| Education | Downloads| Links|
Radio Channels
  1. BBC Somali
    [1800] [1100]
  2. BBC Arabic
  3. BBC English
  4. Focus of Africa

Join Our Mailing List
Your email address:
Pick a password:
Reenter password:
Would you like to receive list mail batched in a daily digest?
No Yes


Somali translators
Looking for qualified Somali translators? English, Arabic, Somali and Other languages! contact the editor.

Somali Related Sites
[OAU] - [IGAD] - [WOYAA] [AMNESTY] - [IRIN] - [UN] - [Dj]

Baro Diinta Islaamka
[Ask Question - Waydii Su'aal][Akhri Suaalo iyo Jawaabo]

W.Q: Dr. Hersi Labagarre
Taariikh: Khamiis, December 27, 2001

Caqiidada Wahhabiyada
2. Towxiidka Rubuubiyada
Sida aan horey u soo sheegnay, Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhaab waxay asal caqiidada islaamka uga dhigeen waxa ay ku tilmaameen "Towxiid al-Uluuhiyah" ama "Towxiid al-Cibaadah", waxayna uga jeedaan "in Ilaahey kaliya xaggiisa cibaadada loola jeesto", cibaadana waxay uga jeedaan "falkasta oo Ilaah jecelyahay kana raalliyahay".

Waxaa kale oo ay intaa ku dareen "Ilaahay sababta aan u caabudayno waa Ilaahnimadiisa ee ma aha Rabbinimadiisa", waxaa kale oo ay dheheen "Rabbi ummadaha oo dhan baa ictiraafsan gaal iyo muslimba! laakiin Ilaah wax rumaysan waa yaryihiin! Kufaartii Quraysh xataa Rabbi waa rumaysnaayeen sida ay Ibn Taymiyah iyo Ibn Cabdulwahhab kutubtooda ku caddeeyeen".

Haddaba su'aasha layswaydiiyay waxay tahay, "maxaan caabudnaa, ma Ilaaha mise Rabbi?" maadaama aad dhahdeen wahhaabiyay "Rabbi" iyo "Ilaah" waa kala labo? Jawaabta Ibn Cabdulwahhaab iyo Ibn Taymiya iyo atbaacdoodu waa gaabantahay waxayna dheheen "Cibaadada Ilaah baa mutaystay, maxaa yeelay waa Ilaah".

Maxaa Eebbe loo caabudaa?
Kolka haddii mad-habta wahhabiyada la raaco, "Rabbi" meesha waxba kuma leh, adduunka uun buu abuuray, laakiin asiga lama caabudo sida ay aaminsanyihiin. Laakiin haddaan quraanka u laabanno waxaan arkaynaa in Ilaahay aayado badan ku yiri, "Aniguna Rabbigiin ayaan ahay ee i caabuda"Al-Anbiya:92, Ahlusunnada mad-habtoodu waa in la caabudo Ilaahay ama Rabbi, ayagu kala saari mayaan labadaas eray "Ilaah iyo Rabbi" waa isugu mid, wuxuuna Ilaah ama Rabbi cibaadada ku mutaystay in uu uunka abuuray oo Irsaaqay sida quraanka lagu sheegay, sida "Ilaahay waa rabbigayga iyo rabbigiinna ee caabuda" Aala Cimraan:51. Sidoo kale eeg Al-ancaam:102, Yunus:3, Maryam:36, Az-zukhruf:64, dhammaan aayadahaas waxay si cad isugu xireen Ilaahay rabbinimadiisa iyo cibaadada, kolka halkaas waxaa ka cad in Rabbi cibaadada rabbinimadiisa ku mutaystay, iyo in sababta loo caabudayo ay tahay in uu rabbigeen yahay, in uu uunka abuuray, in uu yahay Ilaaha kaliya ee aanan shirkada lahayn.

Ilaah iyo Rabbi maxay kala yihiin?
Halkaas marka waxaa ka cad in wahhabiyadu laba walxaataba ku qaldanyihiin:
1. In ay ku khaldanyihiin qaybinta ay u kala qaybinayaan erayada (Rabbi iyo Ilaah), maxaa yeelay quraanku labadaba wuu adeegsaday wax u dhexeeya oo gaar ahna ma sheegin, waana isku ujeeddo guud ahaan, maxaayeelay Ilaahu waa kan uumay aduunka oo aanan shirkada lahayn sida quraanka lagu sheegay, Rabbiguna sidoo kale, waa Rabbiga adduunka uumay ee aanan shirkada lahayn. Marka halkaas waxaa kaaga cad in Rabbigu Ilaah yahay, Ilaahuna Rabbi yahay, oo labada eray isma-hurto yihiin (Mutalaasim).

2. Arrinka labaad ee ay ku khaldanyihiin wahhaabiyadu waa in ay kolkii ay kala saareen Rabbi iyo Ilaah ay cibaadadii Ilaah kaliya gaar uga dhigeen! Subxaana laahi, xaggee ka soo maqleen mad-habtan cajiibka ah, cid hortood tiri waxan ma jirto oo culumada Islaamka ka mid ahayd.

Waxaa intaas ka sii daran, sida ay cibaadada u tacriifsheen, waxay dheheen cibaadadu waa "dhammaan falalka Ilaahay jecelyahay kana raalli yahay!", kolka haddii aan magac-bixintan cibaadada ku eegno mad-habtooda towxiidka, waxaa halkaa ka dhalanaya in falalka wanaagsan oo dhan cibaado yihiin, cibaado oo dhanna Ilaah kaliya loola jeesto, kolka haddii aad fal wanaagsan qof dartiis u samayso, tusaale ahaan, haddii aad nin aad ixtiraamayso dartiis aad fal wanaagsan u samayso, shirki baad ku dhacday sida wahhaabiyadu aaminsantahay, maxaa yeelay falka wanaagsan oo sida ay ayagu u arkaan cibaado ah ayaad nin dartiis u samaysay!.

Maxaa wahhaabiyadu ummadda u kufrisaa?
Sababta keentay in ay wahhaabiyadu dadka oo dhan, intii aanan mad-habtooda raacin, waxa ay dhahaanna dhihin diinta uga saaraan oo shirkiga iyo kufriga ugu tuuraan waa taas, maxaa yeelay cibaadadii iyo towxiidkii bay si khalad ah u fasireen, haddii aad qof ixtiraamto oo aad dartiis wanaag u fasho waxay leeyihiin qofkaas baad caabudday oo kaafir baad tahay, taas ayaana keentay in ay kooxdaas dadka ka tirsan badankoodu ahaadaan dad aanan dadka ixtiraamin, bal u fiirso, arki maysid qof wahhaabiyo ah oo dadka ixtiraamaya, sababtuna waa caqiidada khaldan ee ay haystaan.

(Waa socotaa..)
< < < < Laabo

How to Unsubscribe from our list

To unsubscribe from 2garre or change your subscription, (set options like digest and delivery modes, get a reminder of your password), enter your subscription email address here:


Add to Somali Links
Your Name:
News Link:
Insert your news here!

To Check Click here

English-Somali Vocabulary
Quizzes to Help You Learn Somali and Review Vocabulary. This is a part of The Internet TESL Journal's [Foreign Language Vocabulary Quizzes]
Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]