AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    Sekada Bixinteeda

    Xukunka Sekada
    Ma bannaana in sekada la siiyo cid aan ahayn siddeedda qolo ee Quraanku sheegay oo ah: (Saddaqada "Sekada" waxaa uun mudan fuqarada, masaakiinta, kuwa sekada ka shaqeeya, kuwa la soodhawayn laabtooda, kuwa addoonsiga ku jira, kuwa qaamaysan, kuwa jihaadaya, iyo midka socdaalka ah, waana faral Eebbe yeelay, Eebbe ayaana ah cilmi badane xigmad badan) [at-Tawbah:60].

    Sidaa ayayna isku raaceen culumada afarta mad-habadood iyo inta kaleba, kolka isku day in aad sekada siiso ciddii mudnayd hana degdegin oo ha siin cid aanan ahayn kuwa la sheegay:

    Dadka Sekada la siinayo
    1. Fuqarada: waana kuwa aanan haysan badhka baahidooda (baahidooda kolka laba loo qaybsho qayb ka mid ah) oo cunto iyo dhar iyo degaan (meel ay degaan) iwm oo ah waxyaabo lagama maarmaan ah.

    2. Masaakiinta: Waa kuwa haysata baahidooda badhkeed iyo wixii ka badan hase ahaatee, baahidooda oo dhammaystiran ma haystaan.

    3. Kuwa ka shaqaynaya sekada: waa kuwa ay magacawday dowladdu si ay uga soo aruurshaan sekada dadka xoolaha haysta oo aanan mushaar looga qorin baytul-maalka, kooxdanna manta ma jiraan, sidaa darted, qaybtoodu way dhacaysaa.

    4. Kuwa la soo dhawaynayo laabtooda: Waana kuwa diinta soo galay dhawaan oo niyaddoodu liidato oo aan la qabsan bulshada Islaamka kolka waxaa laga siinayaa qayb sekada si niyadooda loo xoojiyo.

    5. Kuwa la addoonsanayo: Waana addoomaha heshiiska saxiixa ah galay (si ay isu xoreeyaan) kolka waxaa wax laga siinayaa sekada, dadkaasina waa kuwa kula heshiiyay qofkii addoonsanayay in haddii ay intaas oo lacag ah siiyaan ay xoroobi doonaan, waayahanna way adagtahay in dadkan oo kale la arko.

    6. Kuwa qaamaysan: Waana kuwa dayn badan lagu leeyahay ee awoodi waayay in ay iska dhiibaan.

    7. Kuwa jihaadaya: Waa kuwa jihaadka iskaa-waxu-qabso ku aaday oo aanan mushaar qaadanayn. Wuxuu ku yiri Abuu Xayyaan tafsiirka "an-Nahr al-Maad" (jidka Eebbe) waxaa looga jeedaa "mujaahidka" oo wax laga siinayaa sekada. Imaam al-Raazi-na wuxuu tafsiirkiisa ku yiri: (jidka Eebbe) mufasiriintu waxay dhaheen waxaa looga jeedaa "mujaahidiinta".

    Kolka ma bannaana in loo fasiro (jidka Eebbe) fal kasta oo wanaagsan maxaa yeelay sidaa cid tiri oo culumada mujtahidiinta ah ka mid ah ma jirto. Haddii uu ahaan lahaa fal kasta oo wanaagsan mid soo gelaya weedhii Ilaahay ee ahayd (jidkii Eebbe) rasuulku –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- ma uusan dhaheen: "Mid hodon ah wax kuma laha sekada mid xoogleh oo shaqaystana wax kuma laha" waxaa soo weriyay Abuu Daa'uud.

    8. Midka Socdaalka ah: waana midka safarka ah ee jiscinkiisii go'ay oo aanan helayn wax uu ku cidgalo oo isla markaana jooga dalka sekadu taallo, kolka waxaa xoolaha sekada laga siinayaa wax ku filan si uu safarkiisa u dhamaystirto uguna laabto dalkiisii.

    Digniin ku socota Muslimiinta
    Hadaba hakadigtoonaadeen kuwa aruurinaya sekada ee masaajidda iyo isbitaallada iyo iskuullada ku dhisaya iwm oo mashaariic kale ah, qofkii sekadiisa siiya qof waxyaabahaa ku dhisaya sekadiisu ma ansaxayso waxaana ku waajib ah qofkaa in uu dib u baxsho sekadii mar labaad asiga oo siinaya dadkii mudnaa, wuxuuna yiri Rasuulku –nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- "Dad ayaa iska faragelinaya xoolaha Ilaahay xaqdarro, kuwaasi naar bay leeyihiin maalinta qiyaamaha" waxaa weriyay al-Bukhaari.

    Sekada siyaabaha loo bixinayo
    Sekadu waxay ku waajibaysaa: 1. Geela. 2. iyo Lo'da. 3. iyo Ariga 4. iyo Timirta. 5.iyo Sabiibka. 6. iyo Abuurka la quuto marka la doono. 7. iyo Dahabka. 8. iyo Qalinka. 9. iyo Macdanta. 10. iyo Ceeriinka labadaa (dahabka iyo macdanta). 11. iyo Xoolaha ganacda ah. 12. iyo Sekada fitriga (oo dadka laga rabo).

    Sekada Xoolaha
    - Sekadana waxaa laga qaadayaa geela haddii tiradiisu shan gaarto.
    - lo'dana soddon.
    - arigana afartan.
    Intaa wax ka yarna seko lagma rabo, waana lagama maarmaan in dawgu u dhammaado, waana in ay xoolo daaq ah yihiin oo u soofaan daaq furan ujeedadu waa in qofka xoolaha leh ama qofka uu u dhiibtay daajiyo xoolaha daaq furan oo aanan cidna u gaar ahayn. Waana in aanay ahayn gaadiid, maxaa wacay xoolaha beeraha lagu falo iwm seko kuma waajibto.

    Kolka shan kasta oo geel ah waxaa ku waajib ah ri'. Afartankii ari' ahna sabayan ilka dhacsatay ama ceesaan laba jir ah baa ku waajibi. Soddonkii lo' ahna dibi gu' jir ah ayaa ku waajibi.

    Haddii xoolohiisu intaa ka bataanna dheeraadka seko ayaa ku waajibaysa. Waxaana qofka xoolaha leh ku waajib ah in uu barto wixii Eebbe ku waajibshay korkiisa ee dhinaca xoolaha ah.

    Sekada Miraha
    Timirta iyo sabiibka iyo miraha nisaabkeedu wuxuu ka billaabanayaa shan qul. Waana saddex boqol oo sacab oo ah sacabkii Nabigeenna nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee qiyaaskiisuna wuxuu yaallaa xijaas.

    Wixii dowga soo go'ana waa la isu gayn si ay nisaabka u dhamaystiraan, laba jaad oo kala duwanna la isku dhamaystiri mayo sida qamadiga iyo masaggada.

    Waxay sekadu ku waajibaysaa miraha bislaaday kolka ay gaaraan goortii la cuni lahaa, sekana kuma waajibto cinabka aan bislaan iyo timirta ceeriin, iyo bicirta.

    Toban dalool ayaa ku waajibaya haddii aan waraabinteeda xoolo ku bixin. Haddii waraabinteeda xoolo ku baxaanna intaa barkeed ayaa ku baxaysa. Wixii nisaabka ka dheeraad ahna qaybtiisa ayaa laga bixinayaa. Wixii nisaab ka yarna seko malaha in qofku iska sadaqaysto mooyee.

    Sekada Macdanta
    - Dahabka sedkiisuna waa labaatan mithqaal (Mithqaalku waa beeg hore oo aan hadda la adeegsan, hase ahaatee culumadu waxay ku qiyaaseen nisaabka qalinka 594.124 garaam, dahabka saafiga ahna 84,875 graam). qalinkana lababoqol oo dirham. Waxaana labadaba ku waajibaya tobandaloolkii afar udhiggiis wixii intaa ka badanna waa la xisaabin.

    Sekada Ganacsiga
    Waana in dowgoodu go' haddii aysan ahayn wax uu helay oo ama macdan ah ama kayd ah waa in uu kolkaa islamarkaa baxsho (sekadooda) kaydkana waxaa ku waajib ah shan u dhig.

    Sekada ganacsiga qaybteeduna waa moodkii lagu soo geday inta uu la egyahay, moodkuna waa dahabka iyo qalinka, dowga dhammaadkiisa ka horna go'imayaan, waxaana ku waajibaya afardaloolka tobanudhigga qiimaheedii. Xoolaha wadaagga ahna ama lawadaago waa sidi midka kelida qayb ahaan iyo bixinta haddii shuruuddiisu dhammaystiranto.

    Sekada Fidrada
    Sekada Fitraduna waxay ku waajibaysaa haleelidda qayb rabadaan ka mid ah iyo qayb shawwaal ka mid ah, qofkasta oo muslim ah iyo qofkii ay quudintiisu saarantahay waxaa ku waajib ah, haddii ay muslimiin yihiin, midkasta afar sacab (Mud) waana labada sacab oo buuxda , waxayna noqonaysaa (1650g oo Qamadi ah) ama (1kg iyo 650g) oo ah cuntada magaalada laga cuno tan u badan ah, haddii ay ka soo haraan dayntiisa iyo marashadiisa iyo hoygiisa iyo cuntadiisa iyo cuntada dadka in uu quudsho laga rabo maalinta ciidda ah iyo habeenkeeda.
    Waxaana waajib ah in la niyaysto jaadadka sekada oo dhan kolka la dhiibayo qaybtii la bixin lahaa.

    Qofkii doonaya in uu lacag baxsho
    Qofkii doonaya in uu lacag baxsho wuxuu bixinayaa qiimaha cuntada aan soo sheegnay, dadka Australia ku nool ee doonaya in ay halkan ku baxshaan sekada waxay bixinayaan AU$3.00 (Saddex Doollaar oo Australi ah).

    Qofkii doonaya in uu dal kale ku baxsho wuxuu bixinayaa cuntadaas qiimaha ay dalkaas ka joogto: Tusaale ahaan qofkii doonaya in uu Sekada Soomaalia ku baxsho wuxuu bixinayaa qiimaha cuntada aan soo sheegnay ka joogto Soomaaliya.


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]