| Education | Downloads| Links|

Ibn Taymiyo Ilaah miyaa mise waa Nabi?!
Qaar dhallinyarada boggan akhrisata ka mid ah ayaa wax iga waydiiyay Ibn Taymiyah ayaga oo u arka in uu yahay qof aanan wax laga sheegi karin oo macsuum ah oo aan khaldami karin, macnaha sida aan hadalkooda ka fahmay, waxayba u haystaan in uu Ilaah yahay ama nabiyay ama malak aan khaldamayn yahay, ciddii wax ka sheegtana oo sida culumada kale loo naqdinayo u naqdisa waxay u arkaan in uu yahay nin kufriyay oo naarta galay oo Islaamnimada ka baxay!!

Bal hade aan eegnee, Ibn Taymiya ma Ilaah baa? mise waa Nabi Macsuum ah? mise waa malak ma'muur ah?! haddii uusan intaas ahayn, muxuu yahay? ma bina aadan khaldami kara oo sahwin kara baa? su'aalahaas ayaan doonayaa in aan halkan kaga jawaabo, si aan uga jaahilbaxsho dhallinyaradaas arrimahaas aan soo sheegay, una tuso in Ibn Taymiyah uu qof caadi ah oo bani aadam ah yahay, oo uu khaldami karo, oo uusan macsuum ahayn.

Kolka haddii taasi caddaato oo aan intaas isku waafaqno, ayaan markaa ogaanaynaa in uusan (naqdiga cilmiga ah ka baxsanayn) sida culumada kaleba yihiin.

Magaca Ibn Taymiyah
Magaciisa waxaa la yiraahdaa: Taqiyuddin Abul Cabbaas Axmad bin Cabdilxaliim Ibn Taymiyah al-Xarraani, wuxuu ku dhashay magaalo yar oo la yiraahdo Xarraan oo Ciraaq ku taalla sanadku markuu ahaa 1263kii Miilaadiga ama 661kii Hijriyada, wixii faahfaahin ah ee intaa dheer fadlan halkan riix.

Yaa macsuum ah oo aan khaldami karin?
Culumadu waxay isku raaceen oo ijmaac ah in aaney khaldami karin saddex qolo:
1. Ilaahay: waynaayee, wuu ka nasahanyahay khaladka iyo hafyada iyo beenta iyo wixii xumaan ah oo dhan, sidaa darteed, wixii xaggiisa ka yimaada waa xaq aan caadsaarrayn, taasna laguma muransana muslimiintuna way isku raacsanyihiin. Una malayn maayo in taasi daliil u baahantahay, marka halkaas ayaan taa gaka gudbaynaa.

2. Malaa'ikta Ilaahay: Sida quraanka lagu sheegay waa amranyihiin, Ilaahayna ma caasiyaan, wixii la faro ayayna falaan, sidaa darteed ma khaldamayaan mana gafayaan (suuradda at-taxriim: aayadda 6aad). Marka halkaa waxaa ayaduna inooga cad in aanan malaa'iktu khaldamayn oo ay macsuum yihiin.

3. Nabiyada iyo rasuulyada Ilaahay: sida jumhuurka culumadu qabaan ayaguna waa macsuum oo ma khaldamayaan, waxaa kaliya ee laysku khilaafay, dambiyada yaryar ma ka macsuum baa mise kuwa waawayn uun baa laga reebay? Sikastaba ha ahaatee, waxaa laysku raacay in aanay marnaba been sheegayn, oo wixii ay xag allah ka keenayn ay xaq yihiin, ayna waajib tahay in laga qaato oo la aamino lana raaco warkooda.

Awliyada iyo Imaamyadu Macsuum miyaa?
Intaa waxii aan ahayn la iskuma raacin, muslimiintu way isku khilaaftay, Shiicadu waxay tiri Imaamyadu waa macsuum, Ahlusunnaduna way ku diideen, sidoo kale suufiyada qaarkood ayaa buunbuunshay mashaa'iikhdooda oo sheegtay in ay gaybka ogyihiin oo aanay gafayn ama macsuum yihiin iwm, ayagana waa lagu diiday maxaa yeelay daliil cad looma hayo.

Asaxaabta nabigu macsuum miyaa?
Culumada Islaamka cid tiri asaxaabta nabigeennu waa macsuum ma jirto, dhammaantood waxay aaminsanyihiin oo isku raaceen in asaxaabtu yihiin bani aadan khaldami kara, laakiin waxay culumadu isku raaceen in aanan asaxaabta nabigu been sheegayn oo ay cuduul (Caadil) yihiin.

Culumada Muslimiintu macsuum miyaa?
Qof yiri muslimiinta culumadu waa macsuum ma jiro, ijmaaca muslimiinta ahaah sidaas. Way jiraan qaar kooxaha ka mid ah oo ku magacaabay wadaadda qaar ay la dhacsanyihiin magacyo waawayn sida (Skeekhul Islaam)! sida wahhaabiyadu yeeshay, oo ay ku magacaabeen ibn Taymiyah (Sheekhul Islaam) ama ay ku magacaabeen Maxamad bin cabdulwahhaab (Shaykhul Islaam)! laakiin taasi waxba macne ah ma samaynayso, maxaa yeelay sidaa macsuum ku noqon maayaan, naqdigana ugama baxsanayaan.

Intaa haddii ay inoo caddaatay, oo aan isku raacnay, kolka waxaan usoo daadegaynaa xaalka Ibn Taymiyah. Ibn Taymiyah sida aan meelo kale ku sheegayba wuxuu ahaa wadaad aad u afdheer oo isla wayni iyo xukun jacayl iyo madaxtinimo jacayl waalay, hadalkaas waxaa yiriad-dahabi oo warqad naseexo ah u qoray ibn taymiyyah warqaddaas oo carabi ku qoran English-na ku turjuman halkan kala soo deg.

ad-Dahabi wuxuu ahaa dhallinyaradii markii hore la dhacday Ibn Taymiyyah, laakiin kolkii uu cilmiga bartay oo uu garaadsaday ayuu ogaaday in wadaadku habawsanyahay, kolkaas buu waanshay, wuxuuna yiri, caqligiisa iyo cilmigiisa cilmigiisa ayaa badan, macnaha ibn taymiya sidi nin waalan oo aan caqli lahayn buu ahaa, laakiin culuum badan xafidsan, wuxuuna yiri waxaa ugu wacan asiga oo ku waashay madaxnimada mashaa'iikhda muslimiinta, wuxuu jeclaan jiray in uu culumada oo dhan madax u noqdo! hadalkaas waa hadalkii ad-dahabi yiri, ee hadalkayga maaha.

Marka halkaas waxaa kaaga cad in wadaadkaas madaxnimo jacayl waalay, taas ayaana kuu caddaynaysa sababta loogu magacaabay (Shaykul Islaam!) oo macnaheedu yahay sheekhii Islaamka oo dhan!!

Ibn Taymiyyah iyo Culumadii Casrigiisa noolayd
Horey ayaan u sheegnay in Ibn Taymiyyah uu khilaafay culumadii casrigiisa noolayd oo dhan, taasina waxay keentay in culumadii afarta mad-habadood ay ka shiraan ee ay kufri ku xukumaan, dabadeedna la xiray oo uu xabsiga ku dhintay.

Sababta kufriga loogu xukumay waxay ahayd asiga oo sheegay waxyaabo khilaafsan caqiidada Islaamka oo ilaa maanta aan ka heli karno kutubtiisa, sida:
1. Wuxuu ku andacooday in Ilaahay uu Jiho leeyahay, culumaduna way diideen taas oo Imaam daxaawi ayaa caqiidada daxaawiyada ku caddeeyay in aanan Ilaahay jihooyinku koobayn, si aad ula soo degto caqiidadii imaam ad-Daxaawi oo soomaali ku turjuman halkan riix.

2. Ibn Taymiyyah wuxuu ku andacooday in Ilaahay waynaayee uu dhaqdhaqaaqayo oo uu soo degayo oo uu sida ay dadku u soo degaan usoo degayo oo uu dhulka imaanayo dabadeedna kor u fuulayo samada! culumada Islaamkuna waxay dhammaan Isku raacsanyihiin in uu gaal yahay qofkii Ilaahay ku tilmaama waxyaabahaas, si aad arrinkaas faahfaahintiisa u aragto la soo deg kitaabka sharx al-caqiidah as-sunniyah iyo Kitaabka as-Salafiyyah al-Wahhaabiyah bayna mu'ayiddiihaa wa muntaqidiihaa.

3. Ibn Taymiyah wuxuu akhriyay falsafaddii Ibn Rushud iyo tii aristo iyo falsafihii Giriigga iyo qaar kale, kadibna wuu fahmi waayay oo wuu ku wareeray, dabadeedna wuxuu ka qaatay figrado habowsan kolkaas buu yiri: Caalamka asalkiisu waa qadiim, waxaan ku arkay qoraalkiisa haamishka kitaabka Ibn Rushud ee la yiraahdo Fasl al-maqaal, aniga ayaa indhahayga ku akhriyay, Ibn Rushud waa nin falsafadda ku talaxtegay oo faylasuuf wayn ah, ibn taymiya asiga oo aanan xeeladaha falsafadda aqoon ayuu ku dayday raggaas, kolkaas buu wuxuu doonay in uu sharxo kitaabkaas aan sheegay, haamishka kitaabkaas, kolkii uu ku yimid meel uu ibn Rushud ku sharxaayao asalka caalamka iyo in uu qadiimyahay iyo masaa'ilka jowharka caalamka iyo ajzaa'diisa iwm oo ah dhammaan masaa'il aad u adag, ayuu ibn taymiyah yiri "taasi diidi mayso in noociisu qadiim yahay!!) weedhaas ayaa culumadu u cuskadeen in ibn taymiyyah aaminsanyahay in nooca caalamku qadiim yahay! waxayna ku xukumeen kaafirnimo qofkii sidaa yiraahda.

Sidoo kale, ibn Taymiyyah wuxuu ku khalkhalay kitaab yar oo uu kaga hadlayay carshiga, oo loo yaqaan kitaab al-carsh, kitaabkaas wuxuu asiga ibn taymiyyah ku yiri: carshiga noociisu waa qadiim! Muslimiinta oo dhan waxay isku raacsanyihiin in aanan wax qadiim ah oo soo jireen ah oo Ilaah wayne ahayn aanay jirin, ibn Taymiyyah iyo wahhaabiyada iyo falaasifada ayaa khilaafay muslimiinta ijmaacooda.

4. Ibn Taymiyyah wuxuu aaminsanyahay in naartu dhammaanayso, oo dadka naarta ku jira aanay naarta ku waarayn taasina quraanka ayay beeninaysaa, quraanku wuxuu caddeeyay in aanay gaaladu naarta ka bixi doonin waligood oo ay ku waari doonaan, sidaa darteed, culumadu waxay isku raacsanyihiin ninkii quraanka beensha in uu gaal yahay.

Masaa'ilkaas iyo qaar kale oo badan oo shareecada ka mid ah sida masaa'ilka nikaaxa iyo siyaarada nabiga iyo qaar kale oo badan ayaa ibn taymiyah ku khaldamay, culumadii casrigiisa noolayd ayaa reddisay oo hadalkiisii burrisay oo kulligood isku raacay in ninkaas warkiisu kufri yahay, qaarna bidco yahay.

Wahhaabiyada maanta joogta ninkaas bay ka qalin daarataa, kolkii wahhaabiyadu xoogaysatay oo ay qabsadeen jasiiradda carabta iyo Xijaas ayay kutubtii ninkaas oo duugantay oo waa hore laga tegay soo fageen oo daabaceen oo magaca (Sheekhul Islaam) ula baxeen, oo adduunka oo dhan dicaayad xoog leh ugu sameeyeen.

Ibn Taymiyyah wahhaabiyada kahor hadalkiisu muctabar maahayn, taa daaye, wuxuu ku jiray mubtadicada la kufriyay sida qadariyada iyo mujasimada iyo baadiniyada iwm ee habaabay.

Dicaayadda wahhaabiyada iyo lacagta batroolka sacuudiga ayaa ka dhigtay sheekhul islaam!! Maantana waa kaa carruurteennii waxay u malaynayaan in uuba Nabi yahay oo uusan khaldami karayn illeen xaalkiisa lama socdaane!

Waa dhibaato inteeda la eg, dhallinyarada u malaynaya in ibn Taymiyah macsuum yahay, ama u malaynaya in uu Nabi yahay, ama u malaynaya in uu salafkii ka mid yahay, ama u malaynaya in uu asaxaabtii ka mid yahay, waxaan leennahay ibn taymiyah xaalkiisu waa sida aan soo sheegnay.

Hadaba ma bannaantahay in khaladaadka qofkii khaldama la sheego? Mise waaba waajib in khaladka la sheego, siiba haddii uu ku lugleeyahay amuuraha diinka? gabar ayaa nabiga nnk u timid kolkaas bay u sheegtay in saddex nin soo dooneen, kolkaas buu u kala sheegay saddexdoodii ninkasta waxa uu ku wanaagsanyahay iyo waxa uu ku xunyahay, taa daaye, wuxuu u tilmaamay in ay mid gaar ah oo saddaxdooda ka mid ah guursato.

Marka walaalayaal, haddii nabigeennu nnk uu uga digay gabadhaa nimanka xun ee u tilmaamay midka fiican, maxaad u malaynaysaan arrinka diinka Islaamka, miyaanay waajib ahayn in laga digo culuma isku sheegga beenta iyo barabagaandhaha ku samaysatay magacyada waawayn si ay u khaldaan umadda!

Dagaalka Gaalada (Maraykanka) iyo Muslimiinta maanta!
Qaar baa waxay intaa ku andacoonayaan, maanta muslim iyo gaalo ayaa laysu haystaa! ee ma goor muslimiintu isqabqabsato ayaa la joogaa?

Jawaabtaydu waa: Waxaasi waa hadalkii wahhaabiyada, waxay doonayaan in ay muslimiinta ku indha saabaan si aan fadeexadooda iyo xaalkooda loo ogaan, bal aan iswaydiinnee yaa Gaalada keenay caalamka Islaamka, yaa soo horkacay? yaa siiyay lacagta ay ku socdaan iyo batroolka ay ku duulayaan? yaa u soo jaajuusay caalamka islaamka oo dhan? Miyaanay wahhabiyada ahayn kuwii afqaanistaan keenay maraykanka? miyaanan Bin Laadan ahayn jaajuus Maraykanka u adeega oo Sacuudi soo diray?

Miyaananey wahhaabiyadu gacan saar la lahayn Maraykanka? qoyska sacuudiga xukuma oo wahhaabiyada madaxda u ah miyaanuu ahayn qoyskii ku taageeray Bush in uu xukunka maraykanka qabsado sida ay caddeeyeen gaalada laftoodu.

Maad akhrisaan kutubta? Intaa kadib, miyaanay wahhaabiyadu ahayn kuwii fidnada ka dhalshay masar iyo Jazaa'ir iyo tuunis iyo Suudaan iyo Soomaaliya iyo Afqaanistaan iyo Suuriya iyo Indooniisiya iyo dunida oo dhan? Lasoo deg baxthi aan arrinkaas ka qoray oo lagu fidshay kitaabka dacwada ee jaamicadda Islaamka Malaysia.

Miyaanay wahhaabiyadu ahayn kuwii inoo horseeday masiibada maanta inaga haysata dunida ee muslimiinta oo dhan takoorta ka dhigtay? ee cabbaarta ku dhejisay ee Islaamka magaciisa dhiigga ku quustay? Wahhaabiyadu miyaanay ahayn kuwa adduunka meel kasta fasahaadda ka kacshay ayaga oo adeegsanaya lacagta sacuudiga ee naagaha ku fuulaya wadamada Yurub iyo maraykanka iyo Filipiin iyo Indoniisa iyo Thailand hoteellada ku yaalla! ayaga oo wada qamiis gaaban oo gadh joqof ah leh oo kabo dacas ah sita?

Sumcad xumada ay dadkaasi Islaamka u soo jiideen ayaa ka daran dhibaatada ay muslimiinta u gaysteen, ninkasta oo caaqil ah oo garsoor ah wuu garanayaa hadalkaas aan sheegayo, wuuna igu raacsanyahay, laakiin koox ilaahay indhaha ka xiray oo muqalidiin ahoo mutacasibiin ah oo fidno ah oo jaahilnimo iyo macangagnimo isku dartay oo aad u yar ayaan wax fahmayn!

Soomaalida iyo Wahhaabiyada
Soomaalidu asalkeeduba waxay u badantahay dad caamo ah oo aanan Islaamka aqoon dheer u lahayn, kuwa ugu fiican quraanka ayay xoogoo ka meersadaan, shareecadana wax yar, taariikhda iyo fikirka muslimiinta waxba kama yaqaanaan badankoodu, caqiidada iyo cilmiga firqooyinka iskaba daa.

Intaa waxaa u dheer soomaalida in ay tahay bulsho war badan oo baawsiga iyo kutiri kuteenku ku badanyihiin. waxaa taas ula jirta in ay yihiin dad aan badanaa wax akhrin oo in ay hadlaan jecel ama sheekeeyaan, taas ayaana jaahilnimada ugu wacan, xataa waxaan arkay qaar jaamicado ka soo qaatay PhD oo suuqa ka sheekaynaya oo aan cilmibaarista waxba ka garanayn.

Waxaa intaa ula jirta xataa kuwa wax bartay wax ma qoraan, arki maysid nin caalim ah oo soomaali ah oo culumada dunida ee asaaggiisa ah la tartamaya, ee caamada sidooda oo kale ayuu maanta oo dhan qabiilqabiil ka sheekaynayaa!

Dhibaatooyinkaas ayaa keenay in si fudud loo duufsado bulshada soomaalida koodii aan wax aqoon iyo kii wax yaqaan intaba, maxaa yeelay qofku haddii uusan fikirayn oo maskaxda ka shaqaysiinayn, oo hadalka dhiraandhirinayn oo meel ku qorayn, oo culumada warkooda isu eegayn oo tarjiixinayn, caamada waxba ma dhaamo.

Sidaa darteed, wahhaabiyadu si fudud ayay soomaalida u duufsatay, ummadaha kale arki maysid ummad la mid ah soomaalida, maxaa yeelay culumo ayay lahaayeen, culumadoodii ayay waydiiyeen kolkii ay arkeen wahhaabiyada markaas ayaa culumadaas u faahfaahisay oo u caddeeyeen xaalka kooxdaas lunsan.

Haah, way jirtaa in culumada qaar la laaluushay, way jiraan culumo ku sheeg aayadaha Ilaahay ku iibsanaya Riyaalaad yar oo been u sheegaya dadkooda una horseedaya dariiqa habaowsan sida quraanka loogu caddeeyay.

Soomaalidu waa ahlusunno
Soomaalida badankeedu waa umad ahlusunno ah oo muslim ah, waxay wali haystaan caqiidadii Imaam Ashcari iyo Fiqhigii Imaam Shaafici, koox yar oo wahhaabiyada dhuuniraac u noqotay oo Riyaalka siistay caqiidadoodii mooyee, inta kale Ilaah mahaddiis waa toosanyihiin.

Qaar ka mid ah waxay isaga tukadaan masaajidda wahhaabiyada, taas mushkilad malaha maadaama aadan aqoon qofka dadka tujinaya wax uu yahay, laakiin haddii ay kuu caddaato in uu wahhaabi yahay oo uu aaminsanyahay caqiidada fasahaadsan ee wahhaabiyada ee aan soo caddaynay in aad ku daba tukato ma bannaana, salaaddaaduna waa qalle, mana ansaxayso.

Sidaa darteed, caamada soomaalida waa in ay diinka bartaan oo caqiidadooda saxdaan oo ka feejignaadaan fasahaadda dadkaas diinkooda Riyaalka ku iibsanaya. Waxaa jira qaar u shaqeeya oo intaa meelaha ordaya oo lacag ay siiso wahhaabiyada sacuudigu sida aan dhammaanteen wada ognahay, kuwaas diin malaha, waa kuffaar, dadka ugu yeeraya jahannamo ee halaga digtoonaado.

Mad-habtee dadka ugu yeeraynaa?
Annagu mad-hab gaar ah dadka ugu yeeri mayno, madhab cusubna ma wadno, waxaan ugu yeeraynaa dadka in ay caqiidadoodii asalka ahayd u soo laabtaan, oo dariiqii ahlusunnada ku dhegeen, (wahhaabiyadu waxay isku magacawday Ikhwaan, kadibna Muwaxidiin, kadibna Salafiyiin, Kadibna Ahlusunno) dhammaan waa magacyo been ah oo ay doonayaan in ay dadka ku khaldaan ee halaga feejignaado.

Dadka ay culumada ku sheegaan, waxay u bixiyaan magacyo waawayn oo muqadas ka dhigaya ama macsuum ka dhigaya si aan hadalkooda looga munaaqashoon, sida (Sheekhul Islaam Ibn Taymiyah!) ama (Imaam Maxamad bin Cabdulwahhaab!) ama (al-Callaama ibn Baaz) ama (al-Callaama al-Albaani) iwm, dadkaasna waxaan ognahay in aanay waxba ahayn, dhammaandood waa mubtadico culumadu kufrisay ama bidcaysay.

Al-Baani culumada Jordan iyo Suuriya iyo Shaam oo dhan joogta waxay isku raaceen in hadalkiisu hadalkii Yahuudda yahay, kolkii uu yiri falastiin waxaa ku waajib ah in ay ka soo baxaan dhulka falastiin oo Yahuudda uga soo tagaan dhulkaas, oo baytul muqadas siiyaan yahuudda!!

Sidee qof noocaas ah muslim ku noqonayaa, Ilaahayna wuxuu yiri: Ninkii ayaga tala saarta ayaga ayuu ka mid yahay (Yahuudda iyo Nasaarada)? Ibn Baaz xaalkiisa waan wada ognahay, wuxuu ahaa Maraykan, wuxuu u shaqayn jiray dowladda sacuudiga iyo midda maraykanka, fatwada Maraykanku rabo kaliya ayuu bixin jiray, muslimiintu wixii ay ku xoogaysanayaan wuu u diidi jiryay oo waa xaaraan buu dhihi jiray, marka akhristow bal ii sheeg waxa uu yahay?

Ibn Cabdul wahaabka ay Imaamka ku sheegayaan waxaa kufriyay oo bidci in uu yahay caddeeyay culumadii casrigiisa noolayd, kutubtiisa ayaana bidcadaas ka buuxdaa oo maantaba meel kasta wahhaabiyadu ku qaybinayaan, kitaabkiisa aniga ayaa turjumaye i waydii, dhammaantiis waa khuraafaad aan Islaamka asal ku lahayn.

Aaway marka culumada iyo Imaamyada iyo shiikhyaalka aad sheegaysaan? ma waxaan raacnaa Asaxaabta iyo taabiciinta iyo salafka saalaxa ah iyo culumada ahlusunnada ah ee lagu kalsoon yahay, mise afar wahhaabiyo ah oo magacyo been ah la baxay ee dicaayad iyo barabagaandho dunida ku qabsaday ayaga oo kaashanaya lacagta betroolka Sacuudiga iyo Maraykanka iyo Ingiriiska?

Dariiqa ahlu sunnada sidee loo bartaa?
Waxaan rejaynayaa in aan u soo xulo aqristayaasha walaalaheen ah dhowr kitaab oo ay ka baran karaan Islaamka siiba waxyaabaha lama huraanka ah, buugtaas oo afsoomaali iyo carabi intaba ah, sidaa darteed, waxaan ku waaninayaan soomaalida in aanay akhrin kitaab aanay kasayn, oo aanay kala tashan qof ay ku kalsoonyihiin aqoontiisa iyo caqiidadiisa iyo akhlaaqdiisa iyo khibraddiisa.

Haddii aad kitaab aragto ama soomaali ha ahaado ama carabi ama ingiriis fadlan ina soo ogaysii si aan kuula talino, sidoo kale cajalad ama raadiye ama qolalka internetka ama Pal-Talk kuwa loo yaqaan, qaar badan oo waxaan arkay meelahaas ka hadlaya oo aanan la garanayn derejooyinkooda cilmiga ah, marka qofkii waxbaan kuu akhrinayaa ku yiraahda waydii (walaal horta aad wax ina bartid ma xumee, adigu xageed wax ka soo baratay? maxaadse soo baratay?).

Allaahuma Ballaqtu
Intaa kadib, maanta waxaan leeyahay kol haddii aan xaqi iyo baadilkii kala saaray, allaahuma ballaqtu, allow ma caddeeyay xaalka wahhaabiyada iyo xaalka mushabihada iyo mujasimada maanta joogta! Hadaba qofkii maanta kadib yiraahda anigu wahhaabiyada xaalkooda lama socon ama ma ogayn ama salafiyo ayaan u malaynayay ama sunno ayaan u malaynayay xujo Ilaahay agtiisa kuma laha, Naarta in Ilaahay ku cadaabo ayuuna mudanyahay, maxaa yeelay asiga ayaa iskiis isu lunshay.

Hadaba waxaan uga digayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo intii Islaam ah ee warkaygu kaaro xaalka kooxdaas fallaagada ah, waa in uu qof walba eego xaalkiisa iyo xaalka caqiidadiisa iyo Islaamkiisa, madax adayg waxba tari maayo, Ilaahay ayaa qiyaamaha qof kasta xisaabinaya, aniga waajib wuu iga dhacay, maalinta qiyaamaha Ilahay hortiisa ayaan la tegayaa inta aan hadda halkan ka leeyahay, Ilaahay mahaddiis waxaan rejaynayaa in aan Intaas ku mutaysto jannadiisa, maxaa yeelay waa waajib in Munkarka la nahyo, oo bidcada la reddiyo, oo kufriga iyo shirkiga laga digo, oo munaafaqa xaalkiisa ka kashifo, waana intaas waxa aan halkan ka sheegayno.

Wa billaahi atowfiiq wal-hidaayah
. Sh. Dr. Hersi Aw. Mohamed Labagarre

Copyright 1998 - All rights reserved.
Contact Us
[Yahoo! News Search
Yahoo! Yellow Pages
[Yahoo! Quotes]
Contact Us
Webmaster - All rights reserved]