| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Axad, Dicember 23, 2001

Wahhaabiyada iyo Caqiidada Islaamka
Inta aanan hoos u sii gelin darsigeenna caqiidada waxaa habboon in aan akhristaha figrad gaaban ka siinno waxa loo yaqaan Wahhaabiyada Soomaalida qaarna u yaqaanniin (Ittixaadka).

Waa maxay Wahhaabiyo
Wahhaabiyadu waa koox uu aasaasay nin loo aqoon jiray Maxamad bin Cabdilwahaab, asiga ayayna ilaa maanta ku abtirsadaan oo waxaa loo yaqaan "Wahhaabiyo", Waddamada Islaamka meelo badan oo kooxdani ku fidday ayaa jira tusaale ahaan Sudan waxaa looga yaqaan "Ansaar assunnah" Masarna sidoo kale, India, Pakistan, Bariga Fog ee Asia, waxaa looga yaqaan "Wahhaabiyo", Suuriya iyo Jordan iyo Falastiinna waxaa looga yaqaan "Salafiyo", Soomaaliya, iyo Khaliijka meelo ka mid ahna waxaa looga yaqaan "al-Itixad al-Islami".

Maxammad bin Cabdilwahhab wuxuu dhashay sanadku kolkii uu ahaa 1115H/1703M, wuxuuna ku dhashay tuulo yar oo loo yaqaan "al-cuyaynah" oo ku taalla saxaraha "Najid" ee dalkaasi Sacuudiga Carabta. Waxyar kadib kolkii uu qaan gaaray wuxuu u safray Makko iyo Madiina, asiga oo cilmi doon ah, kolkii uu Makka tegay wuxuu arkay in culumada halkaas joogta ay Shaaficiyo ahaayeen, taasina waxay ku khasabtay in uu u wereego xagga iyo Maddiina, halkaas oo uu kula kulmay dhowr wadaad oo reer Najid ah oo madhabta Xambaliga haysta, wuxuuna ka meersaday dhowr kitaab oo u badan kuwii uu qoray Ibn Taymiya.

Intaa kadib, wuxuu u safray mar labaad Ciraaq, wuxuuna tegay magaalada Basra ee ku taalla Koofurta Ciraaq, halkaas oo uu isku deyay in uu diintaka fidsho hase ahaatee, uu ku hungoobay kadib kolkii reer basra soo cayrsheen oo dhagax uga soo saareen masaajidka Basra.

Maxamad Bin Cabdilwahhaab, waxaa dhalay wadaad aad u wanaagsanaa oo ahlu sunno ahaa fiqhiga Xambaligana aad u yaqiin, sidoo kale waxaa la dhashay wadaad kale oo caan ahaa oo la dhihi jiray Sulaymaan bin cabdilwahhaab oo asiguna caalim ku ahaa mad-habta Xambaliga.

Maxamad bin Cabdilwahhaab wuxuu ku soo laabtay Najid kolkii laga soo cayrshay Basra, waxaana u suurta gashay in uu mad-habtiisa ku fidsho halkaas, kadib markii aabbihiis dhintay, walaalkiisna uu iska beri yeelay, maxaa yeelay aabbihiis iyo walaalkiis labaduba aad ayay uga soo horjeedeen mad-habtan cusub ee uu la yimid wiilkoodu.

Maxamad bin Cabdilwahhab kolkii uu arkay in aanay jirin cid qaadanaysa mad-habtiisa, ayuu aaday tuulo yar oo loo yaqiin "Dirciya" oo uu madax ka ahaa Ibn Sucuud nin la dhihi jiray oo ah ninkii ay ka soo farcameen qoyska reer boqor ee Sacuudiga maanta ka talsha.

Ibn Sacuudkaas oo tuuladaas amiir ka ahaa ayaa kolkaas maslaxo u arkay in uu wadaadkan mad-habta uu wato diin ka dhigto si uu qabaa-ilka carabta ee saxaraha Najid deggan ugu duulo baadna uga qaato asiga oo ku andacoonaya diinta saxa ah ayaan idinku hanuuninayaa.

Maxamad bin Cabdilwahhaab wuxuu dagaal ba'an la galay qabaa'ilkii carabta ee degganaa saxaraha Najid, asiga oo kaashanaya amiiradii reer ibn Sacuud, waagaasna waxaa taliska caalamka Islaamka hayay dowladda Turkiga.

Kolkii ibn Cabdilwahhaab dhintay sanadkii 1206H/1792M, waxaa dagaalkii halkaa ka sii weday wiilashiisii iyo wiilashii Ibn Sacuud. Dowladda Ingiriiska oo markaas dagaal kula jirtay Turkiga ayaa kolkaa aragtay kooxdan Wahhaabiyada iyo figradaha habawsan ee ay aaminsanyihiin kolkaas bay saaxiib ka dhigatay si ay ugu jebiso dowladdii khilaafada Cusmaaniyada ee waagaas Turkiga ka jirtay.

Wax dagaalku soo socdaba, Maxamad bin Sacuud ayaa gacanta ku dhigay dalka Sacuudiga sanadku markuu ahaa 1921kii, wuxuuna isu magacaabay Boqorka dalka Sacuudiga. Halkaas ayaana Mad-habtii Wahhaabiyadu ku noqotay diinta rasmiga ah ee Sacuudiga, kadibna waxay u gudubtay dowladaha la deriska ah Sacuudiga sida Masar iyo Soomaaliya iyo Khaliijka carabta.
(Waa socotaa..)
< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]