AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin

Al-Quraan Al-Kariim
Sh. M. Kh. Al-Husri

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114

Islam in Somalia
Loox iyo Dugsilow

Masjidka Abdilaziz
Masjidka Abdilaziz
Soomaalidu waa ummad Islaam ah, caqiidadoodu waa Ashcariyo, mad-habtooda fiqhigana waa Shaaficiyo, Islaamkuna taariikh dheer buu ku leeyahay dalkeenna ee hadda sooma gelin sida ay wahhaabiyadu ku andacoonayso

Makkah
Pictures of Makkah

al_Madiinah
Pictures of Madiinah

Ma'thuuraat
More Islamic Pictures
Tirsiyadii SEJ
2 0 0 0
02.01.2000 09.01.2000
16.01.2000 23.01.2000
30.01.2000 13.02.2000
20.02.2000 27.02.2000
05.03.2000 12.03.2000
19.03.2000 26.03.2000
02.04.2000 09.04.2000

1 9 9 9
22.08.1999 15.08.1999
08.08.1999 01.08.1999
25.07.1999 18.07.1999
11.07.1999 04.07.1999
20.06.1999 13.06.1999
25.04.1999 11.04.1999
28.03.1999 21.03.1999
14.03.1999 07.03.1999
28.02.1999 28.02.1999
20.02.1999 14.02.1999
01.02.1999 25.01.1999
17.01.1999 10.01.1999
04.01.1999 28.12.1998

1 9 9 8
21.12.1998 14.12.1998
06.12.1998 29.11.1998
05.10.1998 28.09.1998
21.09.1998 13.09.1998
07.09.1998 31.08.1998
24.08.1998 17.08.1998
10.08.1998 03.08.1998
27.07.1998 19.07.1998
12.07.1998 05.07.1998
28.06.1998 21.06.1998
14.06.1998 07.06.1998
01.06.1998

Wahaabiyiinta Khawaarijta Casriga ee Al-shabaab oo Ceealsha Biyaha Magaalda Muqdisho ku dilay Sheekh Caan ah oo ka mid ahaa Culamada waaweyn ee Ahlu Sunna Wal-jamaaca

Mogadishu Friday, 2 January 2009
Allaha u naxariistee Sheekh Maxamad Ceelbuur ayey Kooxda Al-shabaab ku dileen xalay oo Jimci aheyd abaarihii 7:dii fiidnimo ee xilliga Muqdisho Gurigiisa oo ku yaala degaanka Ceelasha Biyaha Magaalada muqdisho , Sheekha ayaa kamid ahaa Culamaaudiinka Caanka ah ee (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) , nimanka dilay Sheekha ayaa la sheegay in ay ahaayeen Laba Nin oo afka soo duubtay kuna hubeysnaa Bastoolado, kuwaas oo kasoo raacay Masjidka oo uu kusoo tukaday salaadii Maqribka waxeyna Sheekha ugu galeen gurigiisa oo uu ku sugnaa, dabadeedna waxey u dhufteen ilaa afar xabadood , isagoo Sheehu Allaha u naxariistee isla goobtiiba ku nafwaayey.

Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Ceelbuur oo degaanka Ceelasha biyaha u tegay inuu booqdo qoyskiisa oo halkaasi degenaa, waxa uu markii la dilayay la joogay hooyadiis oo indho la’. Hadadba waxa ay Ehelada iyo Qoyska Sheekhu caddeeyeen in ay dilkiisa ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab , oo Maalmihii ugu danbeeyey kasoo yeerayeen Hanjabaado badan kadib markii ay ku guul dareysteen dagaallo adag oo ay la galeen Culamada (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) , iyagoo markii ay ku guul dareysteen dagaalkii fool-ka foolka ahaa hadda u badalay in ay si gaadmo ah ku dilaan Culamada. Sheekha ayaa isla maanta lagu aasay magaalada Muqdisho iyadoo aaskiisa ay ka soo qeyb galeen Culamaa’udiin , Siyaasiyiin , Shaqsiyaad caan ah iyo Dadweyne fara badan.

Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Ceelbuur oo ka tirsanaa Culamada (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) ayaa dilkiisa waxay astaan cad u tahay dagaalka kooxda Al-Shabaab ugu jirto inay dilal abaabulan ku fuliso Culamaa’udiinka Ahlu Sunna oo iyagu ah kuwo ku caan baxay fidinta diinta Islaamka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay ka soo aflaxeen Masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaala guud ahaan dalka oo dhan. Kooxda Al-shabaab waxey horay u dileen Horaantii Sanadkii tagay ee 2008 Sheekh Maxamed Kashka oo isagu ahaa Sheekh si weyn looga yaqiin Caana ka ahaa Magaalada Muqdisho kadib markii uu Sheekhu baadil ku tilmaamay dagaaladii ay jihaadka ku sheegeen ee ka socday dalka, waxaana sida dib laga xaqiijiyey dilkiisa ka dambeeyay kooxda Al-Shabaab.

dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa horay u sheegay inaysan Al-shabaab la dagaashanayn Culamada (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) , Xilli ay Dagaallo ba'an kula jireen Culamada (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) ee Gobolka Galgaduud sida magaalooyinka Guriceel Dhuusamareeb iyo Galinsoor , oo ay Shabaabku kusoo qaadeen Weeraro , islamarkaana waxa ay faraha kula jireen burburinta Qabuurihii Mashaaikhdiii waaweynaa ee Ahlu Tasawufka (Ahlu Sunna Wal-jamaaca) ay soo qufayeen lafahooda banaanka usoo saareen , iyagoo kadibna ka iibsaday Gaalo Talyaani iyo Israaiil ah oo iyaga la socday kuwaas oo ka duubanayey Filimaan , waxaa kale oo hadalka Roobow beeninaya meeshana ka saaraya , hadalada Hanjabaadaha ah ee uu mudooyinkanba Qalabka Warbaahinta u marsiinayey Culamada , sida muuqatana ay hadda ficil ahaan u fuliyeen Kooxdiisa Al-shabaabka, balse la kari doonee meeshii ay Al-shabaab la gaarto haatan kadib kuna danbeyso xaaladoodu , mar hadii ay arintoodii fashilantay diikrana ka caadaatay isla markaana daboolkii saarnaa ka wareegay.

Waxaa kale oo dhamaan shacabka Reer Muqdisho ogyihiin ama ay la socdaan in dhamaan dilalkii qorsheysnaa ee horay loogu geystay Saraakiishii Dalka iyo Shaqsiyaadii caanka ahaa xilligii ay socdeen dagaaladii maxkamadaha iyo mudadii ka danbeysayba , in Cidda ka danbeysay ay ahayeen kooxda Al-shabaab , taas oo sida dad badani rumeysan yihiin ay cadeymaha loo hayaa aad u badan yihiin walina iskasoo daba dhacayaan iyagoo cadeymahaasina mar dhow soo bixi doona.

Sidaa daraadeed Ahlu sunna Wal-jamaaca uma dulqaadan doonto Ciyaalka afafka duuban ee ay soo adeegsanayaan Wahaabiyiinta Khawaarijta ah ee ku dhex dhuumanaya Shacabka dhexdiisa waxayna Ahlu sunna si dag dag ah uga qaadan doontaa Arrintan Tallaabooyin ku haboon oo munaasib ku ah iyagoo tala saaranaya Rabbi (S.W) isla markaana kaashanaya Shacabka iyo dhamaan Waxgarada soomaaliyeed, inshaa Allaahu tacalaa.

Wabillaahi tawfiiq. Warqabadka Ahlusunna Wal-jamaaca.
Akhbaarta Ahlusunnada
Wararkii ugu Dambeeyay
  • Khawaarijta Wahaabiyiinta al-Shabaab..
  • Ahlu sunna wal-jamaaca oo hor istaagtay..
  • Waa Maxay al-Shabaab?!...

  • | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]