnk
    Waxay ahayd hijradu mid jidkii Ilaahay ku taagan oo loogu talagalay in lagu dhiso caddaaladda iyo xaqa iyo dowladda iimaanka iyo in lagu fidsho towxiidka dhammaan hareeraha adduunka, waxayna ahayd howl loogu jiray sidii loo ururin lahaa intii rumaysan risaalada samaawiga ah iyo midaynta xooggaggii awoodda u yeeshay markaa kadib Eebbe idankiisa in ay ka guulaystaan xoogaggii kufriga iyo shirkiga.

    Hijradii Cumar Bin al-Khaddaab
    Tusaale ahaan Cumar bin al-Khaddaab wuxuu ka soo baxay Maka asiga oo la socda afartan ka mid ah dadkii la dhibaateeyay ayada oo maalin cad ah asiga oo seeftiisii siibtay oo ku yiri madaxdii quraysh cod xoog leh: "Qurayshay, midkii idinka mid ah ee doona in madaxiisa la gooyo ama hooyadiis waydo ama naagtiisu garoobowdo ama carruurtiisu agoomowdo ama naftiisu go'do ha iisoo raaco toggaan gadaashiisa anigu waxaan u haajirayaa Madiino e'". Markaa midkoodna kuma dhiirran in uu u diido hijrada.

    Dhagarta Gaaladii Quraysh
    Waxayna ahaayeen mushrikiinta qurayshtu kuwa ku tashaday in ay nabiga nnk dilaan, kolkaas bay qabiilo kasta ka soo qaadeen nin xoog leh oo gob ah si ay mar kaliya ugu dhuftaan seefta si magtiisa loogu qaybsho qabiilooyinka, kolkaas baa Jibriil u yimid Rasuulka Ilaahay nnk, wuxuuna faray in uusan seexan habeenkaas gogoshiisii uu seexanjiray wuxuuna ogaysiiyay dhagarta ay la doonayaan Eebbena wuxuu ku soo dejiyay: (Markii ay ku dhagrayeen kuwii kufriyay si ay kuu joojiyaan ama kuu dilaan ama kuu fogeeyaan, way dhagrayaan Eebbana wuu abaal marinayaa, Eebbe ayaana ugu khayr roon intii wax abaal Marisa) [al-Anfaal:30].

    Dhagartuna xagga uunka ka timaadana waa xumaan iyo been sheegid, haddii ay Eebbe ka timaadase waa abaalmarinta kuwa wax dhagraya ayada oo la ciqaabayo ayaga oo aan ogayn, kolka Eebbe ayaa kaga xoog badan gaarsiinta dhibaatada kuwa wax dhagraya mid kasta oo wax dhagra asiga oo ku abaalmarinya dhagartooda.

    Bixitaankii Nabiga iyo Abuu Bakar
    Kolkaas baa nabigu nnk u yeeray cali bin Abii Daalib Eebbe haka raalli noqdee, kolkaas buu faray in uu seexdo gogoshiisa oo uu hugto go' cagaaran oo uu lahaa, kolkaas baa Cali sidaa yeelay, markaas baa Nabigu nnk baxay ayada oo raggii sugayay ee in ay dilaan doonayay ay irridkiisa taaganyihiin asiga oo akhrinaya: (Yaasiin, Quraan ka xigmadda leh ayaan ku dhaartaye) [Yaasiin: 1-2], inta laga gaaro (Waana indha tirnay oo wax arki mayaan) [Yaasiin: 9].

    Qaaru Thowr
    Markii ay waabariisteen ayay waxay arkeen ayag oo Cali kortaagan, kolkaas bay waydiiyeen Nabigii nnk, kolkaas buu u sheegay in uu baxay, markaas bay fardo fuuleen oo dhinac kasta u raadsheen. Nabiguna nnk wuxuu la baxay Abuu Bakar Eebbe haka raalli ahaadee, intii ay ka gaareen "Qaari Thowr" kolkaas bay galeen, markaas baa waxaa yimid caaracaaro oo illinkiisa xuub ku daahday, qoollayna intay timid bay ku ukumaysay oo fariisatay, kolkii ay colkii Quraysh yimideen godkii ayaa Abuu Bakar yiri Allaha ka raalli noqdee: "Nabi Allow, haddii midkood eegi lagaa lugihiisa wuu ina arki lahaa", kolkaas baa nabigu nnk yiri: "Abuu Bakarow, maxaad u malaynaysaa laba qof oo Eebbe saddexeeyo" oo ah "oo Eebbe gargaarayo" taasna ujeedadeedu ma aha in Eebbe uu la joogo meeshaas, Eebbana wuu ka nasahanyahay gelitaanka iyo meelaha iyo aagagga, wuuna ka nasahanyahay sifooyinka uunku leeyihiin, wuxuu yiri Eebbe kor ahaayee: (Wax Ekaankiisa ah ma jiraan) [ash-shuuraa: 11]. Kolkii uu gaaray Nabigu nnk Madiina maalin Isniin ah Bishii Rabiicul Awal, muslimiinta ayaa ku soo dhaweeyay farxad dadkiina way u bogeen imaatiinka nabiga nnk.

    Midayntii Muhaajiriinta iyo Ansaarta
    Nabiguna wuxuu ku magacaabay magaalada Yathrib al-Madiinah al-Munawarah, wuxuuna walaaleeyay muhaajiriintii iyo dadkii reer Madiina oo uu ku magacaabay al-ansaar, wuxuuna dhisay masjidkiisa iyo aqalkiisa, muslimiintiina waxay noqdeen kuwa midaysan oo aanuu kala gaynayn damac adduunyo, xasad iyo uurxumana kala fogaynayn, waxay noqdeen sidii dhisme adag oo qaarkiis xoojinayo qaarka kale, waxayna isu jeclaayeen oo isugu naxariisanayeen sidi jirka oo kale, haddii xubin ka mid ah ka xanuunsato jirka intiisa kale ayaa xanuun iyo hurda la'aan qabsanaysaa.

    Ansaartiina waxay soo dhaweeyeen walaalahooda muhaajiriinta ah, waxayna la garab istaageen kaalme iyo taageero intii ninka Ansaariga ah uu la qaybsaday xoolihiisa iyo hantidiisa ninka Muhaajirka ah ee walaalkiis ah.

    Hijradii Nabiga ka dib
    Sanadkii 1aad ee hijriyada ayaana Cabdullaahi bin Salaam Islaamay, wuxuuna ahaa caalimkii Yahuudda ee Madiina asiga ayaana ugu aqoon badnaa culumadooda, isla sanadaas ayaana addinka salaadda la sharciyeeyay, waxaana yimid amarka salaadda loo dukanayo xagga baytul muqaddas toddoba iyo toban bilood ka hor markaas, kadibna waa la nasakhay oo waxaa la faray in ay u laabtaan ujeesashada Kacbada, taasna "bidaa'" (baraarugid) in Eebbe loo nisbeeyo tusi mayso, sida ay Yahuuddu ku andacootay, maxaa yeelay Eebbe cilmigiisu isbedeli maayo, taa daaye, wuxuu caalim ku ahaa mar hore isbeddelka ku dhici doona xaalka adoomihiisa, wuxuuna ku falayaa addoomihiisa wixii uu doono.

    Geeridii Nabiga iyo Duugiddiisii
    Sanadkii tobnaad ee hijriyada ayuu nabigu nnk geeryooday waxaana lagu duugay al-Madiina al-Munawarah meeshii uu ku geeryooday oo ahayd qolka sayyidah Caa'ishah Eebbe haka raalli ahaadee, waxayna ahayd geeridiisu subaxdii Isniinta, laba iyo tobankii Rabiicul Awal.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]