| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Talaado, Dccember 25, 2001

Ingiriiska iyo Kooxda Wahhabiyada
Sida la wada ogyahay, dowladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ku lahayd soo bixitaankii kooxda Wahhabiyada, qarnigii 18aad ee Miilaadiga horraantiisii, taasna waxaa ugu wacnaa Ingiriiska oo dagaal kula jiray dowladdii khilaafada Islaamka ee Turkiga ka jirtay markaas.

Intii kooxda wahhabiyadu dagaalka ka wadday Saxaraha sacuudiga, dowladda Turkigu waxay dagaal kula jirtay wadamada Yurubka ah ee doonayay in ay caalamka Islaamka qabsadaan, dagaalladaasna waxaa ka mid ahaa, dagaalkii Ruushka iyo Turkiga kaas oo ku dhamaaday Turkiga oo lagu jebshay Vienna 1683kii Miilaadiga.

Wixii ka horreeyay 1900 markii ay ahayd taariikhda Miilaadigu, kooxdan Wahhaabiyadu dagaalkii ay kaga soo horjeedeen Turkiga wax wayn oo guul ah ma keenin, sababtuna waxay ahayd ayada oo ay dowladda Turkigu ciidan uga soo diri jirtay Masar ama Makka oo markaas xukunkeeda ku hoos jiray.

Sababaha keenay dagaalka Wahhaabiyada
Inkasta oo ay badnaayeen sababihii keenay dagaalka dheer ee 100 sano in ku dhaw socday ee Wahhabiyadu la galeen Turkiga, waxaa ugu muhiimsanaa sababahaas:
1. Ayada oo Wahhabiyada Ingiriisku ku dhiirrigelshay in ay iska tuuraan xukunka Turkiga oo ay soo ceshadaan khilaafadii Carbeed.
2. Dowladda Turkiga oo dagaallo dhaadheer kula jirtay dowladihii Yurub ee doonayay in ay qabsadaan caalamka Islaamka, sida dagaalkii geeska Africa ee ay uga horjeedday dowladda Burtuqiisak iyo Xabashida oo xulafo ahaa, iyo kii Ruushka iyo iyo dagaalkii Talyaaniga ay uga horjeedday ee ka socday dhulka Liibiya iyo xeebaha Badda dhexe, dagaalladaas oo dhammaan socday intii u dhaxaysay qarnigii 16aad ilaa qarnigii 19aad.

Kooxda Wahhaabiyadu waxay aad u xoogaysteen kolkii ingiriisku taageerada fiican siiyay, waa intii ka dambaysay 1900, markay taariikhda miilaadigu ahayd. Maxamad bin Sacuud ayaa qabsaday Riyaad 1902dii, wuxuuna taageero ka haystay Ingirriska oo degganaa Kuwayt. Kadibna wuxuu qabsaday Makka iyo madiina, 1921kiina wuxuu isku magacaabay Boqorka Sacuudiga oo dhan, dowladdii ugu horreysay ee ictiraaftayna waxay ahayd Ingiriiska.

Intii ka horreysay sanadkii 1774kii Jabhadda Wahhabiyadda waxaa xukunkeeda gacanta ku hayay Maxamad Bin Cabdulwahhab, 1774kii ayuu u dhiibay Cabdil Casiis, asiguna wuxuu maamulijiray wixii intaa ka dambeeyay maxkamadaha iyo wixii diinta ku lug leh, sida ay hadda Itixaadka Soomaalidu yeelayaan.

Sidaa ayayna ku socdeen wadaaddada Sacuudigu wixii ka dambeeyay Maxamad Bin Cabdulwahhab, waxaa howshaas qabtay wiilkiisa Cabdullaahi (1751M/856H), wadaadkan wuxuu la soo shaqeeyay 3 amiir oo reer aala Sacuud ah oo kala ah, Cabdul Casiis, Sacuud iyo Cabdullaahi. Kadibna waxaa howshaas la wareegay Sheekh Cabdullaahi bin Xasan (1779-1868kii), kaas oo la soo shaqeeyay lix ka mid ah amiiradii aala Sacuud kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cabdul casiis bin Maxamad, Sacuud al-Kabiir ibn Cabdul Casiis, Cabdullaahi bin Sacuud, Turki bin Cabdullaahi iyo Faysal bin Turki.

Marka sida kuu muuqata mad-habta wahhabiyadu waxay ahayd jabhad xukun u dirir ah ee ma ahayn koox diin fidinaysa, laakiin diinta way ku gabbanayayeen ilaa iyo maantana sidii bay ku socdaan, oo waxay dadka ugu been sheegijireen, diintii saxda ahayd baan dadka ugu yeeraynaa!
(Waa socotaa..)
< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]