AHLUSUNNAH WAL JAMAACAH
Quran Sunnah Caqiido Fiqh Siiro Fatwada Firqooyinka Buug Xiriirin
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Makkah

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    Tirsiyadii SEJ
    2 0 0 0
    02.01.2000 09.01.2000
    16.01.2000 23.01.2000
    30.01.2000 13.02.2000
    20.02.2000 27.02.2000
    05.03.2000 12.03.2000
    19.03.2000 26.03.2000
    02.04.2000 09.04.2000

    1 9 9 9
    22.08.1999 15.08.1999
    08.08.1999 01.08.1999
    25.07.1999 18.07.1999
    11.07.1999 04.07.1999
    20.06.1999 13.06.1999
    25.04.1999 11.04.1999
    28.03.1999 21.03.1999
    14.03.1999 07.03.1999
    28.02.1999 28.02.1999
    20.02.1999 14.02.1999
    01.02.1999 25.01.1999
    17.01.1999 10.01.1999
    04.01.1999 28.12.1998

    1 9 9 8
    21.12.1998 14.12.1998
    06.12.1998 29.11.1998
    05.10.1998 28.09.1998
    21.09.1998 13.09.1998
    07.09.1998 31.08.1998
    24.08.1998 17.08.1998
    10.08.1998 03.08.1998
    27.07.1998 19.07.1998
    12.07.1998 05.07.1998
    28.06.1998 21.06.1998
    14.06.1998 07.06.1998
    01.06.1998

    Somali Related Sites
    [OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

    FADEEXOOYINKA IYO KUFRIGA WAHHAABIYADA!

    FADEEXOOYINKA KOOXDA AL-ITTIXAAD AL-ISLAAMI

    Fadeexooyinka kooxda al-Ittixaad wax la koobi karo maaha, waxaana ka mid ah fadeexooyinka caqiido iyo kuwa diimeed ee aan sida faahfaahsan u sharaxnay una naqdinay annaga oo raacayna manhajka cilmiga ah.
    Hase ahaatee, fadeexooyinka kooxdan kuma sinna kuwa diimeed oo kaliya, ee waxay fadeexooyin kuwaa la mid ah ka sameeyeen dhinacyada bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, caddaaladda, bani'aadannimada iyo xuquuqda haweenka iyo qaar kale oo badan.
    Maantana waxaan halkan akhristaha ugu soo gudbinaynaa cilmibaaris tifaftiran oo ay soo diyaarsheen dhallinyarada Soomaalida qaarkood ayaga oo ku mahadsan, si aan umadda Soomaaliyeed uga digno dhibaatooyinka kooxdaas fasahaadsan.
    Hadaba akhris wanaagsan. Waa maqaal dheer oo dulqaad u baahan ee u sabar, macluumaad badan ayaad ka helaysaaye. Towfiiqda Allaha idin waafajiyo. Akhri Maqaalkan

    WAHHAABIYADA SOOMAALIYA OO DAGAAL KU SOO DHAWEEYAY BISHA RABADAAN

    MOGADISHU, Somalia (AP) (October 3, 2005), Lix qof ayaa lagu dilay tobaneeyo kalena waa lag u dhaawacay dagaal dhexmaray kooxda Wahhaabiyada ee maamusha waxa ay ku magacaabeen "Maxkamadaha north Mogadishu" iyo Malayshiyada Abduqadir Beebe. Waxaa kale oo wararku sheegeen in dad badan ka carareen aqalladoodii dagaalkaas awgiis.

    KITAAB KA DIGAYA KOOXAHA LUNSAN EE SADDEXDA AH: WAHHAABIYADA, IYO KOOXDA XISBIGA IKHWAANKA EE SAYYID QUTUB RAACSAN IYO KOOXDA XISBIGA TAXRIIRKA EE RAACSAN TAQIYUDDIN AN-NABAHAANI

    Hordhac:
    Mahadi Eebbe ayay u sugnaatay, Eebbana ha u naxariisto Sayyidkeennii Muxamad ahaa ee Nabiga Ummigaa ahaa iyo ahalkiisii iyo asaxaabtiisii nabadna korkooda ha yeelo.
    Kolka Wahhaabiyadu waa koox raacsan Maxamad Bin Cabdulwahhaab oo dhintay sanadkii 1206H. Xisbiga Akhwaankuna waxay raacsanyihiin Sayyid Qutub oo Masri ah. Xisbiga Taxriirkuna waxay raacsanyihiin Taqiyuddin an-Nabahaani oo Falastiini ah. ||Qaybta 1aad||Qaybta 2aad||Qaybta 3aad||

    WAHHAABIYADA SOOMAALIYA (AL-ITIXAD) OO
    MAGAC SIYAASI AH OO CUSUB LA BAXAY!!
    W.Q: Sh. Dr. Hersi Aw Mohamed Labagarre
    Sydney, Australia
    Wahhaabiyada Soomaalida oo xuubsiibatay!
    Wahhaabiyada soomaalidu waxay maalmahan dambe wadday xusulduub xoog leh oo ay ugu jiraan sidii ay u aasaasi lahaayeen xisbi cusub oo siyaasi ah oo ay ku magacaabeen "Xisbiga badbaadada Qaranka". Akhri maqaalkan waa muhiim

    Maasooniyada iyo Kooxda Ikhwaanka!

    Sheekh Maxamad al-Qasaali oo kitaabkiisa Macaalim al-xaq ku caddeeyay in ay kooxda Ikhwaanku koox maasooniyo aasaastay tahay, oo uu Xasan al-Hudaybi xubin ka ahaa maasooniyada! Kitaabkan dabacadihiisa dambe waa laga tiray qoraalka uu sheekhu arrinkaa ku caddeeyay, Sheekh Maxamad al-Qasaali allaha u naxariistee, wuxuu ahaa Xasan al-Bannaa saaxiibkiis, laakiin kolkii Xasan al-Banna la dilay, oo kooxdii Ikhwaanka ay Maasooniyada Caalamiga ah gacanta u gashay ayuu ka baxay asigu, kolkaas buu kitaabkan qoray, hadaba rumayso ama ha rumaysan, waxaan halkan u soo gelshay qoraalkan in ay ku cibra qaataan kuwa Ilaahay ku fidneeyay kooxdaas si Ilaahay u soo hanuunsho. Halkan riix si aad u akhriso baalasha aan ka soo masawiray oo aan scan ku soo sameeyay. Toddobada sadar ee u hoosayda qoraalkan akhri!

    Fadeexooyinka Wahhaabiyada

    Qoraagii Caanka ahaa ee saxaafiga ahaa ee Masar Maxamad Xasanayn Haykal, maqaal uu qoray oo uu ku caddaynayo fadeexooyinka wahhaabiyada ayaan halkan ugu soo turjumay akhristayaasha si ay uga faa'iidaystaan uguna cibro qaataan oo u arkaan waxa ay tahay wahhaabiyadu. Halkan riix

    Fadeexooyinka Ibn Taymiyah!

    Ibn Taymiyyah oo ah ninka ay caabuddo wahhaabiyadu, kitaabkiisa (Majmuucu Fataawaa, juska 4aad, baalka 374, sadarka 3aad ilaa sadarka 11aad, wuxuu ku sheegay: in Ilaahay carshiga ku fariisan doono oo Nabi Muxamadna dhiniciisa fariisin doono, macnaha in ay carshiga iskula fariisan doonaan! Wuxuu ibn Taymiyyah ku andacooday in muslimiinta oo dhan iyo culumada islaamka oo dhan isku raacsanyihiin!! Wuxuuna xujo iyo daliil ka dhigtay tafsiirka israa'iiliyaadka ah ee uu soo weriyay ibn jariir! Subxaana laahi Ilaahow adigaa qaadir ah. Wuxuu yiri ibn Xajar al-casqalaani (kitaabkiisa ad-durar al-kaaminah) baalka 153: "Ibn Taymiyah wuxuu ismooday mujtahid, kolkaas buu culumada Islaamka oo dhan yar iyo wayn afjigay, ilaa uu Khaliifadii Cumar ka gaaray oo uu ku xukumay in uu khaldamay,.. Imaam Calina wuxuu ku yiri wuxuu ku khaldamay toban iyo toddoba mas'alo oo uu ku khilaafay Quraanka, .. wuxuuna caayay Imaam gazaali, culumada qaarna waxay dhaheen ibn Taymiyyah waa munaafiq, sababtuna waa hadalka uu imaam Cali ku yiri, iyo in uu yiri:Imaam Cali mid hooge ah buu ahaa meeshii uu u jeestaba, iyo in uu khilaafada isku deyay dhowr jeer uuna ku guuldarraystay, iyo in uu imaam Cali u dagaalayay madaxnimo jacayl dartiis, iyo in imaam Cusmaan maalka aad u jeclaa, iyo in uu yiri: Imaam Abuu Bakar wuxuu islaamay asiga oo duq ah oo waxa uu sheegayo garanayn, Calina wuxuu islaamay asiga oo carruur ah, carruurtana islaamkoodu ansixi maayo.."
    Hadalkaas waxaa qoray ibn Xajar al-casqalaani oo umadda oo dhan isku raacsantahay in uu caadil yahay, marka ibn taymiyah wuxuu u arkaa Abuubakar iyo Cali in aanan Islaamkoodu ansaxayn! maxaa yeelay midna asiga oo duq ah oo aan waxa uu sheegayo garanayn buu islaamay midna asiga oo carruur ah oo waxa uu sheegayo fahmayn buu islaamay!! Laaxowla walaa quwata ilaa billaahi.

    Wahhaabiyadu ha ku cibro qaateen
    Marka qofkii raba hadalkaas in uu hubsado ha u laabto kutubta aan sheegay, hana ogaado in aanan muslimiintu ixtiraamayn ninkii asaxaabta nabiga nnk u gafa, taa daaye, ninkii asaxaabta nabiga u gafa oo kufri ku xukuma asiga ayaa kaafir ah. Marka wahhaabiyooy, sheekhiinna aad caabuddaan ee aad "sheekhul islaam" ku magacowdeen waa kaas!! kolka yaa kaafir ah? ma annaga mise adinka? bal adinku isxukmiya, ninkii awliyada iyo nabiyaasha ku tawasula waxaad dhahdeen waa mushrik, kolka ninkii ibn taymiyah caabuda oo hadalkiisa mooyee hadal kale diida, oo wixii uu ninkaas xaaraameeyo oo kaliya u arka in ay xaaraan yihiin, oo wixii uu xalaaleeyo u arka in ay xalaal yihiin miyaa kaafir ah mise ninkii caqiidada ahlusunnada iyo jamaacada haysta ee madaahibta afarta ah ee Islaamka ku dheggan? Hadaba halagu cibra qaato hadalkaas. Halkan riix si aad u aragto waxa uu qoray ibn taymiyyah.

    CAQIIDADA WAHHAABIYADU KITAABKA IYO SUNNADA ASAL MA KU LEEDAHAY?

    Hordhac
    Toddobaadkii ina soo dhaafay maqaal ayaan liiska SEJ soo gelshay, kaas oo aan uga hadlayay arrimaha caqiidada iyo xaaladda muslimiinta guud ahaan. Alle mahaddiis, aad baa akhristayaashu ula dhaceen maqaalkaas iyo macluumaadkii ku qornaa ee qiimaha badnaa, waxayna ii sheegeen qaar badan in ay aad uga faa'iidaysteen. Akhri

    WAA MAXAY SALAFIYADU?

    Hordhac
    Toddobaadkii hore waxaan akhristayaasha ka ballan qaadnay in aan faahfaahinno waxa looga jeedo erayga (Salafiyo) oo asalkiisa ka yimid erayga (Salaf), sababtuna waxay ahayd in aan aragnay in dad badan oo taageerayaal u ah kooxo ka mid ah kuwa waalay caalamka Islaamka waqtigan aan maanta joogno sida kooxaha Wahhaabiyada.. Akhri


    CAJAA'IBKA WAHHAABIYADA!

    Hordhac
    Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaan ka hadalnay, qaybihii ugu dambeeyay ee caqiidada Wahhaabiyada iyo xiriirka ay la leedahay caqiidada kirishtaanaka. Dhowr dhallinyaro ah ayaa emaillo iisoo diray, badankoodu arday wax kororsanaysa sidood uma hadlayn ee sidii culumo ayay ii naqdinayeen!! Akhri


    MASIIBOOYINKA MANHAJKA WAHHABIYADA

    Hordhac
    Toddobaadkii hore waxaa ballankeennu ahaa in aan ka gudubno daraasada mowduuca Wahhaabiyada una gudubno kooxda Ikhwaanka loo yaqaan.. Akhri


    TAARIIKHADA KOOXDA AKHWAANKA

    Hordhac
    Inta aanan u gudbin ka hadlidda fikirka diimeed ee kooxda Akhwaanka waxaa marka hore habboon in aan figrad gaaban ka siinno akhristaha taariikhda kooxdan iyo heerarkii ay soo martay.. Akhri

    Kufriga iyo Kufrinta

    Waxyaabaha ay wahhaabiyadu umadda ku kufriso waxay ku salaysan yihiin toban qodob oo ay ku qortay wasaaradda diinta ee sacuudiga webkeeda! Marka si aan muslimiinta uga digno kooxdaas sharteeda iyo khaladkeeda ayaan halkan ku faahfaahinaynaa qodobadaas tobanka ah annaga oo mid kasta khaladkiisa iyo ceebtiisa sheegayna, hadaba akhris wanaagsan walaalayaal. Halkan riix

    KITAABKA TARJAMADA QURAANKA
    click to enlarge

    Kitaabkan oo ah Tarjamada Macnaha Quraanka ee la soomaaliyeeyay waxaan ku aragnay khaladaad aad u farabadan oo wahhaabiyadu ku dartay macnaha quraanka ayaga oo leexshay macnihii saxa ahaa ee Quraanka, khaladaadkaas halkan laguma soo koobi karo waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa ayyadda (Suuradda al-Baqara: aayadda 167) oo ay ka boodeen turjumiddeeda qaar ka mid ah. Iyo aayadda 26aad ee aali-Cimraan oo ay macnaha bedeleen, kuna fasireen (erayga mulki) Xukun!, maxaa yeelay waa umad Ilaahay ku ibtileeyay xukun jacayle. Khaladaadka kitaabkan ku jira meel gaar ah ayaan ku qori doonnaa ee la soco walaal akhriste. Walaalayaal waxaa loo baahanyahay in laga digtoonaado kufriga kooxda Ikhwaanka iyo wahhaabiyada oo la qabsado dariiqa alhu sunnada, sidaa darteed halaga digtoonaado. Wixii faahfaahin dheeraad ah walaalayaal igala soo xiriira webka ama emailka, waad mahadsantihiin. Halkan Riix

    KITAABKA TOWXIIDKA EE WAHHAABIYADA
    click to enlarge

    Kitaabkan waxaa la yiraahdaa (Kitaabka Towxiidka) waxaana qoray Maxamad bin Cabdulwahhaab oo ah ninkii wahhaabiyada aasaasay, sida kuu muuqata magac been ah ayaa dusha looga qoray si dadka loogu khaldo, magacaasi waa (Maxamad al-qasaali) oo ah (Imaam Abu Xaamid Muxamad al-qasaali) oo ah caalim wayn oo ahlusunno ah soomaaliduna kutubtiisa aad u akhrisato, marka si wahhaabiyadu ay u khaladdo soomaalida ayay magacii qoraaga beddeleen!! hadaba halaga digtoonaado kutubta jaadkan ah oo kutub badan ah dhammaan waxay ku qoran yihiin magacyo been ah waxaana ka buuxa caqiido been ah oo khaldan. Wixii intaa dheer ee faahfaahin ah walaalayaal igala soo xiriira emailkayga, si aan jawaab fiican idinkaga siiyo dhagarta wahhaabiyada iyo kooxda Ikhwaanka iyo gaalnimadooda. Hana la qabsado dariiqa ahlusunnada iyo jamaacada oo waddadii ay ku taagnaayeen culumadii hore ee Islaamka.

    FADEEXOOYINKA IYO KUFRIGA WAHHAABIYADA!
    WAHHAABIYADU KOLKII AY KA SOO BAXDAY SAXARAHA CARABTA QARNIGII 18aad BARTAMIHIISII WAXAY ISKU MAGACAWDAY MARKII U HORRAYSAY
    AL-MUWAXIDUUN!!
    Kadibna
    AL-IKHWAAN!!
    Kadibna
    AL-SALAFIYUUN!!
    Kadibna
    AHLUSUNNAH!!
    Haddana waxay u kala jabeen laba kooxood:
    1. AL-FIRQAH AL-NAAJIYAH!!
    (oo ay uga jeedaan, kooxda kaligood jannada geli doona!! oo ah firqo taageersan dowladda Sacuudiga, iyo)

    2. AL-QAACIDAH!!
    (oo ah firqo ka soo horjeedda dowladda Sacuudiga oo Maraykanku tababaray kharashna siiyo.)

    Muslimiinta kale oo dhanna waxay ku magacaabaan!
    "AHLU DACWO"!!
    OO AY KA WADAAN "KUFAAR"!!

    Mashruuca Kahortagga Fidnada Wahhaabiyada
    Haddii aad doonayso in aad taageerto mashruucan batanka hoose riix, ee intii aad doonto ee lacag ah ku tabaruc. Lacagta waxaa loo adeegsandoonaa, caddaynta buugta, cajaladaha iyo CDyada iwm. oo bilaash dabadeed lagu qaybin doono. Mahadsanid.

    Copyright 1998 - All rights reserved.
    Contact Us
    [Yahoo! News Search
    Yahoo! Yellow Pages
    [Yahoo! Quotes]
    Contact Us
    Webmaster - All rights reserved]