AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
BOGGA FATWADA IYO SU'AALAHA
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

Click to Enlarge
Su'aalahaaga waxaa ka jawaabaya
Sheikh Dr. Hersi Aw. Mohamed
(Dip., B.A, M.A, Ph.D in Islamic Studies)
Takhasuska: Usul ad-Diin (al-Aqidah)
(Khibrad: 20 sano ayuu macallin iyo muxaadir ka ahaa jaamicadaha iyo macaa-hidda iyo iskuullada, Somalia, Jordan, Malaysia, Brunei iyo Australia).
(Mufti: Mac-hadka fatwada ee jaamicadda Islaamka ee Malaysia 2002-2004).
(Hadda wuxuu ka shaqeeyaa: Daarul fatwa- Australia).

Haddii aadan qoraalkaagii arag, fadlan "Reload ama Refresh"
F.G: Haddii aad ka qayb qaadato forumkan waxaa laga yaabaa in ay emaillo iyo qoraallo kaa soo garaan.

  1. Jawaab: Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
    Walaal, adiga oo ku mahadsan figradda aad ka dhiibatay ururrada Islaamiga ah, ayaan doonayaa in aan kugu biirsho arrimahan:
    1. Marka hore, waa in aad kala saarto islaamka iyo ururrada Islaamiga ah. Islaamku waa diin jirtay kun sano in ka badan, haddana jiri doonta, ururrada islaamiga ahna waa kooxo yimaada oo baaba'a kolka ay joogaan dhowr sano.

    2. Urur kasta oo sheegta in uu Islaami yahay, ma aha mid xaq ku taagan, maxaa yeelay ku taagnaashada xaqa iyo sheegashada (urur islaami ah) waa laba arrimood oo aanan wax xiriir ah ka dhaxayn.

    3. Waqtiga maanta la joogo kooxo badan oo Islaami sheegta ayaa jira, oo aan ognahay in qaarkood ay islaamka dhib mooyee aanay dheef u soo jiidin.

    4. Ogow, ka hadlidda iyo naqdinta iyo dersidda kooxaha Islaamiga isku sheega, waa arrin bannaan oo sharciga waafaqsan islaamkana kama soo horjeeddo, taas daaye, waaba arrin waajib ah oo culumada looga baahanyahay in ay caddeeyaan kooxahaas waxa ay yihiin iyo taariikhdooda iyo manhajkooda si shartooda looga digtoonaado khayrkoodana loogu dheefsado.

    5. Kolka aan kooxaha islaamiga ah ka hadlayno, nacayb iyo colaad uma qabno kooxahaas, ee cilmi ahaan uun baan u dersaynaa, wixii ceeb ah ee aan ku aragno waan sheegaynaa annaga oo daliilkeenna wadana, si muslimiintu uga feejignaadaan.

    6. Ugu dambaystii, qofka muslimka ah, waajib kuma aha in uu koox isku lifaaqo, diintu inama farin in aan kooxo raacno, oo waaba inooga digtay, laakiin waxaa inala faray in aan kitaabka ilaahay iyo nabigiisa raacno, haddii aad kolka koox raacdo ama aad nin raacdo, khatar waxaad ugu jirtaa in aad lunto, maxaa yeelay kooxaha islaamiga isku sheegaya badankooda xumaantooda ayaa samaantooda ka badan.

    Ugu dambaystii, annagu muslimiinta wanaag uun baan la doonaynaa, diin gaar ah iyo koox gaar ahana ugu yeeri mayno, ee kitaabka ayaan ugu yeeraynaa, waxaanna uga digaynaa in ay iska jiraan kooxahaas, maxaa yeelay muslimiinta saiiba soomaalida oo ah kuwa aan ka dhalanay, waa dad caamo ah oo aanan tacliin lahayn, sidii lagu dhagraana way sahlantahay.
    Dr.Hersi
    - Tuesday, April 30, 2002 at 07:34:45 (CDT)
  2. Figrad: Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
    bismilaahi raxmaani raxiim
    waxaan halkan ka dhiibanayaa su'aal taas oo ku saabsan ururada islaamiga ah. ugu horeyntii waxaaan raacsanahay in jihaadku noqdo mid waafaqsan kitaabka alle iyo sunnadii rasuulka,dadka muslimiintuna ay helaan nabad hadii la siiyo. walaalkayow miyaan laga fiicneyn inaad carabka ku balaadhisid ururo islaami ah oo aaminsan inay dacwo wadaan waxaa ila qurux badan in la eego dhibaatada guud ee islaamka lugu hayo, oo ay isu raaceen dadka aan islaamka aheyn, anigu waxaan joogaa india maalin walba waxa la gubaa dad islaam ah oo waxaba aan galabsan, sidaa oo kale ayaa meelo badani dhib ka jirtaa oo weliba aad u naxdin badan. walaal ha ku hoos noqon bulshada islaamka dhexdiisa hana la joojiyo fikir weerarka. raali iga ahow hadii aad tahay qof iga sax san
    omar jama abtile <abtile10>
    - Monday, April 29, 2002 at 09:51:44 (CDT)
  3. Bogaadin: Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
    ASSALAMA CALAYKUM. WALAL DR. HIRSI SALANATA KOR KU XUSAN BACDIGEED AAD BAAD UGU MAHADSAN TAHAY QORAALADAA QIIMAHA BADAN LEH. MAHDASIN AGAIN W/SALAAMA CALAYKUM.
    jiihaan ali ahmed <jiihaan>
    - Sunday, April 28, 2002 at 09:50:12 (CDT)
  4. Taageero: waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
    Salaan, dhamaan waxaan in dhaweydba akhrisanayey doodaha diiniga ah ee ka socda boga SEJ. Run ahaan qeylo badan iyo sawaxan ayaa halkaa uga jeedaa taas oo ay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi waayo, fikrad cilmiyeysan ayuu bixinayaa.

    Laakiin dadka kale ee doodaha ama fikrada amaba su,aalaha ay soo bandhigayaan qaar aan dhadhan fiican laheyn. Waxaan odhan lahaa in aaney shirka is keenin qaarkood,su,aalaha qosolka lehna naga daayaan.

    Waxaa ayaan daro ah in dadka soomaliyeed inta badani goorta ay dooda iyo qoraalka baran-doonaan,waxaa kasii daran in dhibaatooyinka soo socda ee laga baqaayo in fidmo kale soomaliya ka dhex dhacdo ay-tahey kitaabada hoosta lagu wato ee la aqoon waxa ku qoran ee hadii la naqdiyo afka lagu goosanayo, iyo waliba hanjabaada sida, diintaad ka baxdey,fidmo ayaad wadaa,qoladee aaminsan-tahey..iwm. Waa nasiib daro ee goormaanu b....!!.
    Martanf <Martanf>
    - Sunday, April 28, 2002 at 09:44:51 (CDT)
  5. Jawaab: Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
    Walaal Abdullahi;
    Arrinka aad sheegtay ee ah (Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka, iyo daliilka caddaynaya ee quraanka iyo xaddiiska ah), waxaan kuugu jawaabayaa sidan:
    1. Horta waa in aad ogaato, waxa culumada saynisku sheegeen waa in dhulku qorraxda ku wareego, ee qorraxdu dhulka kuma wareegto, maxaa yeelay dhulku wuxuu raacsanyahay qorraxda qorraxduse dhulka ma raacsana.

    2. Culumada diinta islaamku waxay dheheen Kitaabka Quraanka iyo Xaddiiska nabigeenni NNKHA, ma aha kutubo cilmi saynis ee waa kutubo diimeed, sidaa darteed way diideen in aayadaha iyo axaadiista loo fasiro saynis ahaan.

    3. Waxaa jira qaar culumada ka mid ah oo diinta sida sayniska u fasira, laakiin way yaryihiin sida Tafsiirka Jawhari Tantaawi qoray, ee ka midka ah kuwa loo yaqaan (at-tafsiir al-cilmi).

    Gabagabadii, culumadu ma ogola in quraanka iyo xaddiiska sidi saynis loo fasiro, laakiin haddii sayniska iyo quraanka ama xadiisku iswaafaqaan, waa alle mahaddiis, waxayna caddaynaysaa in diinkeennu sax yahay 100% xag saynis iyo xag diimeed dhankii laga eegaba.

    Marka walaal sidaa ula soco, anigu ka mid maahi dadka jecel in ay aayad kasta ama xadiis kasta ku fasiraan sayniska iyo cilmiga cusub ee la ikhtiraacay, maxaa yeelay quraanka iyo xaddiisku waa diin ee maaha saynis.

    Ufiirso, saynisku waa cilmi caqliga lagula soo baxay, diinkuna waa cilmi hibo ah oo xag alle ka soo degay ee aqoonteenna iyo caqligeenna midna kuma aanan helin.

    Tan kale, Cilmiga qof kasta oo ku dadaala ayaa baran kara oo haleeli kara, laakiin diinka waxyi baa lagu helaa, wuxuuna ku soo degaa dad gaar ah oo loo yaqaan (Rasuullo ama Nabiyaal).

    Marka u fiirso, waxyaabo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa u dhexeeya diinka iyo cilmiga.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, April 28, 2002 at 09:13:37 (CDT)
  6. Su'aal: Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
    Asalaama calaykum. Ma ii sharxi kartaa sida qoraxdu ugu wareegto dhulka. daliil ayado iyo axaadiis, very important. thanks
    Abdullahi <hassanad@aol.com>
    - Friday, April 26, 2002 at 07:54:00 (CDT)
  7. Jawaab: Kabaha musqusha lagu gelayo ma lagu tukan karaa haddii la masaxo?
    Walaal, maantay aniga iyo labadii Dr. ee aan kuu sheegay shalay oo kala ahaa Dr. Sayyid Hamid (Ph.D al-Azhar) Takhasus (Tafsir iyo Xadis), iyo Dr. Abdalla al-Shami (from Yaman) (Ph.D Manchester UK - Sharicah), ayaa ka wada munaaqashoonnay arrinka ah kabaha lagu tukanayo waxaana culumadaasi sheegeen oo aan aniguna ku raacay, in aanay bannaanayn in kabo qoyan oo musqul lala galay lagu tukado, ama hala masaxo ama yaanan la masaxin dushooda taasi wax micne ah samayn mayso, maxaa yeelay kabuhu waa najaas haddii musqul qoyan ama meelo wasakh ah lala galo oo ay wali qoyanyihiin.

    Waxaa jira marar kabaha lagu tukan karo oo xadiiska lagu xusay in nabigu uu asaxaabta ku yiri kolkii ay salaaddii ka baxeen "maxaad kabaha u siibateen, kolkaas bay dhaheen, adiga oo siibay baan kuu jeednay oo waan kugu dayanay, wuxuu yiri; jibriil baa ii waxyooday oo najaaso bay lahaayeen kuwaygu sidaas baanna u siibay.."

    Ujeeddadu waa in xaddiiskaasi sheegayo in nabigu banneeyay kabaha in lagu tukado, waxayse culumadu dhaheen waa haddii duur la joogo oo aanay kabuhuna najaaso lahayn.

    Sidoo kale waxay dheheen kabaha waxaa lagu tukan karaa haddii qofku uu u niyoodo sida (khufka) oo ayna qoobka qarinayaan buuxinayaanna shuruudihii (khufka), haddii ay nijaasoobaanna waa in la siibo oo lama ogola in lagu tukado.

    Intaas baan kugu kordhinayaa, wallaahu aclamu...
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, April 28, 2002 at 08:52:12 (CDT)
  8. Su'aal: Kabaha musqusha lagu gelayo ma lagu tukan karaa haddii la masaxo?
    Walaalkeygii qaaliga ahaayo waad kumahadsantahay sida sharafta leh oo aad nooga soo jawaabtay su'aashanadii ku saabsaneyd (MASAAFADA).

    WALAAL WAXAAN KALOO DANEYNAYAA IN AAN IDIN WAYDIINO SU`AASHAN AH, HADII QOF KABIHII UU KU SOCDAY INTA UU SUULIGA LAGALO HADANA UU DUSHOODA MASAXO MISNA UU KU TUKADO MAXAY KAQABTAA DIINTA ISLAAMKA SU`AASHAN OO KALE?
    Osman hassan <osman43224>
    - Sunday, April 28, 2002 at 08:49:02 (CDT)
  9. Salaan iyo Su'aal: waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
    2garre waa lagu salaamay. Inkastoo aan degganahay Denmark haddana waxaa magacaagu isoo gaaray 1997 anigoo jooga Malaysia. Walaalkey (Xasan Darmaan) ayaad meesha joogi jirteen. Calaa ayi xaal, waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA iyo haddaad qortay kuwo kale oo iyana ku saabsan diinta Islaamka, gaar ahaan caqiiddooyinka iyo madaahibta cusub ee indhoweydba kusoo biirayey dhaqanka iyo wacdiga diimeed ee Soomaalida.

    Ujeeddadu waxay tahay anigoo sameynaya filin dokumentari ah oo ku saabsan arrintaas. Sidoo kale waxaan u baahanay meel aan si toos ah kaala soo xiriiro haddaan wareysi kula yeelanayo. nabadgelyo walaalkaa,
    Cabdirisaaq Y. Cismaan DENMARK
    Abdirazak Osman <zaksom>
    - Thursday, April 25, 2002 at 05:24:32 (CDT)
  10. Jawaab: Maxa uu u sameeyey benladen waxaas fool xumada ah?
    Samsam slaan ka dib;
    Walaal ninkan bin Ladan la yiraahdo wuxuu ahaa nin ay sameeyeen oo tababareen Maraykanka iyo dowladda Sacuudiga, ayaga ayuu u shaqayn jiray, laakiin kolkii uu dhamaaday dagaalkii shuuciga ee Afqanistaan kadib ayaa sacuudiga iyo maraykanku dooneen in ay ka takhalusaan ninkaas iyo ragiisa, maxaa yeelay dantii laga lahaa waa laga gaaray, waxayna ahayd in lagu jebsho shuuciga.

    Ibn Ladan iyo saaxiibadiisna way ogaayeen arrinkaas oo waxay isku deyayeen in ay dowlad ka samaystaan Afqanistaan, si ay uga hortagaan sacuudiga iyo maraykanka oo ah madaxdoodii hore haddase ay ka furteen. Dagaalkuna sababahaas iyo qaar kale ayuu ku yimid ee Islaamku shaqo kuma lahayn waxaas oo dhan, ee way ku gabbanayaan. Sidaa darteed fal kasta oo argagixis ah wuxuu ku salaysanyahay dano gaar ah ee umad iyo diin toona u adeegi maayo. Khayr baan kuu rejaynayaa.

    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Sunday, April 28, 2002 at 08:45:50 (CDT)
  11. Su'aal: Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumadabadan in america?
    Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumadabadan in america?
    samsam <abowe@blu.it>
    - Sunday, April 21, 2002 at 13:39:19 (CDT)
  12. Jawaab: Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
    Walaal salaan kabacdi, haddii aan kaaga jawaabo arrinka "Masaafada", horta masaafo waxaa laga wadaa fogaanta qofku salaadda ku gaabin karo oo ay culumadu ku xadeeyeen 89 ama 90 km.

    Tan labaad haddii aan u soo laabanno caadada soomaalida ee ah in gabadha reerkeeda lagala baxsado oo lagala fogaado, dabadeedna wadaad loo gaysto oo sidaa lagu mehersado ayada oo ka raalli ah, waxay ku salaysan tahay dhowr arrimood.

    1. Masaafada noocaan ah iskama timaado ee sababo ayaa keena, sida waalidka oo diida guurka, ama waalidkii oo aanan joogin laakiin tolkii gabadhu diidaan ama xataa asbaabo kale oo ay ka mid yihiin in hooyada ama qaraabada kale ee gabadhu aanay cidda wiilka jeclayn, sababahaas iwm ayaa keena la baxsashada gabdhaha, kolka waa in aan eegno sababahaas, ma kuwo sharci ah baa mise waa qaar aanan sharci ahayn?

    Tusaale ahaan, xaq ma u leedahay hooyadu in ay diiddo gabadha meherkeeda sharci ahaan? Ma bannaantahay in tolka gabadhu diidaan meherkeeda? ma bannaantahay in xataa aabbaha laftiisu diido gabadha meherkeeda asiga oo cuskan sababo aanan sharci ahayn? Waxyaabahaas oo dhan baa loo baahanyahay in la eego haddii la doonayo in la xalliyo mushkiladda masaafada.

    2. Mararka qaar siiba waayihii hore, sheekha wax mehrinaya ayaa ka fogaa meesha reerka gabadhu degganyihiin, tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in gabadha reerkeedu degganaayeen magaalo aanan sheekhba joogin, dabadeedna ay aadday magaalo kale oo halkaas wiil ku mehersatay nin ay malaha halkaas ku ballameen ama ayba is raaceen, marka midda jaadkan ah waxaa kuu muuqata in ay xoogoo ka duwantahay tan aan horey u sheegay, tan ayaana ah masaafadii runta ahayd ee soomaalidii hore.

    Warkii oo kooban, si kastaba ha ahaatee, haddii ay wiilka iyo gabadhu isku mehersadaan sida soomaalidu caadada ka dhigaytay ee Masaafada loo yaqaan meherkoodu waa sax kolka loo eego shareecada Islaamka, maxaa yeelay shuruudihiisii way soo buuxsheen. Laakiin waxaa lagayaabaa in la yiraahdo way dambaabeen oo xeeladda ay sameeyeen ee ah in waliga (aabbaha ama qofkii hadba wali u ah gabadha) laga dhuunto oo xaqiisa laga duudsado taas way ku dambaabayaan baa la orankaraa, laakiin caqdiga meherkoodu waa sax.

    Wadaaddada qaar ayaa waxay ku andacoodeen, meherku sax ma aha, maxaa yeelay "wali" gabadhu malahayn, meherkuna wali la'aan ma ansaxayo sida xaddiiska lagu sheegay! Run ahaantii kuwa sidan leh si fiican uma fahmsana masaafada, masaafadu maaha in gabadha la mehrinayo "wali" la'aan, wali way leedahay oo sheekha ayaa wali u noqonaya, maadaama aanan waligeedii joogin ama uu masaafo jiro, marka meherku shuruudihiisii wuu buuxsaday, hadduu shuruudihiisii buuxsadayna sidaas buu ku saxanyahay.

    Su'aal kale waxay tahay, maanata casrigan la joogo, ma suurta galbaa in masaafo la aado, maxaa yeelay taleefan baa lagula xiriiri karaa aabbihii gabadha, oo la waydiin karaa ra'yigiisa ama waliga qofkuu doono ha ahaadee. Jawaabtu waa in aanan taleefan waxba lagu qaban karin, maxaa yeelay lama yaqaan qofka jawaabaya cid uu yahay, waxaa laga yaabaa in uusan waligii saxda ahaa ahayn, sidaa darteed arrinka masaafadu wali sidii uu horeyba u ahaa ayuu haddana ahaan doonaa, xukunkiisuna waa sidiisii hore, taleefanka iyo email iwm waxba ka bedeli mayaan.
    Wallaahu acalam.
    Dr. Hersi <hersi@2garre.com>
    - Saturday, April 20, 2002 at 01:07:46 (CDT)
  13. Su'aal: Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
    Maxey diinta isaamka ah ka qabtaa masaaffada?
    osman <osman43224>
    - Wednesday, April 17, 2002 at 09:32:04 (CDT)
  14. Jawaab: Waxaan doonayaa in aan kaa faa'iidaysto..
    Walaal, waad mahadsantahay, waxaad igala soo xiriiri kartaa emailkan: hersi@2garre.com .
    Dr. Hersi <http://>
    - Tuesday, April 02, 2002 at 00:57:37 (CST)
  15. Su'aal: Waxaan doonayaa in aan kaa faa'iidaysto..
    Walaalle waxaan doonayaa inaan kaafaidasto ee soo kuula soo xariiraa fadlan MY E-mail is kahin79
    yusuf <http://>
    - Saturday, March 30, 2002 at 22:37:08 (CST)
  16. Figrad: boggan 2garre.com qaybihiisa diinta..
    Asalaamu Calaykum,
    Salaantaa sharafta leh ee kor ku xusan ka dib, waxaan jecelahay inaan fikradayda ka dhiibto halkan taasoo ku wajahan boggan 2garre.com qaybihiisa diinta. Marka hore qof walba wixii uu camal falo ayuu ilaahay ka abaal siiyaa weliba dadka qofkaa wax ka qaatana ama ha noqoto mid ficil ama mid qowlba khayr iyo sharba iyana waa laga abaal mariyaa. Hadaba Hirsi waxaan waydiin lahaa boggan ma waxaad uugu tala gashay inaad somali wax uugu tarto mise inaad wax ku yeesho? Jawaabta adigaan kaa sugayaa.

    Waxa fiican qofku inuu wixii uu wax ka yaqaano inuu ka hadlo maaha inuu bad iyo waxaanu waxba ka aqoonin inuu dhex galo waayo waxyeeladiiisa ayaa ka badan wax tarkiisa. Hadaba Dr. Hirsi waxaa kula gudboon inaad iskaga hadho waxyaabaha la xidhiidha Diinta weli waxyaabaha Fataawiga ah waayo sida la wada ogsoonyahay Fatwada waxa iska leh dadka culimo aw diinta ah ama ehel u ah Fatwada, waayo waxa laga yaabaa in dhibaatooyin badani kaa gaadhaan Aduun iyo aakhiraba. Rasuulkeenii wuxuu yidhi (NNKH):"Kiina idiinku defgdeg badan Fatwada ayaa Naartana idiinku degdeg badan". Macnuhu wuu Cadyay.Waxyaabahaan ka akhriyay Boggan Qof walboo muslim ahiba wuu ka naxayaa. Dr. hirsi waa iga talo waayo Rasuulku waxuu yidhi(NNKH):"Diintu waa Nasteexo". Bal ka soo fikir Dr. hadii aad doonaysid arin intaa kasii faahfaahsan waxaad igala soo xidhiidhaa. emailkan biixi99
    biixi <http://>
    - Saturday, March 30, 2002 at 11:36:29 (CST)
  17. Jawaab: iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!
    Asalaamu Calaykum,
    Friday, January 18, 2002 7:48 PM
    Dr. Yuusuf;
    Salaanta Rabbigeen kabacdi, walaal waad ku mahadsantahay su'aasha wanaagsan ee aad isoo waydiisay, jawaabtana waan kuu soo koobayaa. Midda hore, horta anigu horey baan u sheegay in aanan koox gaar ah raacsanayn, oo aan kooxaha mid walba ceeb ku arkay, ceebtaas awgeedna aan uga cararay, laakiin taas macnaheedu maaha in aan kooxaha wada diidanahay, maxaa yeelay koox kasta waxay leedahay xasanaad iyo khaladaad, marka xigmaddu waxay ku jirtaa in aan wixii culumada kooxahaas aasaasay ay keeneen ee wanaag ahaa qaadano, wixii xumaan ahaa ee ay keeneen ama kuwa raacsani ku dareen mad-habta kadib markii shiikhii keenay dhintay sida akhwaanka, waxaa wanaagsan in laga fogaado oo laga dhowrsado.

    Tusaale ahaan, Kooxda akhwaanka waxaa aasaasay sheekh caan ahaa oo dadka dhan ka markhaati ahaayeen wanaaggiisa iyo caqiido toosnaantiisa, laakiin mad-habtiisii ama xarakadiisii waa la marin habaowshay oo waxyaabo badan oo uusan sheekhii ogayn baa lagu soo khalday.

    Marka haddii Ilaahay, waynaayee, uu cumriga ii dheereeyo, inshaa allaahu dhammaan buug ayaan ku soo koobi doonaa kooxahaas mid kastana waxa ay ku toosantahay iyo waxa ay ku khaldantahay ayaan si caddaalad ah u soo bandhigi doonaa aniga oo kaashanaya usuusha islaamka ee ah Kitaabka iyo Sunnada Sugan iyo culumada Islaamka warkooda.

    Tan labaad ee aad iga waydiisay qolyaha qubuurta caabuda, waxaan u malaynayaa in aad jawaabtooda garanayo. Islaamku ma ogola in la caabudo wax aanan Ilaahay ama rabbigeen ahayn. Waxaasi wixii ay doonaan ha ahaadeen, ama dad ha ahaadeen ama dhagax ha ahaadeen ama mid nool ama mid dhintay dhammaan waa isku mid, lamana ogola in la caabudo, quraanka bayna ku caddahay taasi oo aayado ciiddaas la eg baa lagu sheegay arrinkan.

    Kolka haddii aad taas igu raacsantahay, oo aad ogtahay in aanan la caabudi karin cid aanan Ebbe wayne ahayn, markaas waxaa kuu caddaanaysa in ninkii qabri ama qof ama dhagax iwm caabuda in uu shirki falay, waana ogahay in wahhaabiyadu sidan leedahay, oo waan isku raacsannahay arrinkan, laakiin waxaan isku khilaafsannahay macnaha "Cibaadada" iyo "Caabudidda", marka taas u fiirso wallaal, waxaan dhahay "Cibaado" ama "Caabudid" ee ma dhihin "Ixtiraamid" ama "Xushmayn" iwm.

    Tan kale, ee ah ayamaa fadli badan ma wahhaabiyada mise kuwa qubuuraha caabudaya, waa su'aal ayaduna meesha ku jirta, anigu sidaan horeyba kuugu sheegay, qolo kasta wanaag iyo xumaan bay leedahay, sababaha keenay in qolo kasta xumaan ku darato wanaaggeedana halkan kuma falaanqayn karo dhammaantood oo qoraal dheer bay u baahanaysaa.

    Waxaan rejaynayaa in aan kaaga jawaabay su'aalahaagii, mar labaadna waad mahadsantahay, wixii munaaqasho ah ama figrad ahna waad igu soo kordhin kartaa ama iisoo diri kartaa.
  18. Suaal: iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!
    Dear Dr Graka!
    waan aqriyey fikradaada inta badan ma ihi nin aqoon dheer u leh diinta islaamka mana ihi nin caamo ah sidaad arkeyso waxaan ahay dhaqtar teeda kale quraanka iyo luqada afcarabiga waan ku fiicnahay oo waan garan tafsiirka! marka walaal firqooyin badan baad usoo jeedisey dhaliil kuna tilamaantey gaalo, somaliaya waxaa joogay kuwo ladheho xer oo siyaarta daka dhintay ka duceysta awliyo kamse hadlin horta adigu ma xer baad tahay? aniguse waxaan u arkaa inkuwaase ay kasii habow sanyahiin tabliiqa iyo alwahaabiya ee iga jaahil bixi? dr yusuf
    Dr Yusuf Ismail Essa <http://xerta>
    - Thursday, January 17, 2002 at 10:24:52 (CST)
  19. Mahadnaq:
    salaamu calaykum ilaahay hakaa abaal mariyo waaa markii ugu horaysay aan arko website kan qiimaha leh wax suaal ah maqabo laakin waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha lagu soo waydiiyay inkastoo meelaha qaar aanan kuugu raacsanayn si kastaba ha ahaatee waxaan kuu rajaynayaa in sii wadi doontid dadaalkan qiimaha badan leh jazaakal alaah qayran
    c/qaadir <ibnulmucallim>
    - Tuesday, April 30, 2002 at 07:34:45 (CDT)
    Next Page.. < < < < Laabo
Tusmada Su'aalaha iyo Jawaabaha Boggan
  1. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  2. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  3. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  4. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  5. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  6. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  7. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  8. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!

  9. Kooxaysigu Islaamka dhib mooyee dheef u soo jiidi maayo!
  10. Aad baad ugu mahadsantahay qoraallada qiimaha badan..
  11. waxay ila tahey in aad looga gardaran yahey Dr.Hersi..
  12. Sida qorraxdu ugu wareegto dhulka..
  13. waxaan aad u xiiseynayaa buuggaagii ku saabsanaa AKHWAANKA..
  14. Maxa uu u sameeyey ben laden waxaas fool xumada ah?
  15. Islaamku muxuu ka qabaa "Masaafada"?
  16. iga jaahil bixi xerta xabaalaha siyaarta!
  17. Yaa baxshay magaca wahhaabiyo?
  18. Waa la yaab in nin asigiiba been sheegaya qof ku waansho been ha sheegin!
  19. waxaad inoo sheegtay sheeko qosol leh..
  20. ahlusunnah wal jamaa'ah..!
  21. Sow maahin dad ay culumo waashay!
  22. Aqoondarro waa iftiin la'aan!
  23. Ilaah baa ku qancin kara..!
  24. waxaan kaa rabay in aad noo sheegto adigana kooxdee tahay!

  25. waxaa wanaagsan in laga hadlo wixii cilmi ah
  26. Midnimada Muslimiinta..
  27. saxaabada nabiga allaha ka raalli noqdee iyo culumadii hore ee salafku bani'aadam bay ahaayeen<..
  28. Islam is not a violent Religion
  29. Kareemka laysku caddeeyo ma la isku qurxin karaa??
  30. Haweenay caado qabta quraan ma akhrin kartaa?
  31. Diintu maxay ka qabtaa in la is masawiro?
  32. Diintu ma sidi qabyaalad baa?!
  33. Maxay tahay (Nashuusho)?
  34. Timaha ma la madoobaysan karaa?
  35. waxaan ku qancay sida wanaagsan oo aad uga jawaabtay suaalaha..

  36. Wiil i jecel oo aanan anigu jeclayn ayaa la ii guuriyay ee maxaan sameeyaa?
  37. Munaaqasho ku saabsan Kooxaha Lunsan..
  38. Ragga Islaamka ayaa lagu yaqaan..
  39. Digniin ku socota Muslimiinta Soomaalida ah oo dhan
  40. Maxaa u dhexeeya kooxaha al-itihad iyo al-islah?
  41. muran kama taagna nimankan lunsan ee ikhwaanka iyo wahabiyadaba oo waa la wada og yahay
  42. Salafiyo Maxaa laga wadaa?

  43. Sujuudda Tilaawadu maxay tahay?
  44. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u fasiraya..
  45. sheekh sideen hooyaday ugu ducayn karaa?
  46. Maxaa ku jaban tacliinta diimeed ee Soomaaliya?

  47. Labada Khudbo ee Jimcada af aan Carabi ahayn ma lagu akhrin karaa?
  48. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  49. Sheekhow Kooxahan Ittixaadka iyo Ikhwaanka iyo Taxriirku sow muslimiin maaha?
  50. Qof Muslim ah gaal mala dhihi karaa?
  51. Sheekhow iisoo ducee...
  52. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  53. Guurka qarsoodiga ah ma dambi baa?
  54. Nafta "insurance" ama caymis mala gelin karaa?
  55. Taabashada aan ula kaca ahayn waysada ma burrisaa?
  56. Maxaa lagu fasiri karaa haddii "mar kastood qof aragto ama aad magaciisa maqasho aad naxdo"?
  57. Ma laga shaqayn karaa Super Market?
  58. Cilmu Salaf maxaa looga jeedaa?
  59. Thanks for your wonderful and tireless effort Dr. Hersi
  60. Qof Muslim ah Maraykanka ma siin karaa Mucaawino?
  61. Shiikhoow mid inkaaran oo "Umul" layirahdo ayaa dadkii waalay ee maxaad ka dhihi lahayd?
  62. Wahhaabiyadu waxay ku murantaa in aanan naagtaadu waysada kaa jebin!
  63. Haweenayda caadada qabta masjidka ma ku nagaan kartaa, Quraankase ma qaadi kartaa oo ma akhrin kartaa?
  64. Haddii ninku ku dhaarto in uu naagtiisa furay ma ka furmee?
  65. Aragti iyo taageero iyo bogaadin..
  66. ma haboon tahay nin aan..?
  67. Xaaskaygu waysada ma iga jebisaa?
  68. Maxaa ku dhacay qaybtii maqalka ahayd?
  69. Bogaadin:Qalbiga ayaan kaaga soo duceeyay
  70. Waxaan doonayaa in aan ku waydiiyo laba su'aalood..

  71. Jawaab:Cuntada dadka shiinaha ah ma xaaraanbaa?
  72. Jawaab: Quranka maxaan akhristaa oo ku ducaystaa?
  73. Mahadnaq iyo bogaadin
  74. Jawaab:Qabuurta in la siyaarto ma bannaantahay?
  75. Jawaab: Su'aal iyo Bogaadin, waxaa mahad leh ilaahayga idin waafaiyey
  76. Jawaab:Salaadda sidee si joogto ah u tukadaa?
  77. Bogaadin iyo Tahniyad: afkaaga caano laku qabay
  78. Qof dhintay mala baryi karaa?
  79. Meeqa firqo ayaa ka jirta soomaaliya?
  80. Sidee loo kala yaqaan dacwada xaqa ah iyo midda baadilka ah?
  81. Sidee soon lagu furi karaa ayadoon la arag bisha shawaal.?
  82. Bogaadin iyo Salaan Afsaxallaahu Lisaanaka.

  83. Waxaan sharax urabaa Shiikha weyn Ee qaadariyada
  84. Naagtu ma furmi kartaa haddii ay caado qabto?
  85. Waano ku socota Akhristayaasha: Marka hore akhriya inta aadan waydiin su'aal
  86. Soonka nadarka ah dib ma loo dhigi karaa?
  87. Maxaad istillaabka u saartay kitaabada culamada soomaliyeed qoreen
  88. Miyaanay Quraanka ku caddayn in haweenka surwaalka loo diiday?
  89. Waxaan aragnaa dad leh "wahhaabiyada ayaa diinta Islaamka keentay!!
  90. Buug Carabi ku qoran oo wahhaabiyadu qaybinayso!!
  91. Shiikh Uways Axmad yaa dilay!!
  92. Aragti: miyaanay khalad ahayn inaad qof muslim ah?!!
  93. Is Khat Haram or Halal?!
  94. Does Women/Kids (girls) allowed to wear trousers?!
  95. Haddii imaamku ragco dheeraad ah u istaago?!
  96. Maxay ka qabtaa diintu qof dumar ah oo kalkaaliso ah?!
  97. Dhambaal: Tahniyad iyo Bogaadin iyo Taageero?!
  98. Waa kuwama culumada caanka ah ee somaliyeed ee lunsan ama wahabiyada ah?!

  99. dad wahaabiyada u warantay baa yiri waa dambi..?!
  100. Mowlidka Nabiga ma u dabbaaldegi karnaa..?
  101. Xerta Digrisa iyo nabi ammaanka maxaad u aragtaan..?
  102. Axmadiyada Indiya ma gaalo baa..?
  103. waxaa jira in leeyga digay..!
  104. qofka taariku salaadka ah ma kaafir baa mise ma aha?!
  105. Indha-shareer meelaha laga shaqeeyo ma ku qaadan karaa?
  106. wax iiga sheeg xukunka qof qur'aanka bartay oo aan akhrinayn!

  107. xukunka taariku salaadka
  108. Wahhaabiyadu maxay naagaha u dhahaan nimanka gadaashood soo socda?
  109. Aqoonta iyo Caqligu ma habaabaan ee ictiqaadka ayaa habaaba!
  110. nin ayaa gabar si xarana ugu tagay..
  111. Salaan iyo Bogaadin..

  112. waxyaabaha lagu gaaloobayo..
  113. ii caddeeya in Wahhaabiyadu kuffaar yihiin iyo inkale!
  114. (Innalladiina aamanuu)=hadii lagu macneeyo kuwa xaqa aaminay, iyo kuwa aaminay maxeey is dhaamaan?
  115. Beryahan dambe waxaa aad u badatay fasiraadda diinta!
  116. waxaan jeclahay in aan ka hadlo wax yar oo..!
  117. waxyaabaha ay diinteenu ka sheegayso heesaha..!
  118. Diinta islaamku maxay ka qabtaa hadii surwaalka la dheeraysto?
  119. hadii uu qof wax ii sheegto oo uu idhaho..
  120. hadii anigoo jiifa ku riyoodo gabar..!
  121. sidee loo tukadaa salaatulaylka?
  122. malacuni karaa hilibka gaalada oo aheen..?
  123. anigoo soo wayseestay ma iska tiri karaa waysadii..?
  124. somalidu geedka ay aadka u cunto ee qaadku ma denbi baa?
  125. ururkii ka talin jirey afghanistan..
  126. waxaa lagu mormay in qofka naaska wada nuugay ..!
  127. maxa kuu dhacay dawlda somali?
  128. miyey jiraan dhar ama lebis u gaar ah..!
  129. wiil ayaa jiro oo rabo in uu ila sheekeesto..
  130. waxaan rabaa inaan is daahiriyo..!
  131. zakada dahabka laga bixiyo..
  132. waxaan ku mehersadey gabar kitaabka quraanka..!
  133. members of one of the Somali clans..
  134. Waxaan su'aal ka qabaa guurka ama Nikaaxa..
  135. WAAN KIRISHTAAMOOBAY...
  136. waxa aynu qoraanka ku aragnay gaar ahaan..
  137. waxa inta badn xadiistu sheegtaa in ragu ay suurwaalka gaabsadaan..
  138. Fariin tan waxaan ka soo dirayaa waqooyiga ameerika..!
  139. ha layska ilaaliyo dadka diinta sida khaldan u wada..
  140. qoladasi isku diin ma nihin..
  141. miyey banaan tahay in qofka muslinka ah maydkiisa..
  142. aad ayaan uga helay sida cilmiyaysan ee aad ula munaaqashootid..
  143. Waxaan ahay nin dhallinyaro ah..
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]