AHLUSUNNAH WAL_JAMA'AH
|| Fatwa / Fatwada || Sects / Firqooyinka || Books / Buugta|| Links / Xiriirin||
Dooro Midabka aad Rabto

Radio Stations
  • M.C.R.Australia
  • BBC Somali
    [1800] [1100]
  • BBC Arabic
  • BBC English
  • Focus of Africa
  • Al alif
    Loox iyo Dugsilow

    Join Our Mailing List
    Your email address:
    Pick a password:
    Reenter password:
    Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
    No Yes
    To unsubscribe enter your subscription email address here:

    List Archives

    AKHBAARTA AHLUSUNNADA

    TACSI: SHEEKH RABIIC ALLAHA U NAXARIISTO

    Salaan kadib, waxaan tacsi u direenaa allaha u naxariistee Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf shiikha weyn ee na wada dhafay, samir iyo iimaan somaalida oo dhan allaha naga wada siiyo.
    Tacsi waxaa dirayo dhamaan inta ku abtirsata "Ahlusuna waljamaac" ee Somali ah, gaar ahaan dariiqada qaadiriyada, qaasatan reer "Shiikh C/raxman Shiikh Cumar" oo fadhigoodu yahay degmada Warshiikh iyo Muqdisho.
    Waxaan tacsida u diraynaa dhamaan culimada, masha'iqda, axbaabta, iyo ahelki uu ka geeriyooday Shiikhu, innaa lillaahi wa innaa ileehi raajicuun, samir iyo iimaan Alle ha innaga siiyo shiikha, walaayada badali lahaydna Ilaah hala garab galo howsha adag.

    Culumo Ahlu Sunnah Waljamaa'ah
    Muqdishu iyo Shabeellada Dhexe

    Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf
    Naxariistiisa Eebbe ha ka waraabsho
    Waxaa Xalay ku Geeriyooday Dariiqada Qararo Shiikh Maxamed Rabiic (Allah ha u naxariistee).
    (Qararo)23-09-05 Waxaa soo gaadhaya Xaruta Widhwidh Online, Dad badan oo u tacsiyadaynaya eheladii iyo qaraabadii iyo xertii uu ka geeryooday ilahay ha u naxariistee Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf.

    Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf oo si wayn looga yaqaanay dibada iyo dalka gudihiisaba ayaa xalay ku geeriyooday Tuulada Qararo Qudbiga Abba Yoosin. Shiikhan oo da'adiisa lagu sheegay 96 jir ayaa baryihii u danbeeyey ahaa nin bukaan ah, shiikh Maxamed Rabiic waxa uu soo gaaray magaalada Yagoori oo uu rasmi ahaan u dagana 1949 markaa soo isaga iyo 12 nin ay soo gaadheen deegaanka Nugaal. Shiikhan waxa uu ahaa shiikha xerta rabiiciyada oo hoos tagta qaadiriyada.

    Meelaha sida wayn looga dareemay geerida sheekha
    Shiikh Maxamed Rabiic oo xalay ku geeryooday tuulada "Kirir Qudbiga Abba Yoosin" ayaa si wayn looga dareemay geeridiisa dhulal badan oo soomalidu dagto gaar ahaan degamada Nugaal ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga dareemay geerida shiikha.

    Magaalooyinka Garoowe Xudun iyo Laascaanod ayaa dareemaysay wufuud badan oo ka socda dariiqooyinka ay xerta rabiiciyadu ku leeyihiin dhulalkaas oo ku soo qul qulaya xaruunti xertaas ee magaalada Yagoori.

    Aaska Sheekha Rabiiciyada
    Iyado ay dad badani ka qayb galayaan aaska Shiikh Maxamed Rabiic shiikh yuusuf oo ifka kaga tagay ubad gaaraya 160 oo isugu jiray wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen, waxaan waraysi kala yeelanay arimaha Shiikh Maxamed Rabiic wariye Cismaan Cabdi Nuur Xaashi oo sanadkii 1993 isagu waraysi layeeshay shiikhaas isago markas ku sugnaa magaaladda Yagoori.

    Waraysi hadda ka hor lala yeeshay shiikha
    Cismaan c/nuur xaashi oo ahaa wariyihii ugu horeeyey uguna danbeeyey oo waraysi layeeshay shiikhaas waxa uu ka qaaday 1993kii waraysi aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu ku so qoray wargays waagaas ka so bixi jiray magaalo madaxda Gobolka sool ee laascaanood oo la oranjiray wargayska nugaal.

    suaaluhuu waydiiyey waxaa kamid ahaa: Cidda dhaxli doonta jagada hogaaminta xerta rabiiciyada ah.
    waxa uu ku jawaabay: inuu dhaxlidoono shiikh Xiis oo dhalasho ahaan ka soo jeeday deegaanka buuhodle ninkaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin hogaaminkara xerta rabiiciyada marka loo eego aqoonta uu uleeyahay diinta islaamka iyo waayo aragnimadiisa, laakiin ninkaas oo shiikhu carabaabay waxa uu geeriyooday shiikha hortii.

    Suaal kale oo cismaan shiikha waydiiyey ayaa waxay ahayd: halka ay ka keenen timaha dhaadheer ee xertaasi caanka ku tahay.
    waxa uu shiikhu ku jawaabay: waxay ka midyihiin 7da sunno ee aannu kaga dayanay Nabiyulaahi Ibraahiim ee ay kamid yihiin: ilkaha oo lacadayo, timaha kilkilooyinka oo la rifo, timaha oo lalabaxo, waxana shiikhu sheegay in ay xertiisu aysan ula bixin timaha sidii uu damacsana.

    Sheekh Rabiic Allaha u Naxariisto
    Alaha u naxariiste, Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf oo waayadii u danbeeyey la sheegay inuu ahaa aroos, ayaa warar hoose sheegayaan inuu damacsaanaa shiikhu inuu ka dhigto xaruunta xeeta.

    Ugudanbaynitti Shiikh Maxamed Rabiic Shiikh Yuusuf Waxaa uu ahaa nin Taariikhda galay oo xiliyada Soosocda laga sii sheekayn doono.
    Khadar Maxamed Xaashi
    Widhwidh Online

    Sheikh Maxamed Rabiic oo Geeriyooday

    Alle Ha u Naxariistee waxa Geeriyooday Sheikh Maxamed Rabiic Sheekh Yusuf Sheekh Cabdi oo ahaa wadaad Caan ka ahaa Umadda Somaliyeed oo Fadhigiisu ahaa Gobolka Sool, Sheikhu Maalintii Khamiistii ayuu ku Geeriyooday Meel lagu Magacaabo Qudbada Sheikh Abdu-yoonis oo u Dhow Wadaamo Gooye oo u Dhaxaysa Burco iyo Caynabo.

    Sheikha oo Goobtaasi lagu aasay waxa Geeridiisa Noo Xaqiijiyay Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB ee Somaliland Maxamed Ismail Bulale, oo uu Sodog u ahaa Sheekhu.

    Mr Bulaale oo markii aanu la Xidhiidhnay Joogay Berbera ayaa noo Sheegay in uu Sheekhu ku Dhashay Meel la Yidhaa BARDAXLE oo u Dhow Magaaladda Dhagax Buur ee Kililka Shanaad ee Ethiopia Sanadii 19 21 halkaana uu ku Bartay Diinta Islamka.

    Waxa uu Sheegay Mr Bulaale in Sheikha uu wax Baray Sheikh La odhan Jiray Sheekh Maxamed Khaliifa Sheikh ahmed Nuur, Mr Bulaale waxa uu intaasi ku daray in Fidinta Diinta Islamka uu Bilaabay Sheikh Sanadii 1984kii, isagoo Sheikhu ka Bilaabay Xarumaha Diimeed ee Xerta Somalidu u taqaano (Timaweynta) xarumahaasi oo Aakhirkii Gaadhay 711 Xarumood.

    Mr Bulaale waxa uu Sheegay Dadka uu waxbaray Sheekhaasi in ay Gaadhayaan hal Million oo qof Mr bulaale waxa uu Sheegay in Taranta uu Sheekhasi ka Tagay ay Gaadhayso 313.

    Abdiaziz A Musa
    Hargeisa


    | Yahoo! News Search |Yahoo! Yellow Pages | [Yahoo! Quotes] |Contact Us Webmaster - All rights reserved]